Soomaaliya oo sheegtay in Beled Xaawo lagu soo qaaday duullaan la doonayay in lagu qabsado

Tebinta tooska ah

Tebin toos ah

  1. Biyo la'aan ka jirta deegaan ka tirsan Mandheera

    Biyo la'aan ba'an ayaa laga soo sheegaya deegaanka Kubin oo hoostaga ismaamulka Mandheera ee Waqooyi Bari Kenya.

    Dadka reer guuraaga ah ee deegaankaas ayaa ka cabanaya biyo la'aan ay sheegeen in ay haysato muddo sanooyin ah hase ahaatee ay haatan ugu daran tahay kaddib markii ay barkadihii ay ka cabbi jireen ka burbureen waxa kaliya ee ay haystaan ay tahay biyo dadka aanu cabbi karin xoolaha mooyee.

    Xareed Sheekh Cismaan Cabdullahi, waa mid kamid ah dadka deegaanka oo BBC-da la soo xiriiray. Wuxuu ka warramayaa waxa ay ka cabanayaan.

    Qoraalka Codka, Biyo la'aan ka jirta deegaanka Kubin
  2. Tababaraha Chelsea oo shaqada laga ceyriyay

    Frank Lampard

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Frank Lampard

    Kooxda Chelsea ayaa shaqada ka ceyrisay Frank Lampard oo muddo 18 bilood ah tababare ka ahaa kooxdaas.

    Lampard oo 42 jir ah ayaa kooxda kaga tegay lambarka sagaalaad ee shaxda ciyaaraha horyaalka Ingiriiska kaddib guuldarradii toddobaadkii lasoo dhaafay ay Chelsea kala kulantay Leicester.

    Lampard ciyaartiisii ugu dambeysay ee kooxda waxay aheyd ciyaartii Axaddii dhexmartay Lution Town iyo Chelsea taas oo ay ku badisay Chelsea 3-1.

  3. Ilaa iyo hadda maxaan ka ognahay dagaalka Beledxaawo?

    • Waxaa hadda degen xaaladda magaalada iyadoo dagaalka uu istaagay duhurnimadii.
    • Ugu yaraan 11 qof oo 8 kamid ah ay yihiin caruur ayaa ku dhintay 24 kalena way ku dhaawacmeen.
    • Dagaalka culus ee ciidamada dawladda iyo kuwa Jubaland ku dhexmaray degmada Beledxaawo ayaa bilowday saqdii dhexe ee xaley.
    • Dowladda oo sheegtay inay la wareegtay gacan ku heynta magaalada.
    • Jubaland waxay dhinaceeda sheegtay in ciidamadooda weerarka lagu soo qaaday isla markaana ay iska caabiyeen.
  4. Boqorada basaanimada ee Kenya

  5. Soomaaliya oo sheegtay in Beledxaawo lagu soo qaaday duullaan la doonayay in lagu qabsado

    Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cusmaan Abuukar Dubbe

    Xigashada Sawirka, OPM SOMALIA

    Qoraalka sawirka, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cusmaan Abuukar Dubbe

    Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in guulo ay ka gaartay dagaalka ka socda Beledxaawo isla markaana ay ka adkaatay ‘ciidamadii weerarka kusoo qaaday magaalada’.

    Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ciidamada Kenya ku eedeeyay inay ku lug lahaayeen ‘duullaan la doonayay in lagu qabsado magaalada Beledxaawo’.

    “Ciidamo ka tirsan dowladda Kenya iyo jabhaddii fallaagada aheyd ee baryahanba ay hoosta ku heysatay ay taakuleyneysay..oo wada socda ayaa xudduudda kasoo tallaabay, bartilmaameedku wuxuu ahaa magaalada istaraatiijiga ah ee muhiimka ah ee Beledxaawo, duullaankii ay soo qaadeen waxay ugu talagaleen inay ku qabsadaan magaalada Beledxaawo iyo gobolka Gedo” ayuu yiri wasiirka warfaafinta oo shir ja’raaid ku qabtay Muqdisho.

    Dhanka kale, Jubaland ayaa sheegtay in "ciidamadooda weerarka lagu soo qaaday ka dibna ay iska caabiyeen".

    Ilaa hadda ma jiro war kasoo baxay dhinaca Kenya oo ku saabsan eedeymaha loo jeediyay.

  6. Diblumaasi sare oo u dhashay Kuuriyada Waqooyi oo u baxsaday Kuuriyada Koonfureed

    Ammaanka xadka Kuuriyada Waqooyi ayaa si weyn loo adkeeyay

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ammaanka xadka Kuuriyada Waqooyi ayaa si weyn loo adkeeyay

    Diblumaasi sare oo u dhashay Kuuriyada Waqooyi ayaa u baxsaday dhinaca Kuuriyada Koonfureed, sida ay ku warrantay warbaahinta dalkaas.

