Ganacsade Soomaali ah oo lagu la'yahay Kenya

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Kooxda Daacish oo gowracday sarkaal u afduubnaa

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, .

    Mas’uuliyiinta dalka Ciraaq ayaa xaqiijiyay dilka sarkaal sare oo ka tirsan booliska dalkaasi labo todobaad uun kadib markii ay afduubteen kooxda Daacish.

    Daacish ayaa soo bandhigtay sawir Talaadadii kaas oo muujinayay Colonel Yasser al-Jourani oo qoorta laga gooyay loona xiray dhar midabkiisu ahaa jaalle. Waxaa la qafaashay isaga oo howlgal ka waday gobolka fog ee Xamriin ee dalka Ciraaq.

    Mid ka mid ah dadkii la socday ayaa la helay isaga oo meyd ah, halka midka kalena nolol lagu helay, balse markii dambe ayuu ugeeriyooday dhaawacii loo geystay. Ciidanka ayaa wacad ku maray in ay u aargudi doonaan sarkaalkaas ay daacish qoorta ka gooysay.

  2. Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo looga digay inay ku milmaan siyaasadda

    Jeneraal Odowaa

    Xigashada Sawirka, WARBAAHINTA DOWLADDA

    Qoraalka sawirka, Jeneraal Odowaa

    Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, ayaa u sheegay ciidamada xoogga in aysan ku milmin arrimaha siyaasadda iyo kooxo gaar ah. Hadalkaan ayuuna sheegay maanta mar uu khudbad u jeedinayay ciidamada.

    Wuxuu sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed aaney wax ku qaban karin kooxa-kooxaysi taas oo wiiqi karta midnimada iyo waajibaadkii ciidamada loo aas-aasay isla markaana ay u dhaarteen.

    Taliye Odowaa ayaa ku booriyay ciidamada Qaranka inay ka fogaadaan wax walba oo keeni kara in aragtida kalsoonida iyo awoodda ciidamada ay kala qaybsanto.

    “Saraakiisha qiimaha badan ee halkaan fadhiya waa in aaan inaan ilaalino wixii shalay aan u dhaaranay waa in aan inaan ilaalino wada-jirka umaddeena waa in aan inaan ilaalino kalsoonida bulshadeennu nagu qabaan “ ayuu yiri Jeneraal Odowaa.

    Hadalkaan Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa imaanaya xilli uu taaganyahay khilaaf xooggan u dhaxeeyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, khilaafkaas pp keenay in ra’’isul wasaaruhu uu faro ciidamada inay ka amar qaataan xafiiskiisa.

  3. Shir looga hadlayay Mustaqbalka Amisom ee Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

    Kulan ka dhacay Muqdisho

    Xigashada Sawirka, SONNA

    Qoraalka sawirka, .

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay shir wadatashi ah oo ay magaalada Muqdisho kula yeellatay guddiga Midowga Afrika iyo AMISOM.

    Shirkaan waxaa looga hadlay mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo dib u habeyn lagu sameeyay. Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika waxay isku raaceen mabaadi’dii hagi doonta ka-qayb qaadashada kala guurka dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika sanadka 2022-ka, taas oo ay ku heshiiyeen in hawsha guddigii farsamada dib loo bilaabo, lana dhammeeyo shaqada farsamada ugu dambayn 11-ka February ee sanadka soo aadan.

    Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay AMISOM, ka qayb galka howlagallada lagu nabadeynayo dalka Soomaaliya iyaga oo kaashanaya ciidamada dowladda Soomaaliya. War-saxaafadeedka ka soo baxay dowladda iyo AMISOM ayaa lagu yiri qorala sidaan u dhignaa.

    "Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay hoosta ka xariiqday in la gaaray waqtigii AMISOM ay u xuubsiiban lahayd Hawlgalka Ku-Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo in dib-u-eegis lagu sameeyo Qirshaga Kala-Guurka (STP), kaas oo natiijadiisa ah in si buuxi lagu hanto amniga dalka dhammaadka 2023ka".

  4. Xiisadda Boosaaso oo horseedday kalluun la'aan baahsan

    Waxay kalluun yari soo wajahday qaar kamid ah magaalooyinka waaweyn ee ku yaalla Puntland, waxaana kamid ah suuqyada magaalada Garowe.

