Xiisad ka taagan xadka Itoobiya iyo Kenya

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Maxay tahay sababta uu madaxweynaha Kenya isaga uu xiray boggiisa Twitter-ka?

    Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta

    Madaxweynaha Kenyatta Uhuru Kenyatta ayaa iska xiray boggiisa Twitter-ka kaddib markii uu kala kulmay aflagaadeyn.

    Mr Kenyatta wuxuu sheegay in uu ka carooday aflagaadeynta uu kala kulmay Twitter-ka taasina ay u horseeday hurddo la'aan.

    "Waxaa ii dhaantaa aniga oo la shekeysta qoyskeyga oo aan helo hurddo fiicaan si aan xilli hore usoo kaco" ayuu yiri madaxweynaha.

    Bogga Twitter-ka madaxweynaha Kenya waxaa ku xirnaa in ka badan 3 malyan oo qof, haatan waa la xiray boggaas, waxaana lagu wareejiyay Aqalka Madaxtooyda.

    Kooxda warfaafinta u qaabilsan madaxweynaha ma aysan shaacin sababta uu madaxweynaha isaga xiray boggiisa.

  2. Xiisad ka taagan xadka Itoobiya iyo Kenya

    Magaalada Mooyaale
    Qoraalka sawirka, Magaalada Mooyaale

    Ugu 10 qof oo u dhashay Kenya ayaa xiray, waxaana loo kaxeystay dhinaca Itoobiya xilli ay xisaad ka taagan tahay xadka labada dal.

    Shacabka ku nool magaalada Mooyaale ee Kenya ayaa sheegay in ciidamo Itoobiyaan ah oo hubeysan ay kasoo tallaabeen xadka isla markaana ay gudaha usoo galeen dhinaca Kenya iyagoo ku raad joogo koox dhalinyaro ah.

    Ciidamada Itoobiya waxay sheegeen in dhalinyaradan ay gabaad siiyeen xubno ka tirsanaa koox la yiraahdo OLF Shane kuwaas oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen weeraro is xig xigay oo ka dhacay galbeedka iyo koonfurta Itoobiya.

    Dadka deegaanka ayaa ciidamada Kenya ku eedeeyay inay daawanayeen markii ciidamada Itoobiya ay dhalinyarada ka dhex qabanayeen gudaha Kenya.

    Kenya iyo dowladda kama aysan hadlin arrintani.

    Militeriga Itoobiya ayaa haatan wadaa howlgallo ka wadaa koonfurta iyo waqooyiga Itoobiya kaas oo looga soo horjeedo kooxda OLF Shane, waxaana in maalmihii lasoo dhaafay uu dagaal culus ka dhacay deegaanada xadka xadka.

    Horraantii bishan ayay aheyd markii, koox hubeysneyd oo ka tirsaneyd ururka OLF Shane ay 60 qof dileen halka ay dab qabadsiiyeen ilaa 20 guri oo ku yaalla deegaanno dhaca galbeedka Itoobiya.

    Kooxda OLF Shane waxay horey uga tirsaneyd jabhadda Xoreynta Oromada ee OLF, taas oo heshiis nabadeed la gashay dowladda markii uu xilka qabtay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed.

  3. War deg deg ah, Qarax lala eegtay ciidamada "Harmacad"

    Warrarka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in miino la dhigay wadada dhinaceeda jidka u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye uu ku qarxay gaari ay leeyihiin ciidanka booliska Soomaaliya gaar ahaan kuwa gaarka ah ee Haramcad.

    Illo ku dhawdhaw booliska ayaa BBC-da u sheegay in saddex askari ay ku dhaawacmeen qaraxa isla markaana uu burbur soo gaaray gaarigii ay ciidanku wateen.

    Ciidankan ayaa maalin kasta roondo ka sameeyaa waddada iyagoo ilaalo ka haya shaqaallaha shirkad Turki ah oo dhisaysa laamiga u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye.

    Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxan waxase aalaaba qaraxyada waddooyinka hareerahooda la dhigo ee lagu weeraro ciidamada dawladda sheegta ururka Al-Shabaab.

  4. Dad ku dhintay dagaal ka dhacay tuulada Garbo-Ciise

    Ugu yaraan seddex qof ayaa lagu dilaay laba kalana waa lagu dhaawacay dagaal tuulada Garbo-Ciise ku dhex maray Soomaalida iyo Cafarta.

    Qaar ka mid ah odayaasha deegaanka Garbo ciise oo BBC la soo xiriiray waxay sheegeen dagaalka shalay billowday inuu ilaa iyo xalay socday.

    Tuulada Garbo-Ciise oo hos timaadda degmada Afdam ee gobolka Siti ee deegaanka Soomaalida labadi sano ee ugu dambeeyey dagaal ay dad badan ku dhinteen ayaa ku dhex marayey Soomaalida iyo Cafarta.

    BBC waxay isku dayday iney xog dheeraad ah ka hesho hogaanka nabadgalyada deegaanka soomaalida iyo xafiiska warfaafinta balse uma suuragelin.

    Mid ka mid ah odayaasha Deegaanka ayaa BBC uga warramay sida ay wax u dhaceen.

