Gabadh cadaan ah oo Canada ku dishay gabadh Soomaaliyeed oo xabsiga laga sii daayay

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Burcad aad loo raadinayey oo Israa’iil u dhashay oo lagu qabtay koofur Afrika

    koofur Afrika
    Qoraalka sawirka, koofur Afrika

    Ciidamada Koofur Afrika ayaa xiray nin baxsad ahaa oo u dhashay dalka Israa’iil oo ay ku tilmaameen hoggaamiyihii bucad ee loogu raadinta badnaa ee Israa’iil

    Ninkan waxaa laga soo qabtay duleedka magaaladaJohannesburg isaga oo ay la jiraan toddoba kale xilli ay subaxnimadii ciidamadu howlgal qaadeen sida lagu sheegay war boliisku soo saaray.

    Ninkan oo 48 jir ah ayaa la rumeysan yahay in uu xiriir la leeyahay urur dambiileyaal ah . Kooxdaas Burcadda ah ayaa ku lug leh kala gudbinta daroogada, baad iyo howlo kale oo dambiilenimo.

    Hoggaamiyahan laga shakisan yahay ayaa ku jiray liiska hay’adda boliiska caalamiga ah ee Interpol tan iyo sanadkii 2015. Dowladda Israa’iil ayaa ninkan u raadineysay arrimo la xiriira in uu shirqoolodil iyo isku day dil uu geystay.

    Waxaa la filayaa in muddo 48 saacadood ah lagu geeyo maxkamad iyadoo maamuleyaashu aanay magacaabin ilaa maxkamad la soo saarayo.

  2. Ruushka oo dagaalka Ukraine ku adeegsanaya noocyo kala duwan oo miinooyinka ah

    LAND MINES

    Xigashada Sawirka, bbc

    Qoraalka sawirka, LAND MINES

    Hay’ad miino saarida ka shaqeysa ayaa sheegtay in isticmaalka Ruushka uu miinooyinka dhulka ku iscticmaalayo dagaalka Ukraine ay dib u celineyso 25 sano oo horumar laga gaaray dagaalka ku saabsan in la mamnuuco miinooyinka .

    Hay’adda Landmine Monitor ayaa ku sheegtay warbixinteeda sannadlaha ah in Ruushku ay soo saarayaan noocyo cusub oo miinooyinka dhulka ah ayna geliyeen ugu yaraan toddobo nooc oo kala duwan dhulyowga kala gedisan ee ku yaala Ukraine tan iyo markii dagaalku bilowday bishii February.

    Hay;adda ayaa sheegtay tirada rayidka ku waxyeeloobay miinada iyo walxaha kale ee qarxin eek u jira Ukraine sagaalkii bilood ee ugu horreeyey sanadkan ay kordheen .

    Warbixinta ayaa lagu sheegay in isticmaalka hubkaas uu caqabad ku noqday hehiiskii lagu mamnuucay Miinooyinka ooh adda ay ka soo wareegtay 25 sano kaas oo ay saxiixeen 164 dal

  3. Wasaaradaha isgaarsiinta ee dowlad goboleedyada oo sheegay inay joojiyeen wada shaqeyntii kala dhexaysa wasaaradda isgaarsiinta ee Federaalka

    Wasaaradaha boostada, isgaarsiinta iyo tiknooljiyadda ee dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa sheegay inay joojiyeen wada shaqeyntii kala dhexaysa wasaaradda isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda ee dowladda Federaalka, iyagoo ku eedeeyay musuq maasuq, ku tagri fal awoodeed iyo eex.

    Waxa ay ku eedeeyeen wasiirka heer federaal inuu dhowr mar baajiyay kulamo loogaga arrinsan lahaa siyaasadaha danta u ah arrimaha isgaarsiinta ee Soomaaliya.

    Dowladda Federaalka ayaan weli ka hadal eedeynta loo jeediyay wasaaraddeeda isgaarsiinta.

