Abiy : "Maanta ayay ku egtahay muddadii loo qabtay inay isa soo dhiibaan ciidamada Tigray"

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Dad ku dhintay qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho

    Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhimatay sideed kalena way ku dhaawacmeen kadib markii qof isku soo xiray walxaha qarxa isku qarxiyay maqaayad ku taala dibadda dugsiga tababarka booliska ee Janaraal Kaahiye ama Iskool Buliisiya ee degmada Xamar Jajaab ee magaalada Muqdisho.

    Qaraxa ayaa dhacay duhurnimadii iyadoo maqaayada ay alaaba fariistaan dadka deegaanka iyo askarta booliska ee dagan xerada.

    Dhinaca weerarkan isqarxinta ah waxa sheegtay ururka Al-Shabaab oo tilmaamay inay beegasadeen gudaha dugsiga tababarka booliska isla markaana dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmayba ay yihiin askar.

  2. Abiy Axmed: "Maanta ayay ku egtahay muddadii loo qabtay inay isa soo dhiibaan ciidamada Tigray"

    .

    Xigashada Sawirka, ABIY AHMED

    Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa sheegay in howlgalka milateri ee ka soconaya gobolka Tigray uu galay wajigiisii ugu dambeeyay.

    Abiya ayaa sheegay in maanta ay ku egtahay cafis uu u fidiyay ciidammada Tigray si ay mudadaaas isugu soo dhiibaan, illaa iyo haatanse ma ay jirto cid la shaaciyay inay isa soo dhiibtay.

    Ugu yaraan 27,000 qof ayaa ilaa iyo haatan ka qaxay dagaallada kuwaas oo gaaray Suudaan, Qaramada Midoobey waxay ka walaacsan tahay xaaladda banii'aadanimo ee Tigray.

    Dhanka kale madaxweynaha gobolka Tigray ayaa madaxda caalamka iyo kuwa Afrikaba ugu baaqay inay cambaareeyaan dagaalka uu ku eedeeyay inay soo qaadday dowladda federaalka.

    Ra'iisul Wasaare Abiy ayaa ku eedeeyay xoggaga Tigray inay xasuuq ka geysteen gobolka halka eedeymahaas ay beeniyeenTPLF.

    Guddiga xuquuqul insaanka Itoobiya waxay sheegeen in koox gaar ah u dirayaan gobolka si ay usoo baaraan dilalka ka dhacay halkaas.

  3. Pakistan oo ballanqaaday inay qaadici doonto alaabaha lagu sameeyo Faransiiska

    Dibadbaxyada ka dhacay Pakistan

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Dibadbaxyada ka dhacay Pakistan

    Taageerayaasha wadaadka mayalka adag ee Pakistan ee xiray waddooyinka gala caasimadda Pakistan ayaa waxay ogolaadeen in waddooyinka ay furaan kaddib markii dowladda ay ballan qaaday inay qaadaci doonto badeecadaha uga yimaado dhinaca Faransiiska isla markaana ay dalka ka eryi doonto safiirka Faransiiska u fadhiya Pakistan, waa haddii baarlamaanka dalkaas ay ansixiyaan.

    Dadkan ayaa maalmihii lasoo dhaafay dibadbaxyo ka dhigayay halkaas, waxay ka careysnaayeen wargesyka laga leeyahay Faransiiska ee Charlie Hebdo kaas oo dib u daabacay sawir gacmeed laga sameeyay nebi Maxamed N.N.K.H.H.

    Jahwareerkii baahsanaa ee haleelay dadka degan magaalada Islamabad, oo bilaabmay Axaddii, ayaa soo afjarmay - iyada oo wadooyinki dib loo furay adeegii teleefoonadada dib loo soo celiyey.

    Goobjoogayaal badan ayaa shaki ka qaba in safiirka Faransiiska dhab ahaan la eryi doono – iyaga oo soo jeedinaya in heshiiskan uu noqonayo tallaabo asturid ah, dhanka kalena u oggolaaneyo dibadbaxayaasha inay dib u joogsadaan

    Si kastaba ha noqotee, dadka wax naqdiya, ayaa sheegaya in dowladdu ay dhiirrigelinayso kooxda mayalka adag, ee loo yaqaan 'TLP' - oo laba mudaaharaad oo kale oo waaweyn ku qabtay aaggaAS sannadihii la soo dhaafay.