    Arrintani ayaa waxaa loo aaneynayaa dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Boosaaso halkaas oo laga keeni jiray kalluunka.

  5. Ganacsade Soomaali ah oo lagu la'yahay Kenya

    Ganacsadaha maqan, Maxamed Xasan

    Xigashada Sawirka, Citizen

    Qoraalka sawirka, Ganacsadaha maqan, Maxamed Xasan

    Waxaa la la'yahay ganacsade Soomaali ah oo lagu magacaabo Maxamed Xasan kaas oo 23-kii bishan laga afduubtay duukaankiisa oo ku yaalla magaalada Machakos oo aan sidaa uga fogeyn Nairobi, sida ay ku warrantay warbaahinta Citizen.

    Booliska Kenya ayaa haatan baarayaa dhacdadan.

    Qoyska ganacsadahan oo warbaahintan la hadlay ayaa dowladda ka codsaday inay ka caawiso dadaallada lagu baadigoobayo ganacsadaha maqan.

    Waxaana laga shakisan yahay in ganacsadaha ay la tageen shakhsiyaad la sheegay inay sameynayeen howlgal ka dhan ah dad aan u hoggaansamin tallaabooyinka ka hortagga cudurka Karona.

    "Markii ay goobta yimaadeen sakhsiyaad la sheegay inay sameeyeen howlgalka dhaqangelinta tallaabooyinka ka hortagga Covid-19, waxay dadka weydinayeen afsaabka,, dhammaan dadkii aanan maaskarada wey baxsadeen, waxay ceyrsadeen Maxamed oo markii dambe ay qabteen dukaankiisa" ayuu yiri Cumar Xasan oo la dhashay ganacsadaha xilli uu wareysi siinayay The Citizen.

  6. Dood gaar ah oo ku saabsan Soomaalida qurbaha ku nool ee xilalka muhiima ah loo doortay

  7. Carruurta sigaar cabbista miyay ka dhaxli karaan waalidkood?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Daraasad cusub oo lasoo saaray ayaa muujinaysa in carruurta waalidkooda uu sigaarka cabbi jiray ay u badantahay in iyaguna sigaarka cabbaan marka la barbardhigo kuwa waalidkood uusan waligiis sigaar cabbin.

    Qiyaasaha la sameeyay waxa ay muujinayaan in boqolkiiba 4.9 ay carruurta waalidkooda sigaarka cabbi jirey ay ku dambeyn doonaan cabidda sigaarka, halka carruuraha kale ee uusan waalidkood uusan sigaarka cabbin ay qiyaasta boqolkiiba tahay 1.2.

    Ololaha loogu magac daran “Caafimaad qab iyo sigaar la’aan” ayaa waxa uu muujinayaa saamaynta carruurta ay ku yeeshaan waalidka sigaarka cabba, iyada oo waalidka laga codsaday in ay sigaarka joojiyaan, sida ay qabaan Dr. Najat Caarif iyo Dr. Bettina Honin.

    Wasiiradda caafimaadka Britain Maggie Thorpe ayaa sheegtay in daraasadda cusub ay waalidka ku dhiirogalin karto in ay joojiyaan cabbista sigaarka.

    Waxay intaas ku dartay in dowladda ay diyaarisay adeegyo dadka lagu caawiyo haddii ay doonayaan in ay joojiyaan sigaar cabbista.

  8. Wasiirka amniga oo ka hadlay dibadbax ka dhacay Muqdisho

    Wasiirka amniga ee Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada amniga ay dhibaato u geysteen dad dibadbaxyo nabadeed ka dhigayay Muqdisho.

    Wuxuu sheegay in baaritaan lagu sameyn doono sida ay wax u dhaceen.

    "Waxaan sidoo kale shacabka ugu baaqayaa in ay is dejiyaan lana ilaaliyo xasiloonida Caasimada mana la aqbali karo wax rabshada ah". ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Nuur oo qoraal soo dhigay boggiisa Facebook.

  9. Dad uu kamid yahay xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ku banaanbaxay Muqdisho

    Ciidamada Soomaaliya ayaa kala eryay dad banaanbaxyo ka dhigayay magaalada Muqdisho kaas oo looga soo horjeeday madaxweynaha.

    Waxaana dadkii ka qeybgalay banaanbaxaas kamid ahaa wasiirkii hore ee amniga maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi.

