Wasiir Cawad ma wuxuu galabsaday Waqraddii Qalalaasaha Itoobiya?

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Wasiirkii Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xilka laga qaaday

    .

    Xigashada Sawirka, Axmed Ciise Cawad

    Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra'isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xilka looga qaaday wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad.

    Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda u magacaabay Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar.

    .

    Xigashada Sawirka, Mohamed Abdirizak

    Wareegtada kasoo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaa warbaahinta ku hadasha afka dowladda ka akhriyay wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Dubbe.

    Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Cawad oo xilka wasiirka Arrimaha Dibadda laga qaaday u magacaabay safiir.

    Xil ka qaadista lagu sameeyay Cawad ayaa timid wax ka yar 24 saacadood kaddib markii ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya soo saartay bayaan ay uga hadleysay walaaca ay ka qabto xaaladda Itoobiya, laakiin markii dambe uu Wasiir Cawad bartiisa Twitter-ka ku sheegay in warbixintaasi aysan rasmi ahayn.

    Go'aankii xilka looga qaaday kaddib, Axmed Ciise Cawad ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in uusan diyaar u ahayn xilka cusub ee loo magacaabay.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  2. Diyaarad duqeysay duleedka caasimadda Tigray

    Duqeyn ayaa laga fuliyay dhulka buuraleyda ah ee dhaca duleedka caasimadda Tigray ee Mekelle, sida BBC-da ay ku wargeliyeen ilo laisku haleyn karo.

    Waxaana lagu soo warramayaa in duqeynta aysan wax khasaare ah ka dhalan.

    Lama oga cidda duqeynta ka geysatay halkaas.

    Magaalada Mekelle waxaa ku nool dad gaaraya 400,000 ilaa 500,000 - waana xarunta TPLF.

    Dowladda federaalka Itoobiya ayaa howlgal militeri ka waddaa Tigray si xilka looga qaado maamulka TPLF.

    TPLF waxay wacad ku martay inay is difaaceyso isla markaana ay maamuleyso ciidamada amniga ee gobolka.

  3. Sawirrada: Cumar Carte oo maanta lagu aasay Hargeysa

    Waxaa maanta magaalada Hargeysa oo uu shalay ku geeriyooday lagu aasay Allah ha u naxariistee Cumar Carte Qaalib oo ahaa ra'isal wasaarihii hore ee Soomaaliya muddo dheerna ahaa wasiirka arimaha dibada, laguna tilmaamo inuu ka mid ahaa horyaalkii diblomaasiyiinta qaaradda Afrika.

    Waxaana aaskiisa ka qeyb galay boqolaal qof oo isugu jiray mas'uuliyiin, shacabka, odeyaasha dhaqanka.

    Waxaa sidoo kale ka qeybgalay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan Somaliland.

    Hargeysa ayaa saaladda janaasadda looga tukaday
    Qoraalka sawirka, Hargeysa ayaa saaladda janaasadda looga tukaday
    Mas'uuliyiin ka qeybgashay aaska Cumar Carte
    Qoraalka sawirka, Mas'uuliyiin ka qeybgashay aaska Cumar Carte
    Dadweyne fara badan ayaa ka qeybgalay aaska marxuumka
    Qoraalka sawirka, Dadweyne fara badan ayaa ka qeybgalay aaska marxuumka
    • Itoobiya oo madaxa Ha'yadda Caafimaadka Adduunka ku eedeysay in uu taageerayo TPLF

      Ciidamada Itoobiya waxay weli Tigray ka wadaan howlgali militeri

      Xigashada Sawirka, Getty Images

      Qoraalka sawirka, Ciidamada Itoobiya waxay weli Tigray ka wadaan howlgali militeri

      Taliyaha ciidamada xoogga dalka Itoobiya Berhanu Jula ayaa ku eedeeyay madaxa ha'yadda Caafimaadka Adduunka in uu wado tallaabooyin uu ku garab siinayo TPLF xilli ciidamada dowladda ay dagaal kula jiraan.

      Janaraal Berhanu Jula wuxuu ku eedeeyay Tedros Adhanom Ghebreyesus in uu wado isku day kasta uu ku taageerayo TPLF isla markaana uu ka caawinayo sidii ay hub ku heli lahaayeen.

