Gobol uu Biden ku guuleystay oo codadkiisa dib loo tirinayo

Xigashada Sawirka, Reuters
Mas'uuliyiinta gobolka Georgia ee dalka Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in mar kale dib loo tirin doono dhammaan codadkii doorashada madaxweynaha ee gobolkaas laga dhiibtay.
Qaabka tirinta ayaa noqon doona mid gacanta loo adeegsado.
Xog hayaha Georgia, Brad Raffensperger, ayaa warfidiyeenka ku yidhi: "Waan xisaabi doonnaa warqad kasta - cod kasta oo la dhiibtay, mid walba oo ka mid ah codadkii sida sharciga ahayd loo soo gudbiyay."
Tallaabadan ayaa ah tii uu Talaadadii codsanayay ololaha Trump.
Gobol kasta oo ka tirsan Mareykanka wuxuu leeyahay sharci u gaar ah oo ku saabsan dib u tirinta codadka, laakiin waxay ka siman yihiin in codadka mid mid loo xisaabiyo.
Meelaha qaarkood codadka ayaa gacanta lagu tiriyaa si loo hubiyo in qalabka tirinta loo adeegsado uu si sax ah u shaqeynayo.
Hase yeeshee, waxaa dhif ah in dib u tirintaasi ay wax ka baddasho natiijadii hore.
Waxaa xusid mudan in xitaa haddii uu Biden ku guul darreysto gobolkaas, oo uu horay u qaatay, uu wali heysan doono codad gaadhaya 270 oo ku filan guushiisa madaxweynenimada.
Waqtiga kama dambeysta ah ee gobolka Georgia uu u heysto natiijada ugu dambeysa ee doorashada waa 20-ka bishan November.
Ololaha Trump ayaa horay u sheegay inay sidoo kale dalban doonaan dib u tirinta codadka gobolka Wisconsin.
Barfasoor Richard Briffault, oo cilmiga sharciga ka dhiga jaamacadda Columbia, ayaa BBC-da u sheegay in sanadkii 2016-kii dib u tirinta codadka laga sameeyay Wisconsin, waxa isbaddalayna ay ahaayeen dhowr boqol oo cod.
Dhanka kale, madaxweyne Trump ayaa markii ugu horreysay tan iyo intii ay doorashada dhacday kasoo muuqday meel fagaare ah, isagoo ka qeyb galay munaasabadda xuska halyeeyadii Mareykanka, oo ka dhacday meel u dhow Washigton.
Waxaa wehlinayay xaaskiisa Melania iyo madaxweyne ku xigeenkiisa Mike Pence iyo xaaskka Mr Pence.












