Maamulka gobolka Banaadir ayaa shalay diidmo dul dhigay in banaanabax lagu qabto magaalada.
Hase yeeshee wasaaradda amniga ee Soomaaliya ayaa maanta soo saartay amar lagu farayo ciidanka ammaanka inay sugaan amniga bannaanbaxa.
'Maamulka Gobolka Banaadir ka mid ma aha dadka aan kala hadlayey iney bannaanbaxayaasha amnigooda sugaan'
Magaalada Muqdisho waxaa ka socda abaabulka banaanbax berri la qorshaynayo taallada Daljiraka dahsoon, kaasoo ay soo qaban qaabiyeen taageerayaasha mucaaradka oo siyaasad ahaan ku fikir dhow ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Maamulka gobolka Banaadir oo aragti ahaan aad ugu dhow madaxweyne farmaajo ayaa shalay diidmo dul dhigay in banaanabax lagu qabto magaalada.
Hase yeeshee wasaaradda amniga ee somalia ayaa maanta soo saartay amar lagu farayo ciidanka amaanka inay sugaan amniga banaanbaxa.
Halkan ka dhageyso wareysiga ay BBC kla yeelatay Wasiirka Amniga Soomaaliaya C/llaahi Maxamed Nuur oo u warramay wariyaha BBC Xasan Shekh Cumar.
Sicir barar ka taagan dalka Mareykanka ayaa la sheegay inuu 40 sano kaddib gaaray halki ugu sarreeyey.
Tusmada lagu soo saaro qiimaha maciishadda ee Maraykanka lagu soo saaro ayaa lagu sheegay 7% in sare u kacay marka la barbardhigo sanadkii hore sida uu ahaa.
Waxaana tusmadaasi lagu sheegay bishii seddexaad oo xiriir ah uu sicir bararka ka sarreeyo 6%.
Waxaana sicir bararka loo sababeeyey nooca cusub ee cudurka safmarka ee Omicron oo cadaadis xooggan saaray shaqaalaha waxsoossarka dalkaasi ka shaqeyn lahaa.
Talaadadi shalay ahaydna madaxa keydka Fedraalka Jerome Powell wuxuu sheegay iney diyaar u yihiin iney lacagaha dulsaarka kordhiyaan si sicir bararka loo dajiyo.
NATO oo sheegtay iney Ruushka weli kala aragti duwan yihiin
Xoghaya Guud ee Gaashaan Buurta NATO ayaa sheegay iney weli Ruushka kala aragti duwan yihiin, iyada oo kulankii ugu horreeyey oo fool ka fool ah oo ay labada dhinac yeeshaan muddo laba sana ah uu dhacay.
Jens Stoltenberg ayaa sheegay kulanka Brussels inuu yahay mid loogu tala galay in lagu dajiyo xiisadda ka dhalatay tobannanka kun oo askari uu Ruushka soo dhoobay xadka Ukrine.
Wuxuuna Xoghayuhu warfidiyeennada uu u sheegay NATO iney diyaar u tahay markale in wadahadallada dib loo billaabo.
Xubnaha NATO waxay sheegeen iney marnaba aqbaleyn dalbka Moscow ee ku saabsan iney Ukrine ka hor istaago iney Gaashaan buurta xubin ka noqoto iyo iney NATO joojiso isballaadhinta ay ka waddo bariga Yurub.
Hantidhowrka guud oo hakiyey Ruqsadaha la siiyo kalluumeysatada Shisheeye
Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu hakiyey bixinta ruqsadaha kallumeysi ee maraakiibta shisheeye iyo qandaraaska hubinta tayada badeecadaha oo aan loo marin hannaan sharci ah.
Warsaxafeed ka soo baxay Xafiiska Hantidhowrka Guud waxaa lagu sheegay qaar ka mid ah hay'adaha dowladda Federaalka Soomaaliya maalmihi u dambeeyey inay wadeen tallaabbooyin aan waafaqsaneen sharciga.
Wuxuuna xafiisku mas'uuliyiinta hay'adaha dowladda iney ka waabtaan falalka lagu baalmarayo shuruucda dalka, ciddi ku sifoowdana sharciga lala tiigsanayo.
Xigashada Sawirka, HANTIDHAWRKA GUUD
Ra'isul wasaaraha UK oo diiday inuu iscasilo
Ra’isal wasaaraha Britain ayaa diiday inuu iscasilo, kaddib marki loo soo jeediyey eedeymo ku aaddan xilligi ay xayiraadaha Covid-19 taagnaayeen uu ka qayb galay xaflad ka ka dhacday xafiiskiisa.
Boris Johnson ayaa baarlamaanka ka raalli geliyey xafladda uu bishii May 2021-ka ka qayb galay isaga oo raalli gelinta uu bixiyey aan ku qanacsaneen.
Wuxuuna sheegay inuu u haystay inuu raacay awaamiirta goobaha shaqooyinka ee la xiriira ee Covid-19 ka dhashay, balse uu aqbalay iney habboneen kulan noocaasi xilligaa in la qabto.
