Wasiirkii Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xilka laga qaaday
Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra'isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xilka looga qaaday wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad.
Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda u magacaabay Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar.
Wareegtada kasoo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaa warbaahinta ku hadasha afka dowladda ka akhriyay wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Dubbe.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Cawad oo xilka wasiirka Arrimaha Dibadda laga qaaday u magacaabay safiir.
Xil ka qaadista lagu sameeyay Cawad ayaa timid wax ka yar 24 saacadood kaddib markii ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya soo saartay bayaan ay uga hadleysay walaaca ay ka qabto xaaladda Itoobiya, laakiin markii dambe uu Wasiir Cawad bartiisa Twitter-ka ku sheegay in warbixintaasi aysan rasmi ahayn.
Go'aankii xilka looga qaaday kaddib, Axmed Ciise Cawad ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in uusan diyaar u ahayn xilka cusub ee loo magacaabay.