You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Faransiiska oo qaadaya tallaabo aan horey loo arag oo ka dhan ah masaajidda

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Tiro kamid ah ciidamada Mozambique 'oo lagu dilay weerar gaadmo ah'

    Weerar gaadmo ah oo ay maleeshiyaad islaamiyiin ah ku qaadeen ciidamada Mozambique waxaa kaga dhintay 25 askari halka 15 kalena ay ku dhaawacmeen kaddib markii maleeshiyaadka ay weerar ku qaadeen tuulada Matambalale oo ku taalla degmada Muidumbe.

    Markii weerarka lagu qaadayay ciidamada waxay howlgal ka sameynayeen gobolka, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

    Ciidamadan ayaa gobolka loo geeyay inay sugaan amniga kaddib markii toddobaadkii lasoo dhafaay weerar lagu qaaday halkaas isla markaana dab la qabadsiiyay guryo badan, dilna loo geystay qaar kamid ah dadka deegaanka.

    Ciidamada Mozambique weli kama aysan hadlin weerarka.

    Saddex sano oo ay colaad ka taagneyd gobolka Cabo Delgado waxaa ku dhintay 2,000 qof halka 500,000 qof ay guryahooda ka qaxeen, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta dalkaas.

  2. Muxuu dalkan Afrika ku yaalla isaga xaraashaya maroodigiisa?

    Saameynta ka dhalatay abaaraha iyo dagaalka banii'aadanka uu kula jiro duur joogta ayaa ku khasbay dowladda Namibia inay xaraashto ilaa 170 maroodi oo qiimahoodu sarreeyo.

    "Dhibaatada ka dhalatay abaarta iyo tirada maroodiga sare u sii kacayo xilli ay soo badanayaan weerarada banii'aadanka uu ku hayo maroodiga, waxaa soo ifbaxday baahida ah in la yareeyo tiradiisa" ayaa lagu yiri xayeeysiin lagu baahiyay wargeyska ay leedahay dowladda ee New Era.

    Wasaaradda deegaanka ayaa ku casuuntay shirkadaha daneynayo arrintani inay raacaan shuruudo gaar ah oo ay kamid tahay xeerka caalamiga ah iyo inay heystaan ogolaansho ah in xayawaanka loo dhoofin karo meesha laga doonayo.

    Waxaana loo qabtay cidda daneyneyso maroodiga in codsigooda ay kusoo gudbiyaan ilaa 29-ka bisha Jannaayo.

    Sanadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii dowladda Namibia ay fasaxday in la xaraasho 1,000 kamid ah xayawaanada duur joogta cabsi laga qabo darteed inay dhintaan xilli abaaro baahsan saameeyeen isla markaana aysan jirin nabaad ay cunaan.

    Waxaana xayawaanadaas kamid ahaa , Maroodiga, Geriga, Gisida iyo deerada, qorshahaas oo looga gollahaa in lagu helo lacag gaareyso 1.1 malyan si deegaanka iyo duurjoogta loogu ilaaliyo.

  3. Xaaladda dadka naafada ah ee ku soo barakacay magaalada Muqdisho

    Sannadwalba maanta oo kale waxaa dunida laga xusaa Maalinta Caalamiga ah ee Naafada, si dadka naafada ah loogu dhiirrigeliyo inay bulshada si buuxdo u dhex galaan ugana mid noqdaan, wax loo qabto oo laga caawiyo si ay u gaaraan horumarka ay mudan yihiin.

    Soomaaliya waxa jira dad badan oo araga naafo ka ah oo deegaanno kala duwan ka soo barakacay oo ku nool magaalada Muqdisho, kuwaas oo caawinaad oo ay helaan iska daayee waxa ay faquuq ayey bulshada kala kulmaan.

    Haddaba duruufaha ay ku noolyihiin dadkaas araga naafada ah ee soo barakacay waxaa u kuurgashay oo warbixintan magaalada Muqdisho inooga soo dirtay weriyaha BBCda Bella Sheegow.

  4. Faransiiska oo qaadaya tallaabo aan horey loo arag oo ka dhan ah masaajidda

    Dowladda Faransiiska ayaa qaadeysaa tallaabo aan horey loo arag oo ka dhan ah masaajidda looga shakiya inay dhiirigelinayaan fikradaha xagjirka ah.

    Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska Gerald Darmanin ayaa sheegay in 76 masaajid la beegsan doono maalmaha nagu soo aadan, waxaa dhici kartaa in qaar kamid ah masaajiddaas la xiro.

    Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa shaaca ka qaaday shaaca kaga qaaday qorshe uu ku doonayo inuu ku meel mariyo sharci adag oo uu sheegay inuu ku xakameynayo waxa uu ugu yeeray "Muslimiinta gooni u goosadka ah" si uu u difaaco mabaadiida cilmaaniga.

    Golaha Muslimiinta Faransiiska ayaa lagu waday inay toddobaadkan dhexdiisa la kulmaan Madaxweyne Emmanuel Macron, si ay ugala hadlaan qoraal ku qoran "axdiga qiyamka Jamhuuriyadda" ee cusub kaas oo loogu talo galay inay saxiixaan imaamyada dalkaas.

    Golaha (CFCM), oo wakiil ka ah ilaa sagaal ururro Muslimiin ah, ayaa la sheegay in laga dalbaday inay qoraalka axdiga ku daraan aqoonsashada qiyamka Jamhuuriyadda Faransiiska, diidmada in Islaamka loo adeegsado dhaqdhaqaaq siyaasadeed iyo in la mamnuuco faragelin shisheeye.

  5. Puntland: Xildhibaanno xasaanadda lagala noqday

    Baarlamaanka Puntland ayaa ayaa xasaanadda kala noqday xildhibaano lagu eedeeyay inay jebiyeen xeer hoosaadka iyo anshaxa golaha wakiilada.

    xildhibaanada xilka laga qaaday waxaa kamid ah, Cabdi Jamaal Cismaan, Cabdiqani Abshir Jaamac,

    Muuse Saciid Jajabsay, Cabdicaziiz Saciid Maxamuud, Maxamuud Maxamed Barre, Saleebaan Faarax, Cabdiraxmaan Dhoore, Maxamed Axmed caalin.

    Waxaa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay baarlamaanka Puntland ka taagnaa buuq iyo qalalaaso.

  6. Jilaaga caanka ah ee Sunny Deol oo laga helay Covid-19

    Jilaaga caanka ah ee shirkadda filimada Bollywood, ahna xildhibaanka baarlamaanka ee ka tirsan xisbiga BJP, Sunny Deol, ayaa laga helay cudurka Covid-19, sida uu sheegay xoghayaha caafimaadka ee gobolkaHimachal Pradesh, sida ay ku warrantay warbaahinta Hindustan.

    Xoghayaha caafimaadka ee gobolka ayaa warbaahinta PTI u sheegay in jilaaga iyo saaxiibadiisa ay qorsheynayeen inay aadaan magaalada Mumbai balse markii la baaray waxaa lagu arkay cudurka.

  7. Waa kuma agaasimihii hore ee NISA oo maanta xildhibaannimo loo doortay?