    Hadda Inj Maxamuud Caydiid Dirir waa wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda ee Puntland, kana mid ah wasiiradda soo saaray go'aankaas. Waxa uu iiga warramay waxa ay ka cabanayaan.

    Qoraalka Codka, .
  4. Muuqaal: Heesta Dirgax micneheedu muxuu yahay? Bashiir Dirgax ayaa sharaxaya

  5. Kuuriyada Koonfureed oo sheegtay in K/Waqooyi ay ku soo riday gantaal

    Taliyayaasha ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay gantaal ballistic ah u soo ridday dhanka badda ee ka baxsan xeebaha bari ee dalkeeda.

    Taliyayaasha isku dhafka ah ee ciidamada ayaan wax faahfaahin ah oo intaa dheer ka bixin gantaalka ay ku eedeeyeen Kuuriyada Waqooyi. Gantaalkan ayaa ah kii ugu dambeeyay ee tijaabooyinka isdaba jooga ah ee Waqooyiga.

  6. Madaxweynaha Ukraine oo ka hadlay gantaalkii ku dhacay Poland

    .

    Xigashada Sawirka, POLISH POLICE

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in aanu shaki ku jirin in gantaalkii lagu dilay labada qof ee ree Poland ee Talaadadii aanu ka iman difaaca cirka ee Ukraine.

    Gaashaan Buurta NATO, Poland iyo Mareykanka ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in dhacdadan ay u badan tahay inay ka dhalatay gantaalada difaaca cirka ee Ukraine.

    Madaxweynaha Poland Andrzej Duda ayaa sheegay inay u muuqato in gantaalkii ku dhacay Poland uu sababay qalabka difaaca hawada ee Ukraine.

    Ukraine waxay isku dayaysay inay ka hortagto gantaallada Ruushka.

    Xukuumadda Kyiv waxay beenisay inay ka dambeysay gantaalkii ku dhacay tuulo ku taalla waddanka Poland.

    Dhinaca kale, Stoltenberg oo ah xoghayaha gaashaanbuurta Nato ayaa sheegay inay u muuqato in gantaalka ku dhacay dalkaas uu sababay qalabka difaaca hawada.

    Wuxuu intaa ku daray in “Ruushka uu dusha saaranayo mas’uuliyadda weerarkaas madamada uu dagaal sharci darro ah ka wado Ukraine”.

  7. Xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka oo ku guulaystay koontaroolka aqalka wakiillada

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku guuleystay kurigii laba boqol iyo siddeed iyo tobnaad, kaas oo u dhameystiray aqlabiyaddii ay u baahnaayeen inay ka helaan Aqalka Wakiilada Mareykanka, ka dib doorashadii dhexe ee todobaadkii hore dhacday.

    Dimuqraadiyiintu waxay iyaga haystaan golaha senet-ka. Jamhuuriga ayaa sidoo kale hogaaminaya aqalka hoose - in kasta oo aysan tiro badan ku hoggaaminyn hadana - waxay xaddidi doontaa awoodda Madaxweyne Biden si uu u meelmariyo ajandihiisa sharciyeed.

  8. Gabadh cadaan ah oo Canada ku dishay gabadh Soomaaliyeed oo xabsiga laga sii daayay

    Soomaalida dalka Canada ayaa dalbanaya inay caddaalad hesho gabar Soomaali ah oo billowgii bishan lagu dilay magaalada Saskatoon ee dalkaasi Canada.

    Qof lagu eedeeyay dilka ayaa markii dambe dammaanad lagu sii daayay, taasoo ka careysiisay bulshada Soomaalida oo hadda qorsheynaya dibad bax ay caddaalad ku dalbanayaan.

    Dilka ayaa ka dhacay goob lagu caweeyo booliska ayaana weli baaraya sababta keentay geerida gabadhaas.

    Abdinasir Cali Adan oo in kabadan 30 sano ku nool dalka Canada kana mida dadka u dhaq dhaqaaqa bulshada somali ee dalkaasi ayaa BBC u warramay.

