Cumar Carte Qaalib oo Hargeysa ku geeriyooday

Tebinta tooska ah

Tebin toos ah

  1. Laacibkii hore ee Arsenal iyo Barcelona oo caafimaad u maray koox ka dhisan Jabuuti

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ciyaartoygii hore ee khadka dhexe uga ciyaari jiray xulka Qaranka Cameroon iyo kooxaha Arsenal iyo Barcelona, Alex Song ayaa ku guuleystay tijaabada caafimaadka ee uu marayay koox aan sidaas magaceeda loo sii aqoonin oo ka dhisan dalka Jabuuti.

    Kooxdan oo lagu magacaabo Carta Solar 7, ayaa Song ku heshay si bilaash ah, kaddib markii uu koox la'aan ahaa tan iyo bishii March.

    Song oo bartiisa Twitter-ka dhawaan ku shaaciyay tallaabadan lama filaanka ahayd ayaa soo qoray: "Waxaan heshiis labo sano ah u saxiixay kooxda Carta. Tani waa fursad aan ku hormarinayo kubadda cagta Jabuuti."

    33 jirkan ayaa laga dhowrayaa inuu xiiso weyn kusoo kordhiyo horyaalka waddanka Jabuuti.

    Alex Song waxaa isaga iyo siddeed ciyaartooy oo kale laga eryay kooxda FC Sion, oo ka dhisan dalka Switzerland, kaddib markii ay ku gacan seyreen in mushaar dhimis lagu sameeyo, sababo la xiriira dhaqaale yaraanta ka dhalatay cudurka Covid-19.

  2. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Cumar Carte

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ilaa iyo haatan kamid ah mas'uuliyiinta ka tacsiyeeyay geerida maanta ku timid Cumar Carte Qaalib.

  3. Siyaasiyiinta ka tacsiyeeyay geerida ku timid Cumar Carte Qaalib

    Qaar kamid ah siyaasiyiinta soomaalida ayaa ka tacisyeeyay geeridii ku timid Cumar Carte Qaalib oo ahaa Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya.

    Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in Cumar u ahaa nin si daacadnimo ugu soo shaqeeyay shacabka soomaaliyeed kana soo shaqeeyay dib u heshiisiinta dadka.

    Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa ka tacsiyeey geerida Cumar Carte, wuxuu sheegay in uu lagu xusuusan doono kaalintii uu ku lahaa xoojinta arrimaha diblumaasiyadda Soomaaliya.

    Dhanka kale, wasiirkii hore ee waxbarshada Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ku tilmaamay Cumar in u ahaa nin nabadoon ah oo dalka iyo dadkiisa u soo shaqeeyay.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

    Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku tilmaamay Cumar Carte in uu kamid ahaa 'Diblomaasiyiintii ugu cuslaa, ugu saameynta badnaa uguna galgalka badnaa ee soo mara taariikhda gayiga Soomaalida, tan geeska Afrika iyo dunida Muslimka'

  4. Cumar Carte Qaalib oo Hargeysa ku geeriyooday

  5. War deg deg ah, Cumar Carte Qaalib oo Hargeysa ku geeriyooday

    Waxaa cisbitaal ku yaalla magaalada Hargeysa ku geeriyooday Allaha u naxariistee Cumar Carte Qaalib oo ahaa Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya.

    Cumar Carte ayaa indhawaalaba ku xanuunsanayay Somaliland.

    Cumar Carte Qaalib wuxuu soo noqday wasiirkii arrimaha dibadda ee dowladdii Maxamed Siyaad sare.

  6. Waa kuma tababaraha ka dambeeyay koobkii ay qaaday kooxda Daad-Madheedh

  7. Ururka Dulmidiid: " Ma aheyn in Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya uu ku deg dego dagaalka Tigray"

    Ururka Dulmidiid oo ah urur ka dhaqdhaqaaq dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa xukumadda iyo shacabka deegaankaas ugu baaqay in ay dhexdhexaad ka nqodaan dagaalka ka socda dalkaas ee u dhaxeeya milateriga doewladda federaalka Itoobiya iyo ciidamada maamulka Tigray.

    Ururkan ayaa ku andacoonaya in hal dhinac oo lala safta aanay dan ugu jirin shacabka deegaanka. Madaxweynaha deegaanka Soomalaida Itoobiya ayaa maalma kahor taageeray hawgalka doowladda Itoobiya ka wado gobolka Tigray, isagoona eedeyn u jeediyay madaxda xisbiga TPLF.

    "Anagu marnaba masoo dhaweyneyno in dagaal la taageero laakiin in la dhexdhexaadiyo oo la yiraahdo dagaalka joojiya arrintaas waan soo dhaweyneynaa, sidii hadda ka hor ka dhici jirtay gobolka soomaalida in kolba qoladii talada haysa taladii ay soo jeedisay lagu tageero waa dhibaato weligeed gobolkaa heysatay weeyaan" ayuu yiri Siraaj Cali Axmed oo ka tirsan ururka Dulmidiid.

    Halkan hoose ka dhageyso wareysiga oo dhameystiran.

    Qoraalka Codka, Ururka Dulmidiid oo ka hadlay xaaladda Tigray
  8. Dad loo xiray suuqa madow ee Nairobi ee lagu iibiyo carruurta lasoo xaday

    Booliska Kenya ayaa shaaca ka qaaday shabakad waddo ka ganacsiga sharci darrada ah ee carruurta oo ka howlgasha Nairobi.

    Waxaana la xiray saddex ka tirsan shaqaalaha caafimaadka ee ka howlgala cisbitaallada dowladda.

    Bayaan kasoo baxay taliyaha guud ee booliska Kenya Hillary Mutyambai ayaa sheegay in dadka ku lugta ka ganacsiga sharci darrada ah ee carruurta ay kamid yihiin saraakiil sare oo ka tirsan howlwadeenada caafimaadka ee dalkaas.

    Taliyaha booliska wuxuu amar ku siiyay booliska ka howlgala Nairobi inay baaritaan ku sameeyaan xarumaha lagu xannaaneeyo carruurta, cisbitaallada gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowladda ee lala xiriirinayo arrintan.

    Tallaabadan ayaa timid kadib markii barnaamijka baaritaanada BBC-da ee Africa Eye uu daaha ka rogay caruur la xaday, kuwaas oo laga soo iibsado cisbitaalada dadweynaha.

    Qoraalka Muuqaalka, Suuqa madow ee Nairobi ee lagu iibiyo carruurta la soo xaday
  9. Trump oo shaqada ka eryay sarkaal ka tirsan guddiga doorashada

    Chris Krebs waxaa soo magacaabay Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Chris Krebs waxaa soo magacaabay Trump

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaqada ka eryay sarkaal sare oo ka tirsan guddiga doorashada kaas oo ka hor yimid sheegashada Trump ee aheyd in doorashada lagu shubtay.

    Trump wuxuu sheegay in shaqada uu ka joojiyay madaxii guddiga doorashada u qaabilsanaa amniga internetka Chris Krebs isla markaana uu jeediyay 'hadallo khalad ah' oo ku saabsan hufnaanta codeynta.

    Madaxweyne Trump wuxuu diiday in uu aqbalo natiijada doorashada, wuxuuna jeediyay hadallo aan xaqiiq aheyn oo ku saabsan in codadka looga shubtay.

    Saraakiisha guddiga doorashada waxay sheegeen inay 'aheyd doorashadii ugu amniga badneyd' ee ka dhacda Mareykanka sida ku xusan taariikhda dalkaas.

    Chris Krebs ayaa kamid noqonayaa saraakiishii ugu dambeysay ee uu xilka ka qaaday Trump kaddib markii looga guuleystay doorashada, waxaana kamid ahaa xoghayihii gaashaandhigga Mark Esper.

    Sidoo kale waxaa jraa warar laisla dhexmarayo oo sheegayo, in inta Trump uu xilka ka degin la filayo in uu shaqada ka eryo agaasimeyaasha FBI-da iyo CIA-ada.

  10. Ganacsatada jaadka ee ku sugan Kenya oo codsi u diray Farmaajo

    Dalladda Haweenka qaadka u dhoofiya Soomaaliya ee ku sugan dalka Kenya ayaa sheegay inay dhibaata noolaleed la soo deristay kaddib marki ay dowladda Soomaaliya ay joojisay jaadki ay Kenya kasoo dhoofin jirtay.

    Haweenkan cabshadooda soo gaarsiiyey BBC ayaa sheegay in ganacsiga jaadka ay ku tiirsanaayeen kumannaan, haatanna aysan heysanin wax ay ku dabaraan noolal maalmeedkooda.

    Haweenkaas waxaa kamid ah Xaawa Cabdi Jaamac, waxayna u warrantay wariyaha BBC-da Fartuun Ismaaciil oo ugu horreyna weydiisay cabashadooda waxa ay tahay?

    Qoraalka Codka, Haweenka qaadka u dhoofiya Soomaaliya ee ku sugan dalka Kenya
  11. Mareykanka oo ka walaacsan 'Isku dayga TPLF ay xasillooni darrada kaga abuureyso gobolka'

    .

    Mareykanka ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay waxa uu ku tilmaamay "Isku dayada iska cad ee xasilloonida darrada looga abuurayo gobolka" oo ay geysanayaan xooggaga daacadda u ah maamulka Tigray kaddib markii dhawaan dagaalyahanada TPLF ay gantaallo ku garaaceen Eritrea.

    Tallaabadaas waxay muujineysaa in dagaalka Tigray uu ku baahi karo gobolka.

    Mareykanka wuxuu sheegay in uu bogaadinayo go'aanka ah in Eritrea ay is xakameysay isla markaana ay dabacsanaan muujisay si ay uga hortagto in dagaalka uu baaho.

    Xisbiga ka taliyo Tigray ee TPLF ayaa ku eedeeyay dowladda Eritrea inay xukuumadda Abiy ay kala shaqeyneyso howlgalka militeri ee ka dhanka ah gobolkaas, Eritrea ayaa beenisay eedeymaha loo jeediyay.

    Ku dhawaad 30,000 qof ayaa ka qaxay dagaallada ka socda gobolka Tigray, kuwaas oo haatan gaaray Suudaan, waxaana sidoo kale dad kale oo ku barakacay gudaha dalkaas.

  12. Ciidamada Itoobiya oo 'ku dhaw' caasimadda Tigray

    Ciidamada Amxaarada oo dowladda ka garabsiinayo howlgalka lagu qaaday Tigray

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ciidamada Amxaarada oo dowladda ka garabsiinayo howlgalka lagu qaaday Tigray

    Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay guulo militeri ka gaareen waqooyiga Tigray halka ciidamada ay ku dhaw yihiin caasimadda Mekelle.

    Dagaalyahanada Tigray ayaa wadaa dagaal ay ku difaacaan magaalada Alamata oo dhawaan dowladda sheegtay inay la wareegtay.

    Dadka ka qaxaya gobolkan ayaa weli kusii qulqulaya Suudaan, dad badan ayaa isaga qaxay Tigray in ka yar labo toddobaad markii ay dagaallada halkaas ka qarxeen.

    Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in "xaalad bina'aadanimo oo ballaaran" ay ku soo fool leedahay.

    Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa shaley sheegay in howlgalka milateri ee ka soconaya gobolka Tigray uu galay wajigiisii ugu dambeeyay.

    Dhanka kale madaxweynaha gobolka Tigray ayaa madaxda caalamka iyo kuwa Afrikaba ugu baaqay inay cambaareeyaan dagaalka uu ku eedeeyay inay soo qaadday dowladda federaalka.

    Ra'iisul Wasaare Abiy ayaa ku eedeeyay xoggaga Tigray inay xasuuq ka geysteen gobolka halka eedeymahaas ay beeniyeenTPLF.

    Guddiga xuquuqul insaanka Itoobiya waxay sheegeen in koox gaar ah u dirayaan gobolka si ay usoo baaraan dilalka ka dhacay halkaas.