You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Raysalwasaare Rooble oo ku gacan saydhay wareegto ka soo baxday Farmaajo

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Roobab Mahiigaan ah oo waxyeello ka geystay dalka Suudaan

    Roobab mahiigaan ah ayaa waxyeelleeyay kumannaan guri oo ku yaal caasimadda Suudaan ee Khartuum. Waddooyin badan ayaa ay biyuhu xidheen.

    Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in siddeed ka mid ah siddeed iyo tobanka gobol ee Suudaan ay daadad ku dhufteen.

    Kumanaan hanti ah ayaa burburtay, xoolobadan ayaa ku qaqoomay halka beerdo badanina ay ku baa’baeen.

    Sannad walba Suudaan, waxa ay la kulantaa xalad faatahaadeed xilli roobaadka. Sannadkii hore ayaa xaalad degdeg ah oo saddex bilood ah lagu dhawaaqay ka dib markii ugu yaraan lix boqol iyo konton ay saameeyeen daadadkaasi.

  2. Laftageereen oo magacaabayb wasiirro cusub

    Madaxweynah Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed,Cabdicasiis Maxamed Xasan 'Laftagareen' ayaa shaaciyey in xilkii wasiirnimo ka qaaday, halka dhanka kalena uu isku shaandheyn sameeyey, oo xubnaha qaar loo beddelay boos cusub.

    Xasan Ibraahim xasan 'Lugbuur' ayaa loo magacaabay Wasiirka Garsoorka iyo Caddaaladda.

    Halka, Ilyaas Cali Nuur loo magacaabay, wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta.

    Axmed Sheekh Maxamed 'Laxoos' ayaa isna laga dhigay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha

  3. Daalibaan oo ku sii siqaysa in ay gebi ahaanba Afghanistan la wareegaan

    Daalibaanta ku sugan Afgaanistaan ayaa sheegtay, in ay qabsadeen magaalooyinka koonfureed ee Sar-epul iyo Kunduz, xilli ay sii wadaan in ay fidsadaan dhulka ay haystaan. Afhayeen u hadlay ayaa sheegay in ay haystaan dhammaan dhismayaasha dawladda ee Kunduz,

    Laakiin sarkaal ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegay in ciidamo gaar ah ay weli ku sugan yihiin gudaha magaalada oo la dagaallamayaan kooxaha kacdoonka wada.

    Haddii kooxdani awoodaan inay qabsadaan Kunduz, oo loo tixgeliyo inay marin u tahay bartamaha Aasiya, waxay dhabar jab weyn ku noqon doontaa dowladda.

    Sarkaal maxalli ah oo ku sugan Sar-e-Pul ayaa sheegay in inta badan saraakiisha dowladda ay u guureen saldhig ciidan oo ka baxsan magaalada.

  4. Raysalwasaare Rooble oo ku gacan saydhay wareegto ka soo baxday Farmaajo

    Warsaxafaadeed ka soo baxay raysal wasaare rooble ayaa lagu sheegay in Haayadaha dawladdu ay sii wadaan shaqadooda.

    warsaxafadeedka ka soo baxay xafiiska raysalwasaaraha ayaa lagu sheegay hadal sidan u dhignaa:

    "Iyada oo laga ambaqaadayo Qodobada Dastuuriga ah ee kor ku xusan, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuu farayaa dhamaan hay’adaha Dawladda in ay si caadi ah u gutaan Waajibaadkooda shaqo si waafaqsan Dastuurka KMG ah, joogteeyaanna adeegyada loo hayo shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta hantida iyo danaha guud ee Qaranka, iyagoo xusuusan isla markaana dhawraya go’aamadii uu horay usoo saaray Ra’isul Wasaaraha."

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay xeer madaxweyne ku hakinayay in hay’adaha dowladdu ay galaan heshiis ama is af-garad, kaasi oo uu madaxweynuhu sheegay in uu taabanayo siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka.

    Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ujeedda digreetadaasi ku sheegay in uu ku tixgelinayo hannaanka doorashooyinka dalka ee la guda-galay iyo waqtiga kala guurka ah ee lagu jiro.

    “Waxaa Xeer Madaxweyne lagu hakiyey, ilaa doorashada kaddib, heshiisyada Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya sida Xukuumadda iyo laamaha kale ee fulintu ay la galayaan dalalka kale, Hay’adaha iyo shirkadaha caalamiga ah,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

    Labadan wareegtio ee kala duwan ayaa u muuqda khilaaf hor leh oo ka dhex bilaabmay raysalwasaare Rooble iyo madaxweyne Farmaajo.