      Madaxa haatan ee WHO, Dr Tedros wuxuu ahaan jiray wasiirkii hore ee caafimaadka Itoobiya xilliggii maamulkii TPLF, waa nin caan ah oo ka tirsan qowmiyadda Tigreega.

      Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed wuxuu sheegay in howlgalka militeri ee ka socda Tigray looga golleeyahay in kala dambeynta iyo sharciga dib loogu soo celiyo gobolkaas.

    • Cabdi Xaashi oo soo saaray habraaca maamulka doorashada xildhibaanada Gobollada Waqooyi

      Xildhibaan Cabdi Xaashi, gudoomiyaha Aqalka Sare
      Qoraalka sawirka, Xildhibaan Cabdi Xaashi, gudoomiyaha Aqalka Sare

      Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa waxa laga soo saaray warqad cusub oo sharraxeysaa habraaca maamulka doorashada Xildhibaannada labada Gole ee ka soo jeedo Gobollada Waqooyi.

      Si kastaba Habraaca maamulka Doorashada Xildhibaannada labada Gole ee ka soo jeedo Gobollada Waqooyi ee loo yaqaano (Somaliland) uu soo saaray guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu horay u Magacabay guddiga doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee Gobollada Waqooyi, hayeeshee Guddoomiye Cabdi Xaashi uu kasoo horjeestay.

      Haddaba wariyaha BBC-da Magaalada Muqdisho Bella Sheegow ayaa warbixintan ku eegeysaa arrintaas.

      Qoraalka Codka, Warbixinta Bella

      Waxaa soo badanayay dhaliilaha dowladda federaalka Soomaaliya loogu jeedinayo go'aankeeda ay kusoo xulatay xubnaha guddiga doorashada.

      Mas'uuliyiinta dowladda oo arrimahaas horay uga hadlayna waxay sheegeen in soo magacaabista guddiga loo maray waddo sax ah

    • Weerarada maleeshiyaadka islaamiyiinta ay ka geystaan Mozambique waxaa ka qaxday 500,000

      Ra'iisul Wasaaraha Mozambique Carlos Agostinho do Rosario ayaa sheegay in ka badan 500,000 qof ay ka qaxeen dagaallada ay gobolka qaniga ku ah shidaalka ka geystaan maleeshiyaad islaamiyiin ah.

      Wuxuu baarlamaanka u sheegay Arbacadii in dadka ka qaxaya gobolka Cabo Delgado ay magangeliyo u raadsanayaan gobollada kale ee deriska ah sida Niassa, Nampula, Zambézia, Sofala iyo Inhambane.

      Dowladda waxay xarigga ka jartay xarun fidin doonto gurmad deg deg ah oo loogu gagaarayo dadka barakacayaasha ah, ayuu yiri Ra'iisul Wasaaraha.

      Wasiirka gaashaandhigga Mozambique wuxuu baarlamaanka ka sheegay in militeriga ay ku raad joogaan hogaamiyeyaasha iyo dadka maalgeliyo maleeshiyaadka.

    • Tirada dadkii ku dhintay dibadbaxyadii ka dhacay Uganda oo korodhay

      Taageerayaasha Bobi Wine ayaa dibadbaxyo ka dhigaya Uganda, waxayna codsanayeen in lasoo daayo

      Xigashada Sawirka, Getty Images

      Qoraalka sawirka, Taageerayaasha Bobi Wine ayaa dibadbaxyo ka dhigaya Uganda, waxayna codsanayeen in lasoo daayo

      Tirada dadka ku dhintay dibadabaxyada rabshadaha ka dhashay ee shaley ka dhacay dalka Uganda ayaa gaartay 7, sida ay sheegeen booliska.

      Dibadbaxyadan ayaa ka dhashay markii la xiray Robert Kyagulanyi oo loo yaqaano Bobi Wine oo u tartamayo xilka madaxtinimada Uganda.

      Afahayeen u hadlay ayaa BBC-da u sheegay in ka badan 40 qof ay ku dhaawacmeen dibadbaxyada.

      Booliska weli wax faahfaahin ah kama aysan bixin sababta ka dambeysay khasaaraha ka dhashay dibadbaxyadaas.

      Muuqaallo iyo sawirro naxdin leh oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay dad jiifa waddooyinka oo uu dhiig ka qulqulayo kuwaas looga shakisan yahay in la toogtay.

