Israail oo ku eedeysay Iiran inay ka dambeysay shirqool ka dhan ah maal-qabeen rer Israail ah
Xafiiska Ra’iisul
wasaaraha Israa’iil Naftali Bennett ayaa ku eedeeyay Iiraan inay ka dambaysay
shirqool la sheegay in lagu doonayay in lagu khaarajiyo maal -qabeen u dhashay
Israa’iil oo ku sugnaa Qubrus.
Xafiiska Mr Bennet
ayaa isku deyygan khaarijin ku tilmaamay mid argigixiso ah oo ay dowladda Iiran
amarkeeda lahayd.
Mr sagi ayaa loo
sheegay in lagu raadjoogo saas awgeedna uu ka baxsaday dalka qubrus ka hor inta
weerarka lagu qaadin, dowladda iiran ayaa eedeymahaasi ku tilmaamtay kuwo aan
raad iyo sal ytoona lahayn. Dhacdadan ayaa la sheegay in loo qabatay nin kasoo
jeeda dalka Azerbaijani balse watay basaboor rush waxaana lagu qabtay barstool aan
dhawaaqeeda la maqlayn.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Hannaanka ay ku shaqeeyan barnaamijyada Shirkadda Facebook oo hawada ka maqan
Waxaa hoos u dhacay dhamaan barnaamiyada Shirkadda Facebook ay leedahay, sida Whatsapp, Facebook iyo Instagram.
Shirkadda Facebook ayaa sheegtay inay ka shaqeynayaan sidii dib ay hawada ugu soo celin lahayeen.
whatsapp ayaa waxay qortay ‘’Waxaan la soconnaa in dadka qaar ay dhibaato kala kulmayaan
barnaamijyada WhatsApp xilligan. Waxaan ka shaqeyneynaa inaan wax walba caadi ku soo
celinno sida ugu dhaqsaha badan.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan, 2
UN: Liibiya waxaa ka dhacay dambiyo ka dhan ah aadanaha
Ergadii ugu
horreysay ee xaqiiqo raadinta Qaramada Midoobay ee Liibiya ayaa Warbixinteeda
kusoo gabagabeysay in xadgudubyada noqon kara dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan
ah aadanaha laga geysto dalka oo dhan.
Warbixinta ayaa ku
eedeysay dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaada liibiya - oo ay ku jiraan
waddamada dibadda iyo dagaalyahannada shisheeye inay geystan xadgudubyo.
Warbixinta ayaa
faahfaahinaysa sida skoolada, cisbitaallada iyo guryaha loo weeraray iyadoo kooxo
hubaysan oo kala duwan ay u dagaallamayaan gacan ku haynta Libya. Warbixinta ayaa
sidookale sharaxaysa sida qaxootiga iyo dadka magangalyo doonka iyaguna ay
dhibana ugu yihiin tacadiyo iyo jirdil maalin walba loogu geysto xabiyada qarsoon
ee liibiya.
Xigashada Sawirka, AFP
Maxkamadda Boqortooyada ee dalka Urdun ayaa wax xaqiiqda ka fog ku tilmaantay eedeymaha loo jeediyay Boqor Abdullah
Dokumentiyada qaabilsan maaliyadda ee lasoo dusiyay waxay muujinayaan
qaabka qarsoodiga ah ee hantida uu uggu keydsaday dalka UK boqorka Urdun, taas
oo ka badan 100 malyan oo doolar.
Waxaa la ogaaday shirkado shisheeye oo ku
yaalla British Virgin Islands iyo meelo kale in loolla baxsado canshuurta,
taasoo uu adeegsaday boqorka Cabdullaahi II bin Al-Xuseen, si uu iibsado 15
guri, tan iyo markii uu xilka qabtay sanadkii 1989.
Waxaana kamid ah hantidaas guryo ku yaalla
deegaanka Malibu ee gobolka California, dalka Mareykanka oo ay ku baxday 50
Malyan oo lacagta giniga ah iyo guryo kale uu ka iibsaday London iyo deegaanka
Ascot ee dalka UK.
Maxkamadda Boqortooyada ee dalka Jordan ayaa
wax xaqiiqda ka fog ku tilmaantay eedeymaha loo jeediyay Boqor Abdullah ee ku
saabsan in qasri lagu qiimeeyay in ka badan 100 milyan oo doollar. War ka soo
baxay maxkamadda ayaa lagu sheegay in hantida aan loo bandhigin bulshada sababo
ammaan dartood.
