Kaddib maaddadii ammonium nitrate ee ku qaraxday Beyrut oo ay ku
dhinteen in ka badan 200 qof ayaa waxaa haatan isa soo tarayaa walaaca ku
saabsan halka lagu keydiyo kimikadaas.
Kimikadan waa mid si weyn looga adeegsado dunida gaar ahaan bacriminta
ama waxyaabaha qarxa ee lagu soo saaro macddanta.
Balse
waxaa jiraa shuruucyo adag oo ku saabsan halka iyo waqtiga goob lagu keydinayo.
Inta badan waxaa
lagu keydiyaa goobo qarsoodi ah maadama ay jirto suurtagalnimada ah in laga
sameyn karo qaraxyada.
Ku dhawaad 740 tan oo maaddada ammonium nitrate ayaa lagu keydiyay
goob deegaan ah oo qiyaastii 20 kiiloomiitar u jirta magaalada Chennai oo ah
mid kamid ah magaalooyinka ugu weyn Hindiya, muddo 5 sanno ah ayay halkaas ku
keydsan tahay.
Mas’uuliyiinta gobolka koonfurta ee Tamil Nadu ayaa dacwad ka
gudbiyay shirkaddii maaddada ammonium nitrate ka kentay Kuuriyada Koonfureed
sannadkii 2015-kii, taas oo ku anddacootay in loogu talagalay maaddadaas
bacriminta.
Xeer ilaaliyaha guud ee Yemen ayaa amar ku bixiyay in la baaro warar ay warbaahinta sheegayeen oo ahaa in 100 konteenar oo ammonium nitrate ah lagu keydiyay dekedda magaalada koonfurta ku taalla ee Cadan.
Waxay sheegeen in kimikada lasoo geliyay dalka saddex sano ka hor isla markaana ay gacanta ku dhigeen ciidamada Sucuudiga ee taageerayo dowladda Yemen.
Dowladda Ciraaq waxay amar ku bixisay in dib u eegis deg deg ah lagu sameeyo walxo halis ah oo lagu keydiyay dekedaha iyo garoomada diyaaradaha ee dalkaas, waxay ogaadeen in ammonium nitrate lagu keydiyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Baqdaad.
Ka hor inta uusan qaraxa ka dhicin magaalada Beyrut, shacabka ku dhaqan magaalada Newcastle ee gobolka New South Wales ee dalka Australia waxay codsanayeen in kimikada ammonium nitrate oo lagu keydiyay meel 3 kiiloomitar u jirta magaalada laga raro halkaas.
Waxaa bilowday baaritaan ku saabsan maaddada ammonium nitrate oo si weyn loogu keydiyay dekedaha ku yaalla Lincolnshire iyo Immingham iyo sidoo kale goobo kale oo ku yaalla gobolka Humber.
Waaxda ABP oo maamusha goobahan ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta dekedaha UK ay tahay inay raacaan shuruucda adag isla markaana ay xaqiijiyaan in kimikada meel wanaagsan lagu keydiyo iyadoo la ilaalinayo ammaanka.