Deni oo wato ilaaldiisa oo si xoog leh u hubeysan oo Muqdisho gaaray

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Terbinta Tooska ah intaa ayaan ku joojinay maanta

    Akhyaarta nagu taxan,waad mahadsan tihiin tebinta tooska ah maanta intaa ha inoo joogto. Wararkii ugu waaweynaa waxaa ka mid ah:

    • Deni oo maanta Muqdisho gaaray xilli wali lagu mursan yahay nooca iyo goorta doorashada
    • Golaha Ammaanka oo farriin u diray madaxda Soomaaliya.

    Wixii warar Soomaalida iyo caalamkaba ku saabsan waxaad ka heli kartaan bogga BBC Somali

  2. Luuqaddii ay dalkan ku baratay ayay macallimad ku tahay

    Waxaa jira Soomaali badan oo tegay qurbaha iyaga oo xaas ah oo carruur wata, taasina waxa ay keentay in ay u suurageli waydo fursad ay wax ku sii bartaan oo naftooda ku anfacaan.

    Waxaa se jira shakhsiyaad kooban oo maareeyey noloshooda qoyska iyo toodii kaleba. Waxaana dadkaas ka mida Faadumo Kuusow, oo dalka Canada gashay iyada oo wadata shan carruur ah isla markaana aan aqoon luuqadda dalkaas looga hadlo.

    Maanta-se waxay macallin ku tahay luuqadda ay dalkaas ugu tagtay, waxaanay gaartay heer ay hesho shahaadada labaad ee waxbarashada ee 'Master Degree'.

    Haddaba Faaduma Maxamed Kuusow halgankaas iyo sidii ay u maaraysay waxay uga warrantay weriye Durraan Xasan-yare.

    Halkan Ka dhagayso

    Qoraalka Codka, Guusha Faaduma Maxamed Kuusow
  3. Wasiirkii hore ee Difaaca Soomaaliya oo geeriyooday

    AHUN asiirkii hore ee Difaaca Soomaaliya Janan Cabdiraxmaan Maxamuud Cali-Bayr.

    Xigashada Sawirka, FACEBOOK

    Waxa maanta magaalada Nairobi Ku geeryooday Allaha u naxariiste Wasiirkii hore ee Difaaca Soomaaliya Janan Cabdiraxmaan Maxamuud Cali-Bayr.

    Marxuumku wuxuu jagooyin kala duwan ka soo qabtay Ciidanka Soomaaliya, sida taliyihii qeybta 60-aad ee Baydhabo, Madaxa hawlgelinta Ciidanka , Dibloomaasiga qaabilsan xiriirka Milatari Soomaaliya ee Ciraaq iyo Mareykanka, Madaxa Xidhiidhka Arrimaha Dibeda ee Wasaarada Gaashaandhiga, Xildhibaan iyo Wasiir Gaashaandhiga.

    Madaxda Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi gaar ah u diray ehelkii, asxaabtii iyo ummada Soomaaliyeed ee uu ka geeryooday General Cabdiraxmaan Cali-beyr.

  4. Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay ka warhayso Qaxootiga ku tabaalaysan waddanka Yemen.

    Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen ayaa BBC-da u sheegay in boqollaal qaxooti ah ooSoomaali ah dalkooda hooyo dib loogu soo celin doono dhammaadka bishaan aynu ku jirno ee Maarso.

    Danjire Cabdullaahi Xaashi Shuuriye ayaa sheegay in ay dedaal badan ugu jiraan sidii dadka Soomaalida ah ay uga badbaadi lahaayeen dhibaatada ka aloosan dalkaas.

    Yemen ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxaa ka jiray colaad sokeeye oo meelaha qaar dadku ay wajahaan xaalado culus, iyadoo dadka halkaas qaxootiga ku ahna ay xaaladdahaas adag usii nugul yihiin. Hadalka danjiraha ayaa imanaya xilli todobaadkii hore ay tobannaan qof ku dhinteen xero lagu hayay dad muhaajiriin ah.

    Soomaalida Yemen

    Xigashada Sawirka, WFP

  5. Xukumada Afghanistaan ayaa sheegtay inay weli diyaar u tahay wadahadalo

    Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Dowlada Afghanistan ayaa sheegtay inay ka qeyb geli doonto laba shir oo caalami ah oo looga hadlayo hannaanka geedi socodka nabbada ee dalkaasi todobaadyada soo socda.

