Maxay ka wadahadleen Axmed Madoobe iyo James Swan?
Tebin toos ah
Tebin toos ah
War deg deg ah, Qarax xooggan oo laga maqlay Muqdisho
Waxaa goor dhaw magaalada Muqdisho laga maqlay qarax xooggan.
Ilaa iyo imika ma jiro wax faahfaahin ah oo laga hayo qaraxaasi.
Balse daqiiqadaha soo socda ayaad halkan kala socon doontaan
faahfaahinta qaraxaasi.
Dowladda Itoobiya oo ka jawaabtay hadalkii hoggaamiyaha TPLF
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, DebretsionGebremichael
Dowladda Itoobiya ayaa ka hadashay cod baraha bulshada uu soo dhigay hoggaamiyaha baxsadaka ee Tigray DebretsionGebremichael kaas oo ku eedeeyay dowladda in tacaddiyo ay ka geystay gobolkaas.
Afhayeen
u hadashay dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in hadalka hoggaamiyaha TPLF looga
golleeyahay in lagu daboolo dambiyada iyo tacaddiyada ay geysteen TPLF.
Wuxuu beesha caalamka ugu baaqay in la baaro waxa uu ku tilmaamay xasuuqa ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea ay ka geysteen gobolka intii uu dagaalka ka socday Tigray.
Wuxuu sidoo kale sheegay inay dhaceen dhacdooyin baahsan oo isugu jiro kufsi, tacaddiyo iyo in si ula kac ah macluul loola beegsaday dadka xilliggii uu dagaalka socday.
Boosaaso oo maanta qaadashada shilin Soomaaliga uu ka dhaqangalay
Magaalada Boosaaso waxaa maanta laga hirgeliyay nidaamkii dhawaan ay dowladda u dejisay in xa loogu helo sicibararka saameeyay deegaano ka tirsan Puntland.
Guddi uu maamulka Puntland u xil saaray arrintani ayaa BBC-da u sheegay in dhammaan go'aamadii ku aadan shilin Soomaaliga ay ogolaadeen ganacsatada awal diiddanaa qaadashada shilin Soomaaliga.
Faarax Cali Shire oo kamid ah guddigaas ayaa BBC-da uga warramay xal u helida sicir bararka.
Qoraalka Codka, Boosaaso waxaa maanta ka dhaqangalay nidaamka Puntland ay u dejisay shilin Soomaaliga
Muddooyinkii lasoo dhaafay deegaannada uu ka arrimiyo maamul goboleedka Puntland waxaa ka jiray dhibaatooyin la xiriira sicir bararka sarifka lacagta shilin Soomaaliga iyo doolarka, iyadoo meelaha qaarna laga diiday isticmaalka shilinka.
Maxay ka wadahadleen Axmed Madoobe iyo James Swan?
Xigashada Sawirka, UNSOM
Qoraalka sawirka, James Swan iyo Axmed Madoobe oo maanta kulan ku yeeshay Kismaayo
Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada
Midoobey ee Soomaaliya James Swan iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo
maanta kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa ka wada hadalay arrinta gobolka
Gedo iyo ismari waaga ku aadan doorashada Soomaaliya.
“Dowlada Jubaland waxay
diyaar u tahay wado kasta oo lagu wada hadli karo xal waarana looga gaari karo
is fahanwaaga siyaasadeed ee kajira dalka madaxda qarankuna hormuudka u yihiin arrimaha
la isku hayo oo ay ugu horreyso arrinta Gobolka Gedo waxay u baahantahay in si
waafaqsan dastuurka iyo heshiisyadii doorasho ee aan horey u soo galney loo
xalliyo si ay u qabsoonto Doorasho loo simanyahay laguna wada qanacsanyahay”
ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada Jubaland.
Dhanka kale, Danjire
James Swan ayaa ugu baaqay dhinacyada Soomaaliya inay isku tanaasulaan si
heshiis wax ku ool ah looga gaaro khilaafka ku saabsan arrimaha doorashada.
Hoggaamiyaha baxsadka ah ee Tigray oo markii ugu horreysay farriin soo diray
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Debretsion Gebremichael
Hoggaamiyaha baxsadka ah ee gobolka Tigray Debretsion Gebremichael ayaa markii ugu horreysay farriin soo diray muddo ka badan labo bilood oo uu dagaal ka socday gobolkaas.
