Xubnaha gudigaan oo ka kooban 14 xubnood ayaa ka kala
imaanaya xafiiska raysal wasaaraha,xafiiska madaxweynaha, Maamul goballeedyada
iyo gobalka Banaadir,waxaana ay horudhac u yihiin shir golaha wadatashiga
qaranku ay isugu imaanayaan si loo sii ambaqaado wadahadalladii udhaxeeyay
dowladda federaalka iyo Mamaul goballeedyada ee ku saabanaa khilaafka ka taagan
doorashooyinka.
Magacaabista gudigaan ayaa ku soo aadaysa iyadoo dhawaan
madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ku baqay shir 15-ka bishaan oo
maalinta barri ah ku beegsan hase yeeshee aan ilaa iyo hadda la isku raacin
halka uu shirku ka dhacayo.
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay nooca uu noqonayo tallaalka la keenayo dalka.
Xuutiyiinta Yemen oo weerar ku qaaday gudaha dalka Sucuudiga
Xigashada Sawirka, EPA
Isbahaysiga uu sucuudigu hoggaamiyo ee ka hawgala dalka Yemen ayaa sheegay in xuutiyiintu ay
weerar ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Abha ee Koonfurta Sucuudiga ku yaal, waxayna
waxyeello gaarsiiyeen diyaarad kuwa rakaabka ah oo garoonkaas taallay.
Isbahasyigu wax faahfaahin ah kama bixin weerarka,iyo in khasaare kale jiro iyo in kale, balse
waxay sheegeen in dabkii diyaaradda qabsaday ay xakameeyeen.
Fallaagada Xuutiyiinta ayaa horay weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn loo adeegsaday ku qaaday garoonka diyaaradaha ee Abha.
Biyo la'aan ka taagan deegaanno ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida
Wararka ka imaanaya dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in biyo la’aan ba’an ay ka taagan tahay degmada Fiiltu ee xaruunta gobolka Liibaan iyo nawaaxigeeda.
Biyo la’aanta ayaa saamayn weyn ku yeelatay shacabka magaaladaas ku dhaqan iyada oo laga cabsi qabo in maalmaha soo socda ay xaaladdu ka sii darto.
Biyo la’aanta ayaa timid kaddib markii warihii biyaha ee laga cabbi jiray ay gureen ayadoo markii horeba ay maalada ku yaraayeen biyaha oo inta badan ku tiirsnayd biyaha roobka oo qura isla markaana aan la hayn ceelal iyo riigag loo baxsado marka biyo la'aantu ay dhacdo.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo BBC-da la hadlay ayaa ka dayriyey xaaladda ay ku sugan yihiin dadka iyo duunyada ku dhaqan deeganadaas haddii aanay wax isbaddalin maalmaha soo socda.
Dhakhtar ku yaboohay inuu caawiyo gabadhii timaha iska kooleysay
Xigashada Sawirka, Dr Michael Obeng/ Instagram
Qoraalka sawirka, Dr Michael Obeng ayaa lasoo tabiyay in gabadhaas uu caawinayo isagoo aan wax lacag ah ka qaadeynin
Dr Michael Obeng, oo ah dhakhtar ku takhasusay qalliinka maqaarka, una dhashay Ghana balse heysta dhalashada Mareykanka, ayaa ku yaboohay in uu caawinayo haweeney sheekadeeda ay baraha bulshada qabsatay, aadna looga fal celiyay dhibaato ay ka cabaneysay, sida uu shaaciyay telefishinka CBSN ee uu fadhigiisu yahay magaalada Los Angels.
Tessica Brown ayey dad badan ka naxeen markii ay isbuucii lasoo dhaafay Tiktok soo dhigtay muuqaal ay ku sheegeysay in ay koollo isaga shubtay tinta halkii ay saliid ku shubi kahayd, si ay ugu celiso.
Koollada gabadhan timaheeda lafta ku dhajisay ayaa loo isticmaalaa isku dhajinta alwaaxyada iyo mutuleelka guryaha.
Muuqaalkaas ayey Ms Brown ku sheegtay in timaheeda ay sidaas ahaayeen qiyaastii hal bil, wax kasta oo ay isku daydayna ay ku guuleysan weysay in ay xal u hesho.
Macluumaadkan waxaa daabacay Instagram. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Instagram xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka Instagram boggan
Dr Obeng ayaa telefishinka CBSN ku yidhi: "Markii aan ogaaday in arrintan ay dhab tahay, aad baan ugu walbahaaray, waana u naxay Tessica."
Wuxuu sheegay in uu la xiriiray gabadhaas, uuna qorsheynayo sidii uu fujin lahaa koollada.
Dadka reer Uganda oo loo fasaxay internet-ka iyo baraha bulshada
Xigashada Sawirka, AFP
Dowladda Uganda ayaa ku dhawaaqday in ay si buuxda meesha uga saartay xayiraaddii ay ku soo rogtay adeegyada internet-ka iyo isticmaalka baraha buslahada.