Qoraalka sawirka, Dadkii laga masaafuriyey Laascaano
Waxaa isa soo taraya tirada
dadka laga masaafurinayo magaalada Laascaanood, iyadoo kuwii uggu danbeeyey ay
gaareen deegaanka Xarfo, oo u dhaxeeya deegaanka Burtinle iyo magaalada
Gaalkacyo ee Puntland.
Dhanka kale, guddiga
amniga ee magaalada Laascaanood, ayaa sheegay iney ka xun yihiin dadkaas
dhawaan laga tarxiiley magaalada.
Guddiga ayaa intaa ku
darey inaanan lagala tashanin masaafurinta dadkii la dhoofiyey, oo badankood la
sheegay iney kasoo jeedaan deegaanada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Caaqil Ismaaciil Cali
Axmed, oo ah guddoomiyaha guddiga amniga, ayaa carabka ku dhuftey in gobolka Sool
ee magaalada Laascaanood, ay Soomaali oo dhan ku nooshahay, oo aaney jirin Soomaali
Soomaali ka xigta.
Caaqilka ayaa sidoo kale
xusay in ciidamada Somaliland ay baabuurta dadka lagu daabulayey ku saartey
dadkii ay tarxiishay qori caaraddiis.
Boqolaal muhaajiriin ah oo u tahriibayey Yurub oo lagu qabtey dalka Libya
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Doon ay saaran yihiin dad tahriibayaal ah
Shan boqol oo
muhaajiriin ah, kuwaasoo isku dayayey iney galaan qaaradda Europe axaddii, ayaa
waxaa qabtey ciidamada ilaalida xeebaha Libya, iyadoo ay wali socoto qabqabasho
balaaran oo la xiriirta muhaajiriinta.
Muhaajiriintan ayaa waxaa
qabtey ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Libya, iyadoo la aaminsan yahay iney
kusii jeedeen dhanka iyo Europe.
Doon lagu ciriiriyey
dad gaarayey shan boqol oo qof, iyo mid kale oo aheyd caag la buufiyey oo ay
saarnaayeen konton qof, ayaa la qabtey, ka gadaal markii ay cilad ku timid
matoorkeedii.
Hey’adda qaxootiga u
qaabilsan Qaramada Midooay, ayaa sheegtay in dadkii laqabtey ay intooda badan u
kala dhasheen dalalka Bangladesh, Somalia, Sudan iyo Suriya.
Tani ayaa timid maalmo
kaidb, markii qof la diley, halka daraasiin kalana ay ku dhaawacmeen intii lagu
guda jirey hawlgal booliis, taasoo laga fuliyey galbeedka Libya, goob caan ku
ah dadka soo galootiga ee magan galya doonka ah. Kumanaan kun dad gaaraya ayaa
lagu xirey hawlgalkan, illaa iyo intii uu bilawdey.
Uggu yaraan 4,000 oo
qof, ayaa illaa iyo haatan lagu xirey, hawlgalkii lagu sifeynayey inta badan goobaha
sida Gargaresh, oo ku taalla magaalada caasimadda ee Tripoli.
Wadankan ku yaalla waqooyiga Africa, ayaa waxaa kajira qalalaase illaa iyo
sanadkii 2011-kii, iyadoo uu yahay goobaha ay inta badan dadka u tahriibaya Yurub
ay sii maraan, kuwaasoo ka yimaada dalalka ka hooseeya Saxaraha, iyagoo naawilaya
iney gaaraan qaaradda Europe.
Ra’iisal wasaare Rooble oo u amba baxey dalka Qadar
Madaxweynaha
Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa gaarey magaalada Addis Ababa, oo
uu kaga qeyb galayo caleema saarka xukuumadda cusub ee ra’iisal wasaare Abiy
Ahmed ee dowlada Itoobiya.
Farmaajo ayaa kamid ah
madaxda lagu marti qaadey ka qeyb galka munaasabadda caleema saarka xukuumada
cusub ee Itoobiya, iyadoo ay ku ququlayaan marti sharafka magaalada xarunta ah
ee Addis Ababa.
Madaxweynaha Farmaajo
ayaa la filayaa in kulamo la qaato wufuudda ka socota dalalka ka qeyb galaya
munaasabaddan, si arrimo badan oo Soomaaliya iyo dalalkaasi quseeya ugga wada
xaajoodaan.
