Kooxda Liverpool oo diiday in Maxamed Saalax uu u ciyaaro xulka qarankiisa

Ku soo dhawaada tebinta tooska ah

Tebin toos ah

  1. Shir looga arrinsanayo xaqiijinta qoondada dumarka ee 30% ah oo Muqdisho ka furmay.

    Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shir laba maalmood soconaya oo looga arrinsanayo xaqiijinta qoondada dumarka ee 30% ah.

    Shirka oo ay qeyb ka tahay AMISOM ayaa waxaa looga arrinsaday waxa ka qabsoomay hubinta qoondada haweenka iyo caqabadaha taagan.

    Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade, oo ah wasiirka haweenka ee Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegtay inay diyaariyeen habraaca ay ku xaqiijin lahaayeen doorashada boqolkiiba 30-ka ah.

    Waxaa ay sheegtay in la magacaabay guddigii xaqiijinta qoondada dumarka, isla markaana ay wasaaraddu diyaarisay xarun ka hawl gali doonta gobolka Banaadir isla markaana gobollada kale kuleh xafiis, taas oo loogu adeegayo musharixiinta.

    Nafisa waxaa ay sheegtay in la sugi doono dhamaan amniga doorashada ee haweenka isla markaana ay dumarku diyaar u yihiin doorashada.

  2. Dadallo ka socda Beledweyne oo lagu dejinayo xiisad colaadeed oo halkaa ka taagan

    Ciidanka ayaa sheegay inay diiddan yihiin maamulka Hirshabelle ee uu hogaamiyo Cali Guudlaawe.
    Qoraalka sawirka, Ciidanka ayaa sheegay inay diiddan yihiin maamulka Hirshabelle ee uu hogaamiyo Cali Guudlaawe.

    Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaa ka socda dedaallo ay wadaan hogaamiyayaasha dhaqanka oo lagu dejinayo xiisad colaadeed oo halkaa ka taagan, taasoo xoogeysatay markii ciidan ka tirsan dowladda federaalka ay dhawaan la wareegeen qeybo kamid ah magaalada.

    Ciidanka ayaa sheegay inay diiddan yihiin maamulka Hirshabelle ee uu hogaamiyo Cali Guudlaawe.

    Kulama isdaba joog ah oo ay ilbaabada u xiranyihiin ayaa waxaa ay tan iyo saaka ka socdeen guriga ugaaska mid kamid ah beelaha deggan magaalada Beledweyne, gaar ahaan beesha ay markii hore xiisadda ka dhalatay.

    Kulanka waxaa sidookale ka qeyb galayay saraakiil ka tirsan kuwa uu loolanka kala dhaxeeyo ee ay magaalada wada joogaan.

    Kulamadan ayaa daba socda xiisadda ka taagan magaalada oo xarunta gobolka ay kula wareegeen ciidamo ka tirsan millateriga oo sheegay inay ka soo hor jeedaan maamulka Hirshabelle iyo inuu Baladweyne tago madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe.

    Waxaa shalay ilaa maanta laga cabsi qabay, in dagaal uu ka dhaco magaalada sidaa daraadeed odayaasha dhaqanka ayaa dedaalkaasi kula jira labada dhinac si loo dejiyo xiisadda.

  3. Xaaladda magaalada Cammaara ee gobolka Mudug oo daggan kadib dagaalkii dhexmaray ciidamada dawladda iyo kuwa Al-Shabaab.

    Khasaaraha ka dhashay dagaalka ayaa waxaan ka waraysannay wasiirka warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle.

    Halkan hoose ka dhageyso wareysiga.

    Qoraalka Codka, Al-Shabab oo weerar xooggan ku soo qaaday magaalada Cammaara ee gobolka Mudug
  4. Agaasimaha CIA Mareykanka oo la kulmay hogaamiya Taaliban

    William Burns

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, William Burns

    Wargeyska Washington Post ayaa ku waramaya in agaasimaha laanta sirdoonka Mareykanka ee CIA William Burns uu Isniintii kulan qarsoodi ah Kabul kula yeeshay hogaamiyaha Taalibaan Cabdul Ghani Baradar.

    Wargeysku waxaa uu sheegay sida laga soo xigtay saraakiil Mareykan ah oo codsaday in magacooda aan la shaacin, in labada dhinac ay ka wada -hadalleenarrimo ay ka mid ahaayeen waqtiga kama dambeysta ee ka bxitaan Mareykanka ee dalka Afqaanistaan oo ku beegan 31 -ka August.

    Saraakiisha laanta sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa diiday in ay arrintan ka hadlaan.

    Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli shirka wadamadaG-7 ay hogaamiyayaasha ku cadaadinayaan madxwayne Joe Biden in uu dib u dhigo waqtiga ka bixitaanka ciidamada mareykanka ee dalka Afqaanistaan.

  5. Maxay ka wada-hadleen madaxda golaha wada-tashiga qaranka iyo beesha Caalamka?

    Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya

    Xigashada Sawirka, .

    Qoraalka sawirka, Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya MMaxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey kulan u dhexeeyey Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka iyo wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya.

    Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dar-dargelinta geeddi-socodka doorashooyinka iyo dadajinta dhaqaalaha farsamo ee saaxiibada caalamka kaga aadan Hannaanka doorashooyinaka.

    Kulanka ayaa lagu soo bandhigay horumarada laga sameeyey hannaanka doorashooyinka uu dalku galay.

    Qoraalka Muuqaalka, Maxay ka wadahadleen madaxda golaha wada-tashiga qaranka iyo beesha caalamka?
  6. Kooxda Liverpool oo diiday in Maxamed Saalax uu u ciyaaro xulka qarankiisa

    Maxamed Saalax

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Maxamed Saalax

    Xiriirka Kubadda Cagta Masar ayaa sheegay in Liverpool ay diiday inay u oggolaato Maxamed Saalax inuu qarankiisa u ciyaaro isreeb -reebka Koobka Adduunka bisha soo socota.

    Kooxda Liverpool ayaa arrintan sabab uga dhigay in Salax marka uu UK ku soo laabtay ay qasab ku tahay in uu galo 10 maalmood oo karantiil ah sababa la xiriira feyriska Crona.

    Warbaahinta Ingiriiska ayaa qoreysa in kooxdu aysan sidoo kale u oggolaan doonin saddex xiddig oo reer Brazil ah (Roberto Firmino, Alisson iyo Fabinho) inay ku biiraan xulkooda.

    Kooxaha kale ee reer Yurub ayaa la rumeysan yahay inay ka fikirayaan talaabo taa la mid ah ciyaartoyda u dheela ay uga horistaagayan in ay u saftaan dalalkooda gaar ahaan dalalka uu sida ba’an ugu faafay feyriska Corona.

  7. Qaramada Midoobey oo digniin u jeedisay kooxda Taaliban

    Taliban ayaa dhawaan Afqaanistaan la wareegtay

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Taliban ayaa dhawaan Afqaanistaan la wareegtay

    Madaxa xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobey, Michelle Bachelet, ayaa ku boorrisay Taalibaan inay xushmeeyaan xuquuqda haweenka iyo sidoo kale qowmiyadaha iyo diimaha laga tirada badan yahay.

    “Khadka cas ee aasaasiga ah wuxuu noqon doonaa sida ay Taalibaan ula dhaqmaan haweenka iyo gabdhaha,” Waxay sidaasi ku sheegtay kulan degdeg ah oo ku saabsan Afghanistan.Tan waxaa ka mid ahaa "ixtiraamka xuquuqdooda xorriyadda, xorriyadda dhaqdhaqaaqa, waxbarashada, is muujinta iyo shaqada".ayay intaa ku dartay .

    Kooxaha u dooda xuquuqda ayaa ka cabsi qaba in xorriyadda haweenku uu hoos u dhac ku yimaado marka ay Taliban dowladooda hirgaliyaan.

  8. Gabadh kaalinta kowaad ka gashay Imtixaanka dugsiyada hoose/dhexe ee Puntland

    Natiijada Imtixaanka dugsiyada hoose/dhexe ee Puntland ayaa maanta shaaca laga qaaday.

    Tobanka ardey ee kaalmaha ugu horeeya soo galay ayaa waxaa ka mid ah Afar gabdhood.

    Kaalinta kowaad ayaa waxaa gashay Nawaal Mahad Saciid oo dhiga iskuulka Daaru Raxma ee magaalada Boosaaso.

    Kaalinta labaad ayaa waxa galay arday lagu magacaabo Suheyb Cali Axmed.

    Natiijada Imtaxaanka

    Xigashada Sawirka, .

    Qoraalka sawirka, Natiijada imtaxaanka
  9. Bulshada Rayidka oo ka soo horjeedsatay hab-raaca doorashooyinka xildhibaanada

    Golaha wada-tashiga Qaranka

    Xigashada Sawirka, OPM SOMALI

    Qoraalka sawirka, Golaha wada-tashiga Qaranka

    Isutaga Bulshada Rayidka Soomaliya ayaa ka soo horjeedsaday hab-raacii doorashooyinka xildhibaanada Golaha Shacabka ee ay dhawaan soo saareen madaxda Golaha Wadatashiga Qaran.

