You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Soomaaliya: "Kenya waxay faragelin joogta ku heysaa Jubaland"

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Maxay waddadan Hargeysa ku taal uga shilal badan tahay waddooyinka kale?

  2. Maxey salka ku haysaa booqashada ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ee dalka Serbia?

  3. Maxay tahay dhibaatada caafimaad ee Taabuuga oo shixnad ka mid ah ay dawladda Soomaaliya gubtay

  4. Abiy Axmed oo sheegay in ay dhawaan Badda Cas gaadhi doonaan

  5. Dhowr waxyaabood oo aadan ka ogayn Safwaan Halac oo ku geeriyooday Hargeysa

  6. Dhageyso: Xabaal-wadareed laga helay gobolka Jarar iyo dadka qaar oo la aqoonsaday

  7. Afartan iyo kow sano kadib: Halkee bay ku socotaa jabhada faca weyn ee ONLF

  8. Soomaaliya: 'Booqashadii wafdiga Imaaraatka xiriir lama lahayn mid kale'

  9. Muniira Xaashi: Sida ay gabadhan Soomaaliyeed u doonayso in ay u beddesho bulshadeeda

  10. Muxuu dhiig-karku ugu dhacaa hooyooyinka Soomaaliyeed xiliga dhalmada?

  11. Ciidamada Mareykanka oo soo Gebagabeeyay hawlgal ka dhan ah ISIS-ta Soomaaliya

  12. Jigjiga oo laga fuliyay adeeg caafimaad oo aad loogu baahnaa

  13. Tusmada nabadda adduunka iyo Soomaaliya oo gashay kaalimaha ugu liita

  14. Maxay fallanqeeyayaashu ka yiraahdeen saamaynta ay ku yeellanayso madasha xubnaha ka baxay maxayse dowladda ugu dhigan tahay?

  15. Sidee u dhacday doorshada guddoonka maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya?

  16. Safiirkii hore ee Mareykanka u fadhiyay Soomaaliya oo sheegay sababta aysan Shabab u gaarin Puntland iyo Somaliland

  17. Laba qoddob oo Rooble ku soo hadal qaaday shirkiisa jaraa'id iyo sida ay u aragto dowladda Soomaaliya

  18. Saynisyahanno ogaaday noocyo geri jaadgooni ah mid kamidana Soomaaliya laga helo

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, Saxafi BBC, Somali

    Qiimayn cusub oo taariikhi ah ayaa si rasmi ah u aqoonsatay afar nooc oo geri ah, taas oo meesha ka saartay kala saarista naasleyda dhulka ugu dheer adduunka oo loo haystay markii hore in ay tahay ah hal nooc. Dib-u-eegistii kala saarista ay fulisay Ururka Caalamiga ah ee Ilaalinta Deegaanka ayaa la qiimeeyay xogta hidda-socodka taasoo muujisay fariga weyn ee DNA-da ee u dhexeeya dhowr nooc oo geri ah. Khubaradu waxay sheegeen in natiijooyinkan - oo daba socda daraasado hore oo la mid ah - ay caawin doonaan dadaallada ilaalinta geriga ee gobollada Afrika ee ay ku nool yihiin.

    Gerigu waa mid ka mid ah abuurenayaasha Eebbe ee dunida ugu jaadgoonisan aduunka aadna loo jecel yahay, had iyo jeerna loo maleeyo inuu yahay hal nooc. Laakiin hadda saynisyahano ka tirsan Ururka Caalamiga ah ee Ilaalinta Deegaanka ayaa sheegaya in aan soo dhaweyn karno saddex nooc oo kale oo naasley ah oo adduunka ugu dheer.

    Ma ahan markii ugu horeysay ee cilmi-baarayaashu ay soo jeediyaan in ay jiraan afar nooc oo ka mid ah kuwan caanka ah ee ku dul wareegaya meeraheena, laakiin qiimeyntii ugu dambeysay ayaa ku dhejisay shaambad rasmi ah.

    Sidee saynisyahannadu u soo saareen? Maxayse uga dhigan tahay mustaqbalka xayawaanka?

    Saynis yahanadu waxay isbarbardhigeen xajmiga madaxa iyo qaabka madaxa geriyada kala duwan waxayna ku soo gabagabeeyeen in ay jirto kala duwanaansho hiddeside oo ugu filan afar kooxood in loo tixgeliyo noocyo kala duwan.

    Cilmi-baadhayaashu waxay eegeen sifooyinka dabiiciga ah ee Afrika oo dhan sida saxaraha, webiyada iyo dooxooyinka kuwaas oo kala saari kara xayawaanka waagii hore, taas oo macnaheedu yahay inay si gooni ah u kala duwan yihiin midba midka kale.

  19. 'Garsoorihiii ugu fiicnaa dunida' iyo xiriirkii kala dhaxeeyay Soomaalida

  20. Puntland oo ka jawaabtay eedeyn la xiriirta ganacsi sharci darro ah oo wali ka socda deegaanadaas