  5. Suudaan oo u yeeratay safirkii u fadhiyay Itoobiya

    Suudaan ayaa u yeeratay safirkeedii u fadhiyay dalka Itoobiya kadib markii ay sheegtay in xukuumadda Addis Ababa ay ka hor timid dadaalladeeda dhexdhexaadinta ah ee ku aadan in xabad joojin looga dhawaaqo gobolka ay dagaallada ka taagan yihiin ee Tigray.

    Wasiirka arrimaha dibadda Suudaan ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Cabdalla Xamdook uu doonayo in wadahadal lagu soo afjaro colaadda ka taagan Itoobiya.

    Khamistii, Itoobiya waxay sheegtay inay meesha kasii baxeyso kalsoonidii kala dhexeysay Suudan kadib tallaabada ay ku tilmaantay in ciidamada Suudaan ay kusoo xadgudbeen dhulka Itoobiya.

    Labada dal waxaa ka dhex taagan khilaafka ka dhashay biyo xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso webiga Nile.

  6. Gabadha kaalinta koowaad ka gashay tartanka gabayada ee Jigjiga

    Tartan suugaaneed u gaar ah haweenka leh hibada hal abuurka ah ayaa lagu qabtay magaalada Jigjiga.

    Tartankaas ayaa haweenkii ka qeybgalay waxa ay ku soo bandhigeen xirfadooda iyo hibadooda hal abuurka.

    Waxaana ugu dambayntii kaalinta koobaad ku guulaysatay gabadh labo sano ka hor tartankii kan ka horeeyay ku guuldarraysatay.

    Nasra Maxamed Shukri oo ah gabadh da' yar ayaa ku guuleysatay kaalinta koowaad ee tartanka.

    Weriye Ismaaciil Buurgaabo ayaa ka warramaya.

  7. Daawo: Laba dal ayay kala matalayeen laakiin ''Somaalinnimo" ayay isku garabsadeen

    Waxaa baraha bulshada laga hadal hayay orodyahanadii Soomaalida ahaa ee u kala tartamayay dalalka Netherlands iyo Belgium.

    Waxaa la arkayay Cabdi Nageeye oo matalayay Netherlands oo ku gacan haatinayay Bashiir Cabdi oo ka dambeeyay xilli ay ordayeen.

    “Waxaan nahay labo wiil oo Soomaali ah hadduu iga horreeyay maanta ama maalmihii hore aan ka horreynayay , wax macno ay noogu fadhido ma laha ..waa is dhiiregelin, Soomaali haddan nahay waan is dhiirigelinaa meel kasta oo aan kala joogno ” ayuu yiri Bashiir Cabdi oo BBC-da u warramayay.

    “Maanta kolba soo soco, wax yar baa inoo haray, hortaada fiiri..kolba ereyo ayuu ii sheegayay oo dhiirigelin ii ahaa”

    Nageeye iyo Bashir waxay kala galeen kaalmaha labaad iyo saddexaad xilli aroortii hore ee saaka ay dhacday tartanka orodka dheer ee Maradoonka ee ciyaaraha Olympicada adduunka ee Tokyo 2020.

  8. Daawo: Messi oo ilmeynaya isagoo markii ugu horreysay ka hadlay ka tagitaankiisa Barcelona

  9. Kenya oo casuumaad u fidisay Ra’iisul Wasaare Rooble

    Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiikiisa kulan kula qaatay wasiirka arrimaha dibadda Kenya Raychelle Omamo isla markaana waxay ka wadahadleen xoojinta xiriirka ka dhexeeyo labada dal.

    Waxaana lagu wadaa Ra’iisul Wasaaraha in booqasho uu ku tego dalka Kenya kadib markii uu casuumaad uu ka helay madaxweynaha dalkaas.

    “Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ka guddoomay casuumad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

  10. Maxay ka wadahadleen wasiirada arrimaha dibadda Kenya iyo Soomaaliya?

    Wasiirada arrimaha dibadda Kenya iyo Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka wadahadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal.

    “Labada wasiir waxay yeesheen wada hadallo laba geesood ah oo ku saabsan xiriirka, waxayna wada xuseen muhiimadda ay leedahay qaadista tallaabooyin la taaban karo si loo muujiyo xurmadda madax -bannaanida, midnimada dhuleed iyo madax -bannaanida siyaasadeed, kuwaas oo ah gundhigga xiriirka labada dal” ayaa lagu yiri war kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

    Wafddi ay hoggaamineyso wasiirka arrimaha dibadda Kenya Raychelle Omamo ayaa saaka gaartay magaalada Muqdisho halkaas ay kusoo dhaweeyeen mas'uuliyiin uu kamid yahay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq.

  11. Faransiiska oo Soomaaliya gaarsiiyay tallaalka ka hortagga Karoona

    Faransiiska ayaa maanta Soomaaliya gaarsiiyay tallaalka nooca Oxford/AstraZenece ee ka hortagga cudurka Covid-19.

