Maxay dowladda Kenya ka tiri in Shabaab qeybo kamid ah Mandheera maamusho?

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Jaamacad ma ka baran lahayd cunto karinta?

  2. War deg deg ah, Museveni oo mar kale ku guuleystay doorashada madaxtinimada

    Guddiga doorashada Uganda ayaa ku dhawaaqay in mar kale madaxweyne Yoweri Museveni uu ku guuleystay doorashada madaxtinimada taas oo sii dheereyneyso xukunkiisa 35 sano.

    Yoweri Museveni wuxuu helay boqolkiiba 58.64 codadkii la dhiibtay halka sida weyn ula tartamayayRobert Kyagulanyi oo loo yaqaano Bobi Wine ayaa helay boqolkiiba 34.83.

  3. Maxay dowladda Kenya ka tiri in Shabaab qeybo kamid ah Mandheera maamusho?

    Wasaaradda arrimaha gudaha ee Kenya ayaa ku gacan seyrtay hadal kasoo baxay barasaabka Mandheera oo ahaa in ururka Al Shabaab ay inta badan boqolkiiba 50 maamulaan waddooyinka deegaankaas.

    Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaantay hadalka Cali Rooba “Inkasta oo ay caqabado jiraan taas ugu wacan marinnada Al Shabaab ee xuduudka, Mandheera gebi ahaanba ma ahaan meel uu cadowga joogo si ka duwan hadalka Cali Rooba”

    Kenya waxay sidoo kale sheegtay in dowladda ay ka shaqeysay xoojinta iyo horumarinta arrimaha amniga ee gobolkaas.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  4. Britain oo tababar u fidisay qaar kamid ah ciidamada lugta ee Soomaaliya

    Ciidamada tababarka dhameystay

    Xigashada Sawirka, UK Government

    Qoraalka sawirka, Ciidamada tababarka dhameystay

    Ciidamada Britain ayaa tababar u fidiyay cutubka 500-aad ee ciidamada lugta ee Soomaaliya kaddib markii xaflada qalin jebin ah saraakiishan loogu qabtay magaalada Baydhabo 31-dii bishii Disembar, sida ay sheegtay dowladda Britain.

    "Ciidamada Britain ayaa tababar u fidiyay cutubka 500-aad ciidamada lugta ee Soomaaliya kuwaas oo siiyay xirfado ay kula dagaallamaan kooxaha hubeysan si loo xaqiijiyo amniga iyo xasiloonida dalka" sida ay sheegtay dowladda UK.

    "Kooxdii ugu dambeysay ee ka tirsan cutubkan oo gaareyso 113 ciidan ayaa tababarkan dhameystay kaddib munaasabad lagu qabtay Baydhabo 31-dii bishii Disembar"

    Ingiriiska wuxuu kharash ku bixinayay xarunta tababarka ciidamada ammaanka Soomaaliya oo sanadkii 2019-kii laga hirgeliyay magaalada Baydhabo, waxaana xaruntaas lagu tababarayay ciidamada dowladda.

  5. Cabdicasiis Laftagareen: "Xudur waxaa ku cusub dhaqdhaqaaqii ganacsiga oo ka xirmay"

    Madaxweyne Cabdicaziiz Laftagareen

    Xigashada Sawirka, Madaxweyne Cabdicaziiz Laftagareen

    Qoraalka sawirka, Madaxweyne Cabdicaziiz Laftagareen

    Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta ku wajahan magaalada Xudur si uu usoo indho indheeyo xaaladda banii'aadanimo ee ka jirto halkaas.

    "Degmada Xudur 18-ka degmo oo Koonfur galbeed, waa degmadii aan ugu tegista iyo shaqada badneyd haddana waxaan u soconaa daruufahan cusub oo kusoo kordhay oo muddadan aan ka shaqeyneynay oo ah xiritaanka jidkii ay badeecadaha usoo marayeen ay culus kale soo saareen Al Shabaab" ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen oo BBC-da u warramayay.

    Wuxuu intaas ku daray in shacabka ku nool ay la daalaa dhacaayan dhibaatooyin dhanka nolosha maadama ay xiran yihiin waddooyinka gala halkaas taasina ay horseeday in uu xirmo ganacsiga.

