Sucuudiga oo tarxiilayo nin xajka u tagay

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Bangiga Adduunka oo saadaaliyey dhaqaalaha dunida inuu hoos u dhac uu wajahayo

    .

    Xigashada Sawirka, ge

    Bangiga Adduunka ayaa sheegay dhaqaalaha dunida inuu hoos u dhac xooggan uu soo wajahayo, gaar ahaanna waddamada saboolka ah.

    Bangigu wuxuu saadaaliyey hoos u dhaca dhaqaalaha dunida sanadkan ku imanaya inuu gaarayo 4.1% halka sanadki hore uu ahaa 5.5%.

    Wuxuuna bangigu hoos u dhaca dhaqaale uu u sababeeyey cudurka safmarka ee dunida faraha ba'an ku haya iyo waddamada oo aan dooneyn iney muwaaddiniintooda gargaar ku filan u fidiyaan.

    "Walaaca ugu weyn ee na haya ayaa wuxuu yahay sinnaan la'aanta dhaqaale oo dunida ku sii baaheyso" ayuu yiri madaxweynaha Bangiga Adduunka David Malpass.

    Bangigu waxaa kale uu sheegay waddamada sida Mareykanka, Japan iyo waddamada Yurub 2023-ka iney si buuxda uga soo kabanayaaan saameynta dhaqaalahooda uu u geystay cudurka safmarka.

  2. 17 qof oo rayad ah oo la sheegay in lagu dilay gobolka Tigary

    Gaari gubtay

    Xigashada Sawirka, AFP

    Shaqaalaga gargaarka ee ka howlgala deegaanka Tigraay oo wakaaladda wararka ee AFP u warramay ayaa sheegay duqeyn ay diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha lahayn ee Itoobiya geysteen in lagu dilay 17 qof oo rayad ah.

    "Duqeynta waxay gelinki dambe ee Isniinta ka dhacday magaalada Mai Tsebri waxaana duqeyntaasi ku dhimatay 17 qof oo shaqaala ah oo ka howlgalayey warshad burka soo saarta" ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalaha gargaarka oo dhacdadaasi goob joog u ahaa.

    Duqeyntan cusub ayaa imaneysa maalma un kaddib marki la sheegay duqeyn la mid ah in lagu dilay dad badan qaar kalana ay ku dhaawacmeen.

    Shaqalaha gargarku waoo ku yaalla Dedebit in lagu dilay ugu yaraan 59 qof, 138 ay ku dhaawacmeen.

    Xoghayaha guud ee qaramada midoobayna markale wuxuu ku baaqay in colaadda degdeg loo joojiyo hay'adaha gargaarkana loo oggolaado iney deegaanka Tigraay galaan.

  3. Tirada dadka soo galootiga Yurub oo sare u kacday

    Wakaaladda Xuduudaha Midowga yurub ee Frontex ayaa sheegtay iney sanadki hore ee qarraddaasi soo galeen ku dhawaad 200,000 oo soo galooti sharci darran ah, tiradaasi oo noqoneysa tii ugu badneyd tani iyo 2017-kii.

    2020-kana waxay tiradaasi ka sarreeysaa 57%, iyada oo xilliga uu cudurka safmarka qaaradda faraha ba’an ku hayey tiradu hoos u dhac uu ka muuqday.

    Frontex waxay sheegtay heerka dadka soo galootiga ah inuu qaaradda heerki ugu sarreeyey ka marayo.

    Arrintaasina ay sababtay xaaladda ka taagan xadka Belarus oo 10 jibaaran dadka soo galootiga ee xadkaasi qaaradda ka soo galo.

    Dadka soo galootiga ee qaaradda si sharci darra ah soo gaara kuwooda ugu bandan ay yihiin muwaaddiniinta dalka Suuriya.

    Sawir hore: Tahriibayaal doon saaran
  4. Kenya oo ku raad joogta rag dilay 4 askari oo ciidamadeeda keydka ah

    Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Dhadhaab ayaa ka hadlay dil shalay loo geystay afar nin oo Soomali ah oo ka tirsanaa ciidanka kaydka Kenya, kuwaas oo dhamaantood ka soo jeeday deegaanka Liboi.

