Taageerayaasha wadaadka mayalka adag ee Pakistan ee xiray waddooyinka gala caasimadda Pakistan ayaa waxay ogolaadeen in waddooyinka ay furaan kaddib markii dowladda ay ballan qaaday inay qaadaci doonto badeecadaha uga yimaado dhinaca Faransiiska isla markaana ay dalka ka eryi doonto safiirka Faransiiska u fadhiya Pakistan, waa haddii baarlamaanka dalkaas ay ansixiyaan.
Dadkan ayaa maalmihii lasoo dhaafay dibadbaxyo ka dhigayay halkaas, waxay ka careysnaayeen wargesyka laga leeyahay Faransiiska ee Charlie Hebdo kaas oo dib u daabacay sawir gacmeed laga sameeyay nebi Maxamed N.N.K.H.H.
Jahwareerkii
baahsanaa ee haleelay dadka degan magaalada Islamabad, oo bilaabmay Axaddii,
ayaa soo afjarmay - iyada oo wadooyinki dib loo furay adeegii teleefoonadada dib
loo soo celiyey.
Goobjoogayaal
badan ayaa shaki ka qaba in safiirka Faransiiska dhab ahaan la eryi doono –
iyaga oo soo jeedinaya in heshiiskan uu noqonayo tallaabo asturid ah, dhanka
kalena u oggolaaneyo dibadbaxayaasha inay dib u joogsadaan
Si
kastaba ha noqotee, dadka wax naqdiya, ayaa sheegaya in dowladdu ay
dhiirrigelinayso kooxda mayalka adag, ee loo yaqaan 'TLP' - oo laba mudaaharaad
oo kale oo waaweyn ku qabtay aaggaAS sannadihii la soo dhaafay.
Tiro
ka mid ah dalalka Muslimiinta ayaa arkay dibadbaxyo toddobaadyadii la soo
dhaafay - oo ay ku muujinayaan caro ay Ka qabaan majaladda Faransiiska ah ee
Charlie Hebdo, iyo Madaxweynayaasha Faransiiska oo ay ku eedaynayeen jees jees
diimeed.