Askari bambo watay oo qoyskiisa ku laayay Muqdisho
Tebin toos ah
Tebin toos ah
Askari bambo watay oo qoyskiisa ku laayay Muqdisho
Qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ah ee Soomaaliya ayaa soo tabiyay dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday degmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho ay ku geeriyoodeen ugu yaraan shan ruux.
Askari sida la sheegay ku hubeysnaa qori iyo banbo ayaa dilay dadkaas oo dhammaantood ka wada tirsanaa qoyskiisa. Dadka deegaanka ayaa ku warramay in ninkan markii hore laga qaaday qoriga laakiin uu banbada qarxiyay, kaddib markii uu muran ka dhex dhacay isaga iyo qoyskiisa.
Warbaahinta qaar ayaa tirada dhimashada gaadhsiiyay ilaa 6 ruux oo ay ku jiraan askarigaas hooyadiis iyo walaalihiis.
Ardayda Soomaalida ee wax ka barata
Jaamacadaha ku yaalla deegaanka Tigraay ayaa la sheegay iney dagaalka halkaasi
ka socdo go'doomiyeen oo aan la garaneyn xaaladdood u waxa ay ku sugan tahay.
Ardayda soomaalida oo gobollo kala
duwan ka soo jeedda, jaamacadda Mekelle oo keli ah waxaa wax ka barata ugu
yaraan 800 oo arday.
Hooyooyinka ay carruuutoodu halkaasi
wax ka bartaanna waxay walaac xooggan ka muujiyeen tani iyo inta uu dagaalka uu
billowday inaan wax war ah aysan kelin maadaamaa ay weli isgaarsiinta
deegaankaasi ay weli go'an tahay.
Cabdiraxmaan Xaaji Caddoow ayaa
warbixintan ka diyaariyay.
Qoraalka Codka, Ardey soomaaliyeed oo ku xayiran gobolka Tigray
Waxaa dalka Turkiga ka
bilaabatay dhageysiga dacwadda loo heysto raggii lagu eedeeyay inay ka
dambeeyeen dilkii 2 sano ka hor loo geystay weriyihii Sucuudiga u dhashay
Jamaal Khaashuqji.
Waxaana la
dhageysanayaa dacwaddooda 20 sarkaal u dhashay Sucuudiga iyago maqan.
Sucuudiga wuxuu diiday
in raggaas loo soo gacangeliyo Turkiga si loogu maxkamadeeyo halkaas.
Labo sarkaal oo lagu
eedeeyay inay soo maleegeen dilka weriyaha ayaa waxay saaxibo dhaw yihiin dhaxal
sugaha Maxamed Bin Salmaan, kuwaas oo wax dambi ah ku waaysay maxkamad ku
taalla Sucuudiga.
Khaasuqji oo ahaa nin caan ah oo dhaleecayn jiray Amiirka
dhaxalsugaha ah Maxamed bin Salmaan, ayaa waxaa qunsuliyadda boqortooyada ay ku
leedahay magaalada Istanbul ku dhex dilay koox Sucuudiga u dhalatay.
Benjamin Netanyahu oo shaaciyay in uu booqanayo Baxreyn
Xigashada Sawirka, Getty Images
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa maanta
shaaca ka qaaday in dhawaan uu booqan doono dalka Baxreyn kaddib casuumaad uu u
fidiyay dhaxal sugaha dalkaas Salmaan Bin Hamad Al Khaliifa.
Kaddib markii khadka teleefoonka ay ku wadahadleen,
Netanyahu wuxuu sheegay “Labadeena waxaana ka dhuursugeynaa sidii shacabka
labada iyo dalalkyaga ay uga faa’ideysan lahaayeen miraha nabadda”
Bishii September ayay aheyd markii madaxweyne Trump uu
shaaciyay in Baxreyn iyo Israa’iil ay wada gaareen heshiis nabadeed oo dib
loogu soo celinayo xiriirkooda.
Shaley ayay aheyd markii warbaahinta Israa'iil
ay ku warrantay in Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu si qarsoodi ah ula
kulmay dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan kaddib markii uu Axaddii
booqasho ku tegay dalkaas.
Maamulka Bakool oo ku raad joogo rag hubeysan oo dab qabadsiisay gawaari xamuul ah
Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda federaalka ee Itoobiya ayaa amar ku bixiyay in lasoo xiro 167 qof oo lala xiriirinayo dagaalka ka taagan gobolka Tigray.
Bayaan kasoo baxay xeer ilaaliyaha ayaa lagu sheegay in TPLF ay wadaan dambi halis ah sida ku xusan sharciga la dagaallanka dambiyada dalka.
Wuxuu sheegay in weerarka lagu qaaday ciidamada xoogga dalka uu ahaa tallaabo dambi ah oo la doonayay in 'lagu wiiqo awoodda difaaca ee dowladda'
Xeer ilaaliyaha federaalka Gedion Timothewo wuxuu ku tilmaamay gantaalladii lagu garaacay gobolka Amxaarada inay ahaayeen falal argagixiso.
Waxaa Arbacada ku eg saddexdii maalmood ee loo qabtay inay isku soo dhiibaan xoggaga TPLF iyo madaxdooda.
Hoggaamiyaha TPLF waxaa kale uu sheegay shacabkiisu iney diyaar u yihiin iney u dhintaan difaacidda xuquuqda ay u leeyihiin iney deegaankooda iyagu maamulaan.
Abiy Axmed xoogagga TPLF wuxuu ugu baaqay "iney si nabad ah iisu soo dhiibaan", shacabka magaalada Maqale wuxuu ugu baaqay iney taageeraan xoogagga dowladda si kooxda uu ku sheegay burcadda ee deegaanka Tigraay isku uruursaday caddaaladda loo horgeeyo".