    Raggan ayaa xabad lagu furay xili ay marayeen waddada u dhaxeysa deegaanka Kullan iyo Liboi, waxaanna dilka u geystay rag hubeysan sida uu xildhibanku sheegay.

    Haddaba Xildhibaan Dr Maxamed Daahiye Ducaale oo Kowasr Maxamed khadka talefanka ugu warramay ayaa BBC u faahfaahiyey sida uu dilkaasi u dhacay.

    Halkan ka dhageyso:

    Qoraalka Codka, Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Dhadhaab oo BBC u warramay
  5. Ruwanda oo wacad ku martay iney la dagaallameyso mintidiinta Mozambique

    Askar baabuur saaran

    Xigashada Sawirka, AFP

    Ciidamada Ruwanda ayaa sheegay iney sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan mintidiinta ka dagaallama Mozambique, kaddib marki ay labada dal galeen heshiis ku aaddan iney sii kordhiyaan dagaalka ay kooxdaasi kula jiraan.

    Dowladda Ruwanda waxay bishii July ee kal hore ay Moambique u dirtay 1,000 askari, xilligaasi oo ay kooxahaasi ay weerarro isdaba joog ah ka geysanayeen magaalooyin ku yaalla waqooyiga gobolka Cabo Delgado.

    Howlaglaka wadajirka ee ay ciidamada labada dal gobolkaasi ka sameeyeen oo xoogaha horumar ah laga gaaray haddana waxaa weli halkoodi ka sii socda weerarrada iyo afduubka halkaasi ka dhaca ayuu yiri, wariyaha halkaasi noogu soo warrama.

    Saraakiisha dowladda Mozambique waxay sheegeen toddobaadkan oo keli ah gobolka Nangade in laga soo badbadiyey 30 qof oo afduub lagu haystay, howlgal ay si wadajir ah u sameeyeen waddamada Koonfurta Afrika ku yaalla.

  6. Jowar Mohamed oo sheegay inuu marnaba ka tanaasuleyn qaddiyadda Oromada

    Jowar Maxamed iyo Baqale Garbaa

    Xigashada Sawirka, Jowar Mohamed

    Xubnihi ka tirsanaa xisbiga mucaaradka ee OFC oo dhawaan xabsiga lagu soo daayey ayaa sheegay iney sii wadayaan halgankooda nabadeed ilaa ay ka xaqiijinayaan qaddiyadda qowmiyadda Oromada.

    Jowhar Maxamed iyo Baqale Garbaa oo tani iyo marki xabsiga laga soo daayey shirki jaraa'id ee ugu horreyey qabtay waxay sheegeen halgankooda ineysan ku ekeen raadinta xuquuqda qowmiadda Oromada balse tan shucuubta dalka Itoobiya oo dhan ay raadinayaan.

    Xubnahan oo 18 bilood xabsi ku jiray oo cafis lagu sii daayey waxay dowladda dhexe ugu baaqeen iney baaritaan degdeg ah ku sameyso dilka loo geystay fannaankii qowmiyadda Oromada Hachaalu Hundesa.

    Waxaa kale oo ay ku baaqeen dagaalka Tigraay in la joojiyo xadgudubyada ka dhacay deegaannada Oromada, Benishangul Gumuz, Cafar iyo Amxaarada.

    Jowhar Maxamed iyo Baqale Garbaa ayaa ah laba siyaasi oo ka soo jeedda qowmiyadda Oromada oo si weyn uga muuqdo siyaasadda dalkaasi Itoobiya.

  7. Sucuudiga oo tarxiilayo nin xajka u tagay

    Hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa walaac ka muujiyay waxa ay ku tilmaameen qorshaha Sucuudiga uu dalkiisa uga tarxiilayo labo nin oo kasoo jeedo Muslimiinta laga tiro badan yahay ee Shiinaha.

    Hey’adda xuquuqul insaanka ee Human Rights Watch, ayaa sheegtay in masaafurinta nin lagu magacaabo Xamdallah Abd al-Wali, oo booqanayay Maka bishii Febraayo 2020 si uu u soo guto waajibaadka Xajka, iyo Nurmimit Rozi, oo 46 jir ah, oo loo masaafurinayo Shiinaha ay tahay arrin halis ah, oo ku saabsan xarig aan loo meel dayin iyo jirdil loo geysanayo labadaas qof.

