Maxaa ka jira in baarlamaanku uu maanta muddo kordhin ka dooday?

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Mid ka mid ah saraakiishii hore ee booliiska Soomaaliya oo geeriyooday

    .

    Xigashada Sawirka, Facebook

    Allah ha u naxariistee sarreeye gaas Ismaaciil Axmed Ismaaciil oo ka mid ahaa saraakiishii hore ee booliiska Soomaaliya ayaa ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

    Ismaaciil Axmed ayaa muddo dheer oo 30 sano ku dhow taliye u ahaa ciidanka asluubta Soomaaliya oo sida la sheegayna uu ka mid ah aas-aasayaashoodii.

    Jeneraal Ismaaciil ayaa ahaa taliyihii ugu horreeyey ee ciidanka asluubta markii Soomaaliya ay xorriyadda qaadatay sannadkii 1960-kii, sida uu bartiisa Facebook ku qoray wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Obokor Dubbe.

    Allah ha naxariistee Jerenaalka ayaa goor dhawayd ku geeriyooday cisbtaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho welise ma cadda jirrada uu u geeriyooday.

  2. Hay'adda tayo dhowr-ka badeecooyin oo 30 sano kaddib Soomaaliya dib looga furay

    .

    Xigashada Sawirka, OPM Somalia

    Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa daah furay hay’ad u xil saaran tayo-dhowr-ka iyo hubinta badeecooyinka.

    Hay’adda ayaa sida la sheegay ilaalin doonta isla markaasna hubin doonta tayada badeecooyinka Soo gelaya dalka iyo kuwo dibadda loo dhoofinayo labadaba.

    Ra’iisal wasaaraha oo ka hadlayey xafladdii furitaanka hay’addan ayaa yiri “ Dalkeennu muddo la joogo soddomeeyo sano ma lahayn halbeeg lagu koontaroolo tayo dhowr-ka badeecadaha.”

    Ra’iisal wasaaraha ayaa intaa raaciyey in Soomaaliya ay ahayd “meel wixii la doono lagu soo guro.” Sida cuntada daawada, shidaalka iwm.

    Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in dalku uu haatan haysto qalab lagu hubiyo dhammaan badeecooyinka soo gelaya.

  3. Marinka Suweys ee dalka Masar oo weli xayiran

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Dadaallo meesha looga qaado Markab weyn oo xayiray isu socodka marinka Suweyn ayaa halkaasi ka socda. Ninka madaxda ka ah shirkadda dalka Japan laga leeyahay eel eh markabka Ever Given ayaa sheegay in markabku aanu u muuqan mid cilladaysan.

    Dadka ku hawllan hawlgalka marinka lagu bannaynayo ayaa sheegay in ay ku rajo weyn yihiin in ay ka faa’idaystaan hirarka waaweyn ee badda ee soo aaddan Axadda si markabku uu u dhaqaaqo kaddib markii ay fashilmeen dadaalladii maanta.

    Maraakiib 200 kor u dhaafaya ayaa ku xayiran cirifyada marinka Suweys, kuwaas oo sugaya in la banneeyo mid ka mid marrinnada badda ee ugu mashquulka badan caalamka.

  4. Madaxweyne bartiisa Facebook laga xiray kadib markii uu sheegay in dawo dhaqameed lagu daweyn karo Karoona

    Nicolas Maduro

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Nicolas Maduro

    Shirkadda Facebook ayaa xirtay bogga bartaas uu ku leeyahay madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro kaddib markii uu soo dhigay qoraal sheegayo in dawo dhaqameed ay daweyn karto cudurka Covid-19.

    Madaxweynaha ma uusan sheegin wax caddeyn ah oo ku saabsan arrintaas.

    Afahayeen u hadlay shirkadda Facebook ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in Nicolas Maduro in uu jebiyay xeerarka shirkadda ee ka hortagga wararka been abuurka ah ee ku saabsan cudurka Karoona.

    Bishii January ayay aheyd markii madaxweynaha Venezuela uu sheegay in nooc kamid ah dawo dhaqameedyada laga isticmaalo dalkaas ay daweyn karto cudurka Covid-19 balse dhakhaatiirta ayaa ku gacan seyray hadalkiisa.

    Facebook ayaa meesha ka saaray muuqaalka madaxweynaha uu ku sheegayo in dawo dhaqameedka lagu daweyn cudurka.

  5. Kuuriyada Waqooyi oo si kulul uga jawaabtay hadal kasoo baxay Biden

    Madaxa ciidamada Kuuriyada Waqooyi xilli uu kormeerayay tijaabinta hubka

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Madaxa ciidamada Kuuriyada Waqooyi xilli uu kormeerayay tijaabinta hubka

    Kuuriyada Waqooyi ayaa ku eedeysay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden in ku lug leeyahay colaad gaamurtay.

