Biden oo si caro leh uga hadlay dil 'argagaxa leh' oo loo geystay dad Muslmiin ah

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Itoobiya oo sheegtay in kooxo mintidiin ah ay ka xoraysay in ka badan kun tuulo

    ,

    Xigashada Sawirka, ,

    Dowladda Itoobiya ayaa dib ula wareegtay 1,255 tuulo oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan gobolka Oromada, waxaana ay dib u dhistay dhismayaal dowladeed oo burburay.

    Golaha Amniga Qaranka ayaa bayaan uu soo saaray Axaddii ku sheegay in bilihii la soo dhaafay la qaaday tallaabooyin adag oo lagu soo celinayo amniga iyo dardargelinta dhaq dhaqaaqa dhaqaale.

    Bayaanka ayaa lagu sheegay in 3,180 dagaalyahan lagu xiray howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka ‘Shanee’ ee dowladda.

  2. Islamic Jihad oo guul ka sheegatay dagaalkii Qaza ka dib xabad joojintii ay wada-gaareen Israa'iil

    ,

    Xigashada Sawirka, ,

    Warshada Korontada ee kaliya ee ku taal Qaza ayaa dib u bilowday shaqadeeda koronto dhalinta, ka dib markii ay heshiis xabad joojin ah kala saxiixdeen Israel iyo dagaalyahanada Islamic Jihad.

    Xuduudda ayaa dib loo furay waxaana dib u bilowday keenista shidaalka muhiimka ah; isbitaallada ayaa sheegay in ay la daalaadhacayaan agab la’aan soo wajahday.

    Xabbad joojinta oo ay garwadeen ka ahayd Masar, ayaa u muuqata in ay soo afjartay saddex maalmood oo colaad ah, oo ay ku dhinteen in ka badan afartan Falastiiniyiin ah.

    Israa’iil ayaa duqeysay wax ay ku sheegtay in ay yihiin goobaha Jihaadka Islaamiga ah ee Gaza,halka kooxdan hubeysani ay boqolaal gantaal oodda uga qaadday Qudus iyo Tel Aviv.

    Islamic Jihad ayaa ku dhawaaqday guul inkastoo ay waayeen labo taliye oo sarsare.

  3. Deg deg: Doorashada barasaabka Mombasa oo dib loo dhigay

    ,

    Xigashada Sawirka, ,

    Guddoomiyaha guddiga doorashada ee Kenya Wafula Chebukati ayaa joojiyey doorashooyinka afar xil oo loo tartamayo, ka dib markii ay isku qasmeen daabacaadda warqadaha lagu codaynayo.

    Deegaannada ay arrintan saamaynayso ayaa kala ah degmooyinka ku yaalla Mombasa iyo Kakamega, goobahaas oo la joojiyey in laga qabto doorashada barasaabka ilaa iyo amar dambe.

    Waxaa kaloo ku jira deegaannada koofurta Pokot iyo Kacheliba

  4. Midowga Afrika oo cambaareeyay duqeymaha Israa’iil ee Qaza

    Moussa Faki Mahamat

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Moussa Faki Mahamat

    Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa cambaareeyay duqeymaha ay Israa’iil ka fulisay marinka Qaza ee Falastiin.

    Duqeymaha Israa’iil waxaa ku dhintay in ka badan 30 qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan lix carruur ah.

    “In la beegsado dad rayid ah waa tallaabo kasoo horjeeda xeerarka caalamiga ah, Midowga Afrika wuxuu Falastiin ku taageerayaa dadaallada ay ku doonayaan inay ku noqdaan dal madaxbanaan oo ay caasimaddiisu tahay Bariga Quddus” ayuu yiri Moussa Faki Mahamat.

    Hadalkan kasoo baxay Midowga Afrika ayaa imaanaya saacado uun kadib markii kooxda hubeysan ee ka dagaallanta Falastiin ee Islamic Jihad iyo Israa’iil ay wada gaareen heshiis xabad joojin ah.