    Qoraalka Codka, .
  9. Asalaamu Calaykum

    Subax wanaagsan. Ku soo dhawaada tebinta tooska ah ee aan ku soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo calaamka.

  10. Kherson : Magaaladii Qaraha

    KHERSON
    Qoraalka sawirka, KHERSON

    Markii madaxweynaha Ukraine uu booqday magaalada dhowaan la xoreeyey ee Kherson waxaa uu ku kaftamay in uu halka u tagay isagoo doonaya qaraha ay magaalada caanka ku tahay

    Muhiim bay aheyd in uu taageero dadka halkaa ku nool marka loo eego qataraha socda laakiin maxay tahay sababta uu qaraha uga hadlayo

    Wuxuu ka hadlayey Madaxweynaha geed miroodka internetka qabsaday ee qaraha – waa miro astaan u ah gobolka koofurta ee Ukraine .

    Inta badan qaraha ka baxa Ukraine waxaa uu ka yimaadaa magaalada Kherson oo ah magaalo beereed ku taalla badda Madowoo leh cimilo huur ah oo oggolaanaysa qaraha in uu si wanaagsan uga baxo

    MARKII AY Ruushku faragaliyeen bishii February dhoofinta qaraha wey joogsatay

    Waxaa la yiraahdaa qaraha waxaa keenay Kherson dadka reer Crimia ee tatarka qarniyo ka hor .

    Sanadihii 1940 iyo 1950 meeyadii ka dib dagaalkii labaad, dadka gobolka marrkii ay dadkeyd in sokor la helo wey miiri jireen waxayna u isticmaali jireen sokor ahaan.

  11. Qorshe la doonayo in dugsiyada qaar ee Koofur Afrika looga sameeyo musqulo ay wada gali karaan wiilasha iyo Gabdhaha

    South Africa

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, South Africa

    Koox koofur Afrika ah ayaa bilowday codsiay kaga hortagayaan qorshe ay wadato waaxda aqoonta asaaasiga ah si looga sameeyo dugsiyada musqulo ay wada isticmaalaan ragga iyo dumarka oo aan midna u gaar aheyn.

    Codsigaas ayaa waxaa saxiixay in ka badan 60,000 qof.

    “Muqqulaha waa kuwo gaar ah soo jeedinta ah in wiilasha iyo gabdhaha ay wadaagaan waxay keeni doontaa dhibaatooyin bulsho oo fara badan”.

    Qorshahaa waxaa si hoose loogu soo gudbiyey warar laga helay waaxda aqoonta asaasiga ah kuwaas oo ka kooban soo jeedin la xiriirta in la burburiyo magac u yaalada gaarka ah ee dhinaca jinsiga .

    Mid ka mid ah xisbiyada Mucaaradka The National Freedom Party (NFP),ayaa sheegay in dowladdu ay xoogga saarayso waxyaabaha qaladka ah balse taas ay ka hobboon tahay in ay diiradda saarto hagaajinta hannaanka waxbarasho ee Koofur Afrika ..

    Democratic Alliance, xisbiga mucaradka ee ugu dalkaa ayaa sheegay in haddii la hirgaliyo qorshahaas uu wax ka tarayo kala duwanaanshaha dhinaca jinsiga , sida uu sheegay afhayeenkooda gobolka Western Cape Lorraine Botha.

    Ururka ay leeyihiin macalimiinta Xirfadleyaasha ee Koofur Afrika , The National Professional Teachers Organisation of South Africa (Naptosa) ayaa u soo jeediyey macalimiinta iyo waalidkain ay la tashiyo sameeyaan inta aan la hirgalin qorshahan.

  12. Abaarta Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay taranka haweenka

    Hay’adda sanduuqa dadweynaha ee Qaramada Midoobay ee loo soo gaabiyo UNFPA ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in abaarta Soomaaliya ka jirta ay saamayn weyn ku yeelatay caafimaadka taranka ee haweenka iyo gabdhaha yaryar.

