Maxay ka wadahadli rabaan Xasan Sheekh Maxamuud iyo Abiy Axmed?

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Shirkadda Apple oo sameynta taleefoonnada iPhone u wareejineysa Hindiya

    APPLE

    Xigashada Sawirka, APPLE

    Shirkadda Apple ayaa sheegtay soo saarista taleefannada iPhone 14 iney ka soo wareejineyso Shiinaha una wareejineyso Hindiya.

    Shiekadda Apple ayaa taleefannada ugu badan ee ay soo saarto ee iPhone lagu sameeyaa dalka Shiinaha.

    Waxayna shirkaddu hadda qorsheyneysaa meel ka baxsan Shinaha in lagu sameeyo taleefannada ay soo saarto.

    Go'aanka shirkadda ayaa ka dhashay marki uu sii xoogeystay khilaafka u dhaxeeya Washington iyo Beijing.

    Shirkadda Apple waxaa kale oo ay sheegtay waxsoosaarka taleefannada oo ay shirkadda ka wadday gudaha dalka Shiinaha ay saameysay xayiraadihi ka dhashay Covid-19 oo ay xukumadda Beijing ka hirgelisay gudaha dalkaasi.

    Shirkadduna horraantii bisha September waxay shaacisay nooca cusub ee taleefankeeda iPhone 14.

    "Safafka dhaadheer oo ay dadku ugu jiraan iney helaan taleefanka cusub waxay abuurtay hadal hayn ah badqabka takeefankan cusub."

    Shirkadda Apple waxay sheegtay taleefanka iPhone 14 iney ku sameyneyso Hindiya si ay u daboosha baahida taleefankaasi dadka doonaya ay u qabaan.

    Shirkadda Foxconn oo taleefannada iPhone soo saarta ayaa tan iyo 2017-kii ka howlgalayey gobolka gobolka Koonfureed ee Hindiya Tamil Nadu.

    Haddaba wakhti xaadirkan suuqa taleefoonnada ee dalka Hindiya ku xooggan taleefanka iPhone 14 oo si buuxda aan suuqa u soo gelin.

    Shirkadda weyn ee Apple oo laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa tartan xooggan kala kulmeysa taleefannada raqiis ah oo ay soo saaraan shirkadaha laga leeyahay Kuuriyada Koonfureed iyo Shiinaha.

    Shacabka Hindiya ee jecel isticmaalka taleefanka iPhone ayaa door bidaya taleefanka ay iibsanayaan inuu noqdo taleefan iPhone oo gudaha dalka Hindiya lagu sameeyey.

    Xukumadda Narendera Modi ee Hindiya taleefanka iPhone ee la sheegay in gudaha Hindiya intiisa badan lagu soo saarayo waxay u horseedday guul siyaasadeed.

    Waddamo ay ka mid yihiin Vietnam oo ku yaalla Koonfurta qaaradda Aasiya waxaa laguA soo saaraa taleefannada iPhone ee ugu badan.

    Noocan cusub ee iPhone 14 waa mid ka mid ah taleefannada casriga ah ee loogu jecel yahay adduunka. Shirkadda Apple ayaa markii ugu horreysay soo saartay iPhone-ka sannadkii 2007-dii, wuxuuna talefankani wax ka beddelay tignoolajiyadda talefannada gacanta, taas oo ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee keenay guusha baaxadda leh ee shirkadda.

    Sanado badan, taageerayaasha taleefankan ayaa dadaal weyn u galay sidii ay u iibsan lahaayeen noocyadii ugu dambeeyay - qaar badan ayaa sidoo kale u arka lahaanshaha taleefanka inuu yahay calaamad muujinaysa heerka uu qofka joogo.

  2. Marwada koowaad ee dal Afrikaan ah oo sheegtay in ninkeeda uu PhD ka heysto afgembiga militari

    Sierra Leone

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wasiirka warfaafinta dalka Sierra Leone Mohamed Rahman Swarray ayaa beeniyay hadal ay sheegtay marwada koowaad ee dalkaas oo ahaa in ninkeeda uu shahaadada sare ee PhD ka heysto afgembiga militari.

    Fatima Bio ayaa munaasabad lacag uruurin ah oo lagu qabtay Mareykanka ka sheegtay in Madaxweyne Julius Maada Bio uu ahaa macallin wax ka dhiga afgembiga sidaas darteedna aysan cidna xilka ka tuuri karin.

    Hadalladeeda ayaa waxay ka dambeeyeen dibadbaxyo la qabtay 10-kii August oo looga soo horjeeday sicirbararka iyo in ninkeeda uu qeyb ka ahaa labo afgembi oo dhacay sanadihii 1990-meeyadii.

    “Kama war hayo jaamacad bixisa culuumta afgembiga,” ayuu Mr Swarray u sheegay BBC-da.