  5. Hoggaamiyaha Chad iyo kooxaha mucaaradka oo heshiis kala saxeexday

    Heshiiska ayaa ka dhacay Qatar

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Heshiiska ayaa ka dhacay Qatar

    Hoggaamiyaha militeriga ah ee Chad, Mahamat Idriss Déby ayaa heshiis nabadeed la saxeexday in ka badan 40 kamid ah kooxaha mucaaradka ah si gogol xaaro loogu sameeyo wada-xaajoodka qaran bishan Augusta lagu qabayo qabanayo Chad.

    Heshiiskan ayaa ka dhacay magaalada Doha kadib in muddo ah ay wadahadallada garwadeen ka aheyd dowladda Qatar.

    Balse kooxda ugu weyn fallaagada ka howlgasha Chad ee Fact ayaa ku gacan seyrtay heshiiska.

    Waxay ku doodeen in dhowr ka mid ah codsigooda aan la fulin oo ay ku jiraan in la sii daayo in ka badan saddex boqol oo dagaalyahan oo xabsiga ku jira.

    Mahamat Deby ayaa la wareegay hogaanka dalka sanadkii hore ka dib markii aabihiis Idriss Deby uu ku dhintay jiida hore ee dagaalka.

    Doorashooyin ayaa lagu wadaa inay ka dhacaan Chad bisha Oktoobar

  6. Diyaargarowga doorashada Kenya ee maalinta ah berri ah dhaceyso

    Magaalada Mombaasa ayaa ka mid ah meelaha laga dareemayo diyaargarowga doorashada
    Qoraalka sawirka, Magaalada Mombaasa ayaa ka mid ah meelaha laga dareemayo diyaargarowga doorashada

    Iyadoo wax ka yar 24-saacadood ay ka harsanyihiin doorashada guud ee Kenya ayaa weli socda safarka ay dadku kaga baxayaan magaalooyinka waaweyn ee dalka oo ay dadku ku sii qulqulayaan degmooyinka ay si ay codkooda uga dhiibtaan deegaannada ay asal ahaan ka soo jeedaan.

    Magaalada Mombaasa ayaa ka mid ah meelaha laga dareemayey safarradaas halkaas oo ay ku nool yihiin dad badan oo Soomaali ah waxa se jira kuwo badan oo aan ka bixin magaalada.

    Deegaannada ku yaalla xadka Kenya iyo Soomaaliya ee hoos yimaada deegaanka Dhadhaab ee gobolka Waqooyi Bari kenya ayaa waxaa ka socda diyaar garowga, iyadoo qalabkii codbixinta halkaasi lagu geynayo diyaarado.

    Dad gaaraya ilaa 40,000 ayaa la sheegay inay codkooda ka dhiibanayaan doorashada berri.

    Doorashada Kenya ee la filayo inay dhacdo berri
    Qoraalka sawirka, Doorashada Kenya ee la filayo inay dhacdo berri
    Sanaadiiqyada doorashada
    Qoraalka sawirka, Sanaadiiqyada doorashada
  7. Shiinaha oo isku diyaarinaya ‘dagaal toos ah oo uu ku qaado Taiwan’

  8. Maxay ka wadahadleen Xasan Sheekh iyo Erdogan oo teleefoon ku xiriiray?

    .

    Xigashada Sawirka, Villa

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Turkiga Reccep Tayib Erdogan ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xiriirka iskaashiga ee ka dhexeeyay labada dal iyo arrimaha gobolka kadib ay ku xiriireen teleefoon, sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya.

    Waxay ka wada hadleen "heshiis ku saabsan xoojinta iskaashiga iyo saaxibtinimada labada dal'

    Turkiga wuxuu sii wadi doonaa dadaallada uu Soomaaliya uga taageerayo xoojinta amniga iyo xasiloonida dalka ayuu yiri Erdogan, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee dowladda Turkiga, Anadolu.

