Maxaa ka jira in Cabdirashiid Janan iyo dowladda uu wadahadal u socdo?

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Muslimiinta Rohinjya oo musiibo kale ay ku habsatay

    .

    Hay'adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan shan iyo toban qof ay dhinteen halka afar boqol oo kalana aan la oogeyn meel ay jaan iyo cirib dhigeen ka dib markii dab qabsaday qaybo ka mid ah xerada ballaaran ee qaxootiga Rohingya ee Bangladesh.

    Afhayeenka hay’adda ayaa sheegay in dadka maqan ay surogal tahay inay ku hoos jiraan burburka ka dhashay dabka halkaasi ka kacay kaasi oo uu ku tilmaamay mid aad u culus.

    Boqolaal qof ayuu dhaawacmay musiibada halka in ka badan 45 kun oo qof oo ku noolaa guryaha ku meel gaar ah ay haatan ku soo dheceen meel cidla ah.

    Xeradaan oo ku fadhida dhul baaxaddiisu gaaraya 8 kun oo hectar ayaa waxay hooy u tahay qooxiti aad u badan oo ka mid ah Muslimminta Rohinjiya oo ka soo carayay khalalaasihii Myanmar ee iyaga lagu bartilmaameedanayay.

    Musiibo tan la mid ah ayaa bishii Janaayo ka dhacday isla xeradaan taasi oo horseedday in kummanaan qof ay hooy la’aan noqdaan.

  2. Saciid Deni oo ka qeyb galay shirka madasha Badbaado Qaran

    .

    Xigashada Sawirka, Madaxtooyada Puntland

    Madasha Badbaado Qaran oo ay ku mideysan yihiin Midowga Musharaxiinta, Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa haatan waxaa uu kulan uga socdaa hotel ku dhex yaalla Garoonka Aadan Cadde.

    Kulanka Madasha ayaa la sheegay in looga arrinsanaya xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah maamul Goboleedyada ay maalintii labaad ku yeesheen Teendhada Afisyooni.

    kulan ayaa ku soo beegmaya iyadoo maalintii ay madaxda dolwadda federaalka iyo qaar ka mid ah kuwa mamaul goballeedyada ee ku shireen magaalada muqdisho.

    Kulanka ayaa warbixin loo dhagysatay gudiga Farsamada oo iyaguna kulan ku yeeshay isla magaaladaas muqdisho kuwaas oo horey u soo saaray qoddbo la xiriiray arrimaha doorashooyinka .

    Madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa maalintii labaad shirkani ay ka maqanyihiin iyagoo shuruudo hor dhigay ka qaybgalkooda.

  3. Abiy oo qiray in ciidamo Eritrean ah ka dagaallameen gudaha Itoobiya

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa markii ugu horreysay qirey in ciidamo ka socda dalka deriska la ah ee Eritrea ay ka soo gudbeen xadka isla markaana ay ka qeyb qaadanayeen colaadda ka taagan gobolka Tigray.

    Hadalkan ayaa yimid ka dib muddo bilooyin ah ay labada dalba beeninayeen.

    Ciidamada Eriteriya ayaa lagu eedeeyay in ay xasuuq ka geysteen magaalooyin ka tirsan dalka Itoobiya tan iyo markii ay bilowdeen dagaalada bishii November ee sanadkii hore Kaddib baaqyo isdaba joog ah oo caalami ah oo ku aaddanaa in Ereteriya ay ciidamadeeda kala baxdo Itoobiya,.

    Abiy Ahmed wuxuu sheegay in ciidamadu ay soo galeen maadaama ay Eritrea ka walaacsan tahay in ay weeraraan xoogaga Tigreega. Wuxuu sheegay in saraakiisha Eriteriya ay u xaqiijiyeen inay baxayaan isla marka ay militariga Itoobiya awood u yeeshaan inay sugaan xadka.

    Hadalka Abiy ayaa imaanaya maalmo uun kadib markii Qaramada Midoobey ay sheegtay in Itoobiya ay ogolaatay in si wadajir ah baaritaano loogu sameeyo eedeymaha ah in tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ay ka dhaceen gobolka Tigray.

    Mareykanka wuxuu ku tilmaamay colaadda Tigray isir sifeyn.

    Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa bishii Nofeembar howlgal militeri kaga dhawaaqay gobolka Tigray kadib ciidamada TPLF ay weerar ku qaadeen saldhiga militeri oo ay ku sugnaayeen ciidamada federaalka.

    Waxaana lagu soo warramay in colaadda Tigray ay kumanaan qof ku dhinteen halka boqolaal kun ay ka qaxeen gobolka.

  4. Madaxweynaha Somaliland oo maanta qaatay tallaalka Covid-19

    .

    Xigashada Sawirka, Madaxtooyada Somaliland

    Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa maanta si rasmi ah looga daah furay tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19.

    Waxaana maanta tallaalka qaatay mas'uuliyiin uu kamid yahay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

    Somaliland waxaa dhawaan la gaarsiiyay tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19.

    Somaliland waxay sheegtay in labadii bilood ee la soo dhaafay uu dad badan soo ritay xanuunka Covid-19 oo mawjadii labaad ah.

  5. Abiy Axmed: "Waa lala xisaabtami doonaa askari kasta oo lagu helo in tacaddiyo u ka geystay Tigray"

    .

    Xigashada Sawirka, Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya

    Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa xildhibaanada baarlamaanka u sheegay in lala xisaabtami doono ciidamada lagu helo dambiga ah in tacaddiyo ay gesyteen xilligii howlgallada militeri ay ka socdeen gobolka Tigray.

    Hadalka Abiy ayaa imaanaya maalmo uun kadib markii Qaramada Midoobey ay sheegtay in Itoobiya ay ogolaatay in si wadajir ah baaritaano loogu sameeyo eedeymaha ah in tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ay ka dhaceen gobolka Tigray.

    Mareykanka wuxuu ku tilmaamay colaadda Tigray isir sifeyn.

    Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa bishii Nofeembar howlgal militeri kaga dhawaaqay gobolka Tigray kadib ciidamada TPLF ay weerar ku qaadeen saldhiga militeri oo ay ku sugnaayeen ciidamada federaalka.

    Waxaana lagu soo warramay in colaadda Tigray ay kumanaan qof ku dhinteen halka boqolaal kun ay ka qaxeen gobolka.

  6. Mareykanka: "Madaxda maamul goboleedyada waa in wax shuruud ah aysan ku xirin ka qeybgalka shirka"

    War kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa loogu baaqay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu xaqiijiyo in shirka si buuxdo looga qeybgalo si heshiis kama dambeys ah looga gaaro arrimaha doorashada.

    Waxaana loogu baaqay madaxda maamul goboleedyada inay ka qeybgalaan shirka iyagoo aan wax shuruud ah ku xireynin.

    Madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa maalintii labaad shirka ka maqan iyagoo shuruudo hor dhigay ka qaybgalkooda.

    Muqdisho waxaa maalintii labaad galay shir ay leeyihiin madaxda dawladda federaalka iyo qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir kaas oo looga hadalayo khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  7. Maxaa ka jira in Cabdirashiid Janan iyo dowladda uu wadahadal u socdo?

    Cabdirashid Janan

    Xigashada Sawirka, JUBBALAND TV

    Qoraalka sawirka, Cabdirashid Janan

    Wararka ka imaanaya gobolka Gedo waxay sheegayaan inuu jiro wadahadal u dhexeeya Dawladda Federaaalka iyo wasiirka amniga ee Jubaland Cabdirashid Janan kaas oo la doonayo in xal looga gaaro dagaalladii labada dhinac ku dhexmaray degmada Beledxaawo.

    CabdirashidJanan ayaa BBC u xaqiijiyay in wadahadallo uu u socda isaga iyo dowladda balse wax heshiis aanan weli la gaarin.

    Horraantii sanadkan ayay markii Beledxaawo uu ka dhacay dagaallo u dhexeeyay ciidamo ka amar qaata Janan iyo ciidamada dowladda federaalka.

    Waxaana dagaalkaas ka dhashay khaasare isugu jiro dhaawac iyo dhimasho.

  8. Ha'yadda Save the Children oo ka digtay abaaraha Soomaaliya

    Hay'adda Save the children ayaa ka digtay in biyo yarida ka taagan Soomaaliya iyo abaarta ku dhufatay deegaannada qaar ay kumannaan qof u horseedi karaan inay u baahdaan gargaar bani'aadannimo.

    Waxay sheegtay in haddii aan hadda xaaladda dadkaas wax laga qaban ay bilaha soo socda ku dhawaad 3 milyan oo Soomaali ah wejihi doonaan cunno yari.

    Adan Muxumed Faarax oo hay'adda Save the Children kala taliya arimaha gargaarka ee Soomaaliya ayaa BBC u sheegay in cabsi laga qabo in 2.7 malyan oo qof oo Soomaali ah ay wajahi doonaan cunno yari ba'aan waa haddii xaaladda wax laga qaban waayo.

    Qoraalka Codka, Save The children oo ka digtay abaaraha Soomaaliya
  9. Kenya: Dadkii jebiyay xeerarka ka hortagga Karoona oo jidadka lagu xaaqay

    Dad gaarayo 57 qof oo u dhashay dalka Kenya ayaa lagu xaaqay waddooyinka magaalada Nairobi kadib markii ay jebiyeen xeerarka ka hortagga cudurka Covid-19.

    Dadkan ayaa shaley maxkamadda la geeyay waxaana lagu riday xukun ah inay xaaqaan waddooyinka iyo suuqyada.

    Maamulka dowladda hoose ee Nairobi ayaa sheegay in dadkan muddo toddobaad ah ay howshan ka wadi doonaan halkaas laga bilaabo 8-da subaxnimo ilaa 5-ta galabnimo.

    “Booliska ayaa xiraya isla markaana maxkamad la tiigsanayaa dadka aanan qaban shaqadan” ayaa lagu yiri war kasoo baxay maamulka Nairobi.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  10. Sheekh Cabduraxmaan Sudays oo qaatay tallaalka ka hortagga Karoona

    Imaamka ahna khadiibka Xaramka Makah sheekh Cabduraxmaan Sudeys ayaa qaatay tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19.

    Waxaana tallaalkan la siinayaa shaqaalaha xaramka.

    Sheekha ayaa dhawaan faray in biyaha samsamka la siiyo bukaanada uu ku dhacay cudurka.

    Sucuudiga ayaa bilaabay barnaamij tallaalka lagu gaarsiinayo shacabka dalkaas.

    Cudurka Covid-19 ayaa fara ba'an ku hayay Sucuudiga, waxaana kiisaska la diiwaangeliyay ay gaarayaan in ka badan 385,000

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  11. Somaliland oo shaacisay kiisas hor leh oo ku saabsan cudurka Covid-19

    Wasaaradda caafimaadka ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Soomaliland ayaa sheegtay in 24-tii saac ee u dambeysay cudurka Covid-19 laga helay dad gaarayo 93 qof halka guud ahaan tirada dadka u dhintay cudurka ay gaarayaan 118 qof.

    Somaliland ayaa sheegtay in labadii bilood ee la soo dhaafay uu dad badan soo ritay xanuunka Covid-19 oo mawjadii labaad ah.

    Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in hadda ay xooga saareyso wacyigelinta iyo qaababka kale ee looga hortagayo faafidda cudurka haddii loo baahdana ay soo rogi doonaan tallaabooyin dheeraad ah.

    .

    Xigashada Sawirka, Wasaaradda caafimaadka Somaliland

  12. Eritrea oo si kulul u cambaareysay cunaqabateynta uu kusoo rogay Midowga Yurub

    Isaias Afwerki waxay saaxibo dhaw yihiin Abiy Axmed

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Isaias Afwerki waxay saaxibo dhaw yihiin Abiy Axmed

    Eritrea ayaa cambaareysay waxay ay ku tilmaantay go’aanka ‘bahdilka ah’ kadib markii Midowga Yurub uu cunaqabateyn kusoo rogay xafiiska amniga u qaabilsan dalkaas arrimo la xiriira eedeymo ku saabsan tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

    Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Eritrea ayaa lagu sheegay in aysan aqbaleyn cunabateynta waxbo kama jiraanka ah.

    Waxay sheegtay in go’ankan la doonayo in lagu dhibaateeyo Eritrea isla markaana laga leeyahay dano qarsoon.

    Midowga Yurub ayaa cunaqabteyn kusoo rogay xafiiska dowladda Eritrea u qaabilsan amniga oo uu ku eedeeyay in uu ka dambeeyay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, dilal, jirddil iyo xarig.

    Wasaaradda arrimaha dibadda Eritrea waxay sheegtay in Midowga Yurub uu doonayo in xiisad uu ka dhex abuuro Itoobiya iyo Eritrea isla markaana awoodda dib loogu soo celiyo maamulkii Tigray ee xilka laga tuuray.

    Ciidamada Eritrea waxaa lagu eedeeyay in tacaddiyo baahsan ay ka geysteen gobolka Tigray tan iyo markii dagaallada ay ka qarxeen halkaas bishii Nofeembar.

    Eritrea waxaa lagu eedeeyay in ciidamo ay geysay Tigray si awoodda looga tuuro TPLF, waxay beenisay eedeymahaas.

  13. Dad la sheegay in gaajo ay ugu dhinteen xero qaxooti oo ku taalla Diridhaba

    Xaalad adag oo bani'aadannimo ayaa laga soo sheegayaa xero dad soo barakacay ay ku nool yihiin oo ku taal magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya.

    Dadkan oo dhowr sano ka hor ka soo cararay colaad u dhexaysay Soomaalida iyo Oromada ayaa sheegay in gaajada ka jirta xerada ay ku nool yihiin ay jiraan dad u dhintay.

    Caydaruus Yuusuf Cismaan oo ku nool xeradaasi ayaa BBC u sheegay in gaajo ay u dhinteen dadka qaar ee ku nool xerada isla markaana ay dhibaato ka taagan tahay halkaas.

    “Xaaladda barakacayaasha aad iyo aad bey dhib u qabaan, gaajo iyo saxariir bey qabaan, cunto la’aan, biyo la’aan…maalin walbo carruurta gaajo ay u dhimataa, hooyooyinka dhibaato xooggan ayay qabaan”

    Qoraalka Codka, Dhibaatada heysato dadka ku nool xero qaxooti oo ku taalla Diridhaba
  14. Asalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Talaado ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.