    "Xudur waxaa ku cusub dhaqdhaqaaqii ganacsiga oo ka xirmay ..waa arrimo Shabaabka ay ku cunaqabateynayaan umadda degmada Xudur"

    Magaalada Xudur ee gobolka Bakool, waxaa lagu soo warramayaa in maciishadu ay cirka isku shareertay, isla markaana laga cabsi qabo xaalad cunto yari ah sida ay BBC-da u sheegtay hay'adda Action against hunger oo deegaankaasi ka hawlgasha.

    Magaalada ayaa ku jirtay go'doomin ay ku hayeen kooxda Al Shabaab iyadoo dadka deegaanku ka bannaanbaxeen dhibaatadooyinkaas.

  6. Doorashada Uganda 2021: Guddiga doorashada oo la filayo in uu shaaciyo natiijada doorashada

    Madaxweyne wuxuu sheegay in uu ka shaqeynayo xasiloonida

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Madaxweyne wuxuu sheegay in uu ka shaqeynayo xasiloonida

    Waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in guddiga doorashooyinka Uganda ay shaaciyaan cidda ku guuleysta doorashada Khamiistii ka dhacday dalkaas.

    Ku dhawaad saddex meelood labo codadkii la dhiibtay ayaa la tiriyay, madaxweyne Yoweri Museveni ayaa ku horreeya codadka la tiriyay oo wuxuu helay boqolkiiba 62 halka Bobi Wine uu heysto boqolkiiba 30, sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka.

    Halka ninka ay is hayaan Robert Kyagulanyi, oo loo yaqaanno Bobi Wine uu sheegay in doorashada lagu shubtay, eedeymahaas oo ay iska fogeeyeen guddiga doorashooyinka.

    Afhayeen u hadlay guddiga doorashada oo lagu magacaabo Don Wanyama wuxuu sheegay in aysan jirin caddeymo muujinaya in wax isdabamarin ay dhaceen.

    Bobi Wine wuxuu dhankiisa sheegay in uu matalayo dhalinyarada
    Qoraalka sawirka, Bobi Wine wuxuu dhankiisa sheegay in uu matalayo dhalinyarada
  7. Jabuuti oo cambaareysay weerar lagu qaaday saldhig ciidan

    Gobolka Tajuura ee Jabuuti

    Xigashada Sawirka, Maxamuud Cismaan Bulxan

    Qoraalka sawirka, Gobolka Tajuura ee Jabuuti

    Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Jabuuti ayaa cambaareysay weerar habeen hore lagu qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla gobolka Tajuura.

    Dowladda waxay sheegtay in xasiloonida gobolkaas dib loo soo celiyay isla markaana uu socdo baaritaan ku aadan dhacdadaas ayna wadaan howlgalo lagu baadigoobayo kuwii weerarka geystay.

    Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada janda-maariiga ayaa ku dhintay weerarka lagu qaaday saldhigga ciidamada ee Tajuura.

    Weerarka ayaa yimid kaddib markii koox hubeysan ay rasaas ku furtay ciidamadii joogay saldhigga.

    Arrintaa oo sababtay in ciidamaduna ay rasaas ku jawaabaan. Ilaa iyo haatan lama sheegin ujeedada weerarkaasi iyo cidda leh mas’uuliyadda.

  8. Shirka looga hadlayo horumarinta geela oo Jigjiga lagu qabtay

    Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida waxaa ka furmay kulan ku looga hadlayo dhaqashada iyo horumarinta Iyo kheyraadka geela.

    Ujeedada kulanka loo qabtay ayaa ah sidii looga faai’deysan lahaa manaafacaadka geela oo ah mid deegaanada soomaalida caan ku yihiin, waxaa sidoo kale diiradda lagu saarayaa dhisidda xarun cusub oo loogu talo galay kheyraadka Geela.

    Cali baashi Daahir Cabdi oo ah iskuduwaha guud ee xarunta geela heer federal iyo heer gobol ayaa BBC-da uga warramay waxyaabaha lagu soo hadal qaaday kulankaas.

    Qoraalka Codka, Geela Soomaalida
  9. Asalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Sabti ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.