    Sanadkii 1992 Mr Bio iyo saraakiil kale oo militariga ka tirsan ayaa xilka ka tuuray dowladdii rayidka ahayd ee Joseph Saidu Momoh. Bishii January 1996 wuxuu abaabulay afgembi kale.

    Labo bilood kaddib wuxuu qabtay doorasho wuxuuna xilka ku wareejiyay dowlad rayid ah.

  3. Ruushka oo la sheegay in rag aan tababarneyn uu u dirayo furimaha dagaalka Ukraine

    Ruushka

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

    Ciidamada Ruushka ayaa la sheegay inay raggan u dirayaan furimaha Kherson iyo Kharkiv, sida laga soo xigtay machadka Daraasaadka Dagaalka.

    Machadkan oo fadhigiisu yahay Mareykanka ayaa soo xigtay mid ka mid ah raggan oo soo duubay muuqaal codsi ah, kaas oo sheegay in guutadiisa aysan helin wax tababar ah kahor intaan Khamiistii la geyn gobolka Kherson.

    ISW ayaa sheegay in xukuumadda Moscow ay u badan tahay inay xoojiso guutooyinka koofurta ku sugan, iyagoo diraya rag cusub oo aan tababar heysan.

    Abaabulka ciidan ee toddobaadkii la soo dhaafay ayaa dibadbaxyo ballaaran ka dhaliyay Ruushka. Aqalka Kremlin ayaa qirtay in khaladaad ay ka jireen abaabulka ciidamada Ruushka ee keydka ku jira si ay uga dagaallamaan Ukraine.

  4. Tiro ciidan ah oo lagu laayay weerar ka dhacay dalka Burkina Faso

    Weerarada kooxaha Islaamiyiinta ee ka howlgala Burkina Faso waxaa ku dhintay kumanaan qof

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Weerarada kooxaha Islaamiyiinta ee ka howlgala Burkina Faso waxaa ku dhintay kumanaan qof

    Dowladda Burkina Faso ayaa sheegtay in 11 askari meydadkooda la helay halka 50 qof oo rayid ah la la’ayahay halka jaan iyo cirib ay dhigeen kadib weerar ay koox ku qaaday kolonyo baabuur ah oo sahay u siday dadka ku nool waqooyiga dalkaas.

    Weerarka Isniinta dhacay waxaa ku dhaawacmay 28 qof ay kamid yihiin 20 askari xilli uu socdo dadaallada lagu baadigoobayo dadka maqan.

    Kolonyada baabuurta oo ay ilaalinayeen ciidamada militeriga

    Waxaa weerarka lagu qaaday kolonyada baabuurta oo ay ilaalinayeen ciidamada militeriga xilli ay marayeen waqooyiga Burkina Faso.

    Weerarkan ayaa lagu tuhunsan yahay inay qaadeen kooxaha islaamiyiinta ee ka howlgala dalkaas.

  5. Diyaarad ay dad ku dhinteen oo ku burburtay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo

    Ugu yaraan 22 qof ayaa ku dhimatay kadib markii labo diyaaradood Talaadadii ay ku burbureen bariga Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congo, sida ay sheegeen militeriga Congo oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Waxay intaa ku dareen in diyaaradahan ay lahaayeen militeriga Uganda.

    Ma jiro war madaxbanaan oo xaqiijinayo dhacdadan.

  6. Wax ka ogow wasaaradda awoodda badan ee Kenya ee loo magacaabay siyaasiga Soomaaliga ah

  7. Madaxweynaha Ukraine: Waan difaaci doonaa shacabka ku nool dhulka uu Ruushka qabsaday

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay inay difaaci doonaan shacabka ku nool dhulka uu Ruushka qabsaday xilli xukuumadda ay qarka u saaran tahay inay goosato dhulkaas.

    “Waan difaaci doonaa dadkayaga ku nool gobollada Kherson, Zaporizhzhia iyo Donbas gaar ahaan dhulka dhawaan la qabsaday ee Kharkiv iyo Crimea” ayuu yiri Zelensky oo muuqaal soo dhigay barta Telegram-ka.

    Waxaa jiraa walaaca ku saabsan in Ruushka uu goosanayo afar gobol, arrintaas oo xaaladda uga sii dari karto xilli xukuumadda Moscow ay ku hanjabtay inay adeegsan doono hubka halista ah waa mustaqbalka la beegsado deegaannadan.

    Zelensky wuxuu Talaadadii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey u sheegay in uusan Ruushka kala hadli doonin aftida.

    Wuxuu sheegay in Ruushka uu dadka u hanjabyo isla markaana uu ku khasbayo inay buuxiyaan warqadaha aftida .

  8. Soomaaliya oo dhaqaale u raadineysa gurmadka abaaraha

    Iyadoo Soomaaliya iyo guudahaan geeska Africa ay ka jirto abaar saameyn ku yeellatay dad iyo duunyaba ayaa Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmana Cabdishakuur Warsame oo socdaal ku maraya qaar ka tirsan dalalka dibadda waxaa uu sheegay in ay wadaan dadaallo gargaar loogu raadinayo dadka wajahaya xaaladaha ba’an ee abaarta.