Wuxuuna intaa ku daray iney habboon tahay iney cidna ka hordhicin natiijada ka soo baxda baaritaanka ku aaddan sida ay wax u dhaceen.
Hogaamiyaasha Mucaaradka UK oo isdifaacidda Ra'isul wasaaraha ku tilmaamay mid meel ka dhac ku ah shacabka Ingiriiska, ayaa soo jeedinaya inuu iscasilo.
Maxaa ka jira in shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobey lala beegsaday Qaraxii Muqdisho?
Howlgalka Qaramada
Midoobey ee Soomaaliya ayaa sheegay in aysan waxbo ka jirin wararka sheegayo in
in shaqaale ka tirsan UN-ta lala beegsaday qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho.
Qaramada Midoobey
waxay cambaareysay qaraxa isla markaana waxay tacsi u dirtay qoysaska ay
eheladooda uga geeriyoodeen qaraxa.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan, 2
Guddoomiyaha guddiga doorashada Galmuduga oo xilkii laga qaaday
Waxaa xilkii laga qaaday guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee maamul goboleedka Galmudug kadib markii kulan ay yeesheen xubnaha guddiga doorashada ee maamulkaas.
Xubnaha ayaa guddoomiye cusub u doortay Maxamed Qaasin Maxamuud oo horey u ahaa xoghayaha guddiga doorashada Galmudug.
Xigashada Sawirka, .
Dowladda oo ka hadashay qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho
Booliska Soomaliya ayaa sheegay in ugu yaraan 9 qof ay ku dhinteen qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Waxaana qaraxa ku dhawaacmay 14 qof oo haatan lagu dabiibayo cisbitaallada.
Booliska waxay sidoo kale sheegeen inay baarayaan qaraxa isla markaana saraakiishii caddaanka aheyd ee saarneyd baabuurka uusan wax dhib ah soo gaarin.
Dhinaca kale, Guddoomiye Ku xigeenka Amniga & Siyaasadda Gobolka Banaadir Cali Cabdi
Wardheere (Cali Yare ) oo warbaahinta kula hadlayay Muqdisho ayaa
sheegay in laamaha amniga ay baarayaan qaraxa.
Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxii ka dhacay Muqdisho
Dhalinyaro Soomaali ah oo ku xirneyd Liibiya oo Muqdisho lagu soo celiyay
Waxaa garoonka
diyaaradaha Muqisho ka degtay diyaarad siday dhalinyaro Soomaali ah oo gaareysay
97 kuwaas oo ku xirnaa dalka Liibiya.
Dhalinyaradan oo
muddo sanad ah ku xirnaa Liibiya waxaa sii deyntooda iska kaashaday dowladda
Soomaaliya iyo hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Socdaalka ee
IOM, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.
Waxaa dhalinyaradan halkaas kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.
Dhanka kale magaalada Hargeysa waxaa gaaray 43 ka mid ah dhallinyaradaasi laga soo saaray xabsiyada dalka Liibiya.
Xigashada Sawirka, SONNA
Xigashada Sawirka, SONNA
Tirada dhimashada qaraxa oo korortay
Waxa isa soo taraya
khasaaraha ka dhashay qaraxii saaka ka dhacay waddada 21 October ee magaalada
Muqdisho.
Dr Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Xaaji Aaden oo madax ka ah hay’adda
gurmadka degdeg ah ee Aamin Ambulance ayaa BBC-da u sheegay inay goobta qaraxu
ka dhacay ka qaadeen 8 qof oo dhimasho ah iyo 9 qof oo dhaawac ah.
Xigashada Sawirka, SONNA
Al Shabaab oo sheegatay mas'uuliyadda qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho
Al-Shabaab ayaa
sheegatay mas'uuliyadda qaraxa barqadii ka dhacay magaalada Muqdisho, sida ay baahisay
idaacadda ku hadasha afka Al-Shabaab ee Al-Andalus.
Qoraalka laga baahiyay
idaacadda ayaa sidan u qornaa “Mujaahidiinta
ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday kolonyo ay la socdeen saraakiil
caddaan ah waxaana weerarka ku burburay mid kamida gaadiidkii ay caddaanku la
socdeen, kuwa kalane waxyeello ayaa gaartay" ayaa lagu yiri warka kasoo
baxay Al Shabaab oo ay baahisay Idaacadda Andalus.
Xigashada Sawirka, SONNA
Xigashada Sawirka, SONNA
Qoraalka sawirka, Khasaaraha ka dhashay qaraxa
Faahfaahin kasoo baxeyso qaraxii ka dhacay Muqdisho
Ugu yaraan 4 qof ayaa dhintay
kadib markii gaari waxyaabaha qarxa lagu soo raray lala beegsaday kolonyo
gaadiid ah oo marayay waddada 21 October ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen
dad goobjoog ah.
Khasaaraha ayaa intaa ka badan kara iyadoo wali uu socdo
gurmadka loo samaynayo dadka waxyeeladu soo gaartay.
Gawaari badan oo ay ku jiraan
kolonyadii la beegsaday ayaa burburay.
