Wax ka ogaw hanjabaadda cusub ay soo saartay TPLF

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Dowladda Itoobiya oo sheegtay in ay ka takhluusi doonto TPLF

    Tigray

    Dowladda Itoobiya ayaa waalli ku tilmaantay dalabka fallaagada TPLF ee ka dagaallabto gobolka woqooyi ee Tigray.

    Wasiirka arrimaha dimuquraadiyadda Itoobiya, Zadig Abraha, ayaa BBC-da u sheegay in TPLF ay ku riyooneyso awood siyaasadeed oo aan jirin, wuxuuna sheegay in gebi ahaanba fallaagadaasi laga saari doono tuulooyinka gobolkaasi marka sida uu sheegay dowladda dhexe uu ka dhammaado dulqaadka.

    Zadig waxa uu beeniyay sheegashada fallaagada TPLF ee ah in la go’doomiyay gobolka Tigreeda, wuxuuna sheegay in mas’uuliyadda dowladda ay tahay xaqiijinta in gargaar bani’aadanimo la gaarsiiyo dadka gobolkaasi.

    Waxa uu intaa ku daray in aysan jiri doonin wadahadal ay la galayaan TPLF oo uu ku tilmaamay koox argagixiso ah.

    Fallaagada TPLF ayaa haatan gacanta ku hayso caasimadda gobolka Tigreeda ee Maqalle iyo magaalooyin kale oo ku yaal gobolkaasi kaddib markii ciidamada dowladda ay halkaasi isaga bexeen.

    TPLF ayaa haysay xukunka gobolka Tigreeda ka hor inta ciidamada dowladda dhexe aysan ku duulin kaddib weerar ciidamada TPLF ee xilligaasi ay ku qaadeen xero ciidan oo ku taallay woqooyiga dalkaasi Itoobiya.

  2. Gudoomiye Cabdi Xaashi oo soo jeediyay qaabka lagu xallin karayo arrinta maamulka iyo madaxbannaanida doorashada xildhibaannada Waqooyi

    Cabdi Xaashi

    Guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ra’iisalwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble u gudbiyay “taladiisa ugu dambeysa ee xalka arrimaha lagu muransan yahay ee maamulka iyo madaxbannaanida doorashada 57da kursi ee Dir Waqooyi.”

    Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in aan masiir umamadeed la wareejin karin, sidaa awgeedna dadka reer waqooyi ay xaq dastuuri ah u leeyihiin ka tashiga aayahooda iyo “hubinta madaxbannaanida doorashada 57-da kutsi ee ay ku leeyihiin labada gole.”

    Cabdi Xaashi wuxuu xal ahaan ra’iisalwasaare Rooble ugu soo bandhigay qodobbo ay ka mid yihiin; dhismaha guddi jiheeya doorashada xildhibaannada woqooyi oo gudoomiye isaga iyo ra’iisalwasaare kuxigeenka, Mahdi Guuleed, ay noqdaan hoggaan wadajir ah oo hagaya maamulka doorashada gobollada woqooyi.

    Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in dib loo mideeyo guddiga iyo guddiga hirgelinta doorashooyinka heer-maamul goboleed oo siddeedda xubnood ee guddigaasi ka mid noqonaya iska dhex xulanayaan dadka gobollada woqooyi iyo in labada dhinac si cadaalad ah loogu gaybiyo guddoonka guddiga oo dhinac la siiyo gudoomiyaha gudiga, dhinaca kalena gudoomiye kuxigeenka iyo xoghayaha Gudiga.

    Waxaa kale oo xal ahaan uu u soo jeediyay in doorashada xildhibanaada gobollada waqooyi lagu qabto hangarka Ciidanka Cirka ee Xalane, amniga doorashadana ay sugaan ciidanka booliska Soomaaliya iyo Amisom.

    Cabdi Xaashi wuxuu sheegay in haddii ra’iisalwasaare Rooble uu qaato go’aan uu ku raalligelinayo hal dhinac, in iyaguna qaadan doonaan go’aan ay kaga tashanayaan aayaha dadka ay matalaan iyo madaxbannaanida doorashadooda.

