Madaafiic loo riday xuska Amiir Philip

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Hoggaamiyeyaasha caalamka oo tacsiyeeyay geerida ku timid Amiirka

    Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Amirkii Edinburgh, Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping wuxuu tacsi u diray boqoradda Ingiriiska.

    Wadaadka ugu weyn madhabta diinta Katooliga ah Pope Francis ayaa ku tilmaamay Amiir Philip in u ahaa nin ku xusan diiwaanka adeegga dadweynaha isla markaana uu yahay nin sharaf leh oo dadaal geliyay waxbarashada.

    Dhanka kale, Madaxweynaha Indonesia Joko Widodo ayaa sheegay in xilliggan uu murugada la qeybsanayo qoyska boqortooyada.

    Halka wasiirka arrimaha dibadda Taiwan uu ku tilmaamay Amiirka hoggaamiye caalami ah.

    Australia waxaa la riday 41 madfac oo lagu xusayo Amiir Philip.

    Amiir iyo Boqoradda oo  ku sugnaa New Zealand sanadkii 1977
    Qoraalka sawirka, Amiir iyo Boqoradda oo ku sugnaa New Zealand sanadkii 1977
  2. Ismaaciil Cumar Geelle oo markii shanaad loo doortay madaxweyne

    Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jabuuti

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jabuuti

    Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii shanaad loo doortay madaxweynaha mar kale hoggaamin doono dalkaas.

    Wuxuu ku guuleystay boqolkiiba 98 codadkii la dhiibtay halka musharraxa kaliya ah ee la tartamayay Zakariye Ismaaciil Faarax uu helay boqolkiiba 1.59.

    Mucaaradka Jabuuti ayaa qaadacay doorashadii shaley ka dhacday Jabuuti kadib markii ay madaxweynaha ku eedeeyeen in uusan diyaar u ahayd doorasho xor iyo xalaal ah.

    Madaxweyne Geelle oo 73 jir ah ayaa xilka Jabuuti hayay tan iyo sanadkii 1999, wuxuuna sii maamuli doonaa Jabuuti shanta sanno ee soo socota.

  3. Madaafiic loo riday xuska Amiir Philip

    Britain waxaa looga baroor diiqayaa geerida ku timid amiirkii Edinburgh ahna seyga boqoradda Ingiriiska Queen Elizabeth kaas oo Jimcihii dhintay isaga 99 jir ah.

    Madaafiic lagu xusayo Amiir Philip ayaa maanta laga riday guud ahaan UK.

    Waxaana lagu wadaa in aaska Amiirka uu ka dhaco St George's Chapel oo ku taalla Windsor.

    Waxaana shaaca laga qaadi doonaa faahfaahinta ku saabsan xuska aaska balse waxay u muuqataa inay ka miisaan yaraan doonto sidii caadada aheyd maadama ay jiraan xayiraadaha ka hortagga cudurka Karoona.

    Guud ahaan caalamka waxaa isa soo tarayaa tacsida loo dirayo qoyska boqortooyada xilli ay murugo taagan tahay, Shiinaha iyo Australia ayaa kamid ah dalalkii ugu dambeeyayee ka tacsiyeeyay geerida ku timid Amiir Philip.

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

  4. Sawirrada: Rasaastii loo riday xuska Amiir Philip ee Australia

    Ilaa 41 rasaas ah oo lagu xusayo Amiir Philip ayaa laga riday afaafka hore ee baarlamaanka Australia ee ku yaalla magaalada Canberra.

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Dadweyne badan oo usoo daawasho tagey rasaasta loo riday xuska Amiirka ee ka dhacday afaafka hore ee dhismaha baarlamaanka Australia.

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Calanka Australia ayaa hoos loo dhigay xilli baarlamaanka laga qabtay munaasabad lagu xusay Amiir Philip.

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

  5. Amiir Philip: "Waxaan ku hadli jiray luqadda Faransiiska ka hor inta aadan dhalan"

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Ra'iisul Wasaarihii hore ee Canada Jean Chrétien ayaa ka sheekeeyay sheeko dhexmartay isaga iyo Amiir Philip.

    "Markii aan ahaa Ra'iisul Wasaare dhowr jeer ayaan la kulmay Amiirka,waana ag fariistay, wuxuu ahaa qof aqoon leh oo aad u aqoon badan gaar ahaan siyaasadda caalamka"

    "Markii ugu horreysay aan la kulmay waxaan ahaa wasiir da' yar oo 33 jir ah"

    Wuxuu soo xusuustay mar uu Amiirka wax ka weydiyay sida wanaagsan ee uu ugu hadlayo luqadda Faransiiska.

    "Ma ahi qof Ingiriis ah, waxaan ku hadli jiray luqadda Faransiiska ka hor inta aadan dhalan"

    Jean Chrétien wuxuu Ra'iisul Wasaare ka ahaa Canada laga bilaabo 1993 ilaa 2003.

  6. Australia iyo New Zealand oo laga xusayo Amiir Philip

    Ra'iisul Wasaaraha dalka Australia Scott Morrison ayaa Axadda ka qeybgalayaa munaasabad ka dhaceysa kaniisad ku taalla dalkaas oo loogu duceynayo 'Boqoradda iyo qoyska reer boqor'

    Dhanka kale, Barasaabka Guud ee Australia David Hurley ayaa sidoo kale ka qeybgalayaa munaasabad ka dhaceysa dalkaas oo maanta la filayo in 41 rasaas ah laga rido afaafka hore ee dhismaha baarlamaanka.= si loo xuso Amiir Philip.

    Dalka New Zealand, ciidamada waxay maanta ridi doonaan 41 rasaas ah oo lagu sharfayo Amiirka.

    Calanka ayaa hoos loo dhigay magaalada Sydney ee Australia

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Calanka ayaa hoos loo dhigay magaalada Sydney ee Australia
  7. Salan sharafeed loo adeegsanayo qori oo loo ridayo Amiir Philip

    Waxaa maanta lagu wadaa in salan sharafeed loo adeegsanayo qori loo rido Amiir Philip, taas oo ka dhici doonto guud ahaan UK, jasiiradda Gibraltar iyo badda.

    Salan sharafeeddan ayaa ah mid la sameeyaa marka ay jiraan munaasabadaha qaran, waxaana hadda ka hor loo riday markii ay geeriyoodeen Boqorad Victoria iyo Winston Churchill.

    Xerada ciidamada Woolwich ee London, waxaa laga ridi doonaa qoryo ku taariikheysan dagaalkii Koowaad ee Adduunka- waana qoryihii la riday ee lagu sharfayay arooska Amiir Philip iyo Boqoradda sanadkii 1947-dii.

    Waxaa sidoo kale salaan sharafeedda loo adeegsanayo qori laga ridi doonaa dhismaha Tower of London, Cardiff Castle,Hillsborough Castle iyo Edinburgh Castle, waxaana sidoo kale laga ridi doonaa maraakiibta kala ah HMS Diamond, HMS Montrose iyo HMNB Portsmouth.

    .
  8. Sawirrada: Maamuska loo sameynayo Amiir Philip guud ahaan caalamka

    Wargeys kasoo baxa Shiinaha warka ku saabsan geerida ku timid Amiir Philip, waxaana sawirkan wargeyska laga soo qaaday magaalada Beijing

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Wargeys kasoo baxa Shiinaha warka ku saabsan geerida ku timid Amiir Philip, waxaana sawirkan wargeyska laga soo qaaday magaalada Beijing
    Gobolka Victoria ee dalka Australia, barasaabka gobolka Linda Dessau waxay goob dhigtay ubax ay ku maamuseyso Amiirka.

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Gobolka Victoria ee dalka Australia, barasaabka gobolka Linda Dessau waxay goob dhigtay ubax ay ku maamuseyso Amiirka.
    Ra’iisul Wasaaraha Australia Scott Morrison ayaa saxeexay buug uu tacsi ugu dirayo qoyska Amiirka

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Ra’iisul Wasaaraha Australia Scott Morrison ayaa saxeexay buug uu tacsi ugu dirayo qoyska Amiirka
    Xarunta lagu ciyaarayo ciyaaraha Golf-ka ee Augusta ee ku taalla gobolka Georgia dalka Mareykanka waxaa hoos loo dhigay calamada taas oo lagu maamusayo Amiirka

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Xarunta lagu ciyaarayo ciyaaraha Golf-ka ee Augusta ee ku taalla gobolka Georgia dalka Mareykanka waxaa hoos loo dhigay calamada taas oo lagu maamusayo Amiirka
    Shumac ayaa laga shiday afaafka hore ee saafaradda Britain ay ku leedahay magaalada Berlin ee dalka Jarmalka

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Shumac ayaa laga shiday afaafka hore ee saafaradda Britain ay ku leedahay magaalada Berlin ee dalka Jarmalka
  9. Asalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Sabti ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.