    Sida ay sheegtay hay’addu, labada nin oo kasoo jeeda gobolka Xinjiang ee waqooyi-galbeed ee Shiinaha, ayaa lagu hayaa xabsi ku yaalla magaalada Jeddah.

    Shantii sano ee lasoo dhaafay, maamulka Shiinaha ayaa sare u qaaday howlgallada uu ka wado gobolka Xinjiang, iyagoo sheegay inay gobolkani ka wadaan la dagaalanka argagixisada.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  8. Saameynta ka dhalan karta duulimaadyadii tagi jirey Imaaraatka ee ay Kenya hakisay

  9. Fadeexadda xafiiska ra’iisal wasaaraha UK ee jabinta xanibaadda Covid19

    Ra'iisal wasaaraha UK, Boris Johnson.

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ra'iisal wasaaraha UK, Boris Johnson.

    Waxaa lagu casuumey boqol qof iney kaga qeyb galaan xaflad beerta xafiiska lagaga taliyo Ingiriiska ee 10 Downing street, iyadoo ay jirto xanibaaddii ugu horeysay ee lagu soo rogo Ingiriiska.

    Goob joogayaal ayaa BBC-da u sheegay in ra’iisal wasaare Boris Johnson iyo xaaskiisa, ay kamid ahaayeen illaa 30 qof, oo ka qeyb galey isu imaatinkani 20kii bishii May ee sanadkii 2020-ka.

    Laakiin Boris Johnson, ayaa ka gaab sadey inuu faah faahin ka bixiyo inuu kamid ahaa dadkii halkaasi joogay iyo in kale.

    Booliiska magaalada ayaa sheegay iney kala xiriireen dowladda arrintani, bal si ay faah faahin buuxda uga helaan jebinta sharciga xanibaadda lagu sameeyey, ee la xiriirta cudurka safmarka ee Covid19.

    Farriin uu helay TV-ga ITV, kaasoo lasoo gubiyey, ayaa lagu sheegay in dadka lagu marti qaadey xafladda lagu sheegay in la kala fogaanayo, cabitaankana lagu cabayo beerta xafiiska No 10 fiidnimada.

    Xafladdan ayaa qabsoontey intii lagu guda jirey xanibaadihii ugu horeeyey ee cudurka safmarka ee Covid19.

    12 maalmood kadib, 1-da bishii June, sharcigii Ingiriiska ee kuwajahnaa cudurka Covid19, ayaa wax laga badaley, si loo fasaxo in illaa iyo lix qof ay ku kulmi karaan goob bannaan ah.

  10. Dhakhtar xabsi loo dhigay qof uu qandho ka daweeyay awgeed

    .

    Xigashada Sawirka, VCG/VCG VIA GETTY IMAGES

    Dhakhtar ka howlgala magaalada Zhoukou ee dalka Shiinaha ayaa lagu soo oogay dacwad dambi ah ka dib markii lagu eedeeyay in uu daaweeyay bukaan qandheysnaa xilli uu ka shaqeynayay isbitaal aan lahayn goob lagu baaro qandhada.

    Bukaanada lagu arka calaamadaha Covid-19 ee Shiinaha waxaa lagu daweyn karaa cisbitaallo gaar ah oo loogu talagalay in lagu qaabilo dadkaas.

    Dhaqtarka, oo lagu magacaabo Guo, ayaa lagu soo oogay tuhun ah "in uu hor istaagayo dadaallada ka hortagga iyo xakameynta cudurrada faafa".

    Shiinaha wuxuu wadaa tallaabooyin uu ku ciribtirayo cudurka Karoona.

    Cisbitaalka uu agaasime ku xigeenka ka ahaa Guo ma laheyn rug caafimaad ah oo gaar ah oo qaabisha bukaanada lagu arko qandhada.

    Dhakhaatiirta Shiinaha waxaa loo ogol yahay oo kaliya ah in bukaanada lagu arko caalamadaha Covid-19 ay ku daweyn karaan xarun gaar ah oo u qalabeysan adeegyada.

    Haddii lagu helo dambiga, Guo waxa uu wajihi karaa ilaa todobo sano oo xarig ah, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Xinhua.

