War qoraal
ah oo ka soo baxay madaxtooyada lagu sheegay in madaxweynaha uu go'aansaday in
shir ay isugu yimaadaan madaxda Dowlad Goboleedyada, dowladda federaalka iyo
Gobolka Banaadir.
Dowladda
federaalka waxay sheegtay in shirka Isniinta lagu qaban doono magaalada
Dhuusamareeb.
Jibril Maxamed oo jaamicadda Ohio ee dalka Mareykanka
ka dhiga culluunta Afrika ayaa sheegayaa inay adagtahay in labada dhinac ay si
deg deg ah ugu heshiiyaan waxyaabaha laisku hayo maadama Dhuusamareeb horey
loogu qabtay shirar kale oo looga hadlayay arrimaha doorashada.
“Shirkan waxaa ka
horreeyay shirkii September 2020 oo heshiiska lagu gaaray oo dhammaan gobollada
iyo madaxweynaha ay isla qaateen qaabka doorashada ay u dhaceyso, goorta la
bilaabayo jadwalka iyo faahfaahinta..heshiiskaasna waa fuli waayay.
"Wey
adagtahay runtii in hadda Dhuusamareeb in la isugu tego horey heshiis laga gaaro
waayo labo gobol ayaa arrinta diidaneyd markii hore Jubaland iyo Puntland.”
Wuxuu
intaas ku daray in arrimo dhowr ah ay horseedeen in la qabto shirkaas oo ay
kamid yihiin muddo xileedka dowladda oo sii dhamaanayo iyo shirkii beesha
caalamka ay la yeesheen madaxweynaha.
“Doorashadii
loo madlanaa ee afarta sano ah oo xilligeedi la gaaray marka waa qasab in la shiro
oo la ballamo oo la wadahadlo, waxaan ognahay in beesha caalamka ay madaxweynaha
la Shireen inay dadaal wadeen, marka laisku geeyo arrimahaas.
"Muddadii oo dhamaad ah iyo
beesha caalamka oo cadaadiska wadda iyo in aysan suurogal aheyn in la kala
maqnaado waxaa muhiim noqotay in laisku yimaado.”
Arrintani
ayaa kusoo beegmeysaa xilli shaley magaalada Muqdisho shir looga hadlayo
arrimaha doorashada ku yeesheen madaxweynaha dowladda federaalka iyo xubnaha
beesha caalamka.