Faahfaahin kasoo baxeysa weerar ciidamada Soomaaliya ay ku qaadeen deegaanka Tooratoorow

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Madaxweyne ku xigeenka Soomaaliland oo fayraska karoona laga helay

    Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Soomaaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Seylici ayaa xaqiijiyay inuu haleelay fayraska karoona isla markaana uu saddexdii cisho ee la soo dhaafay uu la tacaalayay cudurka.

    Qoraal uu bartiisa twiitter-ka soo dhigay ayuu ku sheegay in cudurku ku dhacay isagoo ku booriyay dadka inay ay raacaan tilmaamaha wasaaradda caafimaadka isla markaana ay isaga iyo inta kale ee xanuusan u soo duceeyaan in Alle caafiyo.

    Fayraska karona oo dunida dhibaato ba’an ku haya ayaa maalmahana dambe ku soo labakacleeyay qaar ka mid ah deegaannada Soomaalida,waxaana la sheegayaa in dadka shacabka ah aaney intooda badan raacin tilmaamaha ka imaanaya wasaaradaha caafimaadka taas oo laga cabsi qabo in ay keento in uu xanuunku si dhaqso ah u faafo.

    Cabdiraxmaan Saylici

    Xigashada Sawirka, horndiplomat

  2. Arday dugsi hoose dhiganaysay oo afduub loo gaystay

    Koox hubeysan ayaa dalka Nigeria ka afduubtay tiro ka mid ah arday dhigata dugsiga hoose iyo qaar ka mid ah macalimiintii waxbarayay.

    Afduubka ayaa ka dhacay gobolka Kaduna ee waqooyi galbeed Nigeria.

    Waa markii ugu horreysay oo la bartilmaameedsado dugsi hoose,inkasta oo mowjado afduub ah ay ka dhaceen Nigeria.

    Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in rag hubaysan ay weerareen iskuul dowladdu leedahay oo ku yaalal tuulada Rema ee deegaanka Birnin-Gwari xilli ay caruurtu u tageen bilaabidda fasallada subaxnimadii hore ee saaka .

    Mana cadda inta qof ee la afduubay. Maalmo uun ka hor, tobanaan arday ah ayaa laga laga kaxeystay kuleej isla gobolkaas ku yaalla.

    Qiyaastii sideed boqol oo arday ah ayaa kooxaha burcaddu ka afduubeen Nigeria tan iyo bishii Diseembar.

    Soddon iyo sagaal arday - oo u badan haween dhalinyaro ah oo iyagana dhawaan la afduubay ayaan wali la ogeyn halka lagu hayo.

    ammaanka ayaa walwal laga muujinaya adalka Nigeria

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  3. Mareykanku ma aqbali doonaa codsiga Iiraan?

    Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Iiraan, Javad Zarif, ayaa codsi hor leh u diray Maryaknak kaas oo ku aadan in la dhaqaajiyo isla markaana dib loo soo cusboonaysiiyo heshiiskii caalamiga ahaa ee Nukliyeerka, iyadoo Iiraan laga qaadayo cunnaqabateynta saaran.

    Mr Zarif ayaa baaqay in loo baahanyahay in labada dhinacba ay muujiyaan tanaasul.Wuxuu sheegay in Mareykanku uu ku caan baxay in Iiiraan uu wax ku dirqiyo halka Iiraana ay ku caan baxday iska caabbinta Mareykanka .

    Maamulka madaxweyne Biden ayaa doonaya in uusoo celiyo heshiisiikii Nucliyeerka,balse waxaa uu Tehran ka dalbanayaa in ay u hoggaansanto tallaabooyinka la isla oggalyahay ka hor inta aan laga qaadin cunnaqabateynta.

    Iiraan ayaa jabisay qaar ka mid ah shuruudaha heshiiskiiNukliyeerka tan iyo markii maamulka Trump uu ka baxay heshiiska.

    Mr Zarif wuxuu sheegay in wakhtigu uu gabaabsi yahay maadama doorashada madaxtinimada Iiraan lagu wado in ay dhacdo bisha Juun ee soo aadan sidaas darteeddna loo baahanyahay in Mareykanka uu qaado talaabo deg deg ah oo la isugu soo dhawaanayo xalna lagu gaaro.

    Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan

    Xigashada Sawirka, AFP

  4. Maxkamadda ICJ maxey ka tiri maqnaashiyaha Kenya ee furitaanka kiiska badda?

    Waxaa magaalada The Hague ee dalka Holland ka bilowday goor dhawayd dhagaysiga dacwadda muranka badda ee udhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

    Maxkamadda ayaa u muuqata in ay ku gacan sayrtay dalab dowladda Kenya ay maalmo kahor u gudbisay oo ahaa in maanta loo oggalaado in ay hadal ka jeediso furitaanka maxkamadda, waxaana warbaahinta gudaha Kenya ay qorayeen in maxakamaddu arrintaas dhagaha ka fureysatay.

    Maxkamaddu waxaa ay sheegtay in ay ka xuntahay maqnaashiyaha Kenya balse ay sii wadi doonto dhagaysiga kiiskaan.

    Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo hadal ka jeediyay Maxakamadda ayaa sheegay in a kalsooni ay ku qabaan Maxakamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.

    Dowladda Soomaaliya waxay intaas ku dartay in go’aanka Kenya ee ah in aysan ka qayb galin dhagaysiga kiiska badda ay lid ku tahay waajibaadkeeda iyo sareynta sharciga .

    Hadda waxaa si toos ah u socda hadal jeedinta qareennada Soomaaliya u doodaya .

    Mahdi Maxamed Guulled

    Xigashada Sawirka, ICJ

  5. Abaaro ka taagan Mandheera

    Waxaa laga dayrinayaa xaaladda abaarta ee ka jirta qeybo ka tirsan gobolka ay Soomaalida degto ee Waqooyi bari ee Kenya, iyada oo dadka deegaankaasi ay BBC-da u sheegen indadku ay qarka u saaranyihiin haraad, gaajo, cudurro ka dhashay abaarta iyada dadka qaarna ay sheegeen in xoolihii ka dhamaadeen.

    Deegaanada ay abaaraha aadka u saameeyeen waxaa ka mid ah Ismaamulka Mandera.

    Maxamed Cali oo ah wasiirka Biyaha ee ismaamulka Mandheera ayaa BBC u sheegay jiraan in aysan jirin xoolo abaar darteed u dhintay balse ay biyo dhaamin ka wadaan miyiga iyo magaalada Mandheera.

    Qoraalka Codka, Abaaraha saameeyay Mandheera
  6. Madaxweynaha Jabuuti oo maanta qaatay tallaalka Karona

    .

    Xigashada Sawirka, Ismail Omar Guelleh

    Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta qaatay tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19, sida uu ku shaaciyay barta uu ku leeyahay Facebook.

    Arrintani ayaa kusoo aadeysa xilli Jabuuti maanta laga daahfuray barnaamijka lagu tallaalayo dadka.

    Jabuuti ayaa dhawaan heshay tallaalka ka hortagga Covid-19.

    Wasiirka caafimaadka Jabuuti Maxamed Warsame Diiriye, ayaa dhawaan BBC-da u sheegay in xirmooyinka haatan soo gaaray ay yihiin kuwo lagu sii bilaabayo dadka aadka ugu baahan, isla markaan bishan dhexdeeda ay sugayaan ilaa 300,000 oo xirmo ah oo ay dowladda Jabuuti ka soo iibsatay Shiinaha.

  7. Dal mamnuucay adeegsiga App-ka Clubhouse

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Dalka Cuman ayaa mamnuucay isticmaalka barnaamijka cusub ee Clubhouse kadib markii uu ku guuldareystay in dalkaas uu ka qaatp ruqsadda uu kaga howlgalayo halkaas.

    Dadka u doodo xuquuqul insaanka ayaa ku eedeeyay Cuman in ay isku dayeyso inay xayiraad kusoo rogto xoriyatul qowlka.

    Waaxda Cuman u qaabilsan isgaarsiinta ayaa sheegtay in sababta Clubhouse looga joojiyay dalka ay tahay in aysan qaadan shatigii ay kaga shaqeyn laheyd halkaas.

    Cuman ayaa hadda ka hor dalkeeda ka joojisay isticmaalka dhowr barnaamij oo Online ah sababo la xiriira ruqsadda shaqada.

