Maxkamad ciidan oo dil ku xukuntay askari nin rayida u dilay shan kun oo shilin Soomaali ah

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Qarax ka dhacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo

    Qarax bambaano ah ayaa lala beegsaday kaniisad ku taalla bariga dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

    Wararka qaar waxay sheegayaan in ugu yaraan shan qof ay ku dhinteen weerarka halka shan iyo toban kalena ay ku dhaawacmeen.

    Milateriga ayaa ku eedeeyay kooxda fallaagada ah ee ADF inay ka dambeysay weerarka kuwasoo sheegtay sanadkii 2019-kii inay taabacsan tahay kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ah.

    Afahayeen u hadlay militeriga ayaa weerarka ku tilmaamay mid argagixiso.

  2. Somaliland oo war kasoo saartay xaaladda Laascaanood

    Maalmihi u danbeeyey waxaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool gaaray wefdi ka socda xukuumadda Somaliland, kuwaas oo halkaa u joogay xal u helidda rabshadihii muddooyinkii u danbeeyey ka dhacay gobolkaas.

    Rabshadahaas oo ay ku dhinteen dad, kaddib markii ay dadku ka gadoodeen sida ay sheegeen dilal soo noqnoqday oo magaaladaaas ka dhacayey muddooyinkii danbe.

    Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Suleymaan Cali Koore oo warbaahinta la wadaagay warsaxafadeedkii ay soo saareen ayaa sheegay in Somaliland ay taageereyso wahadallada nabadda si loo soo afjaro xiisadda Laascaanood.

    Qoraalka Codka, Xaaladda Laascaanood
  3. Ugu yaraan 64 qof oo ku dhimatay diyaaraddii ku burburtay Nepal

    Howlaha samatabixinta ee ka socda goobta ay diyaaradda ku burburtay

    Xigashada Sawirka, Empics

    Qoraalka sawirka, Howlaha samatabixinta ee ka socda goobta ay diyaaradda ku burburtay

    Waxaa la xaqiijiyay in ugu yaraan 64 qof ay ku dhinteen diyaaradda, sida ay sheegeen booliska.

    Warar aan la xaqiijin ayaa sheegay in dad dhaawacoodu aad u daran yahay oo shilka ka badbaaday loo qaaday isbitaallada.

    Diyaaradda Yeti Airlines ayaa kasoo duushay magaalada Kathmandu, waxay ku wajahneyd magaalada dalxiiska ah ee Pokhara.

    Ra’iisul Wasaaraha Nepal , Kamal Dahal ayaa shir deg deg ah isugu yeeray golahiisa wasiirada isla markaana ugu baaqay hay’adaha dowladda inay ka qeyb qaataan howlaha gurmadka ah ee ka socdo goobta ay ku burburtay diyaaradda, waxaana la sameeyay guddi gaar ah oo baara waxa sababay shilka.

    Dadka ku dhintay shilkan 53 waxay kasoo jeedaan Nepal, shan waxay u dhasheen Hidiya, Afar waa Ruush halka 2 qofna ay u dhasheen Kuuriya, sidoo kale diyaaradda burburtay waxaa saarnaa muwaadiniin kale oo kasoo jeeday Ireland, Australia, Argentina iyo Faransiiska.

    Shilalka diyaaradaha kuma cusbo dalka Nepal, waxaana sabab u ah dhabbaha diyaaradaha ku orddaan oo garoomada ka fog iyo hawada oo xumaata.

    Bishii May ee sanadkii hore ayay aheyd markii diyaarad ay ku burburaty degmada Mustang ee isla Nepal, waxaana shilkaas ku dhintay 22 qof.

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  4. Maxkamad Ciidan oo dil ku xukuntay askari nin rayida u dilay shan kun oo shilin Soomaali ah

    Marxuunka la dilay Abuubakar sheekh Maxamed

    Xigashada Sawirka, Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir

    Qoraalka sawirka, Marxuunka la dilay Abuubakar sheekh Maxamed

    Maxkamadda Ciidamada ee Soomaaliya ayaa dil toogasho ah ku xukuntay askari lagu magacaabo Qaasim Ducaale Cabdi oo ka tirsanaa ciidanka ilaallada deegaanka Xamar oo talaadadii la soo dhaafay nin rayida ku dilay degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho.

    Maxkamadda ayaa ku heshay Qaasim inuu si bareer ah u dilay muwaadin la oran jiray Abuubakar Maxamed Nuuraani oo mehrad yar ku haystay suuqa Xamar Weyne.