Qadar oo aqoonsatay waaliddiinta ilmo lagu tuuray qashin qub yaallay garoonka diyaaradaha ee Dooxa
Xigashada Sawirka, Reuters
Qadar ayaa aqoonsatay waaliddiinta ilmo yar ooo bishii lasoo dhaafay lagu tuuray qashin qub yaallay garoonka diyaaradaha ee Dooxa.
Dacwad oogayaasha Qadar waxay sheegeen in haweeneyda ilmaha ku tuurtay halkaas ay kasoo jeedo qaaradda Asia isla markaana ay socdaan dadaallo lagu tarxiilayo.
Waxay intaas ku dareen ' Baaritaan la sameeyay kaddib ayaa la ogaaday in in aabaha dhalay canuga uu isna yahay Asian'
Waxaana sidoo kale caro ka dhalatay qaabka loola dhaqmay haween rakaab ah oo ku sugnaa garoonka markii la raadinayay waaliddiinta dhalay canuga lagu tuuray qashin qubka yaallay garoonka diyaaradaha ee Dooxa.
Haweeneydan ayaa wajahi kartaa 15 sano oo xarig ah waa haddii loo gacan geliyo dalkii ay kasoo jeeday isla markaana lagu helo dambiga.
Waxaana la rumeysan yahay in aabaha dhalay canuga uu ku sugan yahay Qadar, makala cadda in dacwad loogu soo oogi doono iyo in kale.
ilmaha yar waxaa daryeeliddiisa la wareegay dowladda Qadar.
Khasaaraha ka dhashay roobabka mahiigaanka ah ee ka da'ay Boosaaso
Roobab mahiigaan ah oo ka da'ay magaalada Boosaaso ayaa waxay saamayn ku yeesheen isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha iyo sida oo kale nolosha caadiga ah ee dadka deggan magaaladaas.
Roobabkan ayaa ku soo beegmaya xilli meel badan oo xeebaha Puntland ay ku dhufatay duufaanta Gati, oo keentay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed.
Haddaba saamaynta roobabkani ay ku yeesheen magaalada Boosaaso ayaannu ka waraysannay Cabdisalaan Bashiir oo ah duqa magaalada Boosaaso waxa uuna u warramay weriyaha BBC-da ee Xasan Cali Geelle.
Qoraalka Codka, Roobabka ka da'ay Boosaaso
Shaley ayay aheyd markii duufaanta Gati ay ku dhufatay xeebaha Puntland, Siddeed qof oo kalluumeysato ayaa dhintay kaddib markii duufaanno dabaylo iyo roobab wata ay ku dhufatay xeebaha maamulkaas.
Meelaha sida ba'an ay u saameysay duufaanta waxaa kamid ah deegaanada dhaca xeebaha Caluula iyo Beyla.
Guddoomiyaha degmada Xaafuun Mahamd Yuusuf Garow ayaa BBC-da u sheegay in duufaanta ay khasaare xooggaan gaarsiisay deegaanka isla markaana ay horseeday burburka guryo badan.
Dhanka kale dawladda Jabbuuti ayaa isu diyaarinaysa, ka hortagga khasaare ka dhasha duufaanta Gati oo suurtagal ay tahay in ay soo gaadho qaybo ka mid ah dalkaasi.
Dedaalladaasi kahortagga waxaa ka mid shir shalay ay yeesheen masuuliyiinta waaxaha kala geddisan ee dalkaasi, kuwaas oo ka arrinsanayey qaabka ay tahay in looga hortago ama wax looga qabto saamayn kasta oo ka dhalata duufaantaas.
Golaha Ammaanka oo ka shiraya xaaladda Tigray
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Saddex toddobaad ka hor ayay aheyd markii dowladda Itoobiya ay howlgal militeri ku qaaday gobolka Tigray
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maanta gelinka danbe ka shirayaa colaadda ka taagan gobolka Tigray.
Qoraalka sawirka, Kumanaan qof ayaa ka qaxay dagaalka Tigray
Afahayeen u hadlay dowladda Itoobiya ayaa ugu baaqay shacabka ku nool caasimadda Mekelle inay isaga baxaan magaalada si ay ugu fududaato inay la dagallamaan ciidamada TPLF.
Ridwaan Xuseen wuxuu sheegay in wakhti uu gabaabsi yahay maadama lagu dhaw yahay xilligii loo qabtay madaxda TPLF inay isa soo dhiibaan kuwaas oo haatan gacanta ku haya dhulka buuraleyda ah ee ku yaalla gobolka.
Dhanka kale, madaxweynaha gobolka Tigray Dr Debretsion Gebremichael ayaa sheegay in shacabkiisa ay doorbidayaan inay dhintaan intii ay isa soo dhiibi lahaayeen.
Dowladda Itoobiya waxay sheegtay in guulo ay ka gaartay dagaalka isla markaana ay kusii siqayaan caasimadda.
Itoobiya waxay sidoo kale sheegtay inay iska ilaalineyso in lagu dul dagaallamo nus malyanka qofka ee ku nool caasimadda Tigray.
Iyadoo ay weli jirin ilo madax bannaan oo xaqiijinaya xogaha rasmiga ah ee ku saabsan dagaalka socda, haddana labada dhinac uu dagaalka dhex marayo waxay warbaahinnadoodu ka baahiyaan dacaayado dagaalka salka ku haya.
In kabadan 40,000 oo qof oo dagaalkaasi ka qaxay ayaa gaadhay dalka Suudaan ee Itoobiya deriska la ah.