    Tirada dumarka ay abaartu caafimaadkooda saamaysay ayey hay’addu sheegtay inay gaarayaan 1.9 malyan oo ku kala nool gobollada Soomoaliya oo ay ku jiraan Puntland iyo Somaliland.

    Dr. Axmed Aweys Axmed oo ah madaxa mashruuca caafimaadka taranka ee hay’adda UNFPA xafiiskeeda magaalada Muqdisho ayaa BBC-da uga warramay dhibaatada ay hay’addu ka hadlayso.

    Qoraalka Codka, Abaaraha Soomaaliya
  13. Sababtii ka dambeysay gantaalkii ku dhacay Poland oo la ogaaday

    Khasaaraha ka dhashay gantaalka ku dhacay Poland

    Xigashada Sawirka, POLISH POLICE

    Qoraalka sawirka, Khasaaraha ka dhashay gantaalka ku dhacay Poland

    Madaxweynaha Poland Andrzej Duda ayaa sheegay inay u muuqato in gantaalkii ku dhacay Poland uu sababay qalabka difaaca hawada ee Ukraine.

    Ukraine waxay isku dayaysay inay ka hortagto gantaallada Ruushka.

    Xukuumadda Kyiv waxay beenisay inay ka dambeysay gantaalkii ku dhacay tuulo ku taalla waddanka Poland.

    Dhinaca kale, Stoltenberg oo ah xoghayaha gaashaanbuurta Nato ayaa sheegay inay u muuqato in gantaalka ku dhacay dalkaas uu sababay qalabka difaaca hawada.

    Wuxuu intaa ku daray in “Ruushka uu dusha saaranayo mas’uuliyadda weerarkaas madamada uu dagaal sharci darro ah ka wado Ukraine”.

  14. Ra'iisul Wasaaraha UK iyo dhiggiisa Canada oo ku baaqay in la baaro gantaalkii ku dhacay Poland

    .

    Xigashada Sawirka, PA Media

    Ra’iisul Wasaaraha UK, Rishi Sunak iyo dhiggiisa Canada Justin Trudeau waxay si wadajir ah teleefoon kula hadleen madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky xilli ay ku sugnaayeen dalka Indonesia, sida laga soo xigtay afhayeen u hadlay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha UK.

    Labada hoggaamiye ayaa carabka ku adkeeyay baaritaan buuxo lagu sameeyo sababtii ka dambeysay in gantaalka kusoo dhacay dalka Poland.

    Waxay sheegeen wax kasta oo kasoo baxa baaritaanka in Putin uu ka dambeeyo dagaalka haatan socda xilli uu duulaan ku qaaday Ukraine.

    Waxay sidoo kale tacsi u direen qoyasaska dadkooda ay ku dhinteen duqeymihii ugu dambeeyay uu Ruushka ka geystay Ukraine isla markaana waxay taageero umuujiyeen madaxweyne Zelensky.

  15. Wiil Soomaali ah oo ku guuleystay tartan Qur'aan

    Tartan Qur’aanka Kariimka ah oo dhowaan ka dhacay dalka Jarmalka, kaas oo ay ka qeyb galeen ilaa 33 dal oo daafaha dunida ah, ayaa kaalinta koowaad ka galay wiil Soomaali ah.

    Cabdimajiid Maxamed Ismaaciil, oo matalayay dalka Mareykanka ayaa dhowr jeer oo uu tartamo noocan ah ka qyeb galay ka galay kaalimo fiican.

    Cabdimajiid oo tartanka kaddib haatan ku laabtay Mareykanka, ayaa iiga warramay dareenkiisa ku aaddan guushan iyo sida ay ugu suurto gashay, isagoo ku bilaabaya codkiisa oo u uku akhrinayo Qur’aanka.

  16. Abiy Axmed oo ballan qaaday in uu fulinayo heshiiskii ay xukuumaddiisa la gashay madaxda Tigray

    Abiy Axmed

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Abiy Axmed

    Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ballan qaaday inuu si daacad ah u hirgelinayo xabbad-joojintii ay dowladdiisu la gashay mucaaradka ka soo jeeda gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaas.