Nin sawir-gacmeed uu ku sheegay nabi Muxammad NNKH sameeyay oo shil gaari ku dhintay
Qoraalka sawirka, Lars
Farshaxaniiste u dhashey Sweden, oo sameeyey sawir gacmeed uu ku sheegay nabi Muxammad NNKH, ayaa ku geeriyoodey
shil baabuur, sida ay sheegtay warbaahin maxalli ah.
Lars Vilks, ayaa lagu soo waramayaa inuu la socday gaari ay leeyihiin booliiska, kaas oo ku dhacey baabuur weyn, meel u
dhaw magaalada Markaryd, ee koonfurta Sweden.
Laba sarkaal oo booliis ah, ayaa sidoo kale ku
dhintey shilkaas, iyadoo darawalkii gaariga uu isaguna soo gaarey
dhaawac.
Vilks, oo ahaa 75 sano jir, waxaa ilaalo joogto ah u sameeyay, markii ay soo gaareen hanjabaado ah in la dilayo, ka gadaal markii uu sameeyey
sawir gacmeedka.
Sawir gacmeedka, ayaa la daabacey sannadkii 2007-dii,
taas oo ay u arkeen Muslim badan inay tahay danbi iyo meel ka dhac tahay, in
sawir toos ah laga sameeyo nabi Maxamad NNKH.
Sidoo kale, tani ayaa ku soo beegantay markii farshaxaniiste
kale oo u dhashey Denmark, oo isna sawiray wax uu ku sheegay nabi
Muxammad NNKH.
Booliiska ma aysan soo saarin aqoonsiga dadkii ku
dhintey shilkii baabuur ee dhacey axaddii, laakiin lamaanaha ama xaaska Vilks,
ayaa u xaqiijisay geerida wargeyska Dagens Nyheter.
War uu soo saarey booliiska, ayaa lagu
sheegay in aaney wali cadeyn sida uu u dhacey is jiirista baabuurta, balse ma
jirto wax tilmaamaya in shilkani ay ku lug leeyihiin dad kale.
Kooxo mucaarad ah oo dad ku afduubtey galbeedka Itoobiya
Afduubkan ayaa yimid ka
gadaal markii halkaasi uu dagaal culus ku dhex marey ciidanka ammaanka iyo dagaal
yahano mucaarad ah, iyadoo markaasi ay barakaceen dad kumanaan gaaraya.
Guddiga ay magacawday dowladda
ee qaabilsan xuquuqda aadanaha, ayaa sheegay in kooxda isku magacawdey dhaq
dhaqaaqa dimuqraadiyada dadka Gumuz, ay ka afduubeen dad rayid ah goobta la
yiraahdo Sedal.
Dagaalka ayaa waxa uu
dhex marey ciidamada gobolka ee ammaanka iyo kooxda mucaaradka, isagoo socdey
muddo, wuxuuna soo gaarey illaa iyo axaddii ina dhaaftey
Gobolka
Beninshangul-Gumuz ayaa waxaa ku yaalla biyo xireenka weyn ee Itoobiya, iyadoo
ay hala keeyeen dagaallo dhex maraya ciidamo ammaanka iyo dagaal yahanada mucaarad
oo iska soo hojeeda sanadihii uggu danbeeyey.
Taiwan oo uggu deeqday qalabka naqaska Somaliland
Qoraalka sawirka, Somaliland
Taiwan ayaa uggu deeqday qalabka naqaska dadka ka
kaalmeeya jamhuuriyadda iskeed uggu dhawaaqdey madax banaanida ee Somaliland,
si loogga caawiyo la dagaalanka cudurka safmarka ee Covid19, sidaasi waxaa laga
soo xigtey warbaahin iyo ilo diblomaasiyadeed.
Matooro ay sameeyeen Taiwan, ayaa lagula wareejiyey
wasaaradda caafimaadka magaalada Hargeysa 3-dii bishan ee October.
Taiwan ayaa kal hore uggu deeqday Afxirisyada, mashiinada
naqaska dadka ka caawiya, dawada gacmaha la isaga masaxo iyo waxyaabo kale oo
lagula dagaalo cudurka Covid19.
Labada maamul oo aaney aqoonsan hey’adda Qaramada
Midoobay, ayaa ku heshiiyey bishii July sanadkii 2020-ka iney sameystaan xiriir
saaxiibtinimo, si ay u wadaagaan qiyamka guud iyo xoriyadda, taasoo ka
careysiineysa Shiinaha, oo u arka Taiwan gobol falaaga ah.