  11. Maamulka Gobolka Banaadir: Banaanbax aynaan ogeyn ma dhici karo

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cumar Filish
    Qoraalka sawirka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cumar Filish

    Maamulka gobolka Banaadir ee Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho aysan ka dhici karin dibadbaxyo uusan maamulka ka war heyn.

    “Duqa Muqdisho ayaa sheegay in xilligaan Magaalada Muqdisho aysan xamili karin culeesyo hor leh iyadoona aan la aqbali doonin in Caasimadda ay ka dhacaan Banaanbaxyo uusan la socon Maamulka Gobolka Banaadir” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay maamulka.

    Maamulka Banaadir ayaa shacbaka ka codsaday inay ka shaqeeyaan ilaalinta amniga caasimadda.

    Arrintani ayaa ka dambeysay markii Muqdisho lagu qabtay shir looga arrinsanayo amniga caasimadda oo ay ku sugnaayeen madaxda degmooyinka Banaadir iyo saraakiisha amniga.

  12. Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka ka dhacay deegaanka Qalimoow

    Xaaladda Deegaanka Qalimoow ayaa dagan kadib dagaal saaka ku dhexmaray halkaasi ciidamada Dawladda iyo kuwa Al-Shabaab.

    Ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan ciidanka dowladda ayaa ku dhintay markii saaka dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Qalimoow.

    Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa la soo weriyay.

    Qalimoow waxay u dhaxaysaa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad.

    Weriyaha BBC-da ee Muqdisho, Ibraahim Maxamed Aadan ayaa faahfaahinaya.

    Qoraalka Codka, Weerar ka dhacay Qalimoow
  13. Kenya oo hakisay duulimaadyada Imaaraadka Carabta

    Arrintani ayaa la xiriirtaa khilaaf ka dhashay muranka dhanka baaritaanada Covid-19

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Arrintani ayaa la xiriirtaa khilaaf ka dhashay muranka dhanka baaritaanada Covid-19

    Dowladda Kenya ayaa muddo hal todobaad ah hakisay diyaaradaha tooska ah ugu imaanayay dalalka isutagga Imaaraadka Carabta, taas oo dhaqan gashay 10-kii bishan January.

    Hay'adda duulista hawada Kenya oo loo soo gaabiyo KCAA, ayaa sheegtay in tallaabadan ay jawaab u tahay xayiraad xaga safarka ah oo Imaaraadku ku soo rogay duulimaadyada rakaabka ee ka imaanayay Kenya, ha yeeshee arrintan ayaanan saameyn doonin diyaaradaha xamuulka qaada.

    Bishii Disembar ee sannadkii hore, maamulka duulista rayidka ee Dubai ayaa hakiyay dhammaan duulimaadyadii ka imaan jiray Kenya.

    Waaxda duulista hawada ee Imaaraadka ayaa walaac ka muujisay in dadka safarka ah ee ka yimid Nairobi ay ka heeleen cudurka Covid-19 inkasta ay siteen shahaado muujineysay in cudurka aysan qabin.

    Wasaaradda caafimaadka ee Kenya ayaa bilowday baaritaan ku aadan dhacdadan.

  14. Xukun dil ah oo lagu fuliyay askari ka tirsanaa militeriga Soomaaliya

    Maxkamadda militeriga ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil toogasho ku fulisay askari ka tirsanaa militeriga oo loo heystay dilka qof rayid ahaa gudaha magaalada Beled Xaawo.

    Ku xigeenka xeer ilaaliyaha maxkamadda militeriga, Maxamed Cabduqaadir oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in askariga lagu helay dambi ah in uu dilay qof shacab ah.

    Goobta fagaaraha ee lagu toogtay askariga ayaa waxaa ku sugnaa saraakiisha militeriga iyo ehelada labada dhinac.

  15. Saamaynta ka dhalan karta Soomaali samaysatay calamo u gaar ah qabiiladooda

    Culimada magaalada Wajeer ee Kenya, ayaa baaq ka soo saaray calammada dhawaanahan dhex wadeen dhalinyaro isticmaasha barasha bulshada kuwaas oo sida ay culimadu ku sheegeen ah astaamo qabiil.

    Waxay arrinkaas u arkeen iney tahay khatar ku soo korodhay Soomaalida dalka Kenya oo kala qaybin karta qoomiyadda Soomaalida ah ee reer Kenya.

