Madaxweynaha dalka
Turkiga ayaa soo jeediyay in dadkiisa laga qaado afti si haweenka loogu
oggolaado inay xijaab ku dhex xirtaan xarumaha dowladda, iskuullada iyo
jaamacadaha.
Arrintan ayaa mid
aad ugu weyn Erdogan oo ah hoggaamiye muslim ah-kaasoo xisbigiisa Islaamiga ee
haya awoodda uu meesha ka saaray tallaabadii in muddada ah jirtay ee haweenka
ka mamnuuceysay in xijaabka ay xirtaan marka ay ku sugan yihiin xarumaha
dowladda sanadkii 2013-kii.
Arrinta xijaabka
haweenka ayaa bilooyinki ugu dambeeyay noqotay dood siyaasadeed ka hor
doorashada guud ee Turkiga ka dhaceyso 2023-ka-arrintaas oo lagu wado inay
noqoto mid kamid ah caqabadaha ugu culus ee hortaaggan maamulka Erdogan
labaatankii sano ee lasoo dhaafay.
Erdogan wuxuu mar
kasta ku tilmaamaa qaadista xayiraadda xijaabka tusaale ku aadan sida xisbigiisa
uu u matalayo dadka muslmiinta isla markaana uu kasoo horjeedo xisbiyada
cilmaaniga ee ka talin jiray Turkiga ka hor inta uusan ifbixin xisbigiisa
sanadkii 2002-dii.
Haddii aad geesi tahay, soo bax, arrintan aan go’aan uga
gaarno aftid..qaranka go’aan ha gaaro” ayuu yiri Erdogan oo farriin u dirayay hoggaamiyaha
mucaaradka Kemal Kilicdaroglu.
Kemal Kilicdaroglu
wuxuu hoggaamiyaa xisbiga cilaamiga ee CHP, waana xisbi uu aasaasay Mustafa
Kemal Ataturk.
Hogaamiyaha CHP ayaa soo jeediyay sharci dammaanad qaadaya in dumarka ay xaq u leeyihiin xirashada xijaabka si loo yareeyo cabsi kasta oo xisbigiisu uu dib ugu soo celinayo mamnuucida.
Xijaabka ayaa dood
ka dhaliyay Turkiga sagaashaamadkii balse ma jiro xisbi siyaasadeed maanta soo
jeedinayo in laga mamnuuco Turkiga.
Horraan waxaan sameynay khaladaad ku aadan xijaabka, ” horraantii bishan
ayuu qiray Kemal Kilicdaroglu.