    Bayaan ay soo saareen kooxaha bulshada rayidka ayaa waxay welwel kaa muujiyeen geedi socodka doorashoyiinka dalka.

    Bulshada rayidka ayaa waxay farta ku fiiqeen in meesha laga saaray doorkii ay ku lahaayeen doorashada.

    Isutaga Bulshada Rayidka Soomaliya aya dhanka kale ugu baaqay in odoyaasha dhaqanka, culumo u diinka, wax garadka, haweenka iyo aqoonyahanada Soomaliyeed inay u istaagan sidii looga hortegi lahaa nidaam doorasho oo abuuri kara xasilooni daro.

  10. Wararkii ugu dambeeyay ee dalka Afqanistaan

    Daad-gureynta ayaa wali ka socota Afqaanistaan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Daad-gureynta ayaa wali ka socota Afqaanistaan

    Kumannaan qof oo doonaya in ay ka baxaan dalka Afqaanistaan ayaa waxay wali ku xanniban yihiin garoonka diyaaradaha ee magaalada Kabul.

    Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay isbuurasho ka dhacday halkaasi tan toddobaadkii aanu soo dhaafnay.

    In ka badan 10,000 oo qof ayaa halkaasi laga daad-gureeyay tan iyo Isniintii.

    Balse waqtiga ayaa imika ciriiri ah maadaama waqtiga kama dambeysta ee Mareykanka ciidamadiisa uu kala baxayo Afqaanistaan ay ku egtahay 31 August.

    Talibaan waxay ka digeen in Mareykanka uu ka dib dhaco waqtiga kama dambeysta ee uu u qabtay bixitaanka ciidamadiisa.

    Dhanka kale dalalka G7 ayaa maanta yeelanaya kulan ay uga hadlayaan daad-gureynta ka socota Afqaanistaan.

  11. Al-Shabab oo weerar xooggan ku soo qaaday magaalada Cammaara ee gobolka Mudug

    Al-Shabaab waxay dowladda Soomaaliya la dagaallameysay in ka badan 10 sano

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Al-Shabaab waxay dowladda Soomaaliya la dagaallameysay in ka badan 10 sano

    Warrarka laga helayo gobolka Mudug ee Soomaaliya ayaa sheegaya in magaalada Cammaara uu ka dhacay dagaal culus kadib markii ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay weerarreen saldhigyo ciidamada dawladdu ku lahaayeen halkaasi.

    Dagaalka kooxda Al-Shabaab ku qaaday Cammaara ayaa ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa lagu soo rarray oo lagu dhuftay xerada, dabadeed waxa xigay dagaal toos ah oo dhexmaray labada dhinac.

    Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa la soo weriyay inkastoo tirro rasmi ah aan la shaacin.

    War ka soo baxay Al-Shabaab waxay ku sheegeen inay dagaalka ku dilleen askar badan, isla markaana ay ku qabsadeen dhawr iyo tobaan gaari oo ah kuwa dagaalka .

    Illaa hadda ma jiro war madaxbannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

    Sida laga soo xigtay wakaaladda warrarka u faafisa dawladda Soomaaliya ciidamada dawladda ayaa iska caabiyay weerarka Al-shabaab ku qaadeen Cammaara.

    Ciidamada Dawladda ayaa qabsaday Cammaara horraantii bishan, iyagoo kala wareegay Al-Shabaab.

  12. Madaxda maamul goboleedyada iyo midowga musharaxiinta oo is af-garad gaaray?

    Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa aqbalay in laga wada hadlo qodobbada ay cabshada iyo diidmada ka muujiyeen midowga musharrixiinta.

    Midowga musharaxiinta ayaa cabasho ka muujiyay hab-raacii doorashada golaha shacabka.

    Sida uu sheegay hogaamiyaha xisbiga wadajir Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur Warsame kulan ay xalay la yeesheen midowga musharaxiinta Ra'isul wasaaraha xukumadda, Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Midowga Musharrixiinta ayaa la isku afgartay saaridda guddi wadajir ah oo turxaan bixiya qaar ka mid ah qodobbada hab-raaca.

    Waxaa qodobadaas ka mdi ah xulidda ergada odayaasha dhaqanka, hay'adda dambi baarisata ee CID iyo lacgta Khidmadda tartamayasha laga qaada.

    Qoraalka Codka, Cabdi Raxmaan cabdi Shakuur hogaamiyaha xisbiga Wadajir