    Lataliyaha amniga qaranka (Hamdullah Mohib) wuxuu sheegay in dowlada ay diyaarinayso wafdi ka qeyb galaya shirka Khamiista soo socota ka dhici doonta (caasimada Ruushka) Moscow, Waxay sidoo kale ka qeyb gali doontaa shir labaad oo uu mareykanka horkacayo oo ka dhacaya turkiga, kaasoo la filayo inuu dhaco bisha soo socota.

    Wadahadaladan ayaa imaanaya xilli Tirada dadka ee hada la ogyahay inay ku dhinteen qaraxyada xoogan ee dalkaasi ay sare u kacday.

    Qaramada Midoobay waxay cambaareysay weerarada sida ula kac ah loogu bartilmaameedsanayo dadka rayidka ah, in kasta oo wadahadallo nabadeed oo u dhexeya kooxda Taliban iyo dowladda Afghanistan ay socdaan.

  6. Deni oo wato ilaaldiisa oo si xoog leh u hubeysan oo Muqdisho gaaray

    Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka soo degey garoonka diyaaradaha Aden Cadde magaalada Muqdisho.

    Madaxweyne Deni ee Muqdisho ayaa lagu wadaa inuu ka qeybgalo shirka Madaxda dowladda iyo dowlad Goboleedyada ee dhowaan ka furmaya Muqdisho,waxaana hore u sii joogay caasimada Madaxweynaha Jubbaland.

    Ka hor inta usan gaarin Muqdisho waxaa garoonka ka soo dagay daraasiin ilaaladiisa ah oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan sida qoryo fudub, baasuukayaal iyo rasaas badan.

    bbc

    Xigashada Sawirka, Bulshaawi

    bbc

    Xigashada Sawirka, Bulshaawi

    bbc

    Xigashada Sawirka, Bulshaawi

    Deni ayaa dagay dhismo ku yaalla gudaha xeyndaabka garoonka Muqdisho. Waxaa ka soo horreeyay madaxweynaha Kubaland oo isna deggan gudaha xerada Xalane.

    Waxaan wali Muqdisho soo gaarin madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed

    Madaxweyne Deni oo Muqdisho gaaray

    Xigashada Sawirka, bbc

    Qoraalka sawirka, Madaxweyne Deni oo Muqdisho gaaray
  7. Soomaaliya oo xaqiijisay kiisas hor leh oo ku saabsan Covid-19

    Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ayaa maanta shaacisay 126 qof oo hor leh oo uu ku dhacay cudurka Covid-19.

    Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in saacadihii u dambeeyay cudurka laga baaray 1,349 qof.

    Xogta wasaaradda caafimaadka ayaa muujineysaa in 48-dii saac ay u dambeysay ay cudurka u dhinteen 11 qof.

    Guud ahaan kiisaska cudurka waxay gaarayaan 8,946 halka dhimashadu ay tahay 349.

    .

    Xigashada Sawirka, Wasaaradda Caafimaadka

  8. Madaxweynaha Somaliland oo warqadda aqoonsiga ka guddoomay wakiilka Imaaraatka

    Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wakiilka Imaaraatka Carabta Cabdulla Al Naqbi

    Xigashada Sawirka, Madaxtooyada Somaliland

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wakiilka Imaaraatka Carabta Cabdulla Al Naqbi

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed Ugu Dhawaaqday Madaxbanaanida ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay wakiilka cusub ee Isutagga Imaaraataka Carabta usoo magacaawday in uu u fadhiyo Somaliland.

    Bayaan kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu shaaciyay warkaas.

    Tallaabadan ayaa imaaneysaa xilli uusan wanaagsaneyn xiriirka diblumaasiyeed dowladda federaalka iyo Imaaraatka iyadoo bishii hore dowladda Soomaaliya ay ku eedeysay dalka Imaaraatka Carabta in uu wado isku dayo uu dalka ka abuurayo qalalaase.

  9. Golaha Ammaanka oo farriin u diray madaxda Soomaaliya

    Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey wuxuu madaxda Soomaaliya ka codsaday inay xal ka gaaraan khilaafka ka taagan doorashada.

    Golaha wuxuu sidoo kale ku baaqay in si deg deg ah loo qabto doorasho xor iyo xalaal ah si ambaqaado heshiiskii 17-kii bishii September ay wada gaareen madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada.

