War deg deg ah: Bannaanbixi Muqdisho oo la baajiyey
Bannaann bixi dowladda looga soo jeeday oo Muqdisho ka dhici lahaa maalinta barri ah ayaa la baajiyey.
Baajinta bannaanbaxa ayaa timid kadib marki ay odayaal soo dhex galaan bannaan baxa qabashadiisa ay dhinacyadu isaga soo horjeedeen.
Waxayna odayasha shacabka Muqdisho ugu baaqeen inay ka waantoobaan dibadbaxyada, maadaama xaalad amni ayjirta.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa shalay diidmo dul dhigay in banaanabax lagu qabto magaalada.
Hase yeeshee wasaaradda amniga ee Soomaaliya ayaa maanta soo saartay amar lagu farayo ciidanka ammaanka inay sugaan amniga bannaanbaxa.