    Sanadkii lasoo dhaafay Cuman waxay ogolaatay in dalkeeda ay ka howlgalaan barnaamijyo ay kamid yihiin Skype iyo Zoom si waxbarashada iyo howlaha ganacsiga loogu adeegsado kadib dhibaatada ka dhalatay safmarka Karona.

  8. Carruur laga afduubtay iskuul ku yaalla Nigeria

    Ma kala cadda tirada ardeyda iyo macalimiinta haatan la afduubtay

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ma kala cadda tirada ardeyda iyo macalimiinta haatan la afduubtay

    Koox hubeysan ayaa carruur iyo macalimiin ka afduubtay iskuul ku yaalla waqooy galbeed dalka Nigeria maalmo uun kadib markii tiro ardey ah oo wax ka dhiganeysay kuleej ku yaalla gobolka Kaduna.

    Dadka deegaanka ayaa BBC u sheegay in koox hubeysan ay weerar ku qaadeen iskuul ay dowladda maamusho oo ku yaalla tuulada Rema Isniintii xilli ardeyda ay fasalada galayeen.

    Ma kala cadda tirada dadka la qafaashay balse mas'uuliyiinta waxay sheegeen inay daba socdaan sidii lagu xaqiijin lahaa tirada ardeyda iyo macalimiinta la afduubtay.

    Tan iyo bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay in ka badan 700 ardey ah ayaa laga afduubtay guud ahaan Nigeria.

  9. Faahfaahin kasoo baxeysa weerar ciidamada Soomaaliya ay ku qaadeen deegaanka Tooratoorow

    .

    Xigashada Sawirka, SNA Radio

    Warrar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo maanta ka dhacay deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeellada Hoose ee Soomaaliya xili ay halkaas hawgal ka wadeen ciidamada kumandooska miltariga Soomaaliya oo saaka kala wareegay xoogaga Al-Shabaab.

    Militeriga Soomaaliya wuxuu sheegay in ciidamada Danab ay qarxiyeen gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa oo ay Shabaabka wateen.

    Dhanka kale, Shabaab ayaa sheegatay in weerarka ay la beegsadeen kolonyo militeri iyo ciidamo ajnebi ah isla markaana ay qarxiyeen labo gaari oo ay ciidamada wateen.

  10. Dhageysiga dacwadda badda Kenya iyo Soomaaliya oo lagu wado in maanta uu bilowdo

    .

    Xigashada Sawirka, Icj

    Waxaa maanta gelinka dambe lagu wadaa in maxkamadda caddaalada adduunka ay bilowdo dhageysiga dacwadda badda ee Kenya iyo Soomaaliya.

    Ilo wareedyo ka tirsan ayaa BBC u xaqiijiyay in Kenya ay si lama filaan ah ay isaga baxday dhageysiga kiiska muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

    Qareenada matalaya Soomaaliya ayaa maanta gudbin doono doodahooda ku aadan muranka badda.

    Bishii hore ayay aheyd markii maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee ICJ ay gaashaanka ku dhufatay dalab uga yimid Kenya oo dooneysay in dib loo dhiga dhageysiga dacwadda kala dhexeysa Soomaaliya sababo la xiriira cudurka Covid-19 oo saameyn weyn ku yeeshay howlihii diyaargarowga kiiska ee ay wadday Kenya.

  11. Diblumaasi hore: "Meel kasta oo ka tirsan Itoobiya waxaa ka taagan dagaal"

    Colaadda Tigray waxaa ku dhintay kumanaan qof

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Colaadda Tigray waxaa ku dhintay kumanaan qof

    Ku xigeenkii hore ee safaaradda Itoobiya ee Mareykanka Berhane Kidanemariam ayaa sheegay in meel kasta oo ka tirsan Itoobiya ay ka taagan yihiin dagaallo iyo colaad taas aysan soo bandhigeyn warbaahinta.

    Wuxuu barnaamijka BBC ee Newsday u sheegay in dagaallo ay ka socdaan gobolka Oromada iyo deegaanno hoostago gobolka Benishangul Metekel.

    "Meel kasta oo ka tirsan Itoobiya waxaa ka jiraa barakac, dagaal iyo colaad, Mana jirto warbaahin tebineyso waxa ka socda Itoobiya" ayuu yiri Berhane Kidanemariam.