  3. Go'aan maxkamadeed oo ku saabsan mustaqbalka Falastiyiniinta xaafadda Sheekh Jarrax oo baaqday

    Sheekh Jarrax

    Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

    Waxaa natiijo la’aan ku soo dhammaaday dhagaysiga dacwad ka socotay maxkamadda sare ee Israa’iil oo la doonayay in go’aan looga gaaro arrinta qoysas reer Falastiin ah oo wajahaya in xoog looga saaro xaafadda Sheekh Jarrax oo ku taal dhulka ay Israa’iil haysato ee bariga Qudus.

    Dood qaadatay saacado badan kaddib, dacwadda ayaa dib loo dhigay ilaa xilli aan wali la cayimin.

    Muddadii ay doodda socotay ayaa garsooraha maxkamadda waxa uu muujiyay suurtagalnimada go’aan dhex dhexaad ah oo qoysaska reer Falastiin u ogolaanaya in ay halkaasi sii degnaadaan oo aybixinayaan kiro aad loo ilaaliyay.

    Qoysaska reer Falastiin ayaa racfaan ka qaatay xukun ay horey u ridday maxkamadda hoose ee Israa’iil, kaasi oo u hiilinayay dadka Yuhuudda ah ee sheeganaya lahaanshaha dhulkaasi isla markaana doonaya in ay halkaasi ka saaraan Falastiiniinta deggan.

    Arrinta Sheekh Jarraax ayaa horraantii sanadkan uga sii dartay xiisadaha ka aloosan gobolka bariga dhexe, taa oo bishii May isu badashay gacan ka hadal dhex maray Israa’iil iyo ururka Xamaas.

    Qareenka u doodaya qoysaska reer Falastiin ayaa sheegay in nidaamka dowliga ah ee Israa’iil uu ka eexanayo dadka Falastiyiniinta ahi.

    Thabet Abu Rass oo ah afhayeenka haya’d maxalli ah oo u ololeyso sinnaanta dadyowga ayaa BBC-du u sheegay in go’aanka maxkamadda laga sugayo uu yahay mid dunida oo dhan ay wada sugeyso.

  4. Ciidanka Soomaaliya oo ka qabsaday Shabaab deegaan muhiim ah oo dhaca Mudug

    Ciidamada la wareegay Qeycad

    Xigashada Sawirka, SONNA

    Qoraalka sawirka, Ciidamada la wareegay Qeycad

    Milatariga Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug oo ay xagga cirka ka taageerayaan diyaaraddaha aan duuliyaha laheyn ee Ameerikaanka ayaa ugu dambeyntii maanta galay tuulada Qaycad oo qiyaastii sideed km u jirta deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug.

    Ciidamada ayaa kulaalayay Qaydcad labaatankii maalmood ee la soo dhaafay iyadoo dhawr duulaan oo ay qaadeen ciidamadu ay iska caabin xooge leh kala kulmeen ciidmada A-Shabaab oo dhufeysyo adag uga qodnaayeen dibadda Qaycad.

    Taliyaha ciidamada dhulka ee Soomaaliya Janaraal Maxamad Tahliil Biixi oo hogaamniyay duulaanka lagu galay Qaycad ayaa BBC u sheegay in khasaare ay gaarsiiyeen Al Shabaab isla markaana hub badan ay ka qabsadeen.

    Wuxuu sheegay in tuulada laga qaxay oo aysan hal qof kula kulmin maadama maalmihii lasoo dhaafay ay halkaas ka socdeen dagaallada.

  5. Colaadda Soomaalida iyo Canfarta oo ku fiday Jabuuti

    .

    Mas’uuliyiinta dalka Jabuuti waxay sheegeen in xaafado ku yaalla caasimadda ay ka dhaceen rabshado u dhexeeyay Soomaalida iyo Canfarta wada degan halkaas.

    Wasiirka arrimaha gudaha Saciid Nuux Xasan ayaa sheegay in aanan loo dulqaadan doonin qulqulatooyinka ka dhacay halkaas.

    Wuxuu sheegay in khasaare ay ka dhasheen rabshadaha balse wax faahfaahin ah kama uusan bixin.