Wuxuu ugu baaqay beesha caalamka inay baaraan tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha oo ay geysteen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea isla markaana ku tilmaamay inay geysteen xasuuq.
Wareysi laga qaaday Debretsion Gebremichael oo lagu daabacay bogga Facebook uu ku leeyahay raadiye maxalli ah ayaanan la ogeyn xilligga laga soo duubay ama halka ku sugan yahay.
Wuxuu xaqiijiyay in xubno sar sare oo ka tirsanaa TPLF ay dileen ciidamada Itoobiya iyo xulafadooda.
Debretsion Gebremichael ayaa tan iyo bishii Nofembar dhuumaaleysi ku jiray kaddib markii uu ka cararay caasimadda Mekelle oo ay qabsadeen ciidamada dowladda.
Weli wuxuu dagaal ka socdaa qeybo kamid ah gobolka Tigray.
Ha'yadaha gargaarka waxay sheegeen in malaayiin qof oo ku nool gobolka ay u baahan yihiin gargaar banii'aadanimo.
Wararka la xiriira doorashada Soomaaliya
Maamulka Jubaland ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan shirka Isniinta ka furmi doono Dhuusamareeb isla markaana ay u arkaan mid wanaagsan oo looga wadahadlayo waxyaabaha laisku mari la'yahay ee ku saabsan arrimaha doorashada.
Qaar kamid ah siyaasiyiinta dumarka oo ku shiray Garowe waxay ku baaqeen in madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay heshiis ka gaaraan ismari -aaga ka taagan doorashada si loo helo qoondada dumarka.
Waxaa kale oo ay sheegeen inay ka shireen sidii loo taageeri lahaa dumarka hanka siyaasadeed leh.
Waxaa maanta Jubaland gaaray wafddi uu hogaaminayo wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Danjire James Swan.
James Swan ayaa horey ula soo
kulmay qaar kamid ah madaxda dawlad goboleedyada kuwaas oo dhamaantood uu kala
hadlay sidii loo hirgalin lahaa doorasho dalka ka qabsoonta.
Falanqeyn: “Wey adagtahay in hadda Dhuusamareeb laisugu tego horey heshiis laga gaaro"
Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA
Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Soomaaliya iyo waakiilo ka socday beesha caalamka oo shaley Muqdisho ku kulmay
War qoraal
ah oo ka soo baxay madaxtooyada lagu sheegay in madaxweynaha uu go'aansaday in
shir ay isugu yimaadaan madaxda Dowlad Goboleedyada, dowladda federaalka iyo
Gobolka Banaadir.
Dowladda
federaalka waxay sheegtay in shirka Isniinta lagu qaban doono magaalada
Dhuusamareeb.
Jibril Maxamed oo jaamicadda Ohio ee dalka Mareykanka
ka dhiga culluunta Afrika ayaa sheegayaa inay adagtahay in labada dhinac ay si
deg deg ah ugu heshiiyaan waxyaabaha laisku hayo maadama Dhuusamareeb horey
loogu qabtay shirar kale oo looga hadlayay arrimaha doorashada.
“Shirkan waxaa ka
horreeyay shirkii September 2020 oo heshiiska lagu gaaray oo dhammaan gobollada
iyo madaxweynaha ay isla qaateen qaabka doorashada ay u dhaceyso, goorta la
bilaabayo jadwalka iyo faahfaahinta..heshiiskaasna waa fuli waayay.
"Wey
adagtahay runtii in hadda Dhuusamareeb in la isugu tego horey heshiis laga gaaro
waayo labo gobol ayaa arrinta diidaneyd markii hore Jubaland iyo Puntland.”
Wuxuu
intaas ku daray in arrimo dhowr ah ay horseedeen in la qabto shirkaas oo ay
kamid yihiin muddo xileedka dowladda oo sii dhamaanayo iyo shirkii beesha
caalamka ay la yeesheen madaxweynaha.
“Doorashadii
loo madlanaa ee afarta sano ah oo xilligeedi la gaaray marka waa qasab in la shiro
oo la ballamo oo la wadahadlo, waxaan ognahay in beesha caalamka ay madaxweynaha
la Shireen inay dadaal wadeen, marka laisku geeyo arrimahaas.
"Muddadii oo dhamaad ah iyo
beesha caalamka oo cadaadiska wadda iyo in aysan suurogal aheyn in la kala
maqnaado waxaa muhiim noqotay in laisku yimaado.”