Dhakhaatiirta Soomaaliya oo ka digay in cudurka Covid-19 ku soo laba kaclayn karo dalka
Howlwadeennada caafimaadka ee Soomaaliya ayaa ka digay in haddii aanay bulshadu dib u soo celin hababkii lagu xakamaynayay fiditaanka cudurka Covid-19 ay horseedi karto in dalka uu cudurka ku soo laba kacleeyo.
Arrintan ayaa imaanaysa xilli ay soo baxeen warar sheegaya in dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ay Soomaaliya iyo 11 dal oo kale ay ku dartay liiska dalalka xaaladooda cudurka Covid ay sarrayso sidaas daraadeedna aanan dal ku gal la siin doonin.
Haddaba waxaan khadka taleefanka kula xiriirnay Dr Cabdirisaaq Yuusuf Aaden (Jalaaludiin), madaxa maareynta xaaladaha Covid-19 ee wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya, oo khadka taleefanka ugu warramay Cabdulqaadir Yuusuf Cali.