    Tiro ka mid ah dalalka Muslimiinta ayaa arkay dibadbaxyo toddobaadyadii la soo dhaafay - oo ay ku muujinayaan caro ay Ka qabaan majaladda Faransiiska ah ee Charlie Hebdo, iyo Madaxweynayaasha Faransiiska oo ay ku eedaynayeen jees jees diimeed.

  4. Qarax ka dhacay Muqdisho

    Warrarka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax uu ka dhacay maqaayad aan ka fogeyn dugisga tababarka booliska ee Janaraal Kaahiye ama Iskool Boluusiya.

    Booliska ayaa xaqiijiyay inay jirto khasaare dhimasho iyo dhaawacba isugu jira oo ka dhashay qaraxa.

    Illaa hadda lama oga nooca qarax ka dhacay dibadda maqaayadda iyo sidoo kale tirada rasmiga ah ee ku dhimatay ama ku dhaawacantay balse booliska ayaa sheegay inay bixin doonaan faahfaahinta sida waxa u dhaceen goordhow.

  5. Maxay baarayaashan ula safreen madaxyo bini'aadan?

    Profesoor Dame Sue Black
    Qoraalka sawirka, Profesoor Dame Sue Black

    Dame Sue Black oo ah seynisyahan qaabilsan baaritaanada dambiyada ayaa shaaca ka qaaday inay safrisay labo madaxyo oo banii'aadan ah oo ay ku qaadday boorso xiili ay saarneyd diyaarad ka dhaqaaqday Talyaaniga oo ku wajahneyd Scotland.

    Profesoor Dame Sue Black waxaa xilliggaas laga codsaday inay caawiso booliska Talyaaniga si baaritaan loogu sameeyo nin dilaa ahaa bartamihii sagaashamaadkii.

    Waxay sheekadeeda la wadaagtay barnaamijka the BBC's Big Scottish Book Club.

    Waxay sheegtay in laga codsaday in madaxyada ay u qaado Scotland si loo aqoonsado isla markaana barbardhig loogu sameeyo madaxyada iyo sawirrada la hayo, xilliggaas barnaamijka suurogelinayo arrintaas ma laheyn Talyaaniga.

    Dame Sue Black waxay ka sheekeysay dhibaatooyinka ay kala kulantay markii ay safrineysay madaxyada.

    "Marka waxay go'aansadeen in madax kasta ay dhex dhigaan weel daboolan"

    Waxaa qabtay waarddiye ku sugnaa garoonka diyaaradaha Heathrow si uu u baaro boorsaddeeda, waxay u sheegtay waxa ku jiro, isla markiiba waa uu fasaxay.

  6. Geriga kali ah ee laga helo dhulka soomaalida Kenya oo qalab casri ah lagu xiray

    .

    Xigashada Sawirka, Hirola Conservancy

    Geriga kali ah ee inta la ogyahay dunida laga helo duuleedka magaalada Gaarisa ayaa lagu xiray qalab casri ah oo la socda dhaqdhaqaaqiisa, sida ay sheegeen kooxaha ka shaqeeyo ilaalinta duurjoogta.

    Geriga labka ah ee lagu xiray qalabkan ayaa kamid ahaa geri saddex ah oo lagu arkay halkaas, labo kamid ah ayaa waxaa bishii March ee sanadkan koox ugaarsatada ay ku dileen halkaas.

    Raqdooda ayaa markii dambe laga helay tuulo ku taal degmada Masalaani, sida uu xilliggaas BBC-da u sheegay maamulaha seeraha Ishaaqbini.

    Qalabkan ayaa lagu xiray geesaha geriga, wuxuuna saacad kasta soo gudbin doonaa macluumaadka la xiriira halka uu daaqayo.

    Sidoo kale, qalabkan wuxuu la soconayaa dhaqdhaqaaqiisa si looga ilaaliyo dadka ugaarsado duur joogta.

    Seeraha Ishaaqbini oo uu ku nool yahay gerigan ayaa ka codsaday waaxda duur joogta Kenya in geriga lagu xiro qalabka si loo ilaaliyo badqabkiisa.