    “Golaha wuxuu ugu baaqayaa madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada inay qabtaan doorasho xor ah, caddaalad ah oo la wada dhanyahay si loo raaco heshiiskii September 2020 iyadoo aan laga dib dhaceyn si heshiis siyaasadeed oo kama dambeys ah loo gaaro” ayaa lagu yiri hadal kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

    Waxayna muddo kordhin u sameeyeen howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM ilaa dabayaaqada sanadkan.

    Golaha wuxuu sidoo kale sheegay in hadafka uu yahay in arrimaha amniga lagu wareejiyo ciidamada Soomaaliya marka la gaaro dabayaaqada sanadka 2023-da.

    .
  10. Madaxweyne Deni oo ku wajahan Muqdisho

    Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni

    Xigashada Sawirka, PUNTLAND STATE HOUSE

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni

    Galinka Dambe ee maanta ayaa la filayaa inuu gaaro magaalada Muqdisho madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillahi Deni halkaas oo la filayo inuu uga qaybgalo wadahadallada madaxda Soomaaliya ee ku aadan xalinta khilaafka ka taagan qabashada doorashada waqtigeeda la soo dhaafay.

    Goordhaweyd waxa Muqdisho ka dagtay diyaarad ay la socdeen ilaallada madaxweyne Deni oo horudhac u ah tagistiisa Halkaasi.

    Muqdisho waxa horey u joogay qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada, inkastoo xubno kale ay wali ka maqan yihiin.

  11. Dalalka gobolka ee ilaa iyo hadda la gaarsiiyay tallaalka Covid-19

    Deegaanno ka tirsan dhulka Soomaalida ayaa ilaa hadda la gaarsiiyay tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19.

    Waxaana kamid ah dalka Jabuuti oo helay tallaalka AstraZeneca, waxaana la gaarsiiyay 24,000 xabbo oo tallaalka ah.

    Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa maanta si rasmi ah loo gaarsiiyay tallaalka.

    Magaalooyinka Gaarisa iyo Mandheera oo ka tirsan gobolka Waqooy Bari Kenya waxay kamid yihiin meelaha la gaarsiiyay tallaalka ka hortagga Karoona, iyadoona marka hore tallaalka la siinayo shaqaalaha caafimaadka iyo dadka da'da ah.

    Soomaaliya ayaanan ila hadda gaarsiin tallaalka inkasta oo dowladda bishii hore ay sheegtay in la geyn doono dalka.

    Waxaa maalmihii u dambeeyay si kordhayay tirada dadka u dhimanaya cudurka Covid-19 ee Soomaaliya, sida ku cad xog ay baahisay wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya.

    .
  12. Tallaalka Karoona oo la gaarsiiyay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    Munaasabadda xarigga looga jarayay tallaalka Covid-19

    Xigashada Sawirka, SRTV

    Qoraalka sawirka, Munaasabadda xarigga looga jarayay tallaalka Covid-19

    Waxaa magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya la gaarsiiyay tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19.

    Tallaalkan ayaa gaaraya 108,000 oo xabbo, waxaana saaka xarigga ka jaray tallaalka madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cumar.

    Waxaana tallaalkan la siina doonaa shaqaalaha caafimaadka iyo dadka da'da ah, sida ay ku warrantay warbaahinta maamulka ee SRTV.

    .
  13. Dowladda Tanzania oo ka hadashay xaaladda madaxweyne Magufuli

    Madaxweyne John Magufuli

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Madaxweyne John Magufuli

    Ra’iisul Wasaaraha Tanzania ayaa sheegay in madaxweyne John Magufuli uu ku sugan yahay dalka isla markaana uu si caadi ah u wata howshiisa.

    Arrintani ayaa kusoo aadeysaa xilli ay soo baxaan warar laisla dhexmarayo oo ku saabsan xaaladda caafimaad ee madaxweynaha iyo halka uu ku sugan yahay.

    “Reer Tanzania is dejiya, madaxweynihiina wuu joogaa, wuu shaqeynayaa, xaaladdiisa caafimaadna wey wanaagsan tahay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Kassim Majaliwa oo shaley ka hadlayay masaajid ku yaalla magaalada Njombe ee koonfurta Tanzania.

    Mr Majaliwa wax faahfaahin ah kama uusan bixin xaaladda madaxweynaha.

    Dowladda Tanzania ayaa lagu eedeeyay inay dafirtay saameynta ka dhalatay safmarka Karoona.

  14. Asalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Sabti ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.