"Waxaan raali gelin ka bixineynaa dhibaatooyinkii ka dhashay xayiraaddaas, laakiin waxay ahayd tallaabo loo qaaday amniga waddankeenna awgiis," ayuu yidhi Peter Ogwang, oo ah wasiirka isgaarsiinta, oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka.
Wuxuu intaas ku daray: "Aan noqonno dad wax dhisa, yeynaan noqonin dad wax ku burburiya baraha bulshada."
Xayiraadda ayaa lasoo rogay markii ay soo dhaweyd doorashadii madaxtinnimada ee dalkaas ka dhacday 14-kii bishii January, taasoo uu ku guuleystay madaxweyne Yoweri Museveni, oo xilka qabtay markii lixaad.
Muxuu yahay Mowqifka Jubaland ee ku aaddan shirka uu ku dhawaaqay madaxweyne Farmaajo?
Maamul goboleedka Jubakand ayaa soo dhaweeyay shirka uu madaxweynaha Soomaaliya ku dhawaaqay in la qaban doono 15-ka bishan.
Balse waxay Jubaland ayiday soo jeedinta Puntland ee ah in shirka uu ka dhaco magaalada Muqdisho.
Waxaa kale oo ay ku baaqday in laga qeyb galiyo dhammaan dhinacyada ay khuseyso xaaladda.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan
Aqalka Sare oo taageeray soo jeedinta Puntland
War saxaafadeed lasoo dhigay bogga facebook-ga ee Aqalka Sare ee federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay soo jeedintii maamulka Puntland ee ku saabsaneyd in shirka wada hadalka madaxda Soomaalida uu ka dhaco magaalada Muqdisho.
Bayaankan oo daba socday jah wareerka ka dhashay goobta lagu shirayo ayaa lagu yidhi:
"Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sen. Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo dhoweeyay soojeedinta Dowlad Goboleedka Puntland ee ah in shirka lagu baaqay 15ka Febraayo 2020 lagu qabto magaalada Muqdisho, ayna kasoo qayb galaan dhammaan saamilayda siyaasadda iyo Bulshada rayidka ah.Guddoomiyuhu wuxuu kaloo ku baaqay in la wada ilaaliyo nabad galyada iyo xasilloonida Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed."
Madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay shir wada xaajood ah oo ay madaxda dalka ku yeelanayaan magaalada Garoowe, 15-ka bishan, laakiin mas'uuliyiinta Puntland ayaa dhankooda soo jeediyay in shirkaas uu ka dhaco magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Ra'iisul Wasaare Rooble oo khudbad ka jeediyay Golaha Shacabka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed
Xuseen Rooble, ayaa maanta Golaha Shacabka ka jeediyay khudbad uu uga hadlay
waxqabadkii xukuumaddiisa ee 100-kii maalmood ee ugu horreeyay.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursan Cabdiraxmaan
ayaa Ra’iisul Wasaaraha inta uusan hadalkiisa billaabin ka dalbaday in uusan
sheegin wax aan ku qorneyn warqadaha loo qeybiyay mudaneyaasha.
Rooble ayaa sheegay in Golaha Wasiirrada ee uu soo
magacaabay iyo isaga qorsheysteen howlo ay damacsanaayeen in ay ku qabtaan
100-ka maalmood ee ugu horreeya., waxaan
“Si aan u xoojinno isla xisaabtanka, daah furnaanta iyo
maamul wanaagga, waxaan wasiir kasta la galay oo la saxiixday axdi ay ku jiraan
dhammaan howlaha ay wasaaradahoodu ballan qaadeen in ay ku hir galiyaan boqolka
maalmood gudahooda,” ayuu yidhi.
Wuxuu intaas ku daray in buugga yare e loo qeybiyay
xildhibaannada ay ku jirto faahfaahinta la xiriirta waxa u qabsoomay wasiir
kasta.
Hase yeeshee isagoo soo koobaya wax qabadka 100-kii maalmood
ee ugu horreeyay xukuumaddiisa ayuu sheegay in ay ku guuleysteen arrimo ay ka mid yihiin:
- Wax qabadka amniga
- Diyaarinta qorshaha
doorashada 2021-ka
- Xoojinta siyaasadda
arrimaha dibadda
- Horumarinta dhaqaalaha iyo
soo xareynta dakhliga dowladda
- Dhameytirka istiraatiijiyada qaran ee shaqo abuurka
- Diyaarinta, qorshaha, ilaalinta iyo xaqiijinta qoondada haweenka
ee 30% ay ku yeelan doonaan baarlamaanka 11-aad
Kulanka uu Ra’iisul Wasaare Rooble khudbadda uga jeedinayay
Baarlamaanka ayaa baaqday maalintii Isniinta kaddib markii xildhibaannadu ay
sheegeen in aan waqti ku filan loo soo gudbinin warqadaha ajandaha
khudbaddiisa.
Khubaro seynisyahanno ah ayaa sheegay in fayrasyada nooca corona, oo isku bah yihiin cudurka Sars-CoV-2, ay suuragal tahay in ay ku dhex wareegayaan Fiid-meerta ku nool dalal badan oo ku yaalla qaaradda Aasiya.