    Dad goobjoog ahaa ayaa sheegay in marxuumka loo dilay shan kun oo shilin Soomaali ah oo canshuur ahaan looga rabay.

    Arintan ayaa dhalisay caro balaaran oo dadka deegaanku ku dalabanayeen in cadaaladda la mariyo askariga sida bareerka ah u dilay Abuubakar Nuurani, waxana ugu dambeyn maanta maxkamadda ciidamadu xukun dil ah ku riday askarigii dilkaasi gaystay talaadadii la soo dhaafay.

  5. Madaxweynaha Mareykanka xaalad deg deg ah kusoo rogay gobolka Carlifonia

    Fataahadaha saameeyay Carlifonia
    Qoraalka sawirka, Fataahadaha saameeyay Carlifonia

    Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhaawaqay in xaalad deg deg ah la geliyay gobolka California.

    Wuxuu amar ku bixiyay in gargaar la gaarsiiyo gobolka iyadoo duufaan xooggan ay ku dhufatay halkaas.

    Ku dhawaad ​​shan iyo labaatan milyan oo qof oo ku nool gobolkan ayaa waxaa saameeyay daadad iyadoo duufaanta ay ku wajahan tahay dhinaca koonfurta.

    Maamulka ayaa sheegay in fatahaado ay saameeyeen gobolka, ilaa sodon kun oo qof ayaa lagu amray in ay ka guuraan guryahooda gaar ahaan dhulka xeebaha ah ee dhaca waqooyiga iyo bartamaha California.

    Kooxaha samatabbixinta ee San Luis Obispo ayaa ku khasbanaaday inay hakiyaan howlaha raadinta wiil shan jir ah oo daadad ay qaadeen lix maalmood ka hor.

    Mowjadaha duufaannada ah iyo daadadka ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 19 qof gobolkan dhaca Pacific ilaa dabayaaqadii bishii hore.

  6. Diyaarad ku burburtay bartamaha Nepal

    Diyaaradda burburtay

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Diyaaradda burburtay

    Diyaarad ay saarnaayeen 72 qof ayaa ku burburtay meel u dhaw garoon ku yaalla bartamaha Nepal, waxaana ku dhintay 40 qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

    Diyaaradda Yeti Airlines ayaa kasoo duushay magaalada Kathmandu, waxay ku wajahneyd magaalada dalxiiska ah ee Pokhara.

    Diyaaradda ayaa burburtay xilli ay dageysay isla markaana dab ayaa qabsaday.

    Ciidamada Nepal oo gaaraya 200 ayaa qeyb ka howlaha gurmadka ah ee ka socda goobta ay diyaaradda ku burburtay ee webiga Seti.

    Muuqaal laga soo duubay goobta ayaa muujinayay qiiqo iyo uuro madow oo cirka isku shareeray.

    “Waxaan rajeyneynaa in meydad badan aan kasoo saarno goobta ay diyaaradda ku burburtay” ayuu yiri afahayeen u hadlay militeriga xilli uu la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters.

  7. Faahfaahin kasoo baxeysa qaraxii ka dhacay Buula-burde

    Waxa magaalada Muqdisho la geeyey dad badan oo dhaawacyo halis ahi ay ka soo gaadheen qaraxii ka shalay ka dhacay magaalada Buula-burde, dhaawacyadii fududaana waxa lagu dawaynayaa isbitaallada ku yaal magaaladaas.

    Shaley ayay aheyd markii labo qarax oo waaweyn ay ka dhaceen magaalada Jalalaqsi halka Buula-burde uu ka dhacay qarax qarax loo adeegsaday baabuur lagusoo rakibay walxaha qarxa.

    Qaraxaas ayaa la soo sheegayaa in siddeed qof ay ku dhinteen halka ku dhawaad toban kalena ku dhaawacmeen.

    Dhaawacaa loo samatabixyey dhanka Muqdisho iyo sida xaaladdu haatan tahay waxaa BBC-da uga warramay Dr Sakariye Cabdirashiid Cali oo ah isu duwaha wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ee degmada Buulaburde.

    Qoraalka Codka, Qaraxii ka dhacay Buula-barde
  8. Asalaamu Caleykum!

    Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo Caalamka

  9. Qaraxyo dhimasho iyo dhaawacba geystay oo ka dhacay degmada Jalalaqsi

    Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee badhtamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in labo qarax oo waaweyn laga maqlay magaalada Jalalaqsi, waxana la soo weriyay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo gaaray dadka rayidka ah iyo ciidamada dawladda.

    Qaraxaas ayaa la soo sheegayaa in siddeed qof ay ku dhinteen halka ku dhawaad toban kalena ku dhaawacmeen.