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horraantii bishii hore booqasho ku tegay dal uu kamid yahay Turkiga oo ay ku heshiiyeen xoojinta arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo ganacsiga.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  9. Koox fallaago ah oo dad ku dishay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo

    Ciidamada Congo ee dagaalka adag kula jira kooxaha fallaagada ah

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Ciidamada Congo ee dagaalka adag kula jira kooxaha fallaagada ah

    Fallaagada ka howlgasha dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa dilay ugu yaraan 15 qof iyo sarkaal militeri xilli ay weerar ku qaadeen tuulooyin labadii maalmood ee lasoo dhaafay.

    Guddoomiyaha gobolka Ituri, Colonel Siro Simba ayaa sheegay in fallaago xiriir la leh ADF loo maleynayo inay weerar ku qaadeen tuulada Kandoyi oo ay ku dileen 10 qof.

    Halka 5 qof lagu dilay Sabtidii tuulada Bandiboli.

    Haweeney kamid ah dadka waxyeellada kasoo gaartay weerarka ayaa sheegtay in fallaagada ay qoorta ka gooyeen waalidiinteeda.

    Khuburro ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa sheegay inay caddeymo ku aadan in ciidamada Rwanda ay ka barbar dagaallamayaan fallaagada M23 balse Rwanda ayaa beenisay eedeymahaas.

  10. Sida magaalada Wajeer ganacsiga u socda iyada oo lagu jiro waqti doorasho

  11. Shiinaha oo sameeyay dhoolatus militeri oo hor leh oo ka dhan ah Taiwan

    Diyaaradaha dagaalka Shiinaha ee qeybta ka ah dhoolatuska militeri

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Diyaaradaha dagaalka Shiinaha ee qeybta ka ah dhoolatuska militeri

    Militeriga Shiinaha ayaa sheegay in uu sii wadayo dhoolatuska militeri ee ballaaran ee uu ka fulinayo agagaarka jasiiradda Taiwan kadib markii Axaddii uu Shiinaha shaaciyay in uu soo afjaray dhoolatuskii dab-ridka ahaa.

    Taliska ciidamada Shiinaha ayaa sheegay inay sameynayaan dhoolatus ka dhan ah maraakiibta gujiska ah iyo weerarada dhanka badda.

    Dhoolatuskan militeri ayaa ka dambeeyay markii Shiinaha uu ka carooday markii Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ay booqasho ku tegtay halkaas.

    Taiwan ayaa ku eedeysay Shiinaha in uu wado duullaan ka dhan ah jasiiradda oo uu Shiinaha u arko inay ka tirsan tahay dhulkiisa.

    Wararka kale ee la xiriira sheekadan:

  12. Biden oo ka hadlay dil argagaxa leh oo geystay dad Muslmiin ah

    Joe Biden

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Joe Biden

    Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay inuu ka careysan yahay dilka afar nin oo Muslimiin ahaa oo lagu dilay gobolka New Mexico ee dalka Mareykanka.

    Booliska ayaa baarayaa in dilkan lala xiriiriyay in uu ahaa weerar.

    Biden ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in uu aad uga murugooday dilka ka dhacay magaalada Albuquerque, wuxuuna sheegay in maamulkiisu uu si adag u garab taagan yahay shacabka Muslimiinta ah ee ku nool dalka Mareykanka.

    Booliska ayaa sheegay in qof lagu dilay halkaas Jimcihii halka laba qof oo kalena la dilay labadii toddobaad ee lasoo dhaafay.

    Afarta qof ee muslimiinta ah ayaa kasoo jeeday koonfurta Asisa, waxaana lagu dilay weerar gaadmo ah.

    Afhayeen u hadlay Muslimiinta gobolka New Mexico ayaa sheegay in dilkan uu argagax geliyay bulshada laga tiro badan yahay ee ku nool magaalada Albuquerque.

    Muslimiinta ayaa sheegay in dhibaatadan ay cabsi gelisay

    Xigashada Sawirka, SPENCER PLATT

    Qoraalka sawirka, Muslimiinta ayaa sheegay in dhibaatadan ay cabsi gelisay