Axmed Sheekh Maxamed 'Laxoos' ayaa isna laga dhigay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha
Xigashada Sawirka, .
Daalibaan oo ku sii siqaysa in ay gebi ahaanba Afghanistan la wareegaan
Xigashada Sawirka, .
Daalibaanta ku
sugan Afgaanistaan ayaa sheegtay, in ay qabsadeen magaalooyinka koonfureed ee
Sar-epul iyo Kunduz, xilli ay sii wadaan in ay fidsadaan dhulka ay haystaan.
Afhayeen u hadlay ayaa sheegay in ay haystaan dhammaan dhismayaasha dawladda ee
Kunduz,
Laakiin sarkaal ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegay in
ciidamo gaar ah ay weli ku sugan yihiin gudaha magaalada oo la dagaallamayaan
kooxaha kacdoonka wada.
Haddii kooxdani awoodaan inay qabsadaan Kunduz, oo loo
tixgeliyo inay marin u tahay bartamaha Aasiya, waxay dhabar jab weyn ku noqon
doontaa dowladda.
Sarkaal maxalli ah oo ku sugan Sar-e-Pul ayaa sheegay in inta
badan saraakiisha dowladda ay u guureen saldhig ciidan oo ka baxsan magaalada.
Raysalwasaare Rooble oo ku gacan saydhay wareegto ka soo baxday Farmaajo
Xigashada Sawirka, Villa Somalia
Warsaxafaadeed ka soo baxay raysal wasaare rooble ayaa lagu sheegay in Haayadaha dawladdu ay sii wadaan shaqadooda.
warsaxafadeedka ka soo baxay xafiiska raysalwasaaraha ayaa lagu sheegay hadal sidan u dhignaa:
"Iyada oo laga ambaqaadayo Qodobada Dastuuriga ah ee kor ku xusan, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuu farayaa dhamaan hay’adaha Dawladda in ay si caadi ah u gutaan Waajibaadkooda shaqo si waafaqsan Dastuurka KMG ah, joogteeyaanna adeegyada loo hayo shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta hantida iyo danaha guud ee Qaranka, iyagoo xusuusan isla markaana dhawraya go’aamadii uu horay usoo saaray Ra’isul Wasaaraha."
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay xeer madaxweyne ku hakinayay in hay’adaha dowladdu ay galaan heshiis ama is af-garad, kaasi oo uu madaxweynuhu sheegay in uu taabanayo siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ujeedda digreetadaasi ku sheegay in uu ku tixgelinayo hannaanka doorashooyinka dalka ee la guda-galay iyo waqtiga kala guurka ah ee lagu jiro.
“Waxaa Xeer Madaxweyne lagu hakiyey, ilaa doorashada kaddib, heshiisyada Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya sida Xukuumadda iyo laamaha kale ee fulintu ay la galayaan dalalka kale, Hay’adaha iyo shirkadaha caalamiga ah,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.
Labadan wareegtio ee kala duwan ayaa u muuqda khilaaf hor leh oo ka dhex bilaabmay raysalwasaare Rooble iyo madaxweyne Farmaajo.
Suudaan oo u yeeratay safirkii u fadhiyay Itoobiya
Suudaan ayaa u yeeratay safirkeedii u fadhiyay dalka
Itoobiya kadib markii ay sheegtay in xukuumadda Addis Ababa ay ka hor timid
dadaalladeeda dhexdhexaadinta ah ee ku aadan in xabad joojin looga dhawaaqo
gobolka ay dagaallada ka taagan yihiin ee Tigray.
Wasiirka arrimaha dibadda Suudaan ayaa sheegay in Ra’iisul
Wasaare Cabdalla Xamdook uu doonayo in wadahadal lagu soo afjaro colaadda ka
taagan Itoobiya.
Khamistii, Itoobiya waxay sheegtay inay meesha kasii
baxeyso kalsoonidii kala dhexeysay Suudan kadib tallaabada ay ku tilmaantay in
ciidamada Suudaan ay kusoo xadgudbeen dhulka Itoobiya.
Labada dal waxaa ka dhex taagan khilaafka ka dhashay
biyo xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso webiga Nile.
Gabadha kaalinta koowaad ka gashay tartanka gabayada ee Jigjiga
Tartan suugaaneed u gaar ah haweenka leh
hibada hal abuurka ah ayaa lagu qabtay magaalada Jigjiga.
Tartankaas ayaa haweenkii ka
qeybgalay waxa ay ku soo bandhigeen xirfadooda iyo hibadooda hal abuurka.
Waxaana ugu dambayntii kaalinta
koobaad ku guulaysatay gabadh labo sano ka hor tartankii kan ka horeeyay ku
guuldarraysatay.
