Askari bambo watay oo qoyskiisa ku laayay Muqdisho
Qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ah ee Soomaaliya ayaa soo tabiyay dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday degmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho ay ku geeriyoodeen ugu yaraan shan ruux.
Askari sida la sheegay ku hubeysnaa qori iyo banbo ayaa dilay dadkaas oo dhammaantood ka wada tirsanaa qoyskiisa. Dadka deegaanka ayaa ku warramay in ninkan markii hore laga qaaday qoriga laakiin uu banbada qarxiyay, kaddib markii uu muran ka dhex dhacay isaga iyo qoyskiisa.
Warbaahinta qaar ayaa tirada dhimashada gaadhsiiyay ilaa 6 ruux oo ay ku jiraan askarigaas hooyadiis iyo walaalihiis.
Saddex ruux oo uu ninka falkan geystay ku jiro ayaa dhaawacmay.