    Cabdiraxmana Cabdishakuur ayaa intaa ku daray in dowlado badan ay ku deeqeen dhaqaale lagu badbaadin karo dadka dhibaataysan isagoo dadka Soomaaliyeed ee ku nool qurbahana ugu baaqay in dalalka ay joogaan ay ku booriyaan in gacan ay ka gaystaan caawinta dadka Soomaaliyeed ee u baahan in gurmad lala gaaro.

    Halkan ka dhageyso wareysiga:

    Qoraalka Codka, Soomaaliya oo dhaqaale u raadineysa dadaallada gurmadka abaaraha
  9. Hindiya oo xayiraad kusoo rogtay urur Islaami ah oo caan ah

    Ururka PFI

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ururka PFI

    Dowladda Hindiya ayaa shaacisay inay shan sano oo xayiraad ah ay kusoo rogay urur ka shaqeeya danaha muslimiinta dalkaas ah oo caan ah iyo ururro kale oo taabacsanaa.

    Saraakiisha ayaa ku eedeeyay ururka Popular Front of India ama PFI inay xiriir la leeyihiin kooxaha argagixisada ah.

    Xayiraaddan lagu soo rogay ururkan ayaa imaanaya kadib markii lagu duulay xafiisyada ururka ay leeyihiin muslimiinta Hindiya toddobaadkii lasoo dhaafay, waxaa tallaabadaas lagu soo xiray ku dhawaad 150 qof.

    Balse ururka ayaa beeniyay eedeymaha ah in uu rabashado waday isla markaana xiriir la leeyahay kooxaha argagixisada.

    Taageerayaasha ururka PFI ayaa ku tilmaamay xayiraadda arrin siyaasadeed oo ka dhan ah dimuqraadiyadda iyo xuququul insaanka.

    Ururka islaamiga ah ayaa taageeray dibadbaxyadii looga soo horjeeday sharciga muwaadinimada ee ka dhacay Hindiya sanadkii 2019 oo ay Muslimiinta ku tilmaameen ‘gacan bidxeyn’.

  10. Maxay ka wadahadli rabaan Xasan Sheekh Maxamuud iyo Abiy Axmed?

    Madaxweynaha Soomaaliya oo saaka lagu soo dhaweeyay Addis Ababa

    Xigashada Sawirka, SONNA

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Soomaaliya oo saaka lagu soo dhaweeyay Addis Ababa

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka booqasho ku tegay dalka Itoobiya, wuxuu kulamo la yeelan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyagoo ka wadahadli doono arrimo ay kamid yihiin xoojinta iskaashiga labada dal iyo amniga.

    Wuxuu sidoo kale Itoobiya kala hadli doonaa sidii dalalka ay u mideyn lahaayeen tallaabooyinka ka dhanka Al-Shabaab.

    Inta badan gobollada dalka Soomaaliya waxaa ka socdaa howlgallo ay wadaan ciidamada militeriga oo ka dhan ah Al-Shabaab.

    “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ahmiyad gaar ah siinaya in dalalka Gobolku ay mideeyaan dadaalladooda ku aaddan dabar-goynta argagixisada Al-shabaab oo caqabad ku ah xasilloonida iyo nolasha shucuubta geeska Afrika" ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay dowladda.

  11. Taliban oo malaayiin tan oo shidaal ah kasoo iibsaneysa Ruushka

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Sarkaal sare oo ka tirsan Taliban ayaa sheegay in dowladda Afghanistaan ay saxeextay heshiis horudhac ah oo ay malaayiin tan oo shidaal iyo qamadi ah uga soo iibsaneyso Ruushka, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Wasiirka kumeel gaarka ah ee arrimaha ganasciga iyo warshadaha Afghanistan Haji Nooruddin Azizi ayaa sheegay in xukuumadda Moscow ay maamulka Taliban siisay fursado qiimo dhimis ah si Ruushka uu uga iibiyo shidaalka, gaaska iyo qamadiga.

    Haddii arrintan la xaqiijiyo wuxuu noqonayaa heshiskii ugu horreeyay ee ku saabsan ay Taliban la galaan dowlad tan iyo markii ay awoodda la wareegeen bishii August ee sanadkii hore.

    Dowladda Taliban, ma aqoonsano caalamka waxay la daalaa dhacayeen dhaqaale xumo kadib markii laga saaray nidaamka caalamiga ah ee baananka lacagaha la isugu diro.

    Ruushka ayaa kamid ah dalalka fara ku tiriska ah ee safaaradda ku leh Kabul.

    Wararka kale:

  12. Asalaamu Caleykum.

    Kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay Soomaalida iyo Caalamka.