You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Diyaaradaha Drones-ka oo duqeeyay caasimadda Ukraine

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Aadan Ducaale oo shaaca ka qaaday hantida lacageed ee uu heysto

    Wasiirka magacaaban ee wasaaradda Agaashaandhigga Kenya, Aadna Barre Ducaale ayaa maanta su'aalo lagu weydiiyay baarlamaanka Kenya.

    Waxyaabaha la weydiiyay waxaa ka mid ah inta ay hantidiisa la egtahay, ama tirada lacagta uu heysto shakhsi ahaan iyo sida uu ku helay.

    "Anigu waxaan heystaa lacag gaareysa 851 milyan oo shilinka Kenya ah, oo ay ku jiraan hanti kale oo ah 231 neef oo geel ah<" ayuu yiri.

    Waxa uu sheegay in idaha iyo riyaha ay qeyb ka yihiin hantidiisa, lacagta hadda soo gashana ay qiyaasteeda gaareyso 10 milyan oo shilin sanadkiiba.

    Dhanka kale, Ducaale ayaa sheegay in Soomaalida ay ku kala nool yihiin caalamka oo dhan, qaarkoodna ay jagooyin muhiim ah ka hayaan dalal kala duwan.

    "Ma joogaan oo keliya Jabuuti, Soomaalida meel walba ayey joogaan, waxa ayna gabar Congress-ka ku jirta ku leeyihiin Mareykanka. Sidoo kale waxaa jira wasiir ka tirsan Golaha Wasiirrada Canada oo Soomaali ah," ayuu yiri Ducaale.

  2. Itoobiya oo dooneysa in ay la wareegto garoonada diyaaradaha ee ku yaalla woqooyiga Tigray

    Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay la wareegi doonto gacan ku heynta garoomada diyaaradaha iyo goobaha muhiimkaah eek u yaalla obolka Wiqiiyiga ku yaalla ee Tigraay halkaas dagaalkii ay dowladdu ku jirtay mucaaradka Tigray uu sii xoogeystay.

    Dowladda ayaa sheegtay in tallaabadan ay lagama maarmaan u tahay madaxbannaanida dadlka sida ay sheegtay.

    War qoraal ah oo ay soo saaratay ayey dowladdu ku sheegtay in ay ku adkeysaneyso wadahadal nabadeed oo ay la gasho mucaaradka Tigray laakiin Tigraaygu kama aysan jawaabin baaqyada ku saabsan xabbaad joojin degdeg ah oo Midowga Afrika uu qabanqaabiyo

    Ciidamada Itoobiya iyo isbaheysigooda Ereteriya ayaa wada weeraro circa iyo dhulka ah oo xooggan oo ka jira gobolka inkastoo gobolka ay cuntada iyo waxyaabaha kale ee muhiimka ah ay gabaabsi ku yihiiN.

    Ciidamada Tigray ayaa sheegay Axaddii iyagoo ka jawaabaya baaq ka soo yeeray idowga Afrika in ay diyaar u yihiin in ay raacaan in si deg deg ah loo qaboojiyo xiisadda.

    “Waxaan rumeysan nahay in ay jirto baahi ku saabsan in la gaaro wada hadal si loo xaaliyo dhiaatada jirto laana gaaro nabad waarta “ayaa lagu yiri war sxaafadeed.

    Waxaa kale oo ay ku baaqeen in ciidamada Ereteriya lagu qasbo in ay ka baxaan gobolka Tigrayiyagoo sheegay in Ereteriya ay gaashaanbuur yihiin dowladda Itoobiya .

    Dowladda Itoobiya ayaa ku baaqday dagaalka magaalooyinka in la joojiyo si loo suurtagaliyo in gargaar Bini’aadmino la soo gaarsiiyo ay dowladdu gacanta ku heyso

    Si kasta oo ay tahayba caaalmka ayaa waxaa ka imanaya baaqyo ku aaddan in magaalooyinka sida Shire la duqeeyey laguna dilay dad shacab ah oo ay ku jiraan yaraaan mid ka mid ah shaqaalaha gargaarka.