Kuraasta uggu danbeysa aqalka sare ee HirShabelle oo maanta lagu tartamayo
Xigashada Sawirka, Facebook
Qoraalka sawirka, Astaanta HirShabelle
Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka
Hirsahbeelle, ayaa waxaa maanta ka dhacaya doorashada labo kursi, oo kamid ah
Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka, kuwaasoo horey dibu dhac ugu yimid
doorashadooda.
Xildhibaannada codeynayey ayaa qaarkood waxey
saluugeen qaabka tirinta codadka, taasoo keentay in la joojiyo doorashada,
muddana ay qaadato xalinta khilaafka ka dhashey tartanka kursigaasi.
Kursigaasi waxa maanta ku tartamaya saddex
murashax, oo u gudbay habeenkii qalalaasuhu dhacay wareega labaad, kuwaasoo
kala ah Cabdulqaadir Xanafi Sheekh Bashiir, Cali Shacbaan Ibraahim iyo Cabdalla
Cabdi Xuseen.
Kursiga ugu dambeeya ee sideeda kursi ee
Hirshabeelle ku leedahay Aqalka Sare, waxaa ku tartami doona maanta Naciimo
Ibraahim Yuusuf iyo Samsam Cabdillaahi Axmed.
Abiy Ahmed oo loo dhaariyey ra’iisal wasaaraha Itoobiya
Qoraalka sawirka, Abiy Ahmed
Abiy Ahmed, ayaa mar kale loo dhaariyey ra’iisal
wasaaraha Itoobiya shanta sano ee soo socota, doorasho in mudda ah soo
jiitantey natiijadeedana dhawaan lasoo saarey.
Ra’iisal wasaaraha, ayaa dhaarintiisa kadib,
lagu wadaa inuu soo dhiso gole wasiiro oo cusub, ka gadaal markii ay dhacdey
doorasho la isku khilaafey bishii June ee ina dhaaftey.
Xisbiga Barwaaqo ee Ra’iisal Wasaare Abiy
Ahmed, ayaa ku guuleystay aqlabiyadda doorashada baarlamaanka, taasoo u gogol
xaartey in dib loo doorto.
Xubnaha uu
ka koobnaan doono Golaha Wasiirada, ayaa la rajeynayaa iney ka turjumi doonto,
halka ay dowladda cusub ka istaagi doonto dagaalka ka socda gobolka Tigreega.
Xubnaha qaar ee mucaaradka, ayaa la filayaa iney qeyb ka noqdaan xilalka Golaha
Wasiirada ee cusub.
Dhibaatada shaqaale yaraanta UK maxaa lagu tilmaami karaa?
Ra’iisal wasaaraha Britain, ayaa difaacey siyaasaddiisa ku aadan soo galootiga, iyadoo ay sii kordhayso gabaabsiga la xiriira shaqaale xirfad leh, oo ka hawl gali kara qeybaha kala duwan kaabi kara dhaqaalaha dalkaas.
Boris Johnson, ayaa sheegay inaaney jirin meel looggu noqdo waxa uu uggu yeeray siyaasadihii ahaan jiray muhaajiriin aan xakameysneyn, markaasoo Ingiriisku uu xubin ka ahaa Midowga Yurub.
Wuxuu qirey in covid-19 uu s ba'an u saameyay qyabo kala duwan isla markaana uu sababay gabaabsiga shaqalaaha illaa iyo inta laga gaarayo dhamaadka sanadkan, laakiin wuxuu ku adkeystay in Ingiriisku ay tahay inuu maal galiyo shaqaale cusub.
Arrintaan ayuuku tilmaamey iney aheyd wixii ay u codeeyeen dadka reer Britain, markii ay dhiibteen codkooda sanadihii 2016-kii iyo 2019-kii. Waxaan umurtaasi ka wareysanay Maxamed hareeri oo falanqeeya arrimaha siyaasada iyo dhaqaalaha Yurub wuxuu u Waramay Wariyaha BBC-da Xasan Cali Geelle.
Qoraalka Codka, Dhibaatada shaqaale yaraanta UK maxaa lagu tilmaami karaa?
Madaxweyne Farmaajo oo Itoobiya u safray
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u
safray dalka Itoobiya halkaas oo uu kaga qeybgalayo munsaabadda dhaarinta Abiy
Axmed oo shan sano oo kale Ra’iisul Wasaare ka sii ahaan doono dalkaas.
Doorashada Itoobiya ka dhacday ayaa ahayd mid uu muran badan
ka dhashay waxaana qaadacay asxaabta siyaasadda, taas oo guul wayn siiyay
xisbiga PP ee Abiy uu hoggaaminayo.