    Sida oo kale magaalada Buula-berde waxaa ka dhacay iyana qarax loo adeegsaday baabuur lagusoo rakibay walxaha qarxa, illaa hadda wax faahfaahin kama ay soo bixin qaraxan.

    Dhanka gobolka Mudug-na ciidamada Soomaaliya ay saaka galay tuulada Ceel Huur oo qiyaastii 50 km u jirta degmada Xarardheere.

    Ciidanka qabsaday Ceel Huur ayaa ku yimid wadada xeebta ee ka timaada degmada Hobyo tagtana degmada Xarardheere.

    Buula-berde

    Xigashada Sawirka, Ibrahim Aden

  10. Iran oo cambaarayn caalami ah kala kulmaysa dalalka caalamka

    .

    Xigashada Sawirka, REUTERS

    Waxaa iska soo dabadhacaysa cambaarayn caalami ah oo Iran loo soo jeedinayo kadib markii ay xukun dil ah ku fulisay Alireza Akbari oo u dhashay Britain iyo Iran, kaasoo lagu eedeeyay basaasnimo.

    Wasaaradda arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa u yeedhay ergayga Iran ee ku sugan magaalada Paris si uu u sheegaan sida ay ugu xun yihiin falkan dalkiisu geystay.

    Britain ayaa cunaqabatayn ku soo rogtay dacwad oogaha guud ee Iran; waxay sheegtay in xukuumadda Tehran ay waajib tahay in lagula xisaabtamo xadgudubyada xun xun ee ka dhanka ah xuquuqda aadanaha. Kooxda ololaha xuquuqda aadamaha ee Amnesty International, ayaa Iran ku eedaysay inay "ixtiraam yar u muujisay" guud ahaan macnaha nolosha aadanaha.

    Waxayna ku boorisay UK inay baadho eedeynta Mr Akbari ee ah in jidhdil loo geystay si uu u qirto danbigaas. (Mr Akbari – oo hore u ahaa wasiir ku xigeenkii gaashaandhigga ee Iran -- ayaa la xiray 2019.

  11. Shiinaha oo qirtay in dad badan u dhinteen Covid bishan

    Shiinaha ayaa qirtay in ay jiraan lixdan kun oo dhimasho ah oo la xidhiidha Covid-ka bil gudaheed, ka dib go'aankii degdegga ahaa ee dawladdu ay ku joojisay xeerarkii adkaa ee xakamaynayey ee masiibadaas.

    Waa markii ugu horreysay oo Beijing ay qirato baaxadda dhimashada ee uu sababay mowjadda Covid ee dalka ku dhufatay.

    Muddo toddobaadyo ah, mas'uuliyiintu waxay soo tebinayeen tiro yar oo dhimasho ah maalin kasta, kuwaas oo u muuqday kuwo aan waafaqsanayn safafka dhaadheer ee loogu jiray meelaha meydka la dhigo.

    Tiradan dhimasho ayaa la xidhiidha dadka isbitaallada la dhigay shantii toddobaad ee ka horreyeeyey Khamiistii la soo dhaafay. Inta badan dadka dhintay waxay kor u dhaafayeen da’aadda sideetanka.

  12. UK oo taangiyada dagaalka u direysa Ukraine

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Britain ayaa sheegtay in taangiyada dagaalka ay u direyso Ukraine si ay xoojiyaan dagaalka ka dhanka ah Ruushka.

    Ra’iisul Wasaaraha UK, Rishi Sunak ayaa xaqiijiyay inay Ukraine ay siinayaan taangiyada dagaalka ee nooca Challenger 2 xilli uu khadka teleefoonka ay ku wadahadleen madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, sida uu xaqiijiyay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

  13. Ruushka oo duqeymo hor leh ka geystay Ukraine

    Gantaallada Ruushka ayaa ku dhacay magaalooyinka Kyiv iyo Kharkiv, waxay burburiyeen xarumo muhiim ah.

    Weriyeyaal ku sugan caasimadda ayaa maqlay qaraxyo, saraakiisha waxay ugu baaqeen dadka deegaanka inay guryahooda joogaan.

    Guddoomiyaha gobolka Kharkiv ayaa sheegay in shaqaalaha gurmadka degdega ah ay isku dayayaan inay wax ka qabtaan xarumaha tamarta kadib markii halkaas ay ku dhaceen labo gantaal.

    Dhinaca kale, waxaa jiraa warar sheegayo in diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ay ka duuleen halkaas, saraakiishana waxay ka digeen in duqeymo hore leh ay maanta geysan karaan.

