You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Soomaaliya oo beenisay in Al-Shabaab ay sii daysay dhaqaatiir u afduubnaa

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Itoobiya 'oo diidday in diyaarado ay dul maraan biyo-xireenka Nile'

    Itoobiya ayaa diidday in diyaarado ay dul maraan biyo-xireenka Nile, sida laga soo xigray website gaar loo leeyahay.

    "Agaasimaha guud ee waaxda duullimaadyada korneel Col Wesenyeleh Hunegnaw, ayaa barta Reporter u sheegay in wada tashi ay la sameeyeen waaxda ammaanka kaddib, la joojiyay in diyaarado ay dul maraan gobolka Benishangul-Gumuz [waqooyi-galbeed Itoobiya] halkaas oo ah meesha laga dhisayo biyo-xireenka," ayaa lagu sheegay warbixinta website-ka.

    Wuxuu sheegay in diyaaradaha rakaabka iyo kuwa alaabta aan midna loo oggolaan doonin inay dul maraan biyo-xireenka, balse xaaladaha qaar ayaa loo oggolaan doonaa.

    Taliyaha ciidamada cirka dalkaas, janaraal Yilma Merdasa, ayaa sidoo kale toddobaakdii hore ka digay in ciidamada cirka ay casriyeeyeen diyaaradaha dagaalka isla markaana ay awoodaan inay biyo-xireenka ka difaacaan weerar walba oo cadowgooda uga yimaada.

    Biyo-xireenka lagu muransan yahay, oo la filayo inuu noqdo kan ugu weyn Afrika, ayaa sababay inuu xumaado xiriirka Itoobiya iyo Masar iyo sidoo kale Suudaan.

  2. Maxkamad ku taalla Kenya oo qaadeysa kiiska weerarkii Westgate

    Maxkamad ku taalla Kenya ayaa maanta lagu wadaa inay qaaddo kiiska saddex nin oo ku eedeysan inay caawiyeen maleeshiyaadkii weerarka ku qaaday dhisme laga dukaameysto oo ku yaalla acasimadda Nairobi, sanadkii 2013.

    Ugu yaraan 67 qof ayaa ku dhimatay weerarkaas oo lagu qaaday dhismaha Westgate.

    Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarkaas. Kenya ayaa sheegtay in raggii geystay weerarka ay ku dhinteen gudaha dhismaha.

    In ka badan 140 marqaatiyaal ah ayaa ku marag furtay raggaasi, inkastoo eedeysanayaashu ay beeniyeen.

    Kenya ayaa feejignaan dheeri ah ka muujineysa weerarro laga geysto gudaha dalkeeda iyadoo ciidamo milatari ah ay ka joogaan Soomaaliya kuwaas oo dagaal kula jira Al-Shabaab.

  3. Mukhallasiin badda Jabuuti ku daadiyay muhaajiriin ay doon ku wadeen

    Hay`adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha muhaajiriinta ayaa sheegtay in ugu yaraan siddeed qof ay dhinteen halka 12 kalena lagu la`yahay badda, kaddib markii mukhallasiin la socday ay ku daadiyeen meel u dhow xeebta Jabuuti.

    In ka badan 30 qof oo doonta saarnaa – oo loo maleynayo inay Itoobiya ka soo jeedaan – ayaa isku dayayay inay ku laabtaan Bariga Afrika iyagoo ka yimid Yemen.

    Afhayeen u hadlay hay`adda IOM ayaa sheegay in 14 qof oo badbaadday haatan lagu daweynayo Jabuuti.

    Ilaa 14,000 oo muhaajiriin Afrika ka soo jeeda ayaa ka xayiran Yemen, kuwaas oo isku dayaya inay ku laabtaan dalkooda, kaddib markii uu Sacuudigu ka soo ceyriyay dalkiisa, si uu u xakameeyo xanuunka safmarka ah.