Kheyre: "Si aan uga fogaano qalalaase dalkan ka dhaca..waa in dalka ay ka qabsoonto doorasho la isla ogolyahay"

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Dhakhaatiirta Soomaaliya oo ka digay in cudurka Covid-19 ku soo laba kaclayn karo dalka

    Howlwadeennada caafimaadka ee Soomaaliya ayaa ka digay in haddii aanay bulshadu dib u soo celin hababkii lagu xakamaynayay fiditaanka cudurka Covid-19 ay horseedi karto in dalka uu cudurka ku soo laba kacleeyo.

    Arrintan ayaa imaanaysa xilli ay soo baxeen warar sheegaya in dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ay Soomaaliya iyo 11 dal oo kale ay ku dartay liiska dalalka xaaladooda cudurka Covid ay sarrayso sidaas daraadeedna aanan dal ku gal la siin doonin.

    Haddaba waxaan khadka taleefanka kula xiriirnay Dr Cabdirisaaq Yuusuf Aaden (Jalaaludiin), madaxa maareynta xaaladaha Covid-19 ee wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya, oo khadka taleefanka ugu warramay Cabdulqaadir Yuusuf Cali.

    Qoraalka Codka, Corona iyo Soomaaliya
  2. Kheyre: Si aan uga fogaano qalalaase dalkan ka dhaca..waa in dalka ay ka qabsoonto doorasho la isla ogolyahay

    Xasan Cali Kheyre

    Xigashada Sawirka, HASSAN ALI KHEYRE

    Qoraalka sawirka, Xasan Cali Kheyre

    Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in shacabka ay walaac ka muujinayaan xaaladda siyaasadeed ee uu haatan dalka haatan marayo xilli ay socdaan howlaha doorashada.

    Wuxuu ka digay dhibatooyinka ka dhalan kara haddii lagu heshiin waayo qaabka ay u dhaceyso doorashada.

    “Si aan uga fogaano qalalaase dalkan ka dhaca, si dowladnimada aanay gadaal ugu dhicin si ummadda soomaaliyeed aanay u niyad jebin waxaa muhiim ah in dalka ay ka qabsoonto doorasho laisla ogolyahay”

    Kheyre wuxuu dhanka kale ka dhawaajiyay in qalalaasaha ka taagan dalal badan loo aaneynayo arrimo doorasho.

    “Haddii aan lagu heshiin nidaamka doorasho oo aan lagu wada qanacsanaan, lagu heshiin mayo dowladnimada ka dhalata, sidaas daraadeed ayay muhiim tahay in aan ka baranno taariikhdii lasoo dhaafay iyo tan maanta ka taagan dunida oo ay ugu horreeyaan dalalka deriskeena gaar ahaan Itoobiya oo qalalaasaha hadda ka taagan loo aaneynayo inay salka ku heyso doorasho dib loo dhigay ama lagu heshiin waayay”

    Xasan Cali Kheyre oo kamid ah musharraxiinta u tartameyso xilka madaxtinimada Soomaaliya ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ololahiisa doorashada ka bilaabay.

    Waxaa soo badanayay dhaliilaha dowladda federaalka Soomaaliya loogu jeedinayo go'aankeeda ay kusoo xulatay xubnaha guddiga doorashada.

    Mas'uuliyiinta dowladda oo arrimahaas horay uga hadlayna waxay sheegeen in soo magacaabista guddiga loo maray waddo sax ah

  3. Uganda oo ciidamo u daabuleyso waddooyinka waaweyn

    Booliska  oo xiraya mid ka mid ah taageerayaasha Bobi Wine

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Booliska oo xiraya mid ka mid ah taageerayaasha Bobi Wine

    Ciidamada Uganda ayaa la geeyay waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Kampala iyo magaalooyin waaweyn si ay uga hortaggaan dibadbaxyada ka dhashay markii la xiray musharraxa doorashada madaxtinimada Uganada Bobi Wine.

    Uganda waxaa la filayaa inay ka qabsoonto doorashada bisha Jannaayo ee sanadka 2021-ka, balse ololaha doorashada waxaa harreeyay rabshado.

    Ugu yaraan 28 qof ayaa ku dhimatay guud ahaan dalkaas halka in ka badan 500 la xiray kaddib dibadbaxyadii halkaas ka dhacay, sida ay sheegeen booliska.

    Ku xigeenka taliyaha militeriga Colonel Deo Akiiki ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamo fara badan loo daabulayo dhammaan waddooyinka waaweyn ee galo caasimadda.

    Sidoo kale ciidamada waxaa la geyn doonaan goobaha laga cabsi qabo in amni darro ay ka dhacaan sida kaalmaha shidaalka iyo goobo kale.

  4. UNHCR oo baaq u dirtay dhinacyada ku dagaallamaya Tigray

    Teleefishinka dowladda wuxuu baahiyay ciidamada federaalka oo ku sugan Tgray

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Teleefishinka dowladda wuxuu baahiyay ciidamada federaalka oo ku sugan Tgray

    Ha’yadda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa ugu baaqday dhinacyada ku dagaallamaya gobolka Tigray inay gaaraan heshiis xabad joojin ah oo kumeel gaar ah kaddib dagaalka labada toddobaad halkaas ka socda.

    Ha’yadda waxay dooneysa in la gaaro shacabka ku dhex go’doonsan dagaallada si gargaar loogu fidiyo.