    Weli waxaa Soomaaliya ka taagan khilaafka siyaasadeed, waxayna xiisadda cirka isku shareertay markii madaxweynaha uu dhawaan sheegay inuu Ra'iisawasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo hormuud u ahaa howlaha doorashada uu shaqada ka joojiyey kaddib markii uu soo galay "tuhun Musuqmaasuq iyo ku Takrifal Awoodeed."

    Ra'iisul Wasaaraha wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha in uu waday isku day afgembi oo ka dhan ah xukuumadda.

    Agaasimaha madaxtooyada wuxuu ku eedeeyay Ra'iisul Wasaaraha inuu ku fashilmay doorashadii loo igmaday uuna qaatay go'aanno u gaar ah .

    .

    Xigashada Sawirka, Axmed Macalin Fiqi

  10. Nabadeynta Boosaaso: Maxay ka wadahadleen isimada iyo Asad Diyaano?

    Agaasimihii hore ciidanka PSF-ta, Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa magaalada Bosaaso kula kulmay isimada dhexdhexaadinta ka dhex wada ciidamada dowladda iyo kuwa PSF-ta oo toddobaadkii hore dagaal ku dhex maray halkaas.

    Sidoo kale waxaa magaalada Garowe ku sugan qaar kamid ah madaxdii hore ee Puntland, kuwaas oo la filayo inay maanta gaaraan magaalada Bosaaso.

    Waxaa ka warramaya weriye Maxamed Xassan Dhalo.

    Qoraalka Codka, Xal u helidda xiisadda Boosaaso
  11. Madaxweyne hore oo walaalihiis iyo qaar kamid ah ehelkiisa la laayay

    Waxaa weerar lagu dilay saddex wiil oo la dhashay madaxweynihii hore ee gobolka Oromada ee dalka Itoobiya kadib markii koox hubeysan ay weerar ku qaaday gurigiisa oo ku yaalla gobolkaas, sida dadka deegaanka ay u sheegeen BBC, Amharic.

    Waxaana sidoo kale halkaa lagu dilay afar qof oo ay qaraabo dhaw ahaayeen Alemayehu Atomsa.

    Dilkan ayaa ka dhacay deegaanka Konchi Kebele oo ka tirsan magaalada Jimma ee gobolka Oromia.

    Waxaana weerarkan lagu eedeeyay inay ka dambeysay kooxda ay dowladda ku tilmaantay 'argagixiso' oo ka howlgasha halkaas, inkasta oo kooxda aysan weli ka hadlin dhacdadan.

    Madaxweyne hore ee gobolka Oromada Alemayehu Atomsa

    Xigashada Sawirka, ADDIS FORTUNE

    Qoraalka sawirka, Madaxweyne hore ee gobolka Oromada Alemayehu Atomsa
  12. Mareykanka oo Uhuru Kenyatta kala hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya

    .

    Xigashada Sawirka, OPM SOMALIA/VILLA SOMALIA

    Xoghayaha arrimaha dibedda ee dalka Mareykanka, Antony Blinken ayaamadaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta kala hadlay arrimaha amniga ee Geeska Afrikaa oo ay kamid yihiin xaaladaha dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

    Antony Blinken wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sidii madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedayada ay si deg deg ah ugu soo afjari lahaayeen doorashada.

    Wuxuu sidoo kale sheegay inay ka wadahadleen sidii Soomaaliya looga qaban lahaa “doorasho xor ah”

    Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka wuxuu xusay in isaga iyo Uhuru ay ka wadahadleen sidii dhinacayada isku hayo siyaasadda Soomaaliya ay uga hortaggi lahaayeen tallaabooyinka iyo qoraallada horseedi kara xiisadda.

    Dhinaca kale, Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa goor sii horeysay taleefanka kula hadlay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka u qaabilsan Afrika Molly Phee, iyagoo ka wadahadlay xaaladda siyaasadeed, tan amni iyo arimaha doorashooyinka ee Soomaaliya.

    Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ee uu muddo xileedkiisu dhammaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan sheegay inuu Ra'iisawasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo hormuud u ahaa howlaha doorashada uu shaqada ka joojiyey kaddib markii uu soo galay "tuhun Musuqmaasuq iyo ku Takrifal Awoodeed."

  13. Assalaamu Calaykum

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay Soomaalida iyo Calaamka.