Shan boqol oo
muhaajiriin ah, kuwaasoo isku dayayey iney galaan qaaradda Europe axaddii, ayaa
waxaa qabtey ciidamada ilaalida xeebaha Libya, iyadoo ay wali socoto qabqabasho
balaaran oo la xiriirta muhaajiriinta.
Muhaajiriintan ayaa waxaa
qabtey ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Libya, iyadoo la aaminsan yahay iney
kusii jeedeen dhanka iyo Europe.
Doon lagu ciriiriyey
dad gaarayey shan boqol oo qof, iyo mid kale oo aheyd caag la buufiyey oo ay
saarnaayeen konton qof, ayaa la qabtey, ka gadaal markii ay cilad ku timid
matoorkeedii.
Hey’adda qaxootiga u
qaabilsan Qaramada Midooay, ayaa sheegtay in dadkii laqabtey ay intooda badan u
kala dhasheen dalalka Bangladesh, Somalia, Sudan iyo Suriya.
Tani ayaa timid maalmo
kaidb, markii qof la diley, halka daraasiin kalana ay ku dhaawacmeen intii lagu
guda jirey hawlgal booliis, taasoo laga fuliyey galbeedka Libya, goob caan ku
ah dadka soo galootiga ee magan galya doonka ah. Kumanaan kun dad gaaraya ayaa
lagu xirey hawlgalkan, illaa iyo intii uu bilawdey.
Jimciyadda Quruumaha
Kadhaxeysa, ayaa cambaareysay isticmaalista awoodda xad dhaafka ah, taasoo ka
dhan aheyd dadka magan galyo doonka ah.
Uggu yaraan 4,000 oo
qof, ayaa illaa iyo haatan lagu xirey, hawlgalkii lagu sifeynayey inta badan goobaha
sida Gargaresh, oo ku taalla magaalada caasimadda ee Tripoli.
Wadankan ku yaalla waqooyiga Africa, ayaa waxaa kajira qalalaase illaa iyo
sanadkii 2011-kii, iyadoo uu yahay goobaha ay inta badan dadka u tahriibaya Yurub
ay sii maraan, kuwaasoo ka yimaada dalalka ka hooseeya Saxaraha, iyagoo naawilaya
iney gaaraan qaaradda Europe.