You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Halka arrin ee ka dhiman ku dhawaaqista qofka noqday Madaxweynaha Cusub ee Kenya

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Tirinta codadka doorashada Kenya oo weli socota

    Waxaa dalkan Kenya ka socota tirinta codadka laga dhiibtay doorashadii shalay dhacday iyadoo ay si weyn isugu dhaw yihiin labada musharrax ee Raila Odinga iyo William Ruto.

    Guddiga doorashooyinka Kenya ayaa sheegay in 60% dadka isu diiwaangeliyay doorashada ay shalay codkooda dhiibteen, taasoo ah tiro hoosaysa marka loo eego doorashooyinkii hore.

    Deegaanka Eldas ee ka tirsan Wajeer maanta waxaa ka dhaceysaa doorashada oo shalay u baaqatay sababo amni darro.

    Korjoogayaasha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee doorashadii shalay ka dhacday Kenya ayaa ammaanay qaabka loo maareeyay, gaar ahaan in cillad weyn aan lagala kulmin hannaanka dijitaalka ah ee lagu keydiyay xogta codbixiyayaasha.

    Shacabka Kenya waxay si weyn isha ugu hayaan cidda noqon doonta Madaxweynaha xiga.

    Waxaana doorashada si weyn isugu hayaa Ra'iisul Wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga iyo madaxweyne ku xigeenka William Ruto.

    Sidoo kale dadka waxay ka war sugayaan natiijada doorashada guddoomiyeyaasha gobollada iyo xildhibaanada.

  2. Ilhaan Cumar oo guul weyn ka gaartay Mareykanka

    Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Koongareeska ee baarlamaanka Maraykanka ayaa codad kooban uga adkaatay Don Samuels oo kula tartamayay doorashada isreereebka ee xisbiga Dimuqraadiga.

    Ilhaan Cumar waxay heshay boqolkiiba 50.5 codadkii la dhiibtay halka Don Samuels uu helay 48.2.

    Doorashadan ayaa aheyd mid si weyn loo hadal hayay isla markaana lagu tilmaami karo tii ugu adkeyd, sida uu kusoo warramayo weriye Siyaad Saciid Saalax.

    Waxay ka dhigan tahay in Ilhaan Cumar ay xisbiga Dimuqraadiga uga qeybgeli doonta doorashada Mareykanka ka dhaceysa bisha November.

    Ilhaan ayaa haatan ku fadhidaa kursiga degmada shanaad ee aqalka koongareeska ee Minnesota.

    Ilhaan Cumar ayaa barta Twitter-ka ku sheegtay in guusha ay weyn u tahay dadka ku nool degmada ay matasho.