    Boqolaal qof ayaa ku dhintay dagaallada ka socda Tigray halka in ka badan 30,000 qof ay u qaxeen dhinaca Suudaan.

    Qaramada Midoobey waxay ka cabsi qabtaa in xaaladda ay faraha ka baxdo, dagaalkana uu ku baaho deegaanada dhaca xadka..

    Ma kala cadda ilaa hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka maadama ay go’antahay isgaarsiinta.

  5. Ardey ku dhawaacantay duqeyn laga geystay caasimadda Tigray

    Ardey ayaa ku dhaawacantay duqeyn laga geystay agagaarka jaamacadda Mekelle, sida uu ku warramay teleefishinka gobolka Tigray.

    Dadka deegaanka ayaa BBC u sheegay in la duqeeyay garoonka diyaaradaha ee gobolkaas halkaas uu dhaawac kasoo gaaray dad rayid ah.

    Militeriga Itoobiya weli kama aysan hadlin duqeyntaas.

    Ciidamada Itoobiya ayaa howlgal militeri ka wadaa gobolka Tigray, halkaas uu dagaal ku dhexmaray ciidamada militeriga iyo dagaalyahanada TPLF.

    Boqolaal qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen colaadda Tigray halka in ka badan 30,000 qof ay ka qaxeen gobolka kuwaas oo gaaray dhinaca Suudaan.

    Dowladda Itoobiya waxay sheegtay in ciidamadeeda ay ku dhaw yihiin caasimadda Tigray.

  6. Maxay sababta haweenka muslimka ah ee ka tirsan booliska New Zealand loogu ogolaaday xijaabka?

    Zina Cali oo dhawaan ku biirtay booliska New Zealand

    Xigashada Sawirka, INSTAGRAM / NEW ZEALAND POLICE

    Qoraalka sawirka, Zina Cali oo dhawaan ku biirtay booliska New Zealand

    Booliska New Zealand ayaa u ogolaaday haweenka muslimka ah ee ka tirsan booliska inay qaadan karaan xijaabka marka ay shaqadooda ku gudanayaan si haween badan ay uga mid noqdaan booliska.

    Zina Cali oo dhawaan ku biirtay booliska ayaa noqoneysaa haweeneydii ugu horreysay oo muslim ah oo ka tirsan booliska New Zealand oo qaadata xijaabka.

    Afahayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in tallaabadan looga golleeyahay in booliska uu noqdo adeeg qof kasta 'qaabili karo' si dad kala duwan ee ka tirsan bulshada dalkaas ay ugu soo biiraan.

    Sida laamaha kale ee booliska dunida, booliska London iyo booliska Scotland waxay haweenka muslimka ah siiyeen khiyaar ah inay xiran karaan xijaabka marka shaqadooda gudanayaan.

  7. Madaxa WHO oo beeniyay in uu taageerayo madaxda TPLF

    Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus

    Madaxa Ha'yadda Caafimaadka Adduunka Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa beeniyay eedeymo uu u jeediyay taliyaha guud ee ciidamada militeriga Itoobiya kaas oo sheegay in uu TPLF ka caawiyay inay hubka.

    Dr Tedros wuxuu kasoo jeedaa qowmiyadda Tigreega, wuxuu ahaa wasiirkii caafimaadka ee maamulkii TPLF.

    "Waxaa jiray warar sheegayo in aan dhinac taageerayo, ma ahan arrin sax ah, waaxaana sheegayaa in aniga aan tageersanahay hal dhinac, waana dhinac nabadda" ayuu yiri Tedros oo qoraal bartiisa Twitter-ka soo dhigay.

    Wuxuu ugu baaqay dhinacyada ku dagaallamayo Tigray inay wadahadal ay kusoo afjaraan xiisadda si adeegyada caafimaadka iyo gargaarka loo gaarsiiyo shacabka.

    Shaley ayay aheyd markii taliyaha ciidamada xoogga dalka Itoobiya Berhanu Jula ayaa ku eedeeyay madaxa ha'yadda Caafimaadka Adduunka in uu wado tallaabooyin uu ku garab siinayo TPLF xilli ciidamada dowladda ay dagaal kula jiraan.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  8. Gantaallo lagu garaacay caasimadda gobolka Amxaarada

    .

    Wararka ka imaanayo dalka Itoobiya waxay sheegayaan in xaley gantaallo lagu garaacay caasimadda gobolka Amxaarada ee Bahirdar xilli uu dagaal ka socda gobolka Tigray,sida ay ku warrantay warbaahinta gobolka Amxaarada.

    Waa markii labaad oo gantaallo lala beegsado Bahirdar tan iyo markii labo toddobaad ka hor ay dagaallada ka qarxeen Tigray.

    Warbaahinta gobolka waxay ku warrantay in gantaallada ay soo tureen dagaalyahanada TPLF inkasta oo warkaas aan si madaxbanaan loo xaqiijin karin.

    Waxaana lagu soo warramayaa in gantaallada aysan wax khasaare ah ka geysanin magaalada.

    TPLF waxay ku eedeysay dowladda Itoobiya inay duqeyneyso goobaha ay ku nool yihiin dadka rayidka ah ee dhaca caasimadda Mekelle balse dowladda ayaa beenisay eedeymahaas.

    Dhawaan ayay aheyd markii maamulka TPLF ay xaqiijiyeen in gantaallo ay ku garaaceen Eritrea.