    Duqeymaha Ruushka

    Xigashada Sawirka, Reuters

  14. Amiir Harry: Qoyska weligood ima aysan cafiyeen haddii aan shaacin lahaa waxyaabaha qaar

    Amiir Harry

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Amiir Harry

    Wiilka uu dhalay Boqorka UK, Amiir Harry ayaa sheegay inuu hayo dhacdooyin laga qori karo laba buug, ayna kamid yihiin waxyaabo haddii uu shaaca ka qaado aanay cafin doonin qoyskiisa.

    Amiirka uu qaba gabar Maraykan ah oo lagu magacaabo Meghan Markel ayaa xiriir aan wanaagsaneyn waxa uu kala dhexeeyaa qoyskiis Boqortooyada, taasoo keentay inuu ka guuro Britain.

    Buug uu ugu magacdaray Spare oo uu uga hadlay xaaladda qabsatay ayaa waxa uu noqday mid si aan horay loo arag ay u iibsadaan dadka UK.

    Buugga ayaa waxaa lagu xusay liis dheer oo cabashooyin ah oo ka dhan ah qoyska Boqortooyada, iyo sidoo kale tiiraanyo aan la dhayin oo geerida hooyadiis ah, sidii uu ula dalaa dhacayay caafimaadka maskaxda, nolosha go’doonsan ee u uku jiray ka hor inta uusan la kulmin Meghan, iyo xiriirka xumaaday ee xubno ka tirsan qoyska.

    Aqalka Kensington Palace iyo Buckingham Palace ayaa labaduba sheegay inaysan waxba ka oran doonin waxyaabaha buugga ku qoran.

    Wareysi uu la yeeshay Bryony Gordon oo ka tirsan wargeyska Telegraph, kaasoo tegay California si uu ula hadlo, ayaa wuxuu amiir Harry sheegay in uusan isku dayeynin inuu dumiyo boqortooyada, balse inuu isku dayayayo inuu iyaga badbaadiyo.

    Wuxuu amiirku sheegay inay jirtay warbixin uu la wadaagay ninka aan la aqoon ee wax u qora, JP Moehringer, si uu faham guud uga qaato, balse aan marnaba warbixintaasi lagu dareynin buugga.

    Wuxuu sheegay in sheekadiisan ay ka koobnaan lahayd labo buug, balse macluumaad laga jaray ayna haatan tahay hal buug oo 400 oo bog ka kooban.

    Wuxuu intaa raaciyay inaysan suurtogal ahayn inuu sheego sheekadiisa isagoo aan soo qaadin xubno ka tirsan qoyskiisa, maaddaama uu sheegay inay door muhiim ah ku leeyihiin, iyo in sidoo kale loo baahan yahya in la fahmo qof walba oo ku jira buugga.

    Wuxuu Amiir Harry xusay inay jiraan waxyaabo dhex maray isaga iyo walaalkii, iyo sidoo kale isaga iyo aabbihii, balse uusan dooneyn inay dunidu ogaato.

    Wuxuu sababta ku sheegay inuu aaminsan yahay in haddii uu sidaa sameeyo aysan wleigood cafin doonin.

    Wuxuu sheegay inuu cafiyay wax walbo ay ku sameeyeen, wuxuuna xubnaha qoyskiisa ugu baaqay inta ay dhaleeceyn lahaayeen inay si hagaagsan ula fadhiistaan kalana xaalaan tabashooyinkiisa, isla markaana ay raalligelin siiyaan xaaskiisa.

    Qaar ka mid ah waxyaabaha buugga ku xusay, wuxuu Amiir Harry sheegay in walaalkiis uu Meghan ku tilmaamay inay tahay qof "qallafsan", oo "xaasid" ah. Amiir Harry ayaa sidoo kale walaalkiis ku eedeeyay inuu jir ahaan weerar u geystay.

  15. Militeriga Soomaaliya oo la wareegay deegaan hoostaga Xarardheere

    Al-Shabaab ayaa horey u heysatay deegaanka Ceel Huur

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Al-Shabaab ayaa horey u heysatay deegaanka Ceel Huur

    Warrarka ka imaanaya gobolka Mudug ee Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada Soomaaliya ay saaka galeen tuulada Ceel Huur oo qiyaastii 50 km u jirta degmada Xarardheere.

    Ciidanka qabsaday Ceel Huur ayaa ku yimid wadada xeebta ee ka timaada degmada Hobyo tagtana degmada Xarardheere.

