Guddoomiye Xirsi: "Waan caddeyn karaa in Muuse Biixi uu heysto baasaboorka Jabuuti"

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Bandaw lagu soo rogey gobolka Xeebta Kenya kadib markii dad lagu laayey

    Ciidamada kooxda Alshabaab

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ciidamada kooxda Alshabaab

    Dowladda Kenya ayaa kusoo rogtey Bandow bilaabanaya habeenkii, soconayana illaa iyo waabarigii gobolka xeebta ee Lamu, kadib markiiay dileen toddobo qof, oo laba kamid ah ay qoorta ka jareen, iyadoo ay geysteen kooxo loogga shakisan yahay iney yihiin Islaamiyiinta xagjirka ah.

    Wasiirka amniga gudaha, Fred Matiangi, ayaa sheegay in bandowga uu yahay xeeladaha ka kaalmeynaya ciidamada ammaanka, sidii ay u gaarsan lahaayeen kooxihii dhibaatada geystay.

    Dhawr ruux oo la tuhunsan yahay ayaa la xirey, sida uu sheegay afhayeenka booliiska.

    Inkasoo ay ciidamada ammaanka Kenya iyo kuwa Mareykanka ay kusugan yihiin Lamu, haddana Al shabaab oo xiriir la leh Al Qaacida waxey dhawr jeer weeraro ka geysteen gobolkani, kuwaasoo ay ku diley tobanaan qof, guryana ku gubey halkaasi.

    Weerarkii ugu danbeeyey ee dhacey Isniintii, ayaa waxaa lagu diley shan qof, halka laba qofna la gawracey.

  2. Golaha wasiiradda deegaanka Soomaalida Itoobiya oo dardar galinaya wax ka qabashada abaaraha

    Golaha xukuumadda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya

    Xigashada Sawirka, SRTV

    Qoraalka sawirka, Golaha xukuumadda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya

    Golaha wasiirada ee deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa maanta kulan ay ka yeesheen xaaladda abaaraha waxey go’aamiyeen dardar gelinta ka jawaabista xaaladda abaareed ee deegaanka.

    Waxaa qoddobada xukuumadda meel marisey kamid ah in dhammaan xubnaha magacaabista ee dowladda, ay bil mushaarkooda ah ugu deeqaan dadku abaaruhu saameeyeen.

    Maamulka deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa diraya qeylo dhaan ku aadan abaaraha, iyadoo laga cabsi qabo xaaladda iney kasii darto billooyinka soo socda, maadaama xiliga Jiilaalka nagu soo fool leeyahay.

    Wasiirka ka hortagga khataraha masiibooyinka ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Axmed-Yaasiin Sheekh Ibraahim, ayaa sheegay in lacagta ay tabaruceen, ay muujineyso sida ay uga go’an tahay iney dhibaatada la qeyb sadaan shacabka abaaruhu ay soo wajaheen.

  3. Qeybo kamid ah xerada qaxootiga Dhagaxleey oo ay soo food saartey koronto la’aan

    Xeryaha qaxootiga Dhadhaab
    Qoraalka sawirka, Xeryaha qaxootiga Dhadhaab

    Qeybo kamid ah xerada qaxootiga ee Dhagaxleey, oo katirsan xeryaha Dhadhaab ee ku yaalla waqooyi bari Kenya, ayaa waxaa soo food saarey dhawr maalmood oo koronto la'aana.

    Koronto la‘aantani ayaa timid, kadib markii sida la sheegay ay timid cillad sababtey in xaafado badan oo kamid ah xeradaasi laga damiyo korontada, si aaney u gaysan dhibaato.

    Dhawaan ayey aheyd markii uu gubtay suuqa xeradaasi, iyadoo la sheegay in dabkaasi uu geystay khasaare xooggan, uuna ka dhashey dabkaasi korontada.

    Dahabo Qoolle Cabdi, waxey kamid tahay waxgaradka Xerada Dhagaxleey, iyadoo tilmaantey in dhibaato ka dhalaneyso koronto la’aanta, balse ay ka halis badan tahay hannaankii hore ee ay korontada ku heli jireen.

  4. Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo BBC-da uga warramay sababaha maanta boolisku ugu yeedhay

  5. Tiro dad ah oo ku dhimatay markii ay cabbeen khamri moos laga sameeyay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ilaa 11 qof ayaa ku dhimatay dalka Rwanda kadib markii ay cabbeen khamri laga sameeyay mooska oo si weyn looga isticmaalo dalkaas.

    Dadkan waxay ku sugnaayeen degmada Bugesera oo ku taalla koonfur bari Rwanda.