    Hadalkan oo uu markii ugu horreysay jeediyay tan iyo markii heshiiskaasi la kala saxiixday labo toddobaad ka hor, ayaa Abiy wuxuu baarlamaanka dalkaasi u sheegay in haatan aan loo joogin in laga hadlo galbeedka Tigray oo ciidamada qowmiyadda Amxaarada ay qabsadeen billowgii dagaalka labada sano socday.

    Inkastoo dagaalka ciidamada federaalka iyo kuwa Tigray uu joogsaday, haddana weli gargaar bani’aadannimo ma gaaringobolka, xilli ay labada dhinac isku raaceen in dib loo billaabo howlihii gargaarka.

    Dhanka kale, Laanqeyrta Cas ayaa sheegtay in gargaarkii dawo ee ugu horreeyay uu gaaray gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya tan iyo intii la kala saxiixday xabbad-joojinta.

    ICRC ayaa sheegtay in labo gawaari xamuul ay dawo iyo agab kale geeyeen caasimadda gobolka ee Maqalle.

    Xayiraad saarneyd gargaarka muddadii labada sano ee uu dagaalku socday ayaa malaayiin qof u nugleysay gaajo daran waxayna sababtay inay waayaan adeegyada caafimaadka ee aasaasiga ah.

  17. Ruushka oo ka hadlay gantaalkii ku dhacay Poland

    Gantaalkii ku dhacay Poland

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Gantaalkii ku dhacay Poland

    Ra’iisul Wasaaraha dalka Poland Mateusz Morawiecki ayaa dadka ugu baaqay inay is dejiyaan kaddib markii gantaal lagu sameeyay Ruushka uu labo qof ku dilay xaafad ku taalla dalkaas oo u dhow xadka Ukraine.

    Dowladda Poland ayaa goor sii horreysay sheegtay inaysan caddeyn u heyn cidda ka dambeysa gantaalkaas.

    Xukuumadda Mocow ayaa beenisay eedeymaha ah inay ka dambeysay gantaalkii ku dhacay Poland.

    Afhayeen u hadlay aqalka Kremlin-ka oo lagu magacaabo Dmitry Peskov ayaa sheegay in aysan wax war ah ka heyn qaraxa.

    Wakaaladda wararka ee Ruushka ayaa sheegtay in gantaallada Ukraine ay ku dhaceen Poland.

    Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in aysan dhici karin" in gantaalkii ay ku dhinteen labada qof ee ku dhacay dalka Poland laga soo riday dhinaca Ruushka.

  18. Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay miisaaniyadda 2023-ka

    .

    Xigashada Sawirka, Opm Somalia

    Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Golaha Wasiirada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ay kulan ay xalay ku yeesheen magaalada Muqdisho, uuna guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ay ku meel mariyeen Miisaaniyadda Dowladda ee 2023.

    Miisanaddaas ayaa sida warku dhigayo ka kooban dakhli gudaha ah iyo deeq taas oo gaareysa $967.7 Milyan oo Dollar.

    Miisaaniyadda sanadkan 2023 ayaa xoogga lagu saarayaa sare u qaadidda dakhliga gudaha oo hadda la rajeynayo inuu ka sare maro sanadihii la soo dhaafay, uuna gaaro $283.3 Milyan oo Dollar halka sanadka dhammaadka ah uu ahaa $247 milyan oo Doolar, sida lagu sheegay warsaxaafadeedkan.

    Ugu dambeyn, warsaxaafadeedka ayaa dhigaya in goluhu uu sidoo kale ansixiyay heshiisyada difaaca ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Uganda iyo Soomaaliya iyo Suudaan ee ku saabsan is-kaashiga gaashaan-dhigga oo ay golaha hor-keentay wasaaradda gaashaan-dhigga, si waafaqsan dastuurka iyo sharuucda dalka.

  19. Asalaamu Calaykum

    Subax wanaagsan. Ku soo dhawaada tebinta tooska ah ee aan ku soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo calaamka.