Nasra
Maxamed Shukri oo ah gabadh da' yar ayaa ku guuleysatay kaalinta koowaad ee
tartanka.
Weriye
Ismaaciil Buurgaabo ayaa ka warramaya.
Qoraalka Codka, Nasra Maxamed Shukri
Daawo: Laba dal ayay kala matalayeen laakiin ''Somaalinnimo" ayay isku garabsadeen
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Cabdi Nageeye iyo Bashiir Cabdi
Waxaa
baraha bulshada laga hadal hayay orodyahanadii Soomaalida ahaa ee u kala tartamayay
dalalka Netherlands iyo Belgium.
Waxaa la
arkayay Cabdi
Nageeye oo matalayay Netherlands oo ku gacan haatinayay Bashiir Cabdi oo ka
dambeeyay xilli ay ordayeen.
“Waxaan
nahay labo wiil oo Soomaali ah hadduu iga horreeyay maanta ama maalmihii hore
aan ka horreynayay , wax macno ay noogu fadhido ma laha ..waa is dhiiregelin,
Soomaali haddan nahay waan is dhiirigelinaa meel kasta oo aan kala joogno ”
ayuu yiri Bashiir Cabdi oo BBC-da u warramayay.
“Maanta
kolba soo soco, wax yar baa inoo haray, hortaada fiiri..kolba ereyo ayuu ii
sheegayay oo dhiirigelin ii ahaa”
Nageeye iyo Bashir waxay kala galeen kaalmaha labaad iyo saddexaad xilli aroortii hore ee saaka ay dhacday tartanka orodka dheer ee Maradoonka ee ciyaaraha Olympicada adduunka ee Tokyo 2020.
Qoraalka Muuqaalka, Daawo qaabka Nageeye uu ugu dhiirageliyay Bashiir Cabdi inuu u ordo
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan
Daawo: Messi oo ilmeynaya isagoo markii ugu horreysay ka hadlay ka tagitaankiisa Barcelona
Qoraalka Muuqaalka, Ciyaaryahan Lionel Messi
Kenya oo casuumaad u fidisay Ra’iisul Wasaare Rooble
Xigashada Sawirka, OPM Somalia
Qoraalka sawirka, Wasiirka arrimaha dibadda Kenya iyo Ra'iisul Wasaare Rooble
Ra’iisul
wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiikiisa kulan kula
qaatay wasiirka arrimaha dibadda Kenya Raychelle Omamo isla markaana waxay ka wadahadleen xoojinta
xiriirka ka dhexeeyo labada dal.
Waxaana lagu wadaa Ra’iisul
Wasaaraha in booqasho uu ku tego dalka Kenya kadib markii uu casuumaad uu ka
helay madaxweynaha dalkaas.
“Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ka
guddoomay casuumad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru
Kenyata” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ra’iisul
Wasaaraha.
Maxay ka wadahadleen wasiirada arrimaha dibadda Kenya iyo Soomaaliya?
Wasiirada
arrimaha dibadda Kenya iyo Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada
Muqdisho ayaa ka wadahadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblumaasiyadeed ee
labada dal.
“Labada wasiir waxay
yeesheen wada hadallo laba geesood ah oo ku saabsan xiriirka, waxayna wada
xuseen muhiimadda ay leedahay qaadista tallaabooyin la taaban karo si loo
muujiyo xurmadda madax -bannaanida, midnimada dhuleed iyo madax -bannaanida
siyaasadeed, kuwaas oo ah gundhigga xiriirka labada dal” ayaa lagu yiri war
kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.
Wafddi ay hoggaamineyso wasiirka arrimaha dibadda Kenya Raychelle Omamo ayaa saaka gaartay magaalada Muqdisho halkaas ay kusoo dhaweeyeen mas'uuliyiin uu kamid yahay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq.
Faransiiska oo Soomaaliya gaarsiiyay tallaalka ka hortagga Karoona
Xigashada Sawirka, SONNA
Qoraalka sawirka, Tallaalka oo laga dejiyay Muqdisho
Faransiiska ayaa maanta Soomaaliya gaarsiiyay tallaalka
nooca Oxford/AstraZenece ee ka
hortagga cudurka Covid-19.
Diyaarad siday
in ka badan 108,000 oo tallaalkan ayaa ka degtay garoonka diyaaradaha ee
Muqdisho halkaas oo ay kula wareegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.
Wasiirka caafimaadka
Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay in Soomaaliya uu haatan fara ba’an ku hayo
wajigga saddexaad ee cudurka sidaa darteed shacabka looga baahan yahay inay
qaataan tallaalka.