Gaadiidka gurmadka degdeg ah
ayaa goobta qaraxu ka dhacay ka qaadaya maydadka iyo dhaawaca goobta yaala.
Illaa hadda ma cadda cidda
sida dhabta ah loo beegsaday ee la socotay kolonyada la beegsaday, balse qof
goobjoog ah ayaa sheegay inuu arkay dad caddaana oo goobta laga qaadayo.
Ma jiro wax warra oo ka soo
baxay hay’adaha ammaanka ee Soomaaliya oo faahfaahinaya khasaaraha ka dhashay
qaraxa, iyo cidda la beegsaday
War deg deg ah, Qarax weyn oo ka dhacay Muqdisho
Wararka ka
imaanayo magaalada Muqdisho waxay sheegayaan in qarax weyn laga maqlay halkaas.
Ilaa hadda lama ogo khasaaraha ka dhashay qaraxan.
Gantaalka halista ah ee uu si toos ah u daawanayay Kim Jong-un markii la ridayay
Kuuriyada Waqooyi ayaa
mar kale tijaabisay gantaallada xawaarahooda ka dheereeya xilli uu si toos ah u
daawanayay hoggaaminyaha dalkaas Kim
Jong-un.
Warbaahinta dowladda ayaa ku
warrantay in gantaalka la tuuray Talaadadii uu jaray masaafo gaareysa 1,000km
ka hor inta uusan ku dhicin badda.
Waa markii saddexaad ay
Kuuriyada Waqooyi tijaabiso gantaallada xawaarahooda ka dheereeya kaas oo ay adag
tahay in la ogaado, wuxuu jarayaa masaafo ka dheer midda ay jaraan gantaallada
Ballistic-ga.
In Kim Jong-un oo goob joog
ka ahaado tijaabinta gantaalka waxay ka dhigan tahay inay horumar ka gaareen
teknooloojiyadda, sida ay sheegayaan falanqeeyayaasha.
Kor u kaca ugu
dambeeyay ee tijaabada hubka ayaa u muuqan kartaa mid lagu xoojinayo hadafka Kim Jong-un ee
ahaa in uu sare u qaadayo awoodda militeri ee Kuuriyada Waqooyi.
Mareykanka oo hanjabaad adag u diray madaxda Soomaaliya
Dowladda Mareykanka
ayaa ugu baaqday madaxda Soomaaliya inay u hoggaansamaan habraacyada arrimaha
doorashada iyo tallaabooyinka kale ee lagu saxayo hanaanka doorashada.
“Waxaan ugu baaqeynaa madaxda
dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada inay u
hoggaansamaan wakhtiga doorashaada ee lagu heshiiyay iyo hanaanka lagu saxayo
khaladaadka harreeyay habraaca doorashada”
Mareykanka wuxuu ku
hanjabay in uu xayiraado dhanka dal ku galka ah kusoo rogi doono siyaasiyiinta
Soomaalida si looga jawaabo dib u dhaca harreeyay doorashada.
“Mareykanka wuxuu
diyaar u yahay in uu qaado tallaabo ugu habboon oo ay kamid tahay, xayiraado
dhanka dal ku galka ah si looga jawaabo in dib u dhaca doorashada iyo tallaabooyinka
kale ee carqaladeyn karo hufnaanta doorashada” ayuu yiri Ned Price oo ah
afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha Mareykanka.
Qoraalka sawirka, Khasaare dhimasho iyo dhawaac ayaa ka dhashay dagaalkii ka dhacay ee u dhexeeyay PSF iyo ciidamada Puntland
Isimadii maalmahan ba u fadhiyey xallinta khilaafkii
keenay dagaalkii ka dhacay magaalada Boosaaso dabayaaqadii bishii hore, ayaa
xalay soo saaray qodobo talo soo jeedin ah oo ay u direen xukuumadda Puntland.
Qodobadaas talo soo jeedinta oo ay isimadu qabaan in
lagu xallin karo khilaafkii shaqaaqadaa keenay waxaa kamid ah, in hay’adda PSF
ay sii ahaato sideedii hore isla markaana uu agaasime usii ahaado Sarreeyo Guuto
Maxamed Cismaan Cabdullaahi.
Isimada waxay sidoo kale sheegeen in in gogol dib u
heshiisiineed ay u dhigayaan madaxweynaha Puntland iyo saraakiisha PSF si loo
xalliyo khilaafka.
Go’aamada ay soo saareen isimada ayaa ka dambeeyay, kadib
markii bishii lasoo dhaafay uu dagaal uu Boosaaso ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa
PSF-ta.
Madaxweynaha Puntland,
Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa 24-kii bishii November soo saaray xeer madaxweyne
oo uu ku magacaabayay agaasimaha cusub ee hay'adda PSF balse hoggaanka
hay'addaasi ayaa magacaabistaasi iyo xil ka qaadistii agaasimihii hay'addaasi
ku tilmaamay sharcidarro, taas oo keentay dagaal sababay dhimasho, dhaawac iyo
barakac.
Qodobada ay soo saareen isimada:
Xigashada Sawirka, .
Asalaamu Caleykum.
Kulanti wacan ku soo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo Caalamka.