Xoogaga Kurdiyiinta Suuriya oo hawl gallo ka wada xeryaha qaxootiga Suuriya

Xigashada Sawirka, AFP
Kurdiyiinta Suuriya iyo kooxo miditiin ah ayaa lagu soo waramayaa in ay hawl gal nabadgelyo ka bilaabmeen xero qaxooti oo ay ku jiraan qoysaska miditiinta kooxda la baxday dawladda Islaamka oo ku taal woqooyi bari Suuriya.
Hay’adda la socodka gabood fallada xuquuqda aadanaha Suuriya ee fadhigeedu yahay Ingiriiska ayaa sheegtay in la xidhxidhay tobanaan qof.
Af-hayeen u hadlay xoogagga dimuqraadiga ah ee Suuriya ayaa sheegay in qiyaastii lix kun oo dagaalyahan ay ka qayb galeen hawl galkaas oo bilaabay waaberigii oo la doonayey in lagu soo afjaro dilalka ka dhaca xerada Al-Hawl oo lagu eedeeyey in ay fuliyaan miditiinta Daacish.
Sannad kii hore waxa xeradaa lagu dilay saddex iyo soddon qof sannadkan 2021 kana waxa lagu khaarajiyey afartan qof.