    Sido kale waxaa jira guryo la guubay,booliska iyo ciidamada ammaanka dalka Jamhuuriyadda Jibuuti ayaa dadka rabshadaha dhigayay ku kala eryay suntan dadka ilmada ka keenta.

    Waxaa maalmihii u dambeeyay sii xoogeysanayay dagaallo u dhexeeyay Soomaalida iyo Canfarta kaas oo ka dhacay degmada Garba Ciise ee dalka Itoobiya.

    Mas’uuliyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida waxay ku eedeeyeen Canfarta inay xasuuqayaan boqolaal kamid ah shacabka ku nool Garba Ciise.

  6. Xiriirka kubadda cagta oo ku adkeystay qabashada ciyaarta kama dambeysta ee horyaalka Soomaaliya

    Xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya ayaa ku adkeystay in la qabanayo kulanka kama dambeysta ah ee ciyaarahahoryaalka kubadda cagta Soomaaliya ee xili ciyaareedka 2020-2021 kadib markii maamulka kooxda Muqdisho City Club (MCC) uu shaaciyay in aysan ka qeyb gali doonin kulanka kala baxa ee ay la lahaayeen dhigooda Horseed.

    MCC iyo Horseed ayaa isugu soo haray horyaalka kubadda cagta ee dalka kadiib markii ay isku dhibco noqdeen labadaa kooxood.

    Guddoomiyaha kooxda kubadda cagta ee MCC Abuukar Maxamed Sheekh ayaa BBC u sheegay in sababo farsamo darteed ay u baajiyeen ciyaartii kala dhexeysay Horseed.

    ”Waxaa jira arrimo farsamo oo aanan laga hadlin, kuwaas oo loo ballansanaa in laga hadlo Arbacadi la soo dhaafay , balse dib loogu dhigay Sabtidii, kaas oo markii dambe aysan ka soo qeyb galin maamulka kooxda Horseed” ayuu yiri guddoomiyaha.

  7. Maxay ka wadahadleen Erdogan iyo Abiy Axmed?

    Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Turkiga uu taageero kasta siinayo Itoobiya.

    Arrintani ayaa ka dambeysay markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Turkiga ay ku wadahadleen khadka teleefoonka.

    Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Turkiga ayaa lagu sheegay ‘In madaxweyne Erdogan uu taageero kasta siin doono Itoobiya’

    Waxay sidoo kale ka wadahadleen xiriirka labada dal iyo kan gobolka.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  8. Gabadhii ugu horreysay ee kusoo baxday doorashada Aqalka Sare ee Koonfur Galbeed

    Samsam Ibraahim Cali

    Xigashada Sawirka, SNTV

    Qoraalka sawirka, Samsam Ibraahim Cali

    Waxaa hadda ka socotaa magaalada Baydhabo doorashada Aqalka Sare halkaas oo ay ku tartamayaan musharraxiin 10 ah.

    Samsam Ibraahim Cali ayaa maanta ku guuleysatay doorashada Aqalka Sare ee Koonfur Galbeed, waxay heshay 81-cod.

    Samsam ayaa horey uga tirsaneyd Aqalka sare ee barlamaanka federaalka ee Soomaaliya.

    Shantan kursi ee loo tartamaya ayaa ka qeyb ka ah 8 kursi ee Koonfur Galbeed ku leedahay Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya.

    Shaley ayay aheyd markii madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Laftagareen ayaa shaley soo gudbiyay qaar kamid ah liiska musharraxiinta u tartameysa doorashada Aqalka Sare.

  9. Shirkadda diyaaradaha Itoobiya oo beenisay inay hub geysay Tigray

    .

    Xigashada Sawirka, ETHIOPIAN AIRLINES

    Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya ayaa beenisay eedeymo ah in hub ay geysay gobolka ay colaadaha ka taagan yihiin ee Tigray.

    Maamulka diyaaradda wuxuu sheegay in markii dib loo furay hawada ay gobolka u daabushay badeecado ganacsi ah oo aasaasi ah oo la gaarsiiyay shacabka.

    Waxaa hakad la geliyay duulimaadyadii tagi jiray Tigray xilli dagaalka uu ka socda halkaas.