  3. 92 Tahriibeyaal qaaqaawan oo laga helay xuduuda Turkiga iyo Giriigga

    Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in ay aad uga xun tahay helista in ku dhow 100 tahriibeyaal ah oo rag ah oo qaawan oo laga helay xuduuda u dhaxeysa Turkiga iyo Giriigga .

    Labada dal ayaa midba kan kale ku eedeeyey dhibaatadaa oo ku dhacday 92 tahriibeyaal ah .

    Giriigga ayaa eedda saaray Turkiga isagoo sheegaya waxa uu ku tilmaamay dabeecad ayna aheyd sida ay yiraahdeen mid “cay ku ah ilbaxnimada “.

    Turkiga ayaa sheegay in waxa deriskooda ay sheegayaan ay tahay waxa ay ku tilmaameen “war been abuur ah” waxayna ku eedeeyeen Giriigga waxa ay ugu yeereen “Cadowtooyo”.

    Boliiska Giriigga ayaa sheegay in ay soo badbaadiyeen 92 rag ah kuwaas oo ay heleen iyaga oo qaawan qaarkoodna ay dhaawacyo ku yaallaan kana heleen meel u dhow xuduuda ay la leeyihiin dalka ay deriska yihiin ee Turkiga maalinimadii Jimcaha .

    Saraakiil ka tirsan hay’adda Yurub u qaabilsan xuduudaha ee Frontex ayaa sheegay in aya heleen caddeymo in tahriibeyaashau ka soo gudbeen webiga Evros oo ay halkaas ka soo galeen dhulka Giriigga iyagoo la socda doonto caag ah oo kayimid Turkiga .

    Ciidanka xuduudaha war qoraal ah oo ay soo saareen ayey ku sheegeen “Waxay ciidanka boliisku waxay heleen 92 tahriibeyaal sharci darro ah oo qaawan kuwaas oo qaarkood ay dhaawacyo ku yaalleen

    Mas’uuliyiin Giriig ah ayaa sheegay in in dadkaas si degdeg ah dhar loogu xiray , sidoo kalena la siiyey cuntoiyo gargaar deg deg ah

    Lama oga qaabka iyo sababta ay raggani ku waayeen dharkooda .

    Dadkan ayaa intooda badan waxay ka yimaadeen Afghanistan iyo Siiriya .

    Wasiirka Difaaca Rayidka ee dalka Giriigga ayaa Turkiga ku eedeeyeyin ay iyagu ka dambeeyaan dhibaatada tahriibeyaasha loo geystay .

    Muranka iyo is eedeynta labada dal ayaa gaaray heerkii ugu xumaa iyagoo is dhaafsanaya qoraalo lagu adeegsanayo erayo ad adag.

    Bishii hore ayaa Madaxaweynaha Turkiga Erdogan wuxuu adeegsaday hadal uu ka jeedieyey Qaramada Midoobay oo uu ku sheegay in Giriigga ay badda Agean Sea u bedeleen Qabuurosida uu yiriayna tahriibeyaasha .adeegsato sida uu yiri siyaasad cadaadis ku dhisan

    Sanadihii 2015 Giriigaga wuxuu ahaa meelaha ugu horreeya ee ka jiraan xiisadaha tahriibka markii hal milyan oo qaxooti ah ay ka soo cararayeen dagaalo iyo saboolinimo saameysay Siiriya , Iraq iyo Afghanistan kuwaas oo yimid Giriigga inta bandanna ka soo galay Turkiga .

    Tirada imaanaysa Giriigga ayaa hoos u dhacday wixii markaa ka dambeeyey laakiin madaxada Giriigga ayaa sheegay in dhowaaan ay arkeen tirade oo kor u kacday iyadoo ay jiraan isku dayo dadka imaanaya ay isku dayayaan in ay ka soo galaan dhinaca Turkiga iyo jasiiradaha Giriigga .