    Ma jiro wax iska hor’imaad ah oo la soo weriyay, iyadoo kooxdii horey gacanta ugu haysay Ceel Huur ee Al-Shabaab ay isaga tageen tuulada sida ay BBC-da u sheegeen illo wareedyo ku dhawdhaw wasaaradda amniga ee maamul goboleedka Galmudug.

    Ciidanka dawladda ayaa sidoo kale dhawr jiho oo kale ugu sii dhawaanaya magaala xeebeedka Xarardheere oo kooxda Al-Shabaab ay maamulaysay tan iyo sanadkii 2010 kii, waxayna saldhig u ahaydhawgaladda kooxdu ka fuliso gobollo badan oo ku yaala Soomaaliya tan iyo waagaasi.

  16. Iran oo dal-dashay wasiir ku xigeenkii hore ee gaashaandhigga

    Alireza Akbari

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Alireza Akbari

    Warbaahinta Iran ayaa ku warrantay in Alireza Akbari oo u dhashay dalkaas heystana dhalashada Britain ayaa la dal-dalay kadib markii lagu eedeeyay in uu u basaasayay Britain.

    Mr Akbari, oo ahaa wasiir ku xigeenkii hore ee gaashaandhigga Iran ayaa la xiray sanadkii 2019-kii.

    Wakaaladda wararka ee garsoorka Iran ee Mizan ayaa ku warrantay in Alireza Akbari la dal dalay inkasta oo aysan sheegin wakhtiga iyo goobta uu ka dhacay xukunka dilka ah.

    Ra’iisul Wasaaraha Britain, Rishi Sunak ayaa xukunka dilka ah ee lagu fuliyay Akbar ku tilmaamay mid fuleynimo ah isla markaana naxariis darro ah oo uu ka dambeeyo rajiimka Iran.

    Dowladda Britain waxay hore uga codsatay mas’uuliyiinta Iran inay sii daayaan Mr Akbari, waxay ku tilmaantay xukunka dilka ah mid siyaasadeysan.

    Iran waxay toddobaadkan baahisay muuqaalo muujinayay wax u muuqday Akbari oo lagu qasbayo in dambiga uu qirto.

    Mr Akbari wuxuu ku sheegay cod ay heshay BBC Persia in la jirddilay si uu qirto dambi uusan gelin.

  17. Mareykanka oo si ku meel gaar ah u kordhiyey mudada ay dalkiisa joogi karaan dadka Soomaalida ah ee aan sharciga haysan

    Mareykanka ayaa si ku meel gaadh ah ugu kordhiyey mudada ay joogi karaan dadka Soomaalida ah ee aan sharciga haysani dalkaas, maadaama oo sida dawladda dalkaasi sheegtay ay weli dhibaatooyin ka taagan yihiin Soomaaliya oo aanay dadkaasi ku noqon karin haatan.

    Mudada loo kordhiyey dadkaas ayay hay'ada qaabilsan arintani ku sheegeen in ay tahay 18 bilood.

    Haddaba, Garyaqaan AmiinHaaruun, oo ah qareenka hawl gala dalka Maraykanya, ayaa BBC-da u faahfaahiyay ruqsaddan dadkaa la siiyey ee magaceeda loo soo gaabiyo TPS.

    Qoraalka Codka, Soomaalida Mareykanka
  18. Ruushka oo sheegay in uu qabsaday magaalo qani ku ah milixda

    Taangiyada Ruushka

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Taangiyada Ruushka

    Militeriga Ruushka ayaa sheegay in uu qabsaday magaalada qaniga ku ah cusbada ee ku taalla Ukraine ee Soledar kadib dagaal xooggan oo halkaas ka dhacay.

    Waxay ku tilmaameen tallaabo muhiim u ah dagaalka ay kula jiraan ciidamada Ukraine.

    Guushan waxay ciidamada Ruushka u ogolaaneysaa inay u jiheystaan dhinaca magaalada Bakhmut isla markaana ay go’doon geliyaan ciidamada Ukraine ee ku sugan halkaas, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Ruushka.

    Dhinaca kale, saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in dagaal uu weli ka socdo magaalada Soledar iyagoo Ruushka ku eedeeyay in uu baahinayo war aan loo baahneyn.

    Dagaalka ka socda magaalada Soledar wuxuu kamid ahaa dagaalladii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Ukraine.

    Soledar waamagaalo yar, waxaa ku nool dad gaaraya 10,000 qof, waana magaalo muhiim ah.

    Haddii la xaqiijyo in Ruushka uu qabsaday magaalada waxay guul muhiim u tahay aqalka Kremlin-ka.

  19. Asalaamu Caleykum!

    Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo Caalamka