    Culimaa'u diinku waxay bulshada inteeda wax garadka ah ka codsadeen in arrintan wax laga qabto.

    Dr Adan Yuunis Shekh Ibraahim oo ah madaxa xafiiska Wajeer ee golaha sare ee musimiinta Kenya ayaa BBC-da uga warramay arrintani.

  16. Weriyeyaal lagu tooriyeeyay Cameroon oo uu ka socdo tartanka Koobka Qaramada Afrika

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Saddex weriye oo u dhashay dalka Algeria ayaa lagu tooriyeeyay Cameroon kadib markii koox ay ku weerartay mindiyo.

    Waxaa dhaawacmay qaar kamid ah ciyaartooyda oo ay ka dhaceen alaabtooda xilli ay ku sugnaayeen huteel ku yaalla caasimadda Cameroon ee Douala.

    Xiriirka Kubadda Cagta Algeria ayaa sheegay in Ismaaciil Amokrane, Mehdi Dahak iyo Maxamed Aissani ay tebinayeen ciyaaraha Koobka Qaramada Afrika ee ka socda dalkaas.

    Waxay ka dhaceen weriyeyaasha teleefoonadooda iyo baasabooradooda.

    Waxaana soo gaaray dhaawacyo fudud, waxaana lagu dabiibaya cisbitaalka.

    Mas’uuliyiinta Cameroon waxay sheegeen inay bilaabeen baaritaan lagu ogaanayo dhacdada weriyeyaasha lagu weeraray.

    Waa dhibaato soo wajahday xiriirka kubadda cagta ee Afrika kuwaas oo dadaal xooggan geliyay ka hor ciyaarta wax ka qabashada walaaca amni.

    Xiddiga reer Algeria Ismail Bennacer ayaa sheegay in uu ka xun yahay weerarka lagu qaaday weriyeyaasha.

    Xulka qaranka Algeria oo daafacanayo Koobka ayaa maanta lagu wadaa in uu la dheelo xulka Sierra Leone.

  17. Madaxweyne Farmaajo: "Ma aanan aqbalin in arrimaheena gudaha uu shisheeye faraha lasoo galo"

    Madaxweyne Farmaajo

    Xigashada Sawirka, Villa Somalia

    Qoraalka sawirka, Madaxweyne Farmaajo

    Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xalay khudbad uu jeediyey shacabka kaga hadlay arimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin siyaasadda arimaha dibadda ee xukuumaddiisa, dhismaha ciidanka iyo shirkii wadatashiga qaran ee Muqdisho ku soo gabogaboobay iyo guud ahaan doorashada Golaha Shacabka.

    Wuxuu sheegay in dowladdiisa ay dadaal xooggan gelisay dib u dhiska ciidanka gaar ahaan tababarka iyo tayeynta ciidamada.

    “Dadaalladaas iyo qorsheyaashaas aan hirgelinay waxay horseedeen in maanta ciidamadeena geesiyaasha ah ay awood u leeyihiin hanashada amniga dalka uuna gabagabo marayo qorshiihii ay amniga dalka kaga la wareegi lahaayeen ciidamada AMISOM” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

    Madaxweynaha wuxuu bogaadiyay go’aanadii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga qaran ee Muqdisho ka dhacay isla markaana sheegay in ay ka soo baxeen qodobo wax ku ool ah oo looga gudbi karo ismari waaga siyaasadeed ee harreeyay doorashada.

    “Shirka waxaa laga soo saaray war murtiyeed ka jawaabayo tabashooyinkii laga qabay habasami u socodka doorashooyinka iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadihii ku gudbanaa geedi socodka doorashada”

    Isaga oo ka hadlayey qaabka loo jaangooyey siyaasadda arimaha dibada ee xukuumadiisa ayaa waxa uu yiri,”siyaasaddeena arrimaha dibadda waxaan ku dhisnay wax wada qabsi, is-ixtiraam dalalka caalamka ah iyo ilaalinta sharafka iyo madaxbanaanida dalkeena, marnaba ma aanay aqbalin in arrimaheena gudaha uu shisheeye soo farageliyo”

    .
  18. Asalaamu Caleykum.

    Kulanti wacan ku soo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo Caalamka.