Fayras aad ugu dhow fayraska Sars-CoV-2, oo sababa cudurka Covid-19, ayaa laga helay xayawaannada Fiid-meerta ee ku nool dhulka keymaha ah ee koonfurta waddanka Thailand.
Cilmi-baareyaasha ayaa saadaaliyay in fayraska uu ku jiri karo xayawaannada noocaas ah ee ku nool dalal badan oo reer Aasiya ah iyo gobollada ku dhowba.
Xogta ay heleen waxay muujineysaa in cudurka uu gaarsiisan yahay dhul ku fidsan 4,800km (2,983 meyl).
Dalalka farta lagu fiiqay waxaa ka mid ah Japan, Shiinaha iyo Thailand, sida ay khubaradu ku sheegeen warbixin lagu daabacay wargeyska Nature Communications.
Daraasado hore ayaa muujiyay in cudurka Sars-CoV-2 uu markii hore kasoo billowday xayawaan loo maleynayo inuu yahay Fiid-meerta, ka hor inta uusan usoo gudbin bani'aadanka.
Aqalka sare ee Mareykanka oo war kasoo saaray arrinta Soomalaiya
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Senator Bob Menendez
Guddoomiyaha Guddiga Xiriirka Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka Mareykanka, Bob Menendez, ayaa bayaan kasoo saaray xiisadaha kasii daraya ee ku saabsan doorashada Soomaaliya kaddib markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka dhammaaday waqtigii xilka iyadoo aan la gaarin heshiis ku aaddan qabashada doorashooyinka horay loo muddooeyay.
Senator-ka ayaa bayaanka uu soo saaray ku yidhi:
“Waxaan ka walaacsanahay xiisadda sii xoogeysaneysa ee ku saabsan doorashada Soomaaliya iyo khatarta dhabta ah ee loogu jiro in uu dhiig ku daato ismariwaaga hadda ka taagan arrimaha siyaasadda. Khilaafka jira ee u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo, hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada iyo mucaaradka Soomaaliya wuxuu halis galinayaa dadaalkii adkaa ee ay dadka Soomaaliyeed usoo mareen horumarka dhinaca siyaasadda iyo dhaqaalaha laga gaadhay tobankii sano ee lasoo dhaafay, taasina waxay khalkhal galineysaa xasiloonida guud ee dalka.
"Anigoo og in Al Shabaab ay raadin doonto fursad kasta oo ay ku abuurto qalalaase siyaasadeed si ay usii waddo ololaheeda argagixiso, Waxaan dhammaan dhinacyada ay arrinta khuseyso ugu baaqayaa inay si deg deg ah uga tanaasulaan tanahooda siyaasadeed ee gaarka ah ayna xal ka gaaraan qodobada ay wali isku khilaafsan yihiin ee la xiriira doorashada, iyadoo aan dib u dhac kale la sameynin. Heshiis walba oo noocaas ah waa in uu salka ku hayaa mabaadii caddaalad ku dhisan ayna faa;iido ugu jirto dimuqraadiyadda xisbiyada badan ee Soomaaliya."
Madaxweyne Farmaajo oo tallaabo u qaaday xallinta khilaafka doorashada
Xigashada Sawirka, EPA
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay shir ay isugu imaanayaan isaga iyo madaxda dowlad goboleedyada oo dhici doona isbuuca soo socda, si xal looga gaadho khilaafka siyaasadeed ee taagan isla markaana loo guda galo hannaanka doorashada.
Muddo xileedka madaxweyne Farmaajo - oo ahayd afar sano - ayaa dhammaatay maalintii Isniinta ee 8-dii Februay kaddib markii wadahadalladii arrimaha doorashada ay burbureen 5-tii bishan February.
Garabyada mucaaradka Soomaaliya ayaa sheegay in aysan aqoonsaneyn dowladda Farmaajo, wixii ka dmabeeyay 8-dii bisha.
Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu
xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og
yahay oo ay doorashadu dhici doonto.
Xafiiska madaxweyne Farmaajo ee Villa Soomaaliya ayaa Twitterka ku shaaciyay shirka la fikayo inuu dhaco magaalada Garooqwe ee maamul goboleedka Puntland.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan
Qoraalka Twitter-ka ayaa lagu yiri: "Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxa uu Isniinta, oo taariikhdu tahay 15-ka bisha February, 2021, martigalin doonaa shir heer federaakl iyo heer maamul goboleed ah oo lagu dhaqan galinayo heshiiskii doorashada ee la gaaray 17-kii bishii September. Kulanka hoggaamiyeyaasha waxaa lagu qaban doonaa magaalada Garoowe ee maamulka Puntland ee Soomaalia."
Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Talaadadii ku boorriyay madaxda Soomaalida in "ay gaaraan heshiis is afgarad ah oo ku aaddan sida loo qabanayo doorashooyinka, waxaana laga dalbaday in ay tallaabadaas u qaadaan sida ugu dhaqsaha badan uguna macquulsan".
Waxa uu Goluhu soo dhaweeyay shirka lagu dhawaaqay in uu ka dhici doono Garoowe.