    Hawada ayaa dib loo furay bishii December ee sanadkii hore, waxaana dib loo xiray toddobaayadii lasoo dhaafay markii fallaagada Tigray ay qaadeen dagaal ka dhan ah ciidamada dowladda.

    Shirkadda diyaaradaha Itoobiya waxay sheegtay in tan iyo xiritaankii ugu dambeeyay ee hawada gobolka aysan tegin halkaas.

    Waxay shirkadda sheegtay in warkan uu kasoo baxay dad doonayo inay dilaan sumcadda shirkadda isla markaana weligeed aysan ku lug lahaan howlo lagu dabuulayo ciidamada dagaalka ku jira.

  10. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya: "Waxaan soo celinay wadashaqeyntii nagala dhexeysay Kenya"

    Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya

    Xigashada Sawirka, MOHAMED ABDIRIZAK

    Qoraalka sawirka, Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya

    Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay in xaaladda amniga ee Soomaaliya ay hadda soo hagaagayso isla markaana ay tahay in diiradda la saaro hadda wixii ka dambeeya kor u qaadista awoodda ciidamada Soomaaliya iyo sidii dhulka Al-shabaab ay haystaan looga saari lahaa.

    Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo qayb ka ahaa wafdigii uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee dhawaan magaalada London uga qayb galay shirkii caalamiga ahaa ee horumarinta waxbarashada ayaa BBC-da ay waydiisay halka uu hadda marayo xiriirka Kenya iyo Soomaaliya.

    “Waxaan soo celinay xiriirkii diblumaasiyadeed, muddo lix bilood ah wax xiriir ma aanan laheyn, ma ahan oo kali ah in xiriirka diblumaasiyadeed uu soo laabtay balse dhammaan wada shaqeyntii ayaa soo laabatay”

    “Waxaana mudnaan leh in aan kulanay oo aan la yeelanay wadahadallo labo geesood ah dhiggeyga Kenya, marka taasi waa horumar”

  11. Doorashada Aqalka Sare ee Koonfur Galbeed oo maanta lagu wado inay ka dhacdo Baydhabo

    Magaalada Baydhabo waxaa maanta la filayaa inay ka billaabato doorashada shan kursi oo ka mid ah 8-da kursi ee xildhibaannada golaha Aqalka Sare uu ku leeyahay maamulka Koonfur Galbeed ee Barlamaanka Federaalka ee Soomaaliya, kuwaasi oo doorashadoodu dhawr jeer oo hore dib u dhacday.

    Shalay ayaa la diiwaangeliyay 10 ka mid ah murrashaxiinta ku tartamaya codka Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed oo u codeyn doona musharraxiinta shanta kursi ee loo tartamayo.

  12. Wax ka ogaw hanjabaadda cusub ay soo saartay TPLF

    Dagaallada ka socda gobolka Tigray

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Dagaallada ka socda gobolka Tigray

    Taliye sare oo ka tirsan ciidamada Tigray ee ka dagaallanta waqooyiga Itoobiya ayaa wacad ku maray inay sii wadayaan dagaalka tan iyo inta xayiraadda saaran gobolka laga qaadayo iyo in dowladda federaalka ay aqbasho shuruudaha ku aadan xabad joojinta ay codsadeen.

    Janaraal Tsadkan Gebretensae wuxuu BBC u sheegay in dagaalyahanada Tigray aysan ka bixin doonin dhulka Canfarta iyo Amxraada tan iyo inta ay ka gaarayaan hadafkooda.

    Wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea ay weli ku sugan yihiin Tigray balse ay meesha ka saari doonaan waa haddii si iskood ah aysan u bixin.

    Janaraalka wuxuu sheegay in mustaqbalka gobolka Tigray uu ku xiran yahay afti laga qaado shacabka marka heshiis siyaasadeed uun ay la galaan xukuumadda Addis Ababa.

    Dagaalka 9 bilood ka socday Tigray ayaa horseeday in macluul ay soo wajahdo boqolaal kun oo qof oo ku nool halkaas.

  13. Asalaamu Caleykum

    Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.