    Ryu Hyun-woo oo ahaa kusimaha safiirka Kuuriyada Waqooyi ee Kuwait ayaa la rumeysan yahay in uu la baxsaday qoyskiisa bishii September ee sanadkii 2019-kii, sida ay ku warrantay warbaahinta Maeil business daily.

    Wararka waxay sheegayaan in sababta uu baxsaday ay tahay sidii uu nolol wanaagsan ugu raadin lahaa carruurtiisa.

    Saraakiisha Kuuriyada Koofureed waxay diideen inay ka hadlaan warka ku saabsan sarkaalkaas.

    Waxaa dhif iyo naadir ah in sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Kuuriyada Waqooyi uu kasoo baxsado dalkaas inkasta oo 1,000 qof sanad kasta ay ka cararaan halkaas.

  7. Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Beled Xaawo

    Gawaarida dagaalka ee ciidanka Jubaland oo dhexmaraya Mandhera (Sawir hore)

    Xigashada Sawirka, DAILY NATION

    Qoraalka sawirka, Gawaarida dagaalka ee ciidanka Jubaland oo dhexmarayay Mandheera (Sawir hore)

    Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay dagaal culus oo ka socda degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo, sida laga soo xigtay goobjoogayaal.

    Madfac ku dhacay guri ku yaala Beled Xaawo waxaa ku dhintay shan caruura oo walaalo ah iyadoo hooyadoodna ay ku dhaawacantay, sida uu BBC-da u sheegay sarkaal caafimaad.

    Madfac kale oo ku dhacay guri ayaa isna waxa ku dhintay saddex caruura.

    Sidoo kale, dadka dagaalka ku dhintay waxa kamid ah taliye ku xigeenkii booliska Beledxaawo iyo labo illaalladiisa ah.

    Ugu yaraan 14 qof oo dhaawac ah ayaa la dhigay isbitaalka Beledxaawo, sida uu BBC-da u sheegay Dr Maxamuud Goomey.

    Inkastoo xoogaa dagaalku istaagay haddana ciidamada dagaalamaya ayaa isku horfadhiya bartamaha magaalada, waxana mararka qaar la maqlayaa hub culus.

    Dagaalka Beledxaawo ayaa dhexmaraya ciidamada dawladda federaalka oo horey gacanta ugu hayay magaalada iyo ciidamo taabacsan wasiirka amniga ee Jubaland Cabdirashiid Janan oo xalay duulaan ku soo qaaday Beledxaawo.

  8. Xafiiska Abiy Axmed oo ka digay ‘wararka been abuurka ah’ ee ku saabsan xaaladdiisa caafimaad

    War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa shacabka dalkaas looga digay 'wararka been abuurka ah' ee laisla dhexmarayo baraha bulshada ee ku saabsan xaaladda caafimaad ee Abiy Axmed.

    “Waxaan ka codsaneynaa shacabka inay ka feejignaadaan wararka been abuurka ah ee laisla dhexmarayo baraha bulshada ee ku saabsan xaaladda caafimaad ee Abiy Axmed” ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta Facebook.

  9. Khasaare ka dhashay dagaal ciidamada dowladda iyo Al Shabaab ku dhexmaray Bacaadweyne

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Wararka laga helayo deegaanka Bacaadweyne ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in shalay gabal dhiciiuu halkaasi dagaal ka dhacay kaa soo u dhaxeeyay Al shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya dadka deegaanka .

    Waxaa jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhawaac oo labada dhinac soo gaaray.

    Wasaaradda amniga Galmudug ayaa war ay barteeda facebook-ga ku daabacayayay ku sheegtay in ciidamada dowladda kuwa mamaulka Galmudug iyo ciidamada deegaanka ay Al-shababa khasaare gaarsiiyeen.

    Guddoomiyaha deegaanka Bacaad weynAxmed Daahir ayaa BBC-da u sheegay in labada dhinac uu khasaare ka soo gaaray dagaalka.

    “Xagooda dad fara badan ayaa ka dhintay kana dhaawacmay, anagu xageena 8 qof ayaa dhimatay, toban iyo dhowr qofna waa dhaawac” ayuu yiri Axmed Daahir.

    Deegaanka Bacaadweyne dhowr jeer oo hore ayaa sidan oo kale dagaallo khasaare gaystay uga dhaceen.

  10. Asalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Isniin ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.