    Qoraalka Codka, Garbo-Ciise
  5. Duufaanta Gati: Kumanaan ka qaxday xeebaha Puntland

    Xafiiska Qaramada Midoobey ee arrimaha banii'aadanimada ayaa sheegay 42,000 qof ay ka qaxeen duufaantii roobabka iyo dabeylaha wadatay ee dhawaan ku dhufatay xeebaha Puntland.

    Ha'yaddda waxay sheegtay in duufaanta Gati ay khasaare ka geysatay gobolka xilli ay xirmeen waddooyinka taasina ay adkeysay in gargaar la gaarsiiyo dad ay saameeyeen fatahaadaha.

    Xafiiska wuxuu sheegay in maamulka Puntland uu ku qiyaasay 180,000 qof inay saameysay duufaanta.

    Roobabka mahiigaanka ah ee ka da'ay magaalada Boosaaso ayaa waxay saamayn ku yeesheen isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha iyo sida oo kale nolosha caadiga ah ee dadka deggan magaaladaas.

    Roobabkan ayaa ku soo beegmaya xilli meel badan oo xeebaha Puntland ay ku dhufatay duufaanta Gati, oo keentay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed.

    .
  6. Abiy Axmed oo farriin adag u diray beesha caalamka

    Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed

    Itoobiya waxay ugu baaqday beesha caalamka in aysan isku dayin "Tallaabooyin aanan lasoo dhaweeynin oo ah falal sharci darro ah oo ku saabsan faragelinta xaaladda" xilli uu isa soo tarayo cadaadis caalami ah oo ku saabsan xabad joojin si gargaar banii'aadanimo loo gaarsiiyo shacabka ku nool Tigray oo muddo saddex toddobaad ah lagu dul dagaallamayo.

    Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ka codsaday beesha caalamka inay u diyaargaroobaan in xaaladda ay faraha lasoo galaan tan iyo inta xukuumadda ay ko codsaneyso in laga caawiyo qalalaasaha haatan ka taagan gobolka Tigray.

    Abiy wuxuu sheegay in dalkiisa "uu diiday in lasoo farageliyo arrimaha gudaha" kana codsaday beesha caalamka "Inay qaddariyaan mabaa'diida aasaasiga ah ee dhigayo in la sameyn wax faragelin ah sida ku xusan xeerarka caalamiga ah"

    Ra'iisul Wasaaraha wuxuu sheegay in uu soo dhaweynayo walaac beesha caalamka ay ka muujinayaan xaaladda.

    "Waxaan carabka ku adkeynayaa in Itoobiya ay leedahay awood isla markaana ay ku rajo weyn tahay inay xaliso xaaladda iyadoo loo marayo sharciga iyo xeerarka caalamiga ah" ayaa lagu bayaan kasoo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.

    .
  7. Goormaa se kuugu danbaysay maqlida laxan qaraami ah oo cusub?

  8. Shirka musharraxinta mucaaradka Soomaaliya oo lagu wado in maanta lasoo gabagabeeyo

    .

    Xigashada Sawirka, ABDIRAHMAN ABDISHAKU/FACEBOOK

    Waxaa maalmihii u danbeeyey kulan ugu socday Magaalada Muqdisho qaar ka mid mushariixiinta mucaaradka ah ee doorashada madaxtinnimada ee Soomaaliya.

    Kulankaas oo ay sheegeen in ay kaga arrinsanayaan doorkooda ku aaddan doorashada dalka gelayo iyo walaacyo ay sheegeen in ay ka qabaan guddiyada doorashada e la magacaabay.

    Shirkan oo galay maalinkiisii afraad ayaa waxay sheegeen in ay la kulmeen qaybaha kala duwan ee bulshada iyo beesha Caalamka iyo guddoomiyaasha labada aqal ee soomaaliya, lana wadaageen shakigooda ku aaddan habka doorasho ee dalku gelayo.

    Haddaba shirkaas oo la filayo in uu maanta soo gebagabooba wixii ka soo kordha waxaad kala socon doontaan bogga BBC Somali iyo idaacadaheena danbe.

  9. Ciidamada Itoobiya oo sheegay inay ku hareereysan yihiin caasimadda Tigray

    Kumanaan kun oo qof ayaa ka qaxay Tigray kuwaas oo gaaray dhinaca Suudaan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Kumanaan kun oo qof ayaa ka qaxay Tigray kuwaas oo gaaray dhinaca Suudaan

    Waxaan maanta ku eg saddexdii maalmood ay dowladda Itoobiya u qabatay inay isku soo dhiibaan ciidamada Tigray xilli uu weli dagaal ka socda gobolka.

    Ciidamada Itoobiya ayaa sheegay inay ku hareereysan yihiin caasimadda Mekelle isla markaana ay isku diyaarinayaan sidii ay weerar ugu qaadi lahaayeen halkaas.

    Madaxda TPLF waxay ku gacan seyrtay wakhtiga loo qabtay, waxay sheegeen in taageerayashooda ay diyaar u yihiin inay dhintaan iyagoo difaacayo dhulkooda.

    Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa sheegay in si weyn uu uga walaacsan yahay xaaladda gobolka Tigray.

    Dowladda Itoobiya waxay diiday baaqyo caalami ah oo ku saabsan in wadahadal lagu soo afjaro colaadda.