Waxay dowaladda
Faransiiska uga mahadcelisay deeqda tallaalka ah.
Xigashada Sawirka, SONNA
Ururka Taliban oo la wareegay magaalo muhiim ah
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Dhabar jab ayay ku tahay in ciidamada Afghanistan laga qabsado Kunduz
Ururka Taliban ayaa la wareegay
magaalo muhiim ah oo ku taalla waqooyiga Afghanistan, Kunduz waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn dalkaas.
Sarkaal ka tirsan dowladda hoose oo ku sugan dalkaas ayaa
BBC u sheegay in garoonka diyaaradaha ee magaaladan uu gacanta u galay
dagaalyahanada Taliban.
Waxaana la arkayay calanka
kooxda oo laga dul taagay gudaha Kunduz.
Sidoo kale, muuqaallo waxay
muujinayeen dhismooyin iyo dukaamo dab la qabadsiiyay.
Ilaa afar magaalo oo waaweyn
ayay Taliban la wareegtay tan iyo Jimicihii.
Sucuudiga oo shardi ku xiray ajaaniibta dooneyso inay soo cumreystaan
Xigashada Sawirka, Reuters
Sacuudi
Carabiya ayaa muwaadiniinta ajaaniibta ah u ogolaanayaa inay soo gudan karaan
cumrada sannadkan kadib xayiraadaha ka hortagga cudurka Karoona.
Sacuudiga
wuxuu ku xiray muslimiinta ka imaaneysa dalalka dibadda ee dooneyso inay
booqdaan Maka in marka hore ay qaataan tallaalka ka hortagga Covid-19.
Wakaaladda wararka
ee dowladda Sucuudiga ayaa ku warrantay in mas’uuliyiinta ay Isniinta nagu soo
aadan bilaabayan inay aqbalayaan codsiyada la xiriira dadka ajaaniibta ee
doonayo inay soo cumreystaan kadib muddo sanad iyo bar ah oo ay boqortooyada
xirtay xadka si looga hortaggao fiditaanka cudurkan safmarka ah.
Wasiirka arrimaha dibadda Kenya oo gaartay Muqdisho
Xigashada Sawirka, Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya
Qoraalka sawirka, Raychelle Omamo
Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Raychelle Omamo ayaa goordhaw gaartay magaalada
Muqdisho halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda
Soomaaliya oo uu kamid yahay wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdirisaaq.
Safarkan ayaa lala xiriirinayaa dib u hagaajinta xiriirka diblumaasi
iyo midka ganacsi ee ka dhaxeeya labada dal.
Dhanka kale sida ay sheegeen xubno ku dhow xafiiska Ra'iisul wasaaraha, Mr
Rooble ayaa lagu waday in uu yimaado Nairobi, walow aanay faafaahin qorshaha safarkiisa
iyo xilligaba.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha Kenya Uhuru
Kenyatta ayaa ku kulmay caleemaasaarkii madaxweynaha Jabuuti halkaas oo la
sheegay inay ka wada-hadleen hagaajinta xiriirka labada dal.
Waxaana la rumeysan yahay inay markale ku kulmeen magaalada London intii uu
socday shirkii caalamiga ahaa ee waxbarashada.
Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday heshiisyada lala galayo dalalka kale
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay xeer madaxweyne ku
hakinayay in hay’adaha dowladdu ay galaan heshiis ama is af-garad, kaasi oo uu
madaxweynuhu sheegay in uu taabanayo siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ujeedda
digreetadaasi ku sheegay in uu ku tixgelinayo hannaanka doorashooyinka dalka ee
la guda-galay iyo waqtiga kala guurka ah ee lagu jiro.
“Waxaa Xeer Madaxweyne lagu hakiyey, ilaa doorashada
kaddib, heshiisyada Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya sida Xukuumadda
iyo laamaha kale ee fulintu ay la galayaan dalalka kale, Hay’adaha iyo
shirkadaha caalamiga ah,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska
madaxweynaha.
Qoraalkaasi ayaa sidoo kale lagu sheegay “waxaa reebban
ilaa doorashada kaddib, in wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee Dowladda ay magaca
Dowladda Federaalka Soomaaliya ku galaan is-afgarad ama wadahadallo saameynaya
mustaqbalka dalka, madaxbannaanida qaranka, seeraha dhuleed iyo badeed ee
dalkeenna.”
Qoraalkaasi ayaa sidoo kale lagu sheegay in aan la
bixin karin hantida danta guud, lana saxiixi karin heshiis kasta oo ku saabsan
kala wareejinta, kireynta iyo qaab kasta oo la xiriira ka macaashka hantida
danta guud ee dalka.
Asalaamu Caleykum
Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.