    Waxaana lagu soo warramayaa ila afar qof oo kale oo cabbay khamriga haatan lagu daweynayo cisbitaalka deegaanka.

    Markii la baaray khamriga waxaa lagu arkay maaddada Methanol oo si aad ugu badneyd taas oo lala xiriiriyay dhimashada dadkii cabbay, sida ay sheegtay waaxda la socota tayada cuntada iyo dawooyinka Rwanda.

    Shan qof ayaa la xiray oo uu kamid yahay milkiilaha warshaddii soo saartay khamriga, sida uu xaqiijiyay xafiiska baarista Rwanda.

    Saraakiisha waxay sheegeen in warshadan ay ku shaqaynaysay ruqsad la’aan, waxaana la hakiyay howsheeda.

    Waxaana dalkaas ka bilowday olole ballaaran oo looga soo horjeedo warshadaha soo saaro khamriga ee shati la’aanta ah.

  6. Guuleed Saalax Barre: Madaxweyne Siciid Deni “Waxaan isku fahmi waaynay qaabka ay shaqada ku soconeyso”

    .

    Xigashada Sawirka, Guuleed

    Guuleed Saalax Barre oo dhawaan iska casilay xilkii gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland ayaa sheegay intii ay ku gudo jireen howsho doorasho ay soo wajaheen caqabado kala duwan.

    Wuxuu sheegay sidoo akle sheegay inay gaareen guulo muhiim ah.

    Wuxuuna dhanka kale xukuumadda Puntland ku eedayay in wax ay ka socon waayeen isla markaana ay isku fahmi waayeen waxyaabo badan oo la xiriira doorashada.

    “Shaqada waxay ka socon weyday dhinacii xukuumadda, waa garan kartaa shaqo doorasho ma ahan wax guddiga oo kaliya ah ku koobana” ayuu yiri guddoomiyihii guddiga doorashada Puntland oo BBC-da wareysi siiyay.

    Guuleed Saalax Barre ayaa hadalkan ka sheegay wareejinta xilka ay iska casileen isaga iyo ku xigeenkiisa.

  7. Guddoomiye Xirsi: "Waan caddeyn karaa in Muuse Biixi uu heysto baasaboorka Jabuuti"

    Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Xaaji Cali ayaa maanta looga yeeray xarunta Ciidamada dambi baarista ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqaday madaxbnaanida ee Somaliland.

    Waxa uu sheegay in su’aalo laga waydiiyay shir jaraa’id oo uu dhawaan qabtay.

    Wuxuuna tallaabadaan ku tilmaamay Xirsi Xaaji Cali mid hanjabaad ah.

    Waana markii ugu horraysay ee guddoomiye xisbi Mucaarad looga yeedho xarumaha laamaha ammaanka Somaliland. weriye Xasan Galaydh ayuu u warramay Guddoomiye Xirsi.

    Qoraalka Codka, Guddoomiyaha xisbiga Waddani
  8. Macalimad la xiray kadib markii ay tallaashay ardey

    .

    Xigashada Sawirka, CBS

    Macalin wax ka dhigta mid kamid ah dugsiyada ku yaalla magaalada New York ee dalka Mareykanka oo aan laheyn aqoon caafimaad ayaa la xiray kadib markii lagu eedeeyay inay tallaalka ka hortagga Covid-19 ay siisay mid kamid ah ardeydeeda, sida ay sheegeen saraakiisha.

    Booliska waxay sheegeen in macalimad Laura Russoay ay ardeyga gurigeeda ku siisay tallaalka iyadoo aan wax ogolaansho oo sharci ah heysan ama wax ogolaansho ah ka heysan waaliidka ardeyga.

    Ms Russo, oo 54 jir ah, isla markaana wax ka dhigta maaddada bayoolajiga, ayaa la qabtay dhawaan.

    Haddii dambiga lagu helana waxay wajahi kartaa 4 sano oo xarig ah.

    Waxaana la sheegay in wiilka oo 17 jir ah uu doonayay in uu qaato tallaalka.

  9. Boqor Axmed: "Qofku waa in uu dhaqankiisa ku faano”

  10. Deero ku sugneyd xarunta madaxtooyada oo askari dishay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Dalka Paraguay, deero ku sugneyd beer ku taalla madaxtooyada dalkaas ayaa waxay dishay askari.

    War qoraal ah oo kasoo baxay ciidanka ayaa lagu sheegay in Victor Isasi oo 42 jir ahaa kana tirsanaa ciidanka uu u geeriyooday dhawaac soo gaaray markii ay deerada geesaheeda ay ku harddisay sarkaalka.