    Giriigga ayaa ku dooday in Turkiga ay tahay in ay xushmeeyaan heshiiskii 2016 ay la galeen Midowga Yurub kaas oo kadhacay magaalada Ankara oo ahaa in in la xakameeyotahriibeyaasha soo galaya Yurub taas oo loogu bedelayo balaayiin lacagta Euro ah oo kaalmo ah.Giriigga ayaa si dhaqso ah u ballaarin doona 25 mile oo u dhigata 40 kilomitiroo darbi ah oo ku teedsan xuduuda ay la leeyihiin Turkiga to looga celiyo tahriibeyaasha .

  4. Ulf Kristersson oo ku guuleysaty in uu noqdo Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Sweden

    AFLONBAKADER

    Baarlamaanka Sweden ayaa si rasmi uxaqiijiyey in ULF Kristersson oo ka tirsan xisbiga Moderate Party in ay noqotay Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalkaas.

    Kristersson ayaa wax ku xukumi doonta dowlad wadaag ah oo ay la jiraan labo xisbi oo yar yar oo ka tirsn asxaabta garabka midi goo ay taageerayaan xisbiga midigta fog.

    Waxaa Ra’iisul wasaaraha cusub u codeeyey 170 xildhibaansaddex xildhibaana waa diideen.

    Xisbiga Sweden Democrats ayaa kaalinta labaad ka galay doorashadii dhacday bishii hore .

    Hogaamiyaha Xisbig Jimmie Åkesson, ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa in uu qeyb ka noqdoheshiis wadaag ah laakiin siyaasadaha dowladda ayu muhiimsan yihiin

  5. Xaawo waxay dul taagneyd wiilkeeda markii uu geeriyooday

  6. Sawirrada: Qaabkii Muqdisho loogu soo dhaweeyay ciyaartoyda xulka qaranka

    Waxaa si diiran maanta magaalada Muqdisho loogu soo dhaweeyay dhalinyarada xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 17, sano kuwaasoo ku guuleystay koobka horyaalka bariga iyo bartamaha Afrika.

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ciyaartoyda ku tilmaamay ‘geesiyaal sare u qaaday qarannimada’.

  7. Duqa Kyiv: Duqeymaha waa 'xasuuq' lagu hayo shacabka Ukraine

    Duqa caasimadda Ukraine ee Kyiv , Vitali Klitschko ayaa sheegay diyaaradaha Drones-ka ee saaka duqeeyay caasimadd ay tahay tallaabo qeyb ka ah ‘xasuuqa lagu hayo shacabka Ukriane’.

    Tiro dad ah ayaa ku dhaawacmay duqeymaha Ruushka uu ka geystay Kyiv, saddex qof ayaa ku dhimatay markii la duqeeyay dhismo, sida uu xaqiijiyay ku xigeenka arrimaha maamulka ee madaxtooyada Ukraine.

    Wuxuu intaa ku daray in ilaa 19 qof laga soo badbaadiyay dhismaha.

  8. Oktoobar: Bisha la qorsheynayo in Al-Shabaab lagu weeraro Ceelbuur iyo magaalooyin kale

  9. TPLF oo baaq u dirtay beesha caalamka

    Fallaagada Tigray ee ka dagaallanta waqooyiga Itoobiya ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay ka qeyb qaataan sidii xabad joojin deg deg ah ay u wada gaari lahaayeen iyaga iyo dowladda Itoobiya ama inay ka caawiyaan sidii ay isku difaaci lahaayeen, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay kooxda oo lagu baahiyay barta Twitter-ka.

    TPLF waxay beesha caalmka ka codsaneysaa inay “cadaadis ku saaraan ciidamada Eritrea inay isaga baxaan Tigray isla markaana dowladda Itoobiya ay ku cadaadiyaan inay soo fariisato miiska wadahadallada”.

    Eritrea oo saaxib la ah dowladda Itoobiya waxay ka caawineysay dagaalka ay kula jirtay jabhadda TPLF.

    TPLF waxay sidoo kale sheegtay inay diyaar u yihiin joojinta colaadda waa haddii dowladda Itoobiya ay aqbasho wadahadallada nabadda.

  10. Madaxweynaha Tanzania oo haweenka kula talisay inay yareeyaan dhalmada badan

    Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Xasan ayaa walaac ka muujisay tirada carruurta faraha badan ee ku dhalaneyso dalkaas.

    Waxay haweenka ka codsatay inay qaataan dawooyinka kala fogeeyay carruurta.

    Waa tallaabo kasoo horjeedo go’aankii madaxweynihii hore ee Tanzania John Magufuli oo shacabka ku dhiirigeliyay in aysan adeegsan dawooyinka kala fogeeya carruurta si ay ilmo badan u dhalaan haweenka dalkaas.

    Madaxweyne Samia oo dhawaan booqasho ku joogtay gobolka galbeedka dhaca ee Geita ayaa tiri, “Shaley waxaa la ii sheegay in xarun caafimaad oo ku taalla deegaanka Buselesele ay ku dhasheen 1,000 carruur ah muddo bil gudahood”.

    “Bal kawaran adeega caafimaad ay u baahan yihiin carruurtan, saddex sano kadib- meeqaa fasal ayaa carruurta qaabili doonaa? Meeqa tan oo cunto ah ayay u baahnaan doonaan carruurtan? Waa in aan dhalmada yareynaa”.

  11. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo gaaray Jigjiga

    Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa goordhaweyd gaaray magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, waxaana halkaaskusoo dhaweeyay madaxweynaha Dowlad Deegaanka Mustafe Cumar iyo mas’uuliyiin kale.

    Ra'iisul Wasaaraha iyo Madaweynaha Dowlad Deegaanka ayaa ka wadahadli doonaa sidii la isaga kaashan lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

    Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Itoobiya wuxuu halkaas kaga qeybgalay madasha Tana oo looga hadlayay amniga qaaradda.

  12. Ciyaartoyda Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

    Ciyaartoyda xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka yartahay 17 sano ayaaa saaka lagu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho kadib guushii ay dhawaan ka gaareen koobka Cecafa ee bariga iyo bartamaha Afrika.

    Ciyaartoyda oo sida koobkii ay ku guuleysteen ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

    Ciyaartoyda Soomaaliya ayaa 3-1 uga badiyay xulka South Sudan.

    Ciyaartii kama dambeysta aheyd waxay ka dhacday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

  13. Diyaaradaha Drones-ka oo duqeeyay caasimadda Ukraine

    Ugu yaraan shan qarax ayaa laga maqlay caasimadda Ukriane ee Kyiv-xilli la taliyaha madaxweynaha dalkaas uu ku eedeeyay inay ka dambeeyeen duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee nooca "kamizake drones" isla markaana uu adeegsanayay Ruushka.

    “Waxay muujineysaa arrintani sida ay xaaladda uga quusteen” ayuu yiri Andriy Yermak, oo ah la taliyaha madaxweynaha Ukraine.

    Duqa magaalada Vitalii Klitschko wuxuu sheegay in dhismooyin ku yaalla bartamaha Kyiv ay qaraxyada buburiyeen.

    Toddobaad ka hor ayay aheyd markiii caasimadda Ukraine uu Ruushka ku garaacay gantaallo taasoo qeyb ka aheyd weerarro kale oo lagu qaaday deegaanno ku yaalla Ukraine oo ay ku dhinteen ugu yaraan 19 qof.

    Vitalii Klitschko wuxuu intaa ku daray in qaraxyo laga maqlay degmada Shevchenkivskiy halkaas dhowr jeer la duqeeyay toddobaadkii lasoo dhaafay.

    Duqa magaalada Kyiv wuxuu sheegay in shaqaalaha gurmadka deg deg ah ay gaareen goobaha ay qaraxyada saameeyeen, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay tagaan goobaha gabbaadka ah ee la isaga ilaalinayo duqeymaha.

    La taliyaha madaxweynaha Ukraine Andriy Yermak ayaa sheegay in Ukraine sida uga dhakhsiyaha badan ay u baahan tahay qalabka lidka diyaaradaha.

    Weriye ku sugan Ukraine ayaa BBC-da u sheegay in labo kamid ah diyaaradaha Drones-ka ay gantaallo ku garaaceen xarun shidaal halka mid kamid ah diyaaradahaas lasoo riday.

    Wararka kale:

  14. Asalaamu Caleykum.

    Kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay Soomaalida iyo Caalamka.