    Diyaarad siday in ka badan 108,000 oo tallaalkan ayaa ka degtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho halkaas oo ay kula wareegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

    Wasiirka caafimaadka Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay in Soomaaliya uu haatan fara ba’an ku hayo wajigga saddexaad ee cudurka sidaa darteed shacabka looga baahan yahay inay qaataan tallaalka.

    Waxay dowaladda Faransiiska uga mahadcelisay deeqda tallaalka ah.

  12. Ururka Taliban oo la wareegay magaalo muhiim ah

    Ururka Taliban ayaa la wareegay magaalo muhiim ah oo ku taalla waqooyiga Afghanistan, Kunduz waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn dalkaas.

    Qabsashada magaaladan ayaa ka dambeysay kadib dagaal xooggan oo dhexmaray Taliban iyo ciidamada dowladda.

    Sarkaal ka tirsan dowladda hoose oo ku sugan dalkaas ayaa BBC u sheegay in garoonka diyaaradaha ee magaaladan uu gacanta u galay dagaalyahanada Taliban.

    Waxaana la arkayay calanka kooxda oo laga dul taagay gudaha Kunduz.

    Sidoo kale, muuqaallo waxay muujinayeen dhismooyin iyo dukaamo dab la qabadsiiyay.

    Ilaa afar magaalo oo waaweyn ayay Taliban la wareegtay tan iyo Jimicihii.

  13. Sucuudiga oo shardi ku xiray ajaaniibta dooneyso inay soo cumreystaan

    Sacuudi Carabiya ayaa muwaadiniinta ajaaniibta ah u ogolaanayaa inay soo gudan karaan cumrada sannadkan kadib xayiraadaha ka hortagga cudurka Karoona.

    Sacuudiga wuxuu ku xiray muslimiinta ka imaaneysa dalalka dibadda ee dooneyso inay booqdaan Maka in marka hore ay qaataan tallaalka ka hortagga Covid-19.

    Wakaaladda wararka ee dowladda Sucuudiga ayaa ku warrantay in mas’uuliyiinta ay Isniinta nagu soo aadan bilaabayan inay aqbalayaan codsiyada la xiriira dadka ajaaniibta ee doonayo inay soo cumreystaan kadib muddo sanad iyo bar ah oo ay boqortooyada xirtay xadka si looga hortaggao fiditaanka cudurkan safmarka ah.

  14. Wasiirka arrimaha dibadda Kenya oo gaartay Muqdisho

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Raychelle Omamo ayaa goordhaw gaartay magaalada Muqdisho halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu kamid yahay wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdirisaaq.

    Safarkan ayaa lala xiriirinayaa dib u hagaajinta xiriirka diblumaasi iyo midka ganacsi ee ka dhaxeeya labada dal.

    Dhanka kale sida ay sheegeen xubno ku dhow xafiiska Ra'iisul wasaaraha, Mr Rooble ayaa lagu waday in uu yimaado Nairobi, walow aanay faafaahin qorshaha safarkiisa iyo xilligaba.

    Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku kulmay caleemaasaarkii madaxweynaha Jabuuti halkaas oo la sheegay inay ka wada-hadleen hagaajinta xiriirka labada dal.

    Waxaana la rumeysan yahay inay markale ku kulmeen magaalada London intii uu socday shirkii caalamiga ahaa ee waxbarashada.

  15. Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday heshiisyada lala galayo dalalka kale

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay xeer madaxweyne ku hakinayay in hay’adaha dowladdu ay galaan heshiis ama is af-garad, kaasi oo uu madaxweynuhu sheegay in uu taabanayo siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka.

    Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ujeedda digreetadaasi ku sheegay in uu ku tixgelinayo hannaanka doorashooyinka dalka ee la guda-galay iyo waqtiga kala guurka ah ee lagu jiro.

    “Waxaa Xeer Madaxweyne lagu hakiyey, ilaa doorashada kaddib, heshiisyada Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya sida Xukuumadda iyo laamaha kale ee fulintu ay la galayaan dalalka kale, Hay’adaha iyo shirkadaha caalamiga ah,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

    Qoraalkaasi ayaa sidoo kale lagu sheegay “waxaa reebban ilaa doorashada kaddib, in wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee Dowladda ay magaca Dowladda Federaalka Soomaaliya ku galaan is-afgarad ama wadahadallo saameynaya mustaqbalka dalka, madaxbannaanida qaranka, seeraha dhuleed iyo badeed ee dalkeenna.”

    Qoraalkaasi ayaa sidoo kale lagu sheegay in aan la bixin karin hantida danta guud, lana saxiixi karin heshiis kasta oo ku saabsan kala wareejinta, kireynta iyo qaab kasta oo la xiriira ka macaashka hantida danta guud ee dalka.

  16. Asalaamu Caleykum

    Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.