Muqdisho: Tartan kubadda ah oo markii ugu horreysay loogu qabtay dadka aragga naafada ka ah
Magaalada Muqdisho waxa markii ugu horreysay tartan kubada Goalball ka ah loo qabtay lix kooxood oo ay u ciyaarayaan ugu yaraantii 30 ciyaartoy oo araga la' ama araga naafada ka ah.
Waa tartankii ugu horreeyay ee noociisa ah ee loo qabto dhalinyarada araga naafada ka ah, waxayna si weyn u soo jiidatay dadweyne faro badan oo galab kasta u soo daawasho taga ciyaarahaasi, qaarkoodna waxay ka daawadaan tabinta tooska ah ee teleefishinada maxaliga ah.
Dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaan helin adeegyadii ay u baahnaayeen iyo ciyaarihii ay hibadooda ku soo bandhigi lahaayeen taasoo ku keenta inay guryaha iska joogaan, haseyeeshee, tartankan kubadda shanqarta ayaa niyadooda kor u qaaday oo keentay inay markooda farxaan.
Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa ka warramayaa.





