Dagaalka Ukraine: "Bil ka dib habeenkii ugu horreeyay ayaan nabad ku seexanay"
Ku xigeenka duqa magaalada Chernihiv ayaa sheegay in magaalada ku taal waqooyiga Ukraine ay aragtay habeenkii ugu horeysay oo xasilloon tan iyo markii uu dagaalka bilowday in ka badan shan toddobaad ka hor.
Oleksandr Lomako ayaa BBC u sheegay in ciidamada Ruushka lagu qasbay inay ka cararaan inta badan aagga.
"Waxaanu ku naalooneynaa habeenkii ugu horreysay ee xasilloon tan iyo 24-kii Febraayo. Waxaa mahaddaasi iska ciidankeena dadaalka weyn sameeyey, ciidamada Ruushku waxay ka carareen badi tuulooyinka Chirnihiv."
Chernihiv ayaa ka go'doonsanayd Ukraine inteeda kale tan iyo markii ciidamada Ruushka ay burburiyeen buundada.
Hase yeeshee guddoomiye Oleksandr Lomako ayaa sheegay in uu rajaynayo in sahayda bini'aadanimo dhawaan doon-yo lagu soo gaarsiiyo magaalada.
Waxa uu yiri waxaan leenahay webi fursad inoo siin kara in laga soo gudbiyo gar-gaarka.