      Ha'yadda laanqeyrta cas ee Uganda ayaa sheegtay in shaqaalahooda ay gurmad u fidiyeen 11 qof oo ay dhaawacday rasaasta.

      Dhanka kale, afahayeen u hadlay musharraxiinta doorashada madaxtinimada ee mucaaradka ah ayaa joojiyay ololahooda doorashada, waxayna ku baaqeen in lasoo daayo Bobi Wine.

    • Qaramada Midoobey: Kumanaan ka qaxaya dagaallada ka socda Tigray

      Kumanaan qof ayaa ka qaxaya dagaallada Tigray

      Xigashada Sawirka, EPA

      Qoraalka sawirka, Kumanaan qof ayaa ka qaxaya dagaallada Tigray

      Ha'yadda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha qaxootiga ayaa BBC u sheegay in kumanaan qof oo shacab ah ay weli kasoo qaxayaan dagaallada ka taagan gobolka Tigray kuwaas oo gaaraya dhinaca Suudaan.

      Wakiilka UNHCR u qaabilsan arrimaha Suudaan, Axel Bisschop ayaa sheegay inta badan qoysaska soo qaxaya ay kasoo lugeynayaan deegaanada Tigray maadama ay halis tahay inay sii joogaan halkaas.

      Dowladda Itoobiya waxay beenisay inay bartilmaameedsaneyso dad shacab ah xilli ay waddo howlgal militeri oo ka dhan ah TPLF.

      Dowladda dhexe waxay sheegtay inay ciidamadeeda ay kusii siqayaan magaalada caasimadda ah ee Mekelle, inkasta oo ay adagtahay in la xaqiijiyo wararka kasoo baxaya gobolka maadama uu go'anyahay xiriirka isgaarsiinta.

      In ka badan 30,000 qof ayaa ka qaxay dagaalka ka socday gobolka Tigray kuwaas oo haatan gaaray Suudaan.

    • War deg deg ah, Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

        • Author, Bella Sheegow
        • Role, BBC Somali, Mogadishu

      Qarax ayaa ka dhacay saaka aroortii hore degaanka Lafoole ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in lala beegsaday Maqaayad ay ku sugnaayen ciidan ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dad shacab ah.

      Sida dadka deegaanka ay u sheegeen warbaahinta maxaliga ah, qaraxa waxuu ahaa mid xooggan, waxaana jugtiisa laga Maqlay xaafadaha ku teedsan halka qaraxa lala beegsaday, waxaana si gaar ah uu uga dhacay qaraxa Shanta Golaha Sare ee degaanka Lafoole.

      Wali ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa, ciidanka dowladda ayaa gaaray halka wax ka dhaceen, waxay sameynayaan howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay qaraxas.

    • Dhallinyaro ku guuleysatay qalliin ay ku sameeyeen ri' ku foolaneysay Gaalkacyo

      Qoraalka Muuqaalka, Dhallinyaradan ayaa baratay cilmiga daweynta xoolaha.
    • Cumar Carte Qaalib oo maanta lagu aasay Hargeysa

      Alle ha u naxariistee waxaa saaka magaalada Hargeysa lagu aasay ra'iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Carte Qaalib, kaasoo shalay ku geeriyooday isla magaaladaasi.

      Marxuumka oo indhawaalaba ku xanuunsanayay magaaladaasi ayaa waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii Soomaaliya, waxa uuna ahaa ruug-caddaa muddo dheer soo shaqeynayay, Carabta, Afrika iyo Caalamkana aad looga yaqaannay.

      Wasiirka warfaafinta ee Somaliland, Suleymaan Yuusuf Koore ayaa BBC-da u sheegay in ehelka marxuumka ay go'aamiyeen in saaka la aaso.

      Saameynta uu siyaasadda ku lahaa waxay kasoo billaabatay xilligii uu gumeystaha heystay Soomaaliya, wuxuuna kaalmo muhiim ah kasoo ciyaaray dowladihii jiray ilaa burburkii Soomaaliya kaddib.

      Cumar Carte Qaalib

      Xigashada Sawirka, SOCIAL MEDIA

      Qoraalka sawirka, Cumar Carte Qaalib