    Biden ayaa dhawaan dhaleeceeyay markii Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay gantaallo cusub.

    Madaxa ciidamada Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in dalkiisa uu xaq u leeyahay in uu is difaaco kadib waxa uu ku tilmaamay halista uga imaaneyso dhinaca Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed kuwaas oo dhoolatus ciidan ka sameynaya gobolka.

    Wuxuu sheegay in xukuumadda Washingto ay cawaaqib xumo kala kulmi doonto hadalka kasoo baxay.

    Madaxweyne Biden ayaa weriyeyaasha u sheegay in tijaabada gantaalka ay meel uga dhacayso heshiiska Qaramada Midoobay isla markaana uu Mareykanka arrintaas kala tashanayo saaxiibbadiis iyo xulafadiisa.

  6. Dibadbaxyo dhiig badan ku daatay oo ka dhacay Myanmar

    Dad dibadbaxyo ka dhigayay magaalada Yangon

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Dad dibadbaxyo ka dhigayay magaalada Yangon

    Laamaha amniga ee dalka Myanmar ayaa rasaas nool nool ku furay dad dibadbaxyo ka dhigayay dalkaas xilli hoggaamiyeyaasha militeriga ay u dabbaaldegayeen xuska maalinta la aasaasay militeriga Myanmar.

    Bannaanbaxyada ayaa maanta ka dhacay magaalada Yangon iyo magaalooyin kale.

    Wararka qaar waxay sheegayaan in 50 qof la toogtay.

    Taliyeyaasha militeriga waxay ka qeybgaleen isu soo baxyo lagu maamusayay xuska maalinta aasaaska militeriga Myanmar, hogaamiyaha militeriga Min Aung Hlaing wuxuu ballan qaaday in la qaban doono doorasho balse ma uusan sheegin wakhtiga ay dhaceyso.

    Wuxuu sheegay in militeriga ay doonayaan inay ilaaliyaan dimuqraadiyadda.

    Dadka u doodo xuquuqul insaanka waxay sheegeen in ka badan 320 qof la dilay tan iyo markii dibadbaxyada looga soo horjeedo militeriga ay ka bilowdeen Myanmar 1-dii bishii Febraayo.

  7. Kulankii baarlamaanka Soomaaliya oo kusoo dhamaaday guuldarro

    Waxa guuldarro ku dhamaaday kulan ay maanta qaban lahaayeen golaha shacabka ee barlamaanka federaalka ee Soomaaliya kadib markii xildhibaano ka tirsan golaha ay ku eedeeyeen guddoonka inuu qarinayo ajandde aan ahayn kan la iclaamiyay ee ahaa in lagaga hadlo cudurka Covid-19.

    Xildhibaannadaas ayaa sheegay in golaha dibadiisa la keenay ciidamo dhar cad ah oo ka tirsan hay’adda sirddoonka balse xildhibaano kale ayaa rumeysan in kulanku ahaa mid caadiya oo la mid ah kulamadii hore lagana doodi lahaa ajandaha qoran ee COVID19.

    Guddoonka ayaa markii dambe golaha isaga tagay sidaas ayuuna ku baaqday kulankii loo balansanaa.

  8. Wasiir Dubbe oo ka hadlay go'aanka Kenya ay ku xireyso xeryaha Dhadhaab

  9. Shir u dhexeeya madaxda maamul goboleedyada oo Muqdisho ka furmay

    .

    Xigashada Sawirka, Southwest State

    Shir u dhexeeyo madaxda maamul goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana shirka looga hadlaya khilaafka harreeyay hannaanka doorashada ee Soomaaliya.

    Waxaana shirkan ka qeybgalayaa madaxweynaha madaxda dowlad goboleedyadda Koonfur Galbeed, Jubaland, Puntland, Galmudug iyo Hirshabelle.

    Shirkan ayaa kusoo begmayaa xilli dhawaan Muqdisho uu ka dhacay kulan u dhexeeyay madaxda dowladda, qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, waxaana kulankaas ka maqnaa madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland kuwaas oo horraan walaac ka muujiyay ammaanka goobta shirka lagu qabanayo.

  10. Maxaa ka jira in baarlamaanku uu maanta muddo kordhin ka doodayo?

    Waxaa lagu soo warramayaa in buuq iyo khilaaf uu ka taagan yahay ajandaha shirka baarlamaanka maanta yeelanayaan xilli Soomaaliya uu weli ka taagan yahay khilaafka arrimaha doorashada.

    Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamo hubeysan oo dhar cad ha lasoo dhoobay aqalka baarlamaanka xilli xildhibaanada ay yeelan rabeen kulan.

    Sida ay BBC-da ka warheshay xildhibaannada ayaa waxaa xalay loo diray farriimo lagu wargalinayo in ay maanta kulanka u soo xaadiraan.

    bbc

    Sida ku xusun qoraalka ka soo baxay guddoonka baarlamaanka ajanddaha kulanka maanta ayaa ah fayraska korona oo xilligan fara ba’an ku haya Soomaaliya.

    Balse xildhibaannada qaar ayaa sheegay inay aaminsan yahay in guddonku uu doonaya in laga doodo qodob ku saabsan mudo kordhin, taas oo ku tilmaameen inay tahay sharci darro

    Dhinaca kale, Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa tilmaamay in ajandaha lagu soo dari karo muddo kordhin haddii loo baahdo, haddii 10 xildhibaan ay mooshin ku keenaan.

    bbc

    “Haddii 10 xildhibaan ay mooshin ku keenaan oo ay yiraahdaan ajandaha ha-lagu daro waa la arkaa, laakiin hadda ajandaha naloo soo diray ma’aha,” ayuu yiri Jeesow.

    Wuxuu intaasi ku daray, “Haddii ajandaha lagu keeno waa laga doodaa marka hore ajandaha mooshin waaye, mooshinka ayaana qaadanayo in la diiwaan-geliyo, laga doodo, kadibna cod loo qaado, marka wax cod kali karo ila ma’aha."

  11. Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta la filayo inay kulan yeeshaan xilli uu weli taagan yahay khilaafka doorashada

    Golaha Shacabka ee Soomaaliya
    Qoraalka sawirka, Golaha Shacabka ee Soomaaliya

    Xildhibaannada golaha shacabka ee dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan yeeshaan.

    Sida ay BBC-da ka warheshay xildhibaannada ayaa waxaa xalay loo diray farriimo lagu wargalinayo in ay maanta kulanka u soo xaadiraan.

    Sida ku xusun qoraalka ka soo baxay guddoonka baarlamaanka ajanddaha kulanka maanta ayaa ah fayraska korona oo xilligan fara ba’an ku haya Soomaaliya.

    Kulanka wuxuu ku soo beegmayaa xilli ismari-waaga ka taagan doorashada waqtigeeda laga soo gudbay uu marayo meel xasaasi ah.

    Wixii ka soo kordha warkaasi, halkan ayaan idiin kuugu soo gudbin doonaa.

  12. Dowladda UK: "Ma taageereyno in doorasho aanan loo wada dhaneyn ay ka dhacdo Soomaaliya"

    Dowladda UK ayaa sheegtay in aysan taageereynin tallaabo kasta oo Soomaaliya u horseedi karto in laga qabto doorasho aanan loo wada dhaneyn ama mid barbar socota.

    "UK ma taageereysp tallaabooyin horseedi kara in la qabto doorashada aanan loo wada dhaneyn ama doorashada barbar socota ama dadaalo horseedaya kordhinta muddo xileedyadii horay u jiray" ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay safaaradda UK ee Soomaaliya.

    Hadalkan UK ayaa kusoo beegmayaa xilli beesha caalamka ay Soomaaliya ugu baaqday in si deg deg ah ay ku qabato doorasho xor iyo xalaal ah.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  13. Musharraxa kaliya ah ee la tartamayo madaxweyne Geelle oo bilaabay ololahiisa doorashada

    Dalka Jabuuti waxaa maalintii labaad galay ololaha doorashada madaxtinimada ee lagu wado inay dalkaasi ka dhacdo 9-ka bisha Abriil ee soo aaddan.

    Madaxweynaha haatan xilka haya, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa doorashada waxaa kula tartamaya Zakariya Ismaaciil Faarax oo ah musharraxa kaliya ee bannaanka isu soo dhigay inuu Geelle la tartamo.

    Axsaabta mucaaradka ayaa qaadacay doorashada iyagoo sheegay in aanay ku kalsooneyn in codbixinta ay noqon doonto mid xor iyo xalaal ah, walow arrintaasi ay dowladda dalka ka arrimisa ay gaashaanka u daruurtay.

    Waxaa deegaanno ka tirsan Jabuuti ka socdaa ololaha doorashada, iyadoo madaxweynaha Ismaaciil Cumar Geelle uu si rasmi ah u bilaabay olalahiisa doorashada.

    Halka musharrax Sakariye Ismaaciil Faarax uu isagana ka daahfuray olalahiisa xilli uu isu soo bax siyaasadeed ku qabtay gobolka Carte.

    .
  14. Asalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Sabti ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.