    Waxaana la sheegay in deeradan ay ku nooshahay agagaarka madaxtooyada waa nooca ka duwan deerada kale, haddiyad ahaan ayaa hadda ka hor madaxweynaha loo soo siiyay.

    Afhayeen u hadlay ciidanka ayaa ku sheegay in deerada inta badan laga ilaaliyo xayawaanka kale ee duurjoogta ah mana aheyn in dad ay la kulmaan.

    Muuqaalka kaamirada CCTV-da ayaa muujinayay deerada oo weerareyso askariga xilli uu kusoo ag dhawaaday.Sarkaalka markii dambe ayaa ku dhintay isbitaalka ciidamada halkaas oo loo qaaday.

  11. Guddoomiyaha xisbiga Waddani oo looga yeeray xarunta dambi baarista

    Xirsi Cali Xaaji Xasan

    Xigashada Sawirka, Xisbiga Waddani

    Qoraalka sawirka, Xirsi Cali Xaaji Xasan

    Waxaa xarunta dambi baarista ee magaalada Hargeysa looga yeeray guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan.

    Waxaa markii uu tegayay xarunta CID-da la socday musharraxa madaxweyne ee xisbiga Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga Waddani.

    ilaa hadda lama ogo sababta ka dambeysay in guddoomiyaha looga yeero halkaas.

    Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa bishii Novembar loo doortay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

  12. Shirka Golaha Wadatashiga oo maalintii saddexaad galay

    .

    Xigashada Sawirka, OPM Somalia

    Maanta waxa maalintii saddexaad galaya shirkaGolaha Wadatashiga Qaranka, oo ay ka qaybgalayaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Madaxda Maamul Gobolleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

    Shirka ayaa lagaga hadlayaa khilaafka ka taagan doorashada waqtigeedii la dhaafay ee Soomaaliya.

    Madaxdani ayaa shalay la kulmay wakiillada beesha caalamka ee Jooga magaalada Muqdisho.

    Sidoo kale waxay la kulmeen wakiillo ka socda bulshada rayidka iyo xubno kamid ah Midowga Murashaxiinta mucaaradka oo ay kala hadleen dardargelinta howlaha doorashooyinka isla markaana ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan hufnaanta doorashada.

    Shirkan ayaa kus oo beegamaya xilli khilaaf ka dhex taagan yaahay Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha, gudiyada doorashada iyo qaar ka mid ah dhinacyada saameeya siyaasadda Soomaaliya.

    Waxaana marba ka ka danbaysa mugdi sii gelaya xaalka doorasho ee Soomaaliya.

  13. Kuuriyada Waqooyi oo gantaal la garan la’yahay ridday

    Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un

    Xigashada Sawirka, KCNA VIA REUTERS

    Qoraalka sawirka, Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un

    Kuuriyada Waqooyi ayaa ridday wax lagu tilmaamay gantaal aan la aqoonin kaas oo ku dhacay badda Japan, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada isku dhafka ah ee ku sugan Kuuriyada Koonfureed.

    Ilaalada xeebaha Japan oo markii ugu horreysay ka hadlay gantaalkan ayaa sheegay in uu noqon karo gantaal nooca ballistic ah balse weli lama xaqiijin arrintaas.

    Ha’yadda Qaramada Midoobay waxay ka mamnuucday Kuuriyada Waqooyi tijaabinta hubka ballistic iyo hubka nukliyeerka.

    Haddii arrintani la xaqiijiyo waxay noqoneysaa markii ugu horreysay ay xukuumadda Pyongyang tajaabiso hub sanadkan cusub.

    “Kuuriyada Koonfureed iyo sirdoonka Mareykanka ayaa si dhaw u falanqeynayaa macluumaadka la xiriira gantaalka ay tijaabisay Kuuriyada Waqooyi” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay ciidamada isku dhafka ah.

    Dhinaca kale, wasiirka gaashaandhigga Japan Nobuo Kishi ayaa sheegay in gantaalka looga shakisan yahay in uu yahay nooca ballistic isla markaana uu jaray masaafo dhan 500km ka hor inta uusan ku dhicin badda, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters.

    “Ma jirto wax qiimeyn ah oo ku aadan hubka in uu ahaa gantaallada riddada dheer ama kuwa riddada gaaban” ayuu yiri Ankit Panda oo ka tirsan hay’adda International Peace mar uu la hadlayay BBC-da.

  14. Asalaama Caleykum.

    Kulanti wacan ku soo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo Caalamka.