    Diblumaasigan hore ayaa Mareykanka ugu baaqay in si xooggan uu uga hadlo colaadda ka taagan gobolka Tigray maadama 'dadka ay dhimanayaan'

    Berhane Kidanemariam ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay iska casilay ku xigeenka safaaradda Itoobiya ee Mareykanka kadib markii uu ku eedeeyay Abiy Axmed in dalka uu ku hoggaaminayo waddo mugdi ah oo horseedeysa burbur iyo kala qeybsanaan.

    Dowladda Itoobiya waxay beenisay in ciidamadeeda ay tacaddiyo ka geysteen Tigray.

  12. Sakiya Xuseen: La guursiga hablaha guurka ayuu dhan dhan u yeelaa”

    Waxaa baraha bulshada hadal heyn ka dhaliyay hadal kasoo baxay taliye ku xigeenka booliska Soomaaliya Sakiya Xuseen oo taageertay in ragga ay guursadaan xaasas badan.

    Waxay sheegtay in ‘La guursiga hablaha badan uu dhan dhan u yeelo guurka”

    Waxay Facebook kusoo qortay in qoraalkan ay uga dan laheyd in dhalinyarada ay kaga mashquuliso arrimaha siyaasadda dalka.

  13. Tallaalka cudurka Karona oo ka degay Muqdisho

    Tallaalka Oxford-AstraZeneca oo la gaarsiiyay Soomaaliya

    Xigashada Sawirka, SONNA

    Qoraalka sawirka, Tallaalka Oxford-AstraZeneca oo la gaarsiiyay Soomaaliya

    Waxaa saaka magaalada Muqdisho ka degtay diyaarad siday tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19 ee Soomaaliya.

    Mas'uuliyiin ay horkaceyso wasiirka caafimaadka Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa garoonka ku guddoomay shixnadda tallaalka ah.

    Tallaalka wuxuu gaaraya ilaa 300,000 oo ah nooca Oxford-AstraZeneca si loo gaarsiiyo boqolkiiba 20 dadka ku nool Soomaaliya.

    Waxaana tallaalkan la siin doono, howlwadeenada caafimaadka ee ka howlgala cisbitaallada Booliska, dadka da'da ah iyo dadka la daala-dhacaya xanuunada kala duwan.

    Soomaaliya waxay kamid tahay dalalka ka faa'ideysanayo barnaamijka Covax ay garwadeenka ka tahay Qaramada Midoobey ee tallaalka Covid-19 lagu gaarsiinayo waddamada saboolka ah.

    Berri ayaa la filayaa in la tallaalo dadka ugu horeeya oo ay kamid noqon doonaan shaqaallaha caafimaadka, dadka meelaha laga soo galo waddanka ka shaqeeya iyo booliska.

    .
  14. Cudurka Karona oo fara ba’an ku haya degmada Balcad

    Ayadoo Cudurka Covid-19 uu mar kale si wayn ugu soo laba kacleeyey Soomaaliya oo kiisaska cudurkaasi ay marba marka ka sii dambaysa sii badanayaan ayaa waxaa soo baxaya in cudurku uu fara kulul ku hayo deegaanno ka baxsan caasimadda Muqdisho. deegaanadaas oo sida aan warar ku helayno aan lahayn qalabkii lagula tacaali lahaa cudurka.

    Deegaanadaas ayaa waxaa ka mid ah degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe oo cisbitaalka kaliya ee ku yaal aanu oollin qalabka lagu baaro cudurka iyo sidoo kale mid lagu tacaalo dadka cudurka laga helo toona.

    Dr Ismaaciil Cali Cumar oo ka hawlgala cisbitaalka guud ee degmada Balcad ayaa BBC u sheegay in sare ay u kacday tirada dadka u dhimanayo cudurka ee degmada isla markaana ay adagtahay in la helo qalabka neefsiga ka caawiyo bukaanada cudurka Covid-19.

    Halkan ka dhageyso wareysiga oo dhameystiran.

    Qoraalka Codka, Cudurka Covid-19 oo dhibaato ku hayo Balcad
  15. Asalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Isniin ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.