Beesha Caalamka oo Farmaajo u mahadcelisay

Saaxibbada Caalamka ee Soomaaliya ayaa u hambalyeeyey madaxweynaha cusub ee loo doortay Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Sida oo kale waxay u mahadceliyeen Madaxweynaha xilka ka dagay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida uu u oaqbalay natiijada doorashada ka soo baxday isla-markaana uu u ballan qaaday madaxweynaha baddalay inuu garab siinayo.
Bayaanka wadajirka ee ay soo saareen saaxibbada Soomaaliya waxaa kale oo ay ugu mahadceliyeen Baarlamaanka Soomaaliya, Guuddoonka iyo Shaqaalaha baarlamaanka, Guddiga doorashada madaxweynaha iyo laamaha ammaanka ee suurageliyey iney doorashada si nabad ah ku soo gabgabowdo.
Waxayna ballaan qaadeen madaxweynaha cusub iney kala sahqeeynayaan arrimaha uu mudnaanta siinayo oo suuragelinaya horumarinta nabadda, barwaaqada iyo dowladnimada Soomaaliya.




