Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed
Xuseen Rooble, ayaa maanta Golaha Shacabka ka jeediyay khudbad uu uga hadlay
waxqabadkii xukuumaddiisa ee 100-kii maalmood ee ugu horreeyay.
Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa horay loogu qeybiyay
warqado uu ku qoran yahay wax qabadka dowladda iyo mowduucyada uu ka hadlayay
Ra’iisul Wasaaraha.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursan Cabdiraxmaan
ayaa Ra’iisul Wasaaraha inta uusan hadalkiisa billaabin ka dalbaday in uusan
sheegin wax aan ku qorneyn warqadaha loo qeybiyay mudaneyaasha.
Rooble ayaa sheegay in Golaha Wasiirrada ee uu soo
magacaabay iyo isaga qorsheysteen howlo ay damacsanaayeen in ay ku qabtaan
100-ka maalmood ee ugu horreeya., waxaan
“Si aan u xoojinno isla xisaabtanka, daah furnaanta iyo
maamul wanaagga, waxaan wasiir kasta la galay oo la saxiixday axdi ay ku jiraan
dhammaan howlaha ay wasaaradahoodu ballan qaadeen in ay ku hir galiyaan boqolka
maalmood gudahooda,” ayuu yidhi.
Wuxuu intaas ku daray in buugga yare e loo qeybiyay
xildhibaannada ay ku jirto faahfaahinta la xiriirta waxa u qabsoomay wasiir
kasta.
Hase yeeshee isagoo soo koobaya wax qabadka 100-kii maalmood
ee ugu horreeyay xukuumaddiisa ayuu sheegay in ay ku guuleysteen arrimo ay ka mid yihiin:
- Diyaarinta qorshaha
doorashada 2021-ka
- Xoojinta siyaasadda
arrimaha dibadda
- Horumarinta dhaqaalaha iyo
soo xareynta dakhliga dowladda
- Dardar galinta nidaamka
deyn cafinta
- Horumarinta ganacsiyada
caalamiga ah
- Xoojinta dhismaha
kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan waddooyinka
- Bixinta adeegyada bulshada
iyo ka hor tagga aafooyinkaiyo u diyaar
garowga musiibooyinka
- Xoojinta isdhex-galka
bulshada iyo nabadeynta beelaha ay colaadda dhex taallay
- Dhameytirka istiraatiijiyada qaran ee shaqo abuurka
- Diyaarinta, qorshaha, ilaalinta iyo xaqiijinta qoondada haweenka
ee 30% ay ku yeelan doonaan baarlamaanka 11-aad
Kulanka uu Ra’iisul Wasaare Rooble khudbadda uga jeedinayay
Baarlamaanka ayaa baaqday maalintii Isniinta kaddib markii xildhibaannadu ay
sheegeen in aan waqti ku filan loo soo gudbinin warqadaha ajandaha
khudbaddiisa.