    .

    Xigashada Sawirka, Hirola Conservancy

  7. "Waxa ka socda Tigray ma ahan dagaallo sokeeye"

    Wasiirka arrimaha dimuqraadiyadda ee dalka Itoobiya, Zadig Abraha ayaa sheegay in dagaallo sokeeye aysan ka socon gobolka Tigray halkaas uu haatan ka socdo dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka iyo xoggaga TPLF.

    Wasiirka ayaa BBC-da u sheegay in dagaalkan uusan ku fidin doono gobolka.

    "Shacabka Tigray nalama dagaallamayaan, waxay hoos ku nool yihiin maamulka militeriga ee kaligii taliska ah ee TPLF, waa sababta aan u leenahay waxan ma ahan dagaallo sokeeye, waxaa arrin laga naxo in shacabka la barakiciyo isla markaana lagu qasbo inay u qaxaan dhinaca Suudaan, waa tallaabo ay TPLF ku dooneyso inay kusoo jiidato indhaha caalamka ee ku saabsan dagaalka" ayuu yiri wasiirka.

    Arrintani ayaa kusoo beegmeysaa xilli madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni iyo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ay ku baaqeen in labada dhinac ay wadahadallo yeeshaan si dagaalka loo joojiyo.

  8. Abiy Axmed oo sheegay in uu diyaar u yahay in uu qaabilo dadka ka soo qaxaya Tigray

    Kumaanan qof ayaa ka qaxay gobolka Tigray kuwaas oo gaaray Suudaan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Kumaanan qof ayaa ka qaxay gobolka Tigray kuwaas oo gaaray Suudaan

    Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed wuxuu sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay in uu qaabilo kumaananka qof ee qaxootiga ah ee kasoo qaxayo gobolka Tigray halkaas oo uu dagaal ku dhexmarayo ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan TPLF.

    Wuxuu wacad ku maray in uu difaacayo hantidooda isla markaana uu xaqiijin doono dib usoo celinta amniga gobolka, sida laga soo xigtay qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka.

    Qaramada midoobey waxay sheegtay in ku dhawaad 20,000 qof ay kasoo qaxeen dagaallada ka taagan Tigray kuwaas oo haatan gaaray dhinaca Suudaan.

    Dowladda Itoobiya waxay ku gacan seyrtay baaqa ah in wahadallo lagu dhameeyo dagaalka.

    Abiy wuxuu sheegay in howlgalka militeri uu sii socon doono tan iyo kala dambeynta dib loogu soo celinayo gobolka.

    Wuxuu sheegay in howlaha gurmadka ah ee loo fidinayo shacabka ay garab siin doonaan militeriga balse ma kala cadda sida ay arrintaas ku dhaqan geli doonto maadama ay dagaallada weli socdaan.

    Dhanka kale, ciidamada Itoobiya ayaa sheegay in ay la wareegeen gacan ku heynta magaalo istaraatiiji ah oo ku taalla koonfurta gobolka Tigray halkaas oo uu dagaalka ka socdo.

    Magaalada Alamata- ayaa dhacdaa gudaha Tigray kaddib markii ay isaga baxeen xooggaga TPLF.

  9. Jabuuti oo war ka soo saartay dagaalka Tigray

    Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo la kulmay wafddi ka socda Itoobiya
    Qoraalka sawirka, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo la kulmay wafddi ka socda Itoobiya

    Dowladda Jabuuti ayaa ku baaqday in wadahadal lagu dhameeyo dagaalka ka socda gobolka Tigray isla markaana ay diyaar u tahay dadaal kasta oo nabadeed oo lagu soo afjarayo dagaalka u dhexeeyo TPLF iyo dowladda dhexe ee haatan ka socda gobolkaas.

    “Jabuuti waxay si buuxda u taageereysaa midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee jamhuuriyada dimuqraadiga ee federaalka Itoobiya” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay dowladda.

    Waxay sheegtay in si weyn ay uga walaacsantahay dagaallada.

    Arrintani ayaa ka dambeysay kaddib markii madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu shaley qaabilay wafddi ka socday Itoobiya.