Dagaal ka dhacay xadka Soomaalida iyo Canfarta

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Niyukleerka Iran: "Dhammaan way rabaan in la soo celiyo heshiiskii hore balse hal cillad ayaa jirta"

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Wadahadalada looga gol leeyahay in lagu badbaadiyo heshiiskii 2015-kii ee nukliyeerka Iran, kaas oo loogu talagalay in lagu hubiyo in Iran aysan waligeed helin hub atomic ah ayaa ka furmaya magaalada Geneva.

    Iran iyo Mareykanka labaduba waa ay joogaan, laakiin si fool ka fool ah uma kulmi doonaan, diblomaasiyiinta reer Yurubna waxaa la filayaa inay marka hore ay dhexdooda is arkaan.

    Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa heshiiskaasi ka baxay ku dhowaad saddex sannadood ka hor, wuxuuna xukuumadda Tehraan ku soo rogay cunaqabateyn dhaqaale.

    Iiraaniyiinta oo cunaqabatayntaasi ka falcelinaya ayaa waxay bilaabeen inay jebiyaan ballanqaadyadii ay sameeyeen si loo xakameeyo howlahooda nukliyeerka.

    La-taliye ka tirsan Hay'adda ka-hortagga Xasaradaha Adduunka oo lagu magacaabo, Dina Esfandiary, ayaa BBC-da u sheegtay in dhammaan dhinacyadu ay u muuqdaan inay doonayaan dib ugu laabashada heshiiskaasi, hase yeeshee waxa la isku haystaa cidda ay tahay inay sameyso tallaabada ugu horreysa ee lagu gaarayo heshiiska?

  2. Biyo la'aan baahsan oo ka jirta deegaan ka tirsan gobolka Mudug

    Wararka ka imaanaya deegaanno ka tirsan koofurta gobalka Mudug ayaa sheegaya, in halkaasi ay ka jirto abaar ba’an oo saameyn ku yeelatay nolasha dadka iyo duunyadaba.

    Dadka ku dhaqan deegaanka Baraag Ciise ee hoostagta degmada Bacaad weyne ee gobalka Mudug, ayaa sheegaya in iyagoo markii horaba la daalaa dhacayay dhibaatooyin ka haystay dhanka adeegyada aas-aasiga ah ay hadda ugu darsameen abaar iyo biyo la’aan baahsan kadib markii ay gureen barkadihii ay biyaha ka cabi jireen.

    Salaad Ciise Maxamuud oo kamid ah dadka deegaanka Baraag Ciise ayaa BBC u sheegay inay ka cabsi ka qabaan haddii xaaladda biyo la'aaned ay sidan sii ahaato, in ay halis ku jirto nolashooda.

    Qoraalka Codka, Biyo la'aan ka taagan deegaanka Baraag Ciise
  3. 'Ciidamada Israa'iil oo toogtay darawal Falastiini ah'

    Mas’uuliyiinta Falastiin waxay sheegeen in ciidamada Israa’iil ee ku sugan dhulka ay heysato ee Daanta Galbeed ay toogteen darawal u dhashay Falastiin halka ay dhaawaceen xaaskiisa.

    Ciidamada Israa’iil waxay dhankooda sheegeen in ninka Falastiiniga ah uu isku dayay in uu xoog ku maro bar kantarool oo ay ciidamada joogeen halka xaaskiisa la dhaawacay ay sheegtay in seygeeda uu joogsaday markii uu soo gaaray barta kantrool.

  4. Dadka deegaanka oo ka warbixiyay xaaladda gobolka Siti

    Deegaanno hoostago gobolka Siti ee deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa sheegaya in maalmihii u dambeeyay halkaasi dagaalo ka socdeen.

    Dagaalada ayaa sida ay wararku sheegayaan u dhaxeeya qowmiyadda Canfarta iyo Soomaaida. Dagaaladii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay deegaano hoos yimaada Tuliguleed halkaas oo khasaaro laga soo sheegayo.

    Xaaji Cali-Muuse Xasan oo ka mid ah odayasha gobolka Siti ayaa BBC-da u sheegay in dagaalka uu haatan socday isla markaana uu khasaare ka dhashay.

    Qoraalka Codka, Dagaalka ka dhacay xadka Canfarta iyo Soomaalida
  5. Hooyooyinka Soomaalida ee Canada oo ka arrinsanaya sidii ay carurtooda ugu badbaadin lahaayeen dilalka

  6. Dagaal ka dhacay xadka Soomaalida iyo Canfarta

    .

    Wararka ka imaanayo Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya waxay sheegayaan in dagaal u dhexeeyo Soomaalida iyo Canfarta uu ka dhacay galbeedka Gobolka Sitti.

    Dadka deegaanka ayaa BBC u sheegay in dagaalka uu sababay.dhimasho iyo dhaawac.

    Dagaalkan ayaa saaka ka bilowday tuulooyinka ku teedsan xadka Soomaalida ay la wadaagto Canfarta.

    Ma jiro wax war ah oo ilaa iyo hadda ka soo baxay dhinaca dowladda oo la xiriira dagaalka.

  7. Culimada masaajid ku yaalla Kenya oo ka cawday funaanad loo nashqadeeyay fanaan caan ah

    Culimada masaajid ku yaalla magaalo xeebeedka Lamu ee dalka Kenya ayaa warqad u qoray shirkad dharka ssameysa oo funaanad u nashqadeysay fanaanka caanka ah ee Jay-Z, sida uu ku warramay wargeyska Daily Nation.

    Waxaa funaanadda loo nashqadeeyay fanaanka ka muuqdaa sawirka masaajidka Riyaadha ee ku yaalla Laamu.

    Waxay culimada sheegeen in aysan ogoleyn in sawirka masaajidka lagu xardho funaanad laga yaabo inay ku dambeyso baararka.

    Waxay ka codsadeen in uu raalli gelin ka bixiyo tallaabada.

    Culimada ayaa sidoo kale uga mahadceliyay qofkii nashqadeeyay sawirka in uu soo bandhigo muuqaalka magaalada Lamu balse ay habbooneyd in uusan adeegsan minaaradda masaajidka Riyaadha.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  8. Xildhibaan muslim ah oo dacwad ka gudbiyay macbad la sheegay in uu aflagaadeeyay Nebiga

    Amanatullah Khan oo xildhibaan muslim ah oo ka tirsan baarlamaanka Hindiya ayaa dacwad ka gudbiyay macbad ku yaalla dalkaas.

    Wuxuu ku eedeeyay macbadka in uu aflagaadeeyay diinta Islaamka iyo in uu wax ka sheegay Rasuulka (N.N.K.H.H), sida uu ku warramayo wargeyska Hindu.

    Wuxuu intaas ku daray in muuqaalka laga soo duubay baadariga maamulo macbadka ee wax ka sheegay diinta islaamka in uu ku baahay baraha bulshada.

    “Waxaan ahay qof muslim ah oo raacayo mabaadii’da Islaamka”

    Wuxuu dacwaddiisa ku sheegay in baadariga uu adeegsaday hadallo anshax xumo ah oo aflagaadeyn ah.

    Afhayeen u hadlay booliska Delhi ayaa sheegay in dacwadda ay diiwaangeliyeen ils markaana ay bilaabeen baaritaanno ku saabsan arrintaas.

    .

    Xigashada Sawirka, SAMIRATMAJ MISHRA / BBC

  9. Shirkii madaxda Soomaalida oo maanta mar kale baaqday

    Agaasimaha warfaafinta madaxtoiyada Soomaaliya Cabdirashiid Xaashi ayaa sheegay in Arbacada ay dib u bilaabmi doonaan wadahadalladii u dhexeeyay madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyda.

    Wuxuu sheegay in la sugayo madaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye Qoor-qoor oo safar deg deg ah ku gaaray magaalada Dhuusamareeb.

    Shirkii dhawaan ka socday Afisyoone wuxuu hadafkiisu ahaa kalsooni dhisidda madaxdii shirka ka qeybgalaysay.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  10. Xaalad deg deg ah oo looga dhawaaqay gobolka Darfur

    In ka badan 100 qof ayaa ku dhintay dagaal beeleedyo horraantii sanadkan ka dhacay Suudaan

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, In ka badan 100 qof ayaa ku dhintay dagaal beeleedyo horraantii sanadkan ka dhacay Suudaan

    Dowladda Suudaan ayaa xaalad deg deg ah uga dhawaaqday galbeedka gobolka Darfur kadib dagaal beeleedyo ka dhacay halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 40 qof halka kumanaan kale ay ka barakaceen.

    Isnintii, Qaramada Midoobey waxay sheegtay in ugu yaraan 40 qof lagu dilay dagaalka halka in ka badan 50 qof ay ku dhaawacmeen kadib uu dagaal dhexmaray labo qowmiyadood oo degan magaalada El Geneina.

    Dhawaaqa rasaasta ayaa galabnimadii shaley aheyd laga maqlayay deegaanada u dhaw magaalada, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.

    Qaramada Midoobey waxay intaas ku dartay in xiisad ay weli ka taagan tahay magaalada xilli labada dhinac ay ciidan uruursi sameynayaan.

    Waxaana hakad galay howlaha gargaarka isla markaana waxaa la hakiyay diyaaridihii gargaarka geyn jiray halkaas tan iyo inta amniga deegaanka laga xaqiijinayo.

  11. Asalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Talaado ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.