Aadan Ducaale oo shaaca ka qaaday hantida lacageed ee uu heysto
Xigashada Sawirka, Aden Duale
Wasiirka magacaaban ee wasaaradda Agaashaandhigga Kenya, Aadna Barre Ducaale ayaa maanta su'aalo lagu weydiiyay baarlamaanka Kenya.
Waxyaabaha la weydiiyay waxaa ka mid ah inta ay hantidiisa la egtahay, ama tirada lacagta uu heysto shakhsi ahaan iyo sida uu ku helay.
"Anigu waxaan heystaa lacag gaareysa 851 milyan oo shilinka Kenya ah, oo ay ku jiraan hanti kale oo ah 231 neef oo geel ah<" ayuu yiri.
Waxa uu sheegay in idaha iyo riyaha ay qeyb ka yihiin hantidiisa, lacagta hadda soo gashana ay qiyaasteeda gaareyso 10 milyan oo shilin sanadkiiba.
Dhanka kale, Ducaale ayaa sheegay in Soomaalida ay ku kala nool yihiin caalamka oo dhan, qaarkoodna ay jagooyin muhiim ah ka hayaan dalal kala duwan.
"Ma joogaan oo keliya Jabuuti, Soomaalida meel walba ayey joogaan, waxa ayna gabar Congress-ka ku jirta ku leeyihiin Mareykanka. Sidoo kale waxaa jira wasiir ka tirsan Golaha Wasiirrada Canada oo Soomaali ah," ayuu yiri Ducaale.
Itoobiya oo dooneysa in ay la wareegto garoonada diyaaradaha ee ku yaalla woqooyiga Tigray
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, TIGRAY
Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay la wareegi doonto
gacan ku heynta garoomada diyaaradaha iyo goobaha muhiimkaah eek u yaalla
obolka Wiqiiyiga ku yaalla ee Tigraay halkaas dagaalkii ay dowladdu ku jirtay
mucaaradka Tigray uu sii xoogeystay.
Dowladda ayaa sheegtay in tallaabadan ay lagama maarmaan
u tahay madaxbannaanida dadlka sida ay sheegtay.
War qoraal ah oo ay soo saaratay ayey dowladdu ku sheegtay
in ay ku adkeysaneyso wadahadal nabadeed oo ay la gasho mucaaradka Tigray laakiin
Tigraaygu kama aysan jawaabin baaqyada ku saabsan xabbaad joojin degdeg ah oo
Midowga Afrika uu qabanqaabiyo
Ciidamada Itoobiya iyo isbaheysigooda Ereteriya ayaa
wada weeraro circa iyo dhulka ah oo xooggan oo ka jira gobolka inkastoo gobolka
ay cuntada iyo waxyaabaha kale ee muhiimka ah ay gabaabsi ku yihiiN.
Ciidamada Tigray ayaa sheegay Axaddii iyagoo ka
jawaabaya baaq ka soo yeeray idowga Afrika in ay diyaar u yihiin in ay raacaan
in si deg deg ah loo qaboojiyo xiisadda.
“Waxaan rumeysan nahay in ay jirto baahi ku saabsan in
la gaaro wada hadal si loo xaaliyo dhiaatada jirto laana gaaro nabad waarta “ayaa
lagu yiri war sxaafadeed.
Waxaa kale oo ay ku baaqeen in ciidamada Ereteriya lagu
qasbo in ay ka baxaan gobolka Tigrayiyagoo sheegay in Ereteriya ay gaashaanbuur yihiin dowladda Itoobiya .
Dowladda Itoobiya ayaa ku baaqday dagaalka magaalooyinka
in la joojiyo si loo suurtagaliyo in gargaar Bini’aadmino la soo gaarsiiyo ay dowladdu
gacanta ku heyso
Si kasta oo ay tahayba caaalmka ayaa waxaa ka imanaya
baaqyo ku aaddan in magaalooyinka sida Shire la duqeeyey laguna dilay dad
shacab ah oo ay ku jiraan yaraaan mid ka mid ah shaqaalaha gargaarka.
92 Tahriibeyaal qaaqaawan oo laga helay xuduuda Turkiga iyo Giriigga
Qoraalka sawirka, IMMIGRANTS
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa
sheegtay in ay aad uga xun tahay helista in ku dhow 100 tahriibeyaal ah oo rag
ah oo qaawan oo laga helay xuduuda u dhaxeysa Turkiga iyo Giriigga .
Labada dal ayaa midba kan kale ku eedeeyey dhibaatadaa oo ku
dhacday 92 tahriibeyaal ah .
Giriigga ayaa eedda saaray Turkiga isagoo sheegaya waxa uu ku tilmaamay
dabeecad ayna aheyd sida ay yiraahdeen mid “cay ku ah ilbaxnimada “.
Turkiga ayaa sheegay in waxa deriskooda ay sheegayaan ay tahay
waxa ay ku tilmaameen “war been abuur ah” waxayna ku eedeeyeen Giriigga waxa ay
ugu yeereen “Cadowtooyo”.
Boliiska Giriigga ayaa sheegay in ay soo badbaadiyeen 92 rag ah
kuwaas oo ay heleen iyaga oo qaawan qaarkoodna ay dhaawacyo ku yaallaan kana
heleen meel u dhow xuduuda ay la leeyihiin dalka ay deriska yihiin ee Turkiga
maalinimadii Jimcaha .
Saraakiil ka tirsan hay’adda Yurub u qaabilsan xuduudaha ee
Frontex ayaa sheegay in aya heleen caddeymo in tahriibeyaashau ka soo gudbeen
webiga Evros oo ay halkaas ka soo galeen dhulka Giriigga iyagoo la socda doonto
caag ah oo kayimid Turkiga .
Ciidanka xuduudaha war qoraal ah oo ay soo saareen ayey ku sheegeen
“Waxay ciidanka boliisku waxay heleen 92 tahriibeyaal sharci darro ah oo qaawan
kuwaas oo qaarkood ay dhaawacyo ku yaalleen “
Mas’uuliyiin Giriig ah ayaa sheegay in in dadkaas si degdeg ah
dhar loogu xiray , sidoo kalena la siiyey cuntoiyo gargaar deg deg ah
Lama oga qaabka iyo sababta ay raggani ku waayeen dharkooda .
Dadkan ayaa intooda badan waxay ka yimaadeen Afghanistan iyo
Siiriya .
Wasiirka Difaaca Rayidka ee dalka Giriigga ayaa Turkiga ku
eedeeyeyin ay iyagu ka dambeeyaan
dhibaatada tahriibeyaasha loo geystay .
Muranka iyo is eedeynta labada dal ayaa gaaray heerkii ugu xumaa
iyagoo is dhaafsanaya qoraalo lagu adeegsanayo erayo ad adag.
Bishii hore ayaa Madaxaweynaha Turkiga Erdogan wuxuu adeegsaday
hadal uu ka jeedieyey Qaramada Midoobay oo uu ku sheegay in Giriigga ay badda Agean
Sea u bedeleen Qabuurosida uu yiriayna tahriibeyaasha .adeegsato sida uu yiri siyaasad cadaadis ku dhisan
Sanadihii 2015 Giriigaga wuxuu ahaa meelaha ugu horreeya ee ka
jiraan xiisadaha tahriibka markii hal milyan oo qaxooti ah ay ka soo cararayeen
dagaalo iyo saboolinimo saameysay Siiriya , Iraq iyo Afghanistan kuwaas oo
yimid Giriigga inta bandanna ka soo galay Turkiga .
Tirada imaanaysa Giriigga ayaa hoos u dhacday wixii markaa ka
dambeeyey laakiin madaxada Giriigga ayaa sheegay in dhowaaan ay arkeen tirade oo
kor u kacday iyadoo ay jiraan isku dayo dadka imaanaya ay isku dayayaan in ay
ka soo galaan dhinaca Turkiga iyo jasiiradaha Giriigga .
Giriigga ayaa ku dooday in Turkiga ay tahay in ay xushmeeyaan
heshiiskii 2016 ay la galeen Midowga Yurub kaas oo kadhacay magaalada Ankara oo ahaa in in la xakameeyotahriibeyaasha
soo galaya Yurub taas oo loogu bedelayo balaayiin lacagta Euro ah oo kaalmo ah.Giriigga ayaa si dhaqso ah u ballaarin doona 25 mile oo u
dhigata 40 kilomitiroo darbi ah oo ku
teedsan xuduuda ay la leeyihiin Turkiga to looga celiyo tahriibeyaasha .
Ulf Kristersson oo ku guuleysaty in uu noqdo Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Sweden
Xigashada Sawirka, SWEDEN
AFLONBAKADER
Baarlamaanka
Sweden ayaa si rasmi uxaqiijiyey in ULF
Kristersson oo ka tirsan xisbiga Moderate Party in ay noqotay Ra’iisul
wasaaraha cusub ee dalkaas.
Kristersson
ayaa wax ku xukumi doonta dowlad wadaag ah oo ay la jiraan labo xisbi oo yar
yar oo ka tirsn asxaabta garabka midi goo ay taageerayaan xisbiga midigta fog.
Xisbiga
Sweden Democrats ayaa kaalinta labaad ka galay doorashadii dhacday bishii hore
.
Hogaamiyaha
Xisbig Jimmie Åkesson, ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa in uu qeyb ka
noqdoheshiis wadaag ah laakiin
siyaasadaha dowladda ayu muhiimsan
yihiin
Xaawo waxay dul taagneyd wiilkeeda markii uu geeriyooday
Sawirrada: Qaabkii Muqdisho loogu soo dhaweeyay ciyaartoyda xulka qaranka
Waxaa si diiran maanta magaalada Muqdisho loogu soo dhaweeyay
dhalinyarada xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 17, sano
kuwaasoo ku guuleystay koobka horyaalka bariga iyo bartamaha Afrika.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ciyaartoyda ku tilmaamay ‘geesiyaal
sare u qaaday qarannimada’.
Qoraalka sawirka, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay ciyaartoyda
Qoraalka sawirka, Dadweyne fara badan oo ciyaartoyda kusoo dhaweeyay Muqdisho
Duqa Kyiv: Duqeymaha waa 'xasuuq' lagu hayo shacabka Ukraine
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Vitali Klitschko
Duqa caasimadda Ukraine ee Kyiv , Vitali Klitschko ayaa
sheegay diyaaradaha Drones-ka ee saaka duqeeyay caasimadd ay tahay tallaabo
qeyb ka ah ‘xasuuqa lagu hayo shacabka Ukriane’.
Tiro dad ah ayaa ku dhaawacmay duqeymaha Ruushka uu ka
geystay Kyiv, saddex qof ayaa ku dhimatay markii la duqeeyay dhismo, sida uu
xaqiijiyay ku xigeenka arrimaha maamulka ee madaxtooyada Ukraine.
Wuxuu intaa ku daray in ilaa 19 qof laga soo badbaadiyay dhismaha.
Oktoobar: Bisha la qorsheynayo in Al-Shabaab lagu weeraro Ceelbuur iyo magaalooyin kale
TPLF oo baaq u dirtay beesha caalamka
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Waxaa isa soo tarayaa cadaadisyada caalamiga ah ee ku aadan joojinta colaadda Tigray
Fallaagada
Tigray ee ka dagaallanta waqooyiga Itoobiya ayaa ugu baaqday beesha caalamka
inay ka qeyb qaataan sidii xabad joojin deg deg ah ay u wada gaari lahaayeen
iyaga iyo dowladda Itoobiya ama inay ka caawiyaan sidii ay isku difaaci
lahaayeen, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay kooxda oo lagu baahiyay barta Twitter-ka.
TPLF
waxay beesha caalmka ka codsaneysaa inay “cadaadis ku saaraan ciidamada Eritrea
inay isaga baxaan Tigray isla markaana dowladda Itoobiya ay ku cadaadiyaan inay soo
fariisato miiska wadahadallada”.
Eritrea
oo saaxib la ah dowladda Itoobiya waxay ka caawineysay dagaalka ay kula jirtay
jabhadda TPLF.
TPLF
waxay sidoo kale sheegtay inay diyaar u yihiin joojinta colaadda waa haddii
dowladda Itoobiya ay aqbasho wadahadallada nabadda.
Madaxweynaha Tanzania oo haweenka kula talisay inay yareeyaan dhalmada badan
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Madaxweyne Samia Suluhu Xasan
Madaxweynaha
Tanzania Samia Suluhu Xasan ayaa walaac ka muujisay tirada carruurta faraha
badan ee ku dhalaneyso dalkaas.
Waxay
haweenka ka codsatay inay qaataan dawooyinka kala fogeeyay carruurta.
Waa
tallaabo kasoo horjeedo go’aankii madaxweynihii hore ee Tanzania John Magufuli
oo shacabka ku dhiirigeliyay in aysan adeegsan dawooyinka kala fogeeya
carruurta si ay ilmo badan u dhalaan haweenka dalkaas.
Madaxweyne
Samia oo dhawaan booqasho ku joogtay gobolka galbeedka dhaca ee Geita ayaa
tiri, “Shaley waxaa la ii sheegay in xarun caafimaad oo ku taalla deegaanka Buselesele
ay ku dhasheen 1,000 carruur ah muddo bil gudahood”.
“Bal
kawaran adeega caafimaad ay u baahan yihiin carruurtan, saddex sano kadib-
meeqaa fasal ayaa carruurta qaabili doonaa? Meeqa tan oo cunto ah ayay u baahnaan
doonaan carruurtan? Waa in aan dhalmada yareynaa”.
Ciyaartoyda Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho
Xigashada Sawirka, SNTV
Qoraalka sawirka, Xulka qaranka ay da'doodu ka yartahay 17 sano oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho
Ciyaartoyda xulka
qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka yartahay 17 sano ayaaa saaka lagu soo
dhaweeyay magaalada Muqdisho kadib guushii ay dhawaan ka gaareen koobka Cecafa
ee bariga iyo bartamaha Afrika.
Ciyaartoyda oo sida koobkii ay ku guuleysteen ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.
Ciyaartoyda
Soomaaliya ayaa 3-1 uga badiyay xulka South Sudan.
Ciyaartii kama
dambeysta aheyd waxay ka dhacday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Ugu yaraan shan qarax ayaa laga maqlay caasimadda Ukriane ee
Kyiv-xilli la taliyaha madaxweynaha dalkaas uu ku eedeeyay inay ka dambeeyeen
duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee nooca "kamizake drones" isla
markaana uu adeegsanayay Ruushka.
“Waxay muujineysaa arrintani sida ay xaaladda uga quusteen”
ayuu yiri Andriy Yermak, oo ah la taliyaha madaxweynaha Ukraine.
Duqa magaalada Vitalii Klitschko wuxuu
sheegay in dhismooyin ku yaalla bartamaha Kyiv ay qaraxyada buburiyeen.
Toddobaad ka hor ayay aheyd markiii caasimadda Ukraine uu
Ruushka ku garaacay gantaallo taasoo qeyb ka aheyd weerarro kale oo lagu qaaday
deegaanno ku yaalla Ukraine oo ay ku dhinteen ugu yaraan 19 qof.
Vitalii Klitschko wuxuu intaa ku daray in qaraxyo laga maqlay
degmada Shevchenkivskiy halkaas dhowr jeer la duqeeyay toddobaadkii
lasoo dhaafay.
Duqa magaalada Kyiv wuxuu sheegay in shaqaalaha gurmadka deg
deg ah ay gaareen goobaha ay qaraxyada saameeyeen, wuxuuna shacabka ugu baaqay
inay tagaan goobaha gabbaadka ah ee la isaga ilaalinayo duqeymaha.
La taliyaha madaxweynaha Ukraine Andriy Yermak ayaa sheegay
in Ukraine sida uga dhakhsiyaha badan ay u baahan tahay qalabka lidka
diyaaradaha.
Weriye ku sugan Ukraine ayaa BBC-da u sheegay in labo kamid
ah diyaaradaha Drones-ka ay gantaallo ku garaaceen xarun